Waxaan booqasho ku tagay suuqa kawaanka ee kalluunka Xamarweyne. Waxaan ukuurgalay kheyraadka baddeena laga soo saaro. Runti waxaa aad iicajabisay nimcada kala duwan ee baddeena ku jira.

Kalluunka ay ka midyihiin:

Afkatoobka, Yuumbiga, silqada, toonada, afgaduudka, liibaanyada, taraaqadda, farska,    Summaan, Saynuub,  Baaqad,  Bayaad,  Deerig, Tabadin, Tarraaqad,  Shirwa,  Sakhlad, Dooraab, Khurin, Gaxash, Xirfi, Carabiya, Gushaar, Mariikh, sucbaanka, Sanaani, Shiiraanka ama Shiriid, Daba guncunka, Daambeeriga, Qariibka iyo qeybo libaaxa kamida sida Caydiga, Geelmaayo, Hobobor, Faramugo ama Farabadan, Qubo iyo qaar kale  ayaa aad uyaalay suuqa Xamarweyne ee magaalada Muqdisho.

Waxaa fayl loogu jiray Sida ruux walba ugadan lahaa kalluunka. Dadka ka shaqeeya kalluunka ayaa iisheegay in xiliyada qaar la helo kalluunka. Waxayna intaas igu dareen in kalluun qareedka meesha ka maqanyahay oo xiligiisii lagaarin. Kalluunka ayaa aad qaali u ahaa, waayo dadka ayaa fahmay in faa’idooyin badan leeyahay. 

Hoteelada iyo maqaaxiyadda waaweyn waxa ay gataan libaaxa dhowr sababood midkood

  1. In libaaxu ka jaban yahay kalluunka

  2. In uusan lafo badan lahayn sida kalluunka oo kale

  3. In uu ka weynyahay kalluunka oo aysan isku cad ahayn.

Dhanka kale, waxay dad badan oo dabato ah u diyaargaroobayeen sida uu iisheegay #Sarxaan Muuse in suuq loo helay kalluunka Soomaaliya. Dowladda turkiga ayaa mardhow bilaabaysa in ay dhoofiyaan kalluunka Soomaaliya. Taasina waanu ku faa’iidaynaa ayuu yidhi Sarxaan.  Dad badan oo isugu jira rag iyo dumar ayaa aad uga ganacsada qeybaha kalluunka. Nimcooyinka Alle ku manaystay soomaaliya ayay ka midtahay tani.

Baddeena waxaa ku duugan ama ku jira nimcooyinka ay kamid tahay qeybaha kalluunka, libaax badeedka, qubada, neberiga. Sidoo kale, waxaa aad looga helaa Cambarka, luulka, shidaal ama gaas iwm

Faa’idada uu leeyahay Kalluunka

  1. Waxa uu ka qeyb qaataa korridda maskaxda iyo jirka qofka.
  2. Kalluunka waxa uu ufiicanyahay waddanaha, difaacidda unugyada iyo lafaha dadka.
  3. Waxa uu leeyahay maadooyin gaara oo muhiim u ah neerfayaasha iyo nafaqada jirka.
  4. Waxaa lasiiyaa dadka aan lahayn nafaqada si uu dhiigu usiyaado iyo jirkuna isugu dheelitirnaado.
  5. Waxa uu siifadda kalluunka laga helo uu dawo uyahay beer xanuunka iyo wadno garaaca.
  6. Waxaa laga helaa maadada vitamin D-ga kaas oo inta badan unugyada jirka ay ka qaataan qoraxda haddana dadka aan helin qoraxda waxa ay ka helaan kalluunka fiitamiin D-ga.
  7. Waxa laga helaa maadada loo yaqaan Omega-3 Fatty acid, maadadaas waxay ka qeyb qaadataa isku dheelitiranka unugyada jidhka. Sidoo kale waxaa jira maadooyin soodaaya dheecaanka {Enzymes} kaas oo ladagaalama waxkasta oo jidhka iyo unugyada jirka soo weerara.
  8. Waxa kale oo ufiicanyahay kalluunka timaha, qofka cuna kalluunka timuhu kama bidaan dhakhso mana noqdaan kuwo basaasan.

Laguma soo koobi karo faa’idada uu leeyahay kalluunka, qoraal yar balse waxaan ku talin lahaa in qofkasta asbuucii ugu yaraan isticmaalo halmar sigaara ilmaha marka uu yaryahay halasiiyo si uu  maskaxdiisa ukobco.

 

 

 

 

Fikirkaada Waa Muhiim