Sirdoon waa hawl-gal; ujeedadiisu tahay, badbaado bulsho, waa laan ka mid ah, laamaha dowladda, waliba halbowle u ah xasilinta iyo amniga waddanka. Dal quwad iyo awood leh, haddaad dheehato, lugaha uu ku taagan yahay, waxaa ka mid ah, hay’adaha sirdoonka.


Wardoonku ama sirdoonku magaca wey-wadaagan balse way ku kala duwanyihiin shaqada iyo ujeedooyinka loo aas-aasay.

MOSSAD oo ah laanta sirdoonka ee ugu saraysa Israa’iil, waxa aaas-aasay, ahdaaftana u dajiyey raysul wadaarihii ugu horeeyey ee Israa’iil, lana oran jiray David Ben Gurion, hadalkiisii waxaa ka mid ahaa “dalkaan, laga soo bilaabo abuuritaankiisii, waxaa ku hareeraysan cadow, sirdoonku waa safka hore ee difaaca, waa inaan ogaano, waxa kasocda hareerahayaga. “Israa’iil, waxay boobtay dhul dad Muslimiin ah leeyihiin, waxaa ku hareeraysan oo jiho walba kaxigga, waddan Carbeed oo Muslim,  yahuud iyo Muslim xajiin baa iskumarsan.

Si ay u badbaadaan, waxay xoojiyeen, sirdoonka, illaa ay gaareen, in madaxwayne dhan, oo waddan carbeed xukuma uu noqdo basaas, xogta usoo gudbiya Israa’iil, meelkasta, waxaa u yaal, war-fidiyeen aan cidina ogayn, illaa ay yeesheen laamaha sirdoonka ee adduunka ugu xooggan.

Hawlgallada sirdoonku waa kuwa ugu khatarta badan dowladda, sida magacuba kutusinaayo, kuwa howlgalka ama shaqada qaran islawada, baan is aqoon ama Isfahan sanayn, waxaa laga ilaaliyaa, fudayd shaqo iyo dhac-dhaca.

Dowlad kasta, waxay leedahay labo ama saddex laamood oo sirdoonka iyo daba-galka u qaabilsan, tusaale USA, CIA, FBI iyo NSA, waxaa ugu magacdheer CIA oo dibadda qaabilsan balse waxaa ugu halisbadan NSA, daba-galka aad bay ugu dheeraysaa. Waddanka Pakistan, waxuu leeyahay, wakaalad dhisan oo sirdoonka u qaabilsan, waxayna ku jirtaa haay’adaha sirdoonka caalamka kuwooda ugu sarreeya, laantaas waxaa lagu magacaabaa ISI.

Ingiriiska, waxuu leeyahay MI6 iyo MI5 oo arimaha Sirdoonka u qaabilsan, midana waa dibadda (MI6), tan kalena (MI5) waa gudaha. Israa’iil waxaa ugu caansan MOSSAD, balse waxaa jira labo laamood oo lakala yiraahdo AMAN, oo ah sirdoonka dhaq-dhaqaaqa militari, iyo shet’bet oo gudaha qaabilsan.

Markaan kusoo noqdo raadkeygii hore.  Sirdoon waa gardaadshaha xasilinta amniga iyo burburiyaha cadowga waddanka, hellidda xogta, waxay lama huraan u tahay, ficil qaadidda munaasibka ah.

 Dagaalka Ruushka iyo Maraykanka waxaa laf-dhabar u ah Sirdoonka iyo soo gudbinta xog xaqiiqo ah. Waxuu sirdoonku kuu sahlayaa, inaad tilaabo tilaabo ula socotid cadowgaaga iyo dhaqdhaqaaqa ay waddaan, waxaadna ka hortagi kartaa, tilaabo kasta bulshada iyo karaamada waddanka lagu wax yeelaynayo.

Madaamaa la maraayo duni casri, sirdoonku, waxuu la jaanqaadey tiknoologiyadda cusub, waxaa wardoonadaan loo adeegsadaa

Stuxnet waa fayras ay si wadajir ah u ikhtiraaceen sirdoonka Maraykanka iyo Israa’iil. Sanadkii 2010, waxay rabeen inay ku wax yeeleeyaan qalabka iyo isgaarsiin ay Iraan isticmaalaysay si ay usamaystaan Nuclear.

tiknoologiyadda sida fayraska ama farsamo kale, tusaale, Stuxnet waa fayras ay si wadajir ah u ikhtiraaceen sirdoonka Maraykanka iyo Israa’iil. Sanadkii 2010, waxay rabeen inay ku wax yeeleeyaan qalabka iyo isgaarsiin ay Iraan isticmaalaysay si ay usamaystaan Nuclear.

Fayraskaas, shaqadii loogu tala galay wuu qabtay, wuuna burburshay dhamman makanidihii shaqada wadey sida centrifuges-kii iyo xogtii muhiimka ahayd. Madaxa sirdoon ee waddan kasta waa qarsoodi, waxaa dhacda, markii la doorto madaxa sirdoonka ugu sarreeya wakaaladda sirdoonka, xattaa magaciisa in labadalo, si aan cidina u aqoonsan, Tusaale Putin, magac kale buu ku hawl-gali jiray, markuu ahaa sarkaalka  KBG (waa magacii sirdoonkii midowgii soofiyeeti hadana ladhaho FBS).

Soomaaliyana ninkasta oo laga dhigo madaxa sirdoonka NISA, shaqsi kaska wuu ogyahay, waxuu ka qayb gala xafladaha.

Waa nidaam cusub oo aan kusoo kordhinnay cilmiga sirdoonka. Qof sirdoonka katirsanaan jiray, hadduu ka baxo, sharci ahaan waddanka kama bixi karo, hadduu ka baxana, shirqool milatari baa lagu qaarijin, balse Soomaaliya ahaan Sirdoon waddan kale baa madax sirdoon inoo noqda, dhaq-dhaqaaqa waddanka xafiis kale baa laga dhagaysan.

Fikirkaada Waa Muhiim