Noolaha waxa uu u qaybsamaa laba qaybood oo waa weyn oo kala ah dhir “plants” iyo xayawaan oo ah “animals”. Waxaa kaloo jira fungi caarcaaryada ku samaysanta markii cunto la dhigo. Fangigu waa wax aan xayawaankana ka mid ahayn dhirtana ka mid ahayn oo keligood gaar utaagan. Wuxuuna u egyahay sida caaryada. Cunto haddii meel la dhigo waxaa dusha kaga samaysma caaryo, caaryadaasi waa fungi.

Fungigu wuxuu rabo in uu cuno waa uunuugaa taasna xayawaanka ayuu kaga duwan yahay.

Dhirtu waxay leedahay faa’idooyin badan oo oo aan halkaan lagu soo koobi Karin.

Dhirtana waxa uu kaga duwan yahay malahan wax kalooro fiil ah oo ileyska qorraxda ugama faa’idaysan karo sida ay dhirtu uga faa’idaysato . Inta badan fungiga waxaa lagu qiyaasaa in uu ka badan yahay 72,000 jaad. Waxaa jira noolaha qaar badan oo ilmo aragto ah kuwaasoo lagu arki karo oo kaliya weyneyso. Inta badan noolaha dhirta waxa uu ka samaysan yahay 95% afar shey oo kala ah oksijiin, kaarboon, haydarojiin iyo naytarojiin.

Naytarojiinta waa neefta kowaad ee ugu badan neefaha hawada waxaana lagu qiyaasaa 78% in ay gaarto. Oksijiintu waa neefta labaad ee ugu badan neefaha kale ee nagu xeeran. Oksijiintu waa neefta keliya ee taageerta gubashada walxaha, mana jiro dab baxaya neefta oksijiinta la’aanteeda. Sidoo kale oksijiintu waa neefta taageerta nolosha noolayaasha ku nool aduunka guudkiisa.

Neefaha “noble or inert gases” sida Argon, Helium. Neefaaha hawada wasakheeya sida kaarboon mono ogsaaydh, Haydarajiin Salfaaydh iyo neefo badan oo kale. Dhirtu waxay ka mid yihiin noolaayaasha . Dhirta waxa loo qaybin karaa kuwa bixiya ubax iyo kuwa aan bixin ubax.

Dhirtu waxa ay leedahay ubaxyo u qaabilsan taranka. Ubaxyada dhirtuna waxa ay leeyihiin qaybo lab “male flower parts” iyo qaybo dhadig (female flower parts).

Geedka uu ubaxiisu leeyahay qayb lab iyo qayb dheddig labadaba waxaa lagu kala magacaabaa (bisexual plant) ama (haermophradite). Qaybta lab ee dhirta waxa loo yaqaanaa (Stamen), waxay ka kooban tahay faxalka (Pollen) iyo Miiqa (Anther) oo sare u haya faxalka. Qaybta dheddig ee ubaxana waxa loo yaqaanaa (Carpels) ama (Pistil). Waxay ka kooban tahay fur ubbo (stigma), dhuun ubbo ( style), iyo ubbo ubax (ovary), oo uu beedku ku jiro.

Dhirtu waa aas aaska nolosha dhir la’aani waa nolol la’aan. Dadkii aan dhirtoodda xejisan, waxaa hubaal ah in ay dhakhso ugu noolaan donaan deegaan aan xejindoonin dad, xoolo iyo xasharaad toona.

Faa’iidooyinka dhirtu u leedahay nolosha lama soo koobi karo. Tusaale ahaan ma jirto cid aan si toos ah ama si dadban ugu tiirsanayn dhirta xitaa noolaha ilma aragtada ah sida bakteeriyada, fangas iwm. Waxa jira xiriiro u dhexeeya kheyraadka nool, degaanka, iyo degeneyaashiisa oo ay ka mid yihiin dadka, xayawaanka, geedaha, kaluunka, shimbiraha, noole aan la arki Karin, biyaha, iyo carada. Dhirtu kolka ay dheef-samaysiga ku jirto, waxay siiddeysaa hawada loo yaqaan Oxygen (O2) ee dadku qaato, la’aanteedna aanu noolaan karin. Waxay iyana (dhirtu) dib u qaadataa neefta dadku sii daayo ee loo yaqaan Carbon dioxide (CO2).

Sidaasi darteed, dhirta iyana la’aanteen may jirteen. Sida ay dhirtu cunada u sameysato waxaa laga dhaxla sameynta Borotiin lagu quudiyo xoolaha nool, iyadoo la adeegsanaayo hab kiimikeed ah oo la mid ah, kan ay dhirtu cunadeedu ka sameysato. Sidaas awgeed waxaa dhirtu caalamka u aqoonsaday in ay tahay warshada cunada adduunka.

Cunto samaysigu waa habka noole cuntada u samaysto.

Noolayaashu laba hab midkood ayey cuntada u samaystaan habka keli samaysasho iyo mid ku tiirsani. Cuntada la samaystaa waa waxyaabaha nooluhu u baahanyahay sida fitamiino, borotiino, kaarboohaydrate, baruur, biyo iwm.

Hadaan dib u jaleecno noocyada samaysiga cuntada. dhirtu waxa ay cuntadeeda ka samaysaa biyo (H2o), oksajiin (oxygen) iyo hawada kaarboon dhaay oksaydh (Co2), iyada oo kaashanaysaa tamarta cadceeda (qoraxda).

Dhirtu waa isha koowaad ee laga helo tamarta amase qaybiyaha guud ee tamarta. Qaybaha cuntada ee jirkeenu u baahan yahay waxaa ka mid ah Kaarboohaydaraytka (carbohydrates), borootiinka (proteins), baruurta (fats), fitamiinada (vitamins), macdanta (minerals), iyo waxyaabo kale oo soo raaca.

Kuwaas oo dhammaantood laga maarmaan ah, si looga helo tamarta, ama quwada aynu ku socono iyo koritaanku qofku korayo. Sadexda ugu horeeya waxaa loo yaqaanaa nafaqo (nutrients) Halka qaybaha kale ee vitamiinada, macdanaha, iyo biyaha, iyaguna waa muhiin, waxayna jidhka qofka ka caawiyaan inuu si habsami ah u shaqeeyo. Haydaro-kaarboon (Hydrocarbon)Waa isku dhafka curiyayaasha kala ah carbon (C) iyo Hydrogen (H), iwm.

Kuwaas oo ah curiyaasha ubucda u ah samaysanka saliida ceeydhiin iyo gaaska dabiiciga ah oo ah kheyradka dabiiciga ah ee ku jira dhulka hoostiisa. Isku dhafka labadaas curiye waxaa looga qiyaas qaataa tayada iyo baaxada inta shiidaal ama gaas ah ee dhulka hoostiisa ku jira.

Karbohydratesku waa waxyaabaha jidhkeennu ka helo kulka iyo tamarta aynu ku soconayno. Qaybtani waxay ka kooban tahay laba qaybood oo kale ah sonkor iyo starch (Simple and Complex). Qaybta Sonkorta (Simple) waxa laga helaa khudrada, keegga iyo cuntooyinka macmacaan waxayna si dhakhso ah jidka u siiyaan tamar iyo kulayl.

Qaybta kale ee starchka (Complex) waxa laga helaa, furinka, baastada, baradhada iyo bariiska. Waxayna jidhka siiyaan tamarta uu waqtiga dheer u baahan yahay kuna sii shaqeeyo ee keenta inaan hore loo baahan ama gaajoon. Marka jidhku dheefshiido cuntada kaarbohydrateka ah waxa loo kala jejebiyaa, qaybo yar yar sonkor fudud ah sida glucoseta taas oo jidhkeennu u isticmaalo shidaal si uu tamarta ama quwad u helo. Qaar ka mid ah sonkortaas waxa jidhku ku keydiyaa beerka amaba waxa loo beddelaa baruur taas oo lagu keydiyo maqaarka qofka.

Borotiin-ku wuxuu u sameeysan yahay sidii silsilada taxane ah (polymer), polymer waa erey gariig ah macnihiisuna yahay “Poly” wax badan (many) iyo “mer” waa shey keliya (unit). Waxayna ka sameeysmaan monomers, “mono” waa hal keliya, sida monomers (Amino Acid).

Boratiinka baruurtu waa laba qaybood oo kala ah tan laga helo hilibka xoolaha ama waxa xoolaha ka soo baxa sida subagga (ka hilibka iyo caanahaba) iyo hilibka baruurta leh taas oo loo yaqaan baruurta buuxda (saturated fats).Waxaana ku badan waxa loo yaqaan cholestaroolka.

Nooca labaadna waa tan aan buuxin (unsaturated fats) waxaana laga helaa wixii aan xoolaha ahayn sida khudradda iyo waxyaabaha beeraha ka soo baxa sida saliidda cuntada iyo waxyaabaha lamid ka ah:,

  1. Cunitaanka baruurta badan ee ah nooca buuxa iyo cholestroolku waxay keenaan wadno xanuunka. Fitamiinadu waxay aad muhiim ugu yihiin jidhka, waxaanay ka qeyb qaataan falgalo badan oo ka dhaca jidhka taas oo fududeysa in uu dheefshiidku si fiican u shaqeeyo. Fitamiinada waxa loo qeybiyaa laba qeybood oo kala ah, qeyb ku milanta dufanka iyo qeyb ku milanta biyaha. Kuwa ku milma dufanka waxay kala yihiin A, D, E iyo K, fiitamiinadani si uu jidhku u qaato waa in ay cuntada aad cunaysaa ku jirtaa dufan. Fiitamiinadani waa lagu sumoobaa hadii ay jidhku ku bataan sababtoo ah waxay ku keydsamaan oo ku ururaan jidhka. Jidhkuna iskama saari karo.

Fiitamiinadaani waxa laga helaa cuntooyinka ay ka mid yihiin saliidda, khudaarta wax lagu karsado, hilibka, beerka, subaga, kaluunka iyo beedka intiisa huruuda ah. Fiitamiinada ku milma biyaha waxay kala yihiin sideed nooc oo B fitamiino ah (B1, B2, B3, B5, B6, B12, Biotin iyo Folic acid) iyo fitamiin C.

Fiitamiinadani jidhku wuu iska saari karaa oo waxay soo raacaan kaadida haddii ay ku bataan jidhka sidaas darteed laguma sumoobo kuwan. Fiitamiinadani waxa laga helaa cuntooyinka ay ka mid yihiin khudaarta sideeda loo cuno iyo khudaarta wax lagu karsado, hilibka iyo caanaha. Dhirta roobkana waa laga jirsadaa, qorraxda waa laga hadhsadaa, Midhaha iyo caleentoodana dad iyo duunyaba waa la cunaa oo waa lagu noolyahay.

Waxtarka dhirtu innoo leedahay ma’aha waxaan halkan ku soo koobi karno waxa kaloo ka mid ah.

Qoryaha guryaha lagu dhiso, gaadiid, doonyaha iyo kuwa lagu dhisaba ayagaa laga jaraa. Alaabta guryaha iyo qalabka xafiisyada sida, Kuraasta, miisaska, iyo sariirahana waa laga qoraa. Aqal soomaaliga sida dhigaha, udbaha, darmooyinka, xargaha, iwm ayaa laga sameeyaa dhirta. Warqadaha wax lagu qoro iyo kuwa aan wax lagu qorinba ayagaa laga sameeyaa. Weelka wixii qabo ah dhirta ayaa laga sameeyaa, wixii qoriyana iyadaa laga qoraa. Waxaa kaloo dhirtu ay saameyn weyn ku yeelataa jawiga, cimilada iyo guud ahaan deegaanka waxtar gaar ahna ay u leedahay. Meelba meeshay ka dhir badan tahay way ka roob badan tahay oo weey soo jiitaan.

Biyahana dhulka ayey u qabtaan, dhul aan biyo lahayn, dhir iyo baadtoona kama baxo, oo waa lama degaan, dad iyo duunyana cidi kuma noolaan karto. Dhirtu waxay u sii cimri-dheeraysa rayska, ama qoyaanka (moisture). Had iyo jeer caleemaha dhirtu waxay hawada ku sii dayaan qoyaan uumi ah (evaporation) ka-dibna uumi-baxan joogtada ah waxaa u qaboojiya dhammaan hawada ku xeeran dhulka dushiisa.

Geedaha ku yaal dhulka iyo biya-dhaca buuraha waxay joojiyaan cara-guurka (soil erosion). Dhulka Soomaaliya waxaa 14% daboola keymo, inkastoo 4% oo keliya ay tahay keymo jiq ah. Dhulku intiisa badan waa dhulka loo yaqaanno savanna oo geed gaabka ah.

Dhulka Soomaalida ee daaqa ku habboon waa 45% guud ahaan dhulka dalka uu ku fadhiyo, 13% waa dhul ku habboon beerashada. Soomaaliya waxaa mara xariiqda loo yaqaanno dhul-baraha .

Faa’iidada dhirtu maaha wax lagu koobi karo buug yar dadka badan kiisuna waa garanayaa faa’iidada ay leedahay dhirtu hadii aan la’ilowsanayn ; waxa aynu nahay Ab-Ka-Ab Xoolo dhaqato doogsin raac ah. Xooluhuna faa’iido malaha haddii aanay Dhul-carshina daaqin, Caleemo-habatacayna aanay Gu’ iyo Dayr goosan. Jiilaal baraahsaday haddii aanay Caws helin Ceelna u aroorin.

Haddii hadaba Roob da’o oo Dhulka geedo ka saaro iyadoo hore Abaar loo qabay miyaan Xoolihii-caato liitay Caano dararin?

Afkii kawlka gabayna miyaanay naftu si weyn ugu soo noqon?’ Sararo mac iyo miyaan Subag lahelin? Suuqyadii fadhiyey miyaan la salixin oo Shirqaanta loo atkayn. Doomaha oo Sufunta miyaan la marmarin Dihnada?’ Gaadiidkana laxaydhayn oo Guryaha-hudheelada iyo Bakhaarada lacadayn?’ Dukaamo miyaan la buuxin oo xaggaa iyo xaggaa xoolo loo dhoofin.

Maamulada maxaligga iyo Dawladuhuna miyaanay cashuur-gurin oo carbin-Caafimaadka iyo Waxbarashada.

Hadii hadaba aanay jirin Dhirta-jaadadka badani miyaa faa’iido u timaadaa guud ahaan Noolaha Caalamka (aduunka) gaar ahaana dadkeena raacatada ah. Dhirta ayaa Aqoonyahanada Caalamku ka guraan noocyo Daawooyin-qaali ah. Udgoonka aynu is marmarino, Bukhuurka Guryaha ee sababa muxubada aynu daa’im jecelnahay, xadiyada faytamiinaadka ee jidhkeenu u baahanyahay iyo Tamarta aynu ku shaqayno! ayaa dhammaantood kayimaada Dhirta. Dalkeena ayaa loo yaqaanaa Dalkii Uduga (Land of Punt) Magacaana waxaa keenay oo uu ku la baxay Dhirta qaaliga ah ee Dalkeena.

Qadhaabka Dhirta: Marka laga yimaado noocyada Dhirta ee aynu raashimaysano ee Beerano sida Galayda Hadhuudhka, Sinsinta, Saytuunka, Lawska, Cinabka iyo dhammaan inta kale ee kala duduwan kalana dhadhanka iyo dheecaanada ah. Waxaa jira in badan oo aad la kulantid marka aad saqaafaha-tahay, socotada-tahay, duulaanka-tahay, baadidoonka-tahay , xod-xodashotaga-tahay , xoolo raaca-tahay, arooryo kalaha-tahay.

Kuwaa soo kuu ogolaada in aad sahayatid midhaha:

  • Berdaha
  • Gudda
  • Gomoshaaga
  • Darayga
  • Midh-canyada
  • Dhafaruurta
  • Faramooga
  • Toonka
  • Gobka
  • Heeliga
  • Madheedhka
  • Carablo’aadka
  • Askaxda
  • Gamiinka
  • Guranjaaga
  • Xamaakoowga
  • Gaagabada
  • Maroorada
  • Tindhidhka
  • Cilalka
  • Doonbirta
  • Xaadoolaha
  • Qabcada
  • Xayaabka
  • Xabagta
  • Canbuusha
  • Goosayga
  • Himirta
  • Gacmo-dheeraha
  • Tuke-lalmiska
  • Mulaaxda
  • Quwaaxa
  • Canjeelka.

Iyo qaybo kale oo badan, dhammaana idhahaa ayaa isugu jira kuwo badhi iyo biyo leh iyo kuwo dhuubaan iyo dhuuni fiican leh. macaan iyo dhanaan kii aad doontana aad ka dheefsanaysid waxaadna ku noolaan kartaa inta aad doonto adigoo aan dab saarayn (karsanayn) waana wax ina tusaalaynaya faa’iidada balaadhan ee dhirtu inoo leedahay.

Dhammaan xayawaanku waxa uu ku nool yahay laba arimood midkood. Oo kala ah; Inuu si toos ah dhirta u raashimaysto iyo inuu si dadban u raashinto, isagoo cunaya xayawaan kale oo dhir ku noole ah. Taasina waxay ina tusaysaa in laysugu imaanayo raashimaysiga (cunida) dhirta. Haddii ay tahay Iniinaheeda, midhaheeda, aydhaxdeeda, laamaheeda, badhideeda, iyo xididadeeda.

Hadaba Soomaalidu waxay ku muujisaa suugaan sida looga faa’iidaysto dhirta waxaynuna tusaale u soo qaadanaynaa abwaakii yidhi:

Waxay maqashay Maydhliyo-Goblaa Midho ku yaaliine Inay Himirta muud-muudsatay mihin disaysaaye!

Ama Abwaanadii Idaha u heestay ee tidhi:

Daylo-Xaayooy Mulaax Damal iyo Daraa lagu dhaqay!

Amase Abwaankii tilmaamay sida loo gurto Midhaha ee yidhi:

Xamaakoowgu waa xaab-xaabi!

Midhcanyaduna waa fadh-fadhiiso!

Toona waa Laan qabo oo Laan siida!

Geedaha loo isticmaalo Dhismaha Guriga iyo weelasha (Haamaha) Haamaha iyo geedaha laga qoro oo runtii geedo aad u qiimo badan waqti dheerna ay soomaalidu aqoon u laheyd waxtarkood. Sida adkaanshahooda, nuglaanshahooda, difaaca, cimri dheeraantooda, jileeca, dilaaca, fudeeydka iyo difaaca qoraxda.

Geedahaas qaarkood oo ay ka mid yihiin yoocada iyo goosayga. Farshaxanada haamaha qora marka ay dhameeystiran qorida haamaha way aslaan (Asal).

Yoocada waa geed jilicsan, oo fudud qoridana ku fiican, waxaana loogu xushay, afka iyo salkuba in si sahlan loo toli karo. Marka la daloolinayo aan yeelaneyn wax dilaac ah, biyahana way qaboojisaa, waxayna ka baxdaa dhulka buuraleyda ah (Qari).

Goosayga wuu ka haamo waaweyn yahay yoocadda, wuxuuna ka baxaa dhulka ciida ah. Qabada geedkan waxaa laga sameeyaa weelasha, sida haanta biyaha, hanta caanaha lagu lulo, iyo dhiilaha kala nooca ah ee aan qoriga aheyn. Haddaba noocyada kale ee maacuunta qoriga laga sameeyo, sida hadhuubka geela, waxaa laga toshaa ama laga tidcaa geedka qabada.

Qabada waa la radiyaa, dabadeedna inta la duubo ayaa la feedhaa ama la falkiyaa lagana tolaa hadba nooca weelka la sameeynayo. Weelka qabada ah, sida haanta qabada ah ee biyaha, haanta caanaha lagu lulo, dhiilasha iyo dhiilaha kala duwan ee aan qoriga ahayn. Haamaha yar yar ee caanaha waxaa laga sameeyaa yoocadda, Malmalka, Hadiga, iyo Kaboow.

Dhidin waa geed qaali ah caleentiisuna xooluhu daaqaan xabagtiisuna tahay malmalka.

Xoday waa geed dhego nugul caleentiisana xooluhu daaqaan anfacaad kalena leh sida ooda guriga lagu wareejiyo waayo qotomka dhulka ayuu qaabku leeyahay reerkuna ku jecelyahay.

Asal waxaa lagu aslaa haamaha, waxay oodaa duleelada wayna biyo macaaneeysaa, midabeeysaa (guduud). Haanta marka la aslayo waa biyaha ha celiso.

Qaroon waxaa laga guraa fooxa iyo asalka xooluhuna wajecelyihiin. Dhirta midabka leh qaroon wuxuu la bahyahay (geed quwaaxa) waa geed jilacsan asasha ayaana laga sameeyaa, midabkiisuna waa kafee. Dacarta waxaa lagu dhex kariyaa xargihii, iyada oo loo isticmaalayo midabka madow. Dacartu waa geed-abaareed gaaban oo dhego waaweyn oo dheecaan qadhaadh leh. Dheecaankaas dawo ahaan baa loo isticmaalaa. Soomaalidii hore dheecaanka geedkan ayey leefi jireen si ay ooga hortagaan cudurka duumada oo ay keento qaniinyada kaneecada. Xiliga uu qalalo amaba uu engago waxa lagu madoobeeyaa badhooqda, xadhkaha, dufka iyo maydhaxda kebdaha iyo hararkaba lagu sameeyo. Geedkan wuxuu bixiyaa baal-dacar waqtiga barwaaqada, kaas oo uu kusameysmo dhabaq macaan.

Dacarta dhacaankeeda waxaa laga sameeyaa daawooyinka sida dawada dadku isku da’ yareeyaan, waxyaalaha laysku qurxiyo (Cosmatics), Kiriimyada, saabuunta jidhka, shaambooyinka timaha, iyo waxyaalaha guriga lagu nadiifiyo, kaarbadyada, sibidhka, bustayaasha, musqulaha, dharka, muraayada guriga iyo tan gaadiidka iwm.

Areeg waa geed gaaban waxaa ka mid ah faa’iidooyinka uu leeyahay, waa geed midabkiisu madow yahay. Waa geed ula dhuudhuuban leh, waxaa kale oo u leeyahay qodxo godgodan oo ad-adag. Geedkan wuxuu ka baxaa inta badan meel dhagax leh, geedkan waxaa aad ujecel xoolaha. Geedkan xididkiisu oo aad u qiimo badan qaalina ku ah adeegsiga bulshada soomaaliyeed haddana waxaa kale oo jecel oo qotaa waraabaha kuna geeda goosta.

Geedkan oo leh xidido farabadan oo jiljilicsan waxaa laga helaa faa’iidooyin dhowr ah oo ay ka mid yihiin. Waxaa laga toshaa weelasha caanaha iyo biyaha reer miyiga. Waxaana lagu tolaa weelasha qoriga ah ee dillaaca. Geedkan wuxuu ka mid yahay geedaha lagu daweeyo qaniinyada sunta halaqa gaar ahaan, halaqyada waaweyn ee kala ah, jilbiska, maska iyo abeesada.

Mombeer (koley, Qandi) wuxuu ka sameeysan yahay xargo laysku sameeyay, weel ahaan ayaa loo isticmaali jiray. Waxaa lagu ridan jiray wixii tuul ah, maxaadhka, mudaca, iyo gudumada yar yar oo lagu quraarto (wax lagu qoro).

Gabro (gabro xaradh) waxaa laga sameeyaa dhigaha iyo udbaha, waxaa loogu xushay adeyg, xarka oon galin iyo cimri dheeri. Geedkan waa geed aad u qiimo badan waxaana laga sameeyaa tiirarka shubka ah guryaha saqafkooda kore sida kuwa dabaqyada ah. Waxaana loo isticmaali jiray dhismayaashii hore ee dabaqyada Muqdisho sida xaafadaha Xamarweeyne iyo Shangaani. Sidoo kale Marka iyo Baraawe.

Cadaad waa geed xabag leh caleen badan.

Hareeri – (Terminalia prunioides) waa geed aan qodax lahayn qurux badan oo qaar dheer, waana geed adag waxaana laga sameeyaa tiirarka guryaha lagu dhisto. Wuxuuna ka mid yahay geedaha dhuxusha laga shido waana geedka labaad ee soomaalidu ugu jaceshahay oo ay isticmaalaan dadka dhuxuleeyda ah. Geedka hareeriga la yiraahdo qadowga ka baxaa wuxuu leeyahay magac u gaar ah, waxaana la yiraahdaa (qaji), waxaana laga diirtaa maydhax. Hareeriga waana geed aad u dheer isla markaana leh caleemaha qaadka oo kale. Dhererka geedka sida caadiga ah 7-15m tree ama 2-4m. Waxaa kale oo geedkani ka baxaa wadamada afrika, sida Angola, Botswana, Kenya, Mozambique, Namibia, South Africa, Tanzania, Zambia, Zimbabwe.

Qoolaati waa geed aad u qiimo badan waxuuna ku badan yahay dhulka howdka ah ee jubbooyinka iyo qaybo kamida koonfurta. Waxaana laga sameeyaa alwaaxa waana geed adag oo cimri dheer.

Shawri – (Casuarina equisetifolia) waa geed aad u qiimo badan wuxuuna ku badan yahay dhulka hawdka ah ee jubbooyinka. Wuxuuna ka mid yahay geedaha laga sameeyo alwaax.

Looxa geedkan wuu adag yahay laakiin malaha cimri dheer, waxaa loo isticmaalaa dhismaha. Haddii aad ka goysid hal meter oo dherer ah waxaa laga sameeyaa bowd ama teed qurux badan oo soo jiidasho leh. Dhererka geedka wuxuu gaadhayaa 20m.

Qandal waa geed ka baxa jubbada hoose waana geedaha guryaha laga dhisto.

Alool waxaa laga sameeyaa duur iyo maryo laysku soohay. Duurka iyo mararka qaar dhuyaca iyo dhafaruurta waxaa laga sameeyaa loolka. Sidoo kale waxaa loo adeegsadaa suuman dhuudhuuban oo loo yaqaan Jil, lagana sameeyo harag ama saanta geela, lo’da ama adhiga oo la hoodhiyey iwm. Geedka dhuyaca, madheedhka laamahooda ama xididka qansaxa waxaa laga sameeyaa saabka. Haddaba saabka qeybihiisa waxaa isku haya gadow iyo jilkii ama gedaanta u sameeysan sida garaangarta oo afka saabka ku wareegsan, lagu maray xadhig margiga geela laga sameeyay iwm.

Gob – (Ziziphus mauritiana) geedkan ayaa soomaalída qiimo weeyn u leh, waxaa caleentiisa laga sameeyaa (qasil).

Habalah reer miyiga xiliyadii hore, ee aaynaan reer magaalka noqon timaha ku maydhan jireen. Sidoo kale qasarka diifka loo yaqaan ee wajiga haweenku marsadaan. Xiliga wax walba xumaadaan ayuu miraha hoobaanta la yiraahdo dhulka soo goglaa (dhigaa) oo jilaalka looga baxaa. Meesha aad gob ku aragto biyo ayaa ka dhow, had iyo goor biyuu salka ku hayaa. Lama garaacaan ayaa la yiraahdaa, wuu hadh qaboowyahay, mira wanaagsan, waana geed qurxoon, udubka laga gooyo xar ma galo. Geedkan gobka qofku markuu meydka yahayna lagu meydhi jiray, jidhkiisa si loogu nadiifiyo meydka hadhkiisa la dhigo ma qudhmo. Soomaalida waxay tiraahdaa reerku waa gob, halkaas waxaad ka garan kartaa qiimaha geedku leeyahay. Caleenta gobka waxaa laga sameyn karaa (shampoo) loo isticmaalo nadaafada timaha iyo wixii la mid ah.

Geedka Yicibta waa cunto diyaarsan oo leh sonkor iyo dux, midhaha yicibta waxaa laga miiri karaa saliid loo isticmaalo farsameynta saabuunta iyo midabeynta dharka. Koorta iyo geedaha laga sameeyo oo ah runtii geedo aad u qiimo badan mudo dheerna ay soomaalidu aqoon u laheyd waxtarkood sida adkaanshahooda, nuglaanshahood difaaca, dilaaca, fududeydka iyo cimri dheeraantooda.

Waxaana ka mid ah geedahaas yucub iyo Labi.

Yucub waa geed aan qodax laheyn oo dheer labigana u eg. Geedkan waxaa laga sameeyaa koorta afqalacda, labo carab ayey leedahay, weeyna fududahay, mana dilaacdo wayna dhawaaq dheer tahay. Labiga way ka jabi ogtahay, adkaansho iyo difaac malaha (ma cimri dheera).

Labiga waa Geed dheer oo si mudha oo toosan u baxa, bixiyana ubax yar yar oo qurux badan, udgoona badan. Geedkan waxaa laga sameeyaa koorta rogaalka ama darmad iyo boodaanka waa geed adag oo difaac leh, cimri dheer.

Rogaalkana wuxuu leeyahay labo carab afqalacna wuu yeeshaa ama aleen.

Aleen wuu ka yaryahay afqalacda iskusina waa loo sameeyaa.

Boodaanka waa boqorka koorta wuuna cod dheer yahay, wuxuuna leeyahay hal carab. Gabaygii afdurdur

Darmad Labi ah boodaan duryami oo bir lagu duugay, daaraan Aleen aan lahayn iyo dilaac dheer, dal ka yeedha koortii waxaan daawo u adkeeyey.

Lebiyar geedkani wuxuu ka mid yahay geed nagaadhka, wuxuuna u baxaa saddex nooc oo kala duwan haddana laysku yidhaahdo lebi yar. Nooc waa mid cad oo dhaadheer, waxaana laga yaabaa in uu dad iyo duunyaba qariyo, wuxuuna ka baxaa biyo mareenada iyo carro madowda.

Noocyada kale way gaagaaban yihiin, kuwaas oo uu ugu sii gaabanyahay nooca kabaxa, carro guduuda. Geedkani waa geed aan lahayn gun dheeraata iyo laamo waaweyn midnaba, wuxuuna bixiyaa ulo dhuudhuuban oo kor isu raaca.Wuxuu yeeshaa hal xidid oo dhulka ku fogaada, haddana aan la rujin karin. Geedkan waxaa laga ilaaliyaa inuu ka dhex baxo beeraha, gaar ahaan hadhuudhka, sababtoo ah biyaha ayuu ka nuugayaa, sidaa darteedna hadhuudhkii ayaa sidaa ku dhimanaya. Geedkan xoolaha ayaa aad u jecel, sababtoo ah aad ayuu u buunbuuniyaa xagga cadka iyo caanaha iyo koritaanka lafaha. Geedkani wuxuu leeyahay xajiin lagu caaroodo.

Waadhi (fulaay) waa geed aad uga baxa koonfurta khaasatan jubbooyinka, wuxuuna leeyahay xabag la cuno oo caloosha socodsiisa.

Maraaq (Tuweer) waa geed aad u qiimo badan, waana geed ay xooluhu jecel yihiin abqadda iyo caleentiisa waxaa cuna adhiga iyo geela.

Qurac – (Acacia tortilis) waxaa uu ka mid yahay dhirta qodaxda leh ee ka baxa dhulka saxaraha ama saxara xigeenka.

Timber : Geedkan waxaa loo isticmaali karaa alwaaxyo (loox) dhaadheer, sanduuqyo, tiirar, loox qoyaanka celiya (playwood), qoriga iyo qalabka qoriga rifle, alaabada guriga iyo xafiiska la dhigto, dhismayaasha guryaha, iyo qalabka beeraha looga shaqeeyo. Geedkan waxaa loo isticmaalaa xaabada lashito iyo ka ganacsiga dhuxusha oo suuq fiican ku leh Soomaaliya.

Geedkan wuxuu soo saaraa xaabo iyo dhuxul tayo wanaagsan si kastaba ha ahaatee geekan uma badna isticmaalka dhismaha guryaha, iyo looxda, sababtoo ah wuxuu yeeshaa dulduleelo keymaha geedka qudhaca cabirkooda dhan yahay 3 x 3 m. Marka ay toban jirsadaan waxay dhali karaan halkii hectare 54 tonnes oo xaabo ah iyo 900 kgs raashinka xooluhu cunaan per hectare sanadkii. Waxaa aad u isticmaala dhuxuleeyda waana geeddaha dhuxusha laga sameeyo. Wuxuuna ka mid yahay geedaha cimriga dheer, wuxuu noolaan karaa 200-300 oo sano.

Dyes (asal, rinji) asaleyn, rinjiyeen): Jilifta geedkan wuxuu hodan ku yahay, ashaatida guduudan, ee loo adeegsado, hagaajinta hargaha, iyo sameeynta qada ama anqaasta.

Gisi reeb geedkan aalaaba wuxuu ku badan yahay aaga busbusle ee dhulka jooray loo yaqaan. Waxaana isticmaala dhuxuleeyda inkastoo dhuxushiisu laga fiican yahay oo way qar qaraxdaa. Balanbaal waxaa jira nooc cad oo caleen dhuuban geedkan wuxuu waxtar u leeyahay dadka oo waxaa la mariyaa marka uu qofku dhaawacmo ama nabar gaadho oo dhiig ka yimaado oo waa dhiig joojiye.

Dhiig daar waa geed qodxa badan waana geed aad u adag oo aan la gooyn Karin.

Galool – (Acacia bussei) waa geed aad u qiimo badan, kana mid ah dhirta dhaadheer, caleentiisa waxay baad u tahay dadka iyo duunyada. Geedkan waxaa kaloo uu ka baxaa, wadamada afrika (Ethiopia, kenya, tanzania iyo Somalia). Cimilada uu ka baxo, geedkan oo ah dhulka qalalan aadna u kulul oomanaha ah geedkani waa geed-abaareed.

Wuxuu kordhiyaa nafaqadda ciida, waa geed hadh wanaagsan oo hadhac ah leh, qorigga geedkani waxaa dadku u isticmaalaa dhismaha guryaha iyo qaar kale oo badan. Qodxihiisa qaar ka mid ah oo layidhaahdaa cambuul waxa la cunaa xilliyada gu’gii kolka uu dhulku barwaaqada yahay.

Midhaha uu geedkaasi bixiyo oo layidhaahda dhimbiil waxa cuna xoolaha. Maydhaxdiisuna waa macaan waana la calashadaa. Waxaana laga soohaa xadhkaha reer miyugu wax ku qabsadaan. Dadka reer guuraaga waxay ka sameeystaan maydhaxdiisa kabdaha aqal soomaaliga. Wuxuuna leeyahay robog macaan oo la cuno.

Asalka dhiilaha iyo haamaha la geliyo, ama guud ahaan wixii qabo ah ee la layeynayaba, isaga ayaa laga saaraa. Udbaha, hangoollada, daab gudimooyinka, iyo samayaha warmaha, hootooyinka iyo murjinnadaba isaga ayaa laga goostaa, madaamaa oo uu dhirta kale ka adag yahay. Laamaha maydhaxda laga diirto ama jawdheer loo yaqaan weelka ayaa lugu cushaa kolka meygaag ama jiic la waayo.

Ninka dherer iyo dhuubni isku darsadana geedkan magaciisa ayaa loogu naanaysaa waxaana loo baxshaa galool. Taasina waxay tilmaamaysaa inuu ninkaasi yahay nin dheer oo dhuuban una ad adag sida galoolka.

Dadkeena waa in wax badan la dareensiiyaa faa’idooyinka beerista dhirta iyo quruxda deegaanka.

Haddaba waxaa haboon in la fahmo muhiimad intaa le’eg oo dhirtu u leedahay noolaha, layskuna taxlujiyo dhowrista, xanaaneynta, iyo abuuridda dhirta.

Waxaan ogsoonahay, xayawaanka iyo xasharaadka deegaankooda laga burburiyo, rug la’aan ayey noqonayaan, ka-dibna sida badan waa dhintaan, iyagoo isku-deyaya in ay la qabsadaan bey’adda ku cusub. Sidaas, ayaa xayawaan badani khatar-ku-galaan ama ku sal-guuraan.

Haddii hal qayb oo ka mid ah bey’adda la dhaawaco ama la dabar-gooyo, waxay samayn ku yeelanaysa wax-walba oo kale.

Arintan si looga hortago waxna looga qabto xaalufinta ku soo food leh guud ahaan soomaaliya, gaar ahaan gobolada mudug, sool, sanaag, gobolada waqooyi qayb kamida koon furta iyo gobblada jubbooyinka ood moodo inay soo wajahday xaalad qatar ah (nabaad guur). Waxaa haboon in la tixgalin weyn la siiyo muhiimada ay leedahay dhirta.

Si loo badbaadiyo xaalufka dabiiciga ah ee dhul-daaqsimeedkii xoolaha iyo baabi’inta degaankii ay ku noolaayeen xawayaanka duur-joogta. Sidoo kale si loo yareeyo jarista iyo gubidda naxariis-darrada ah ee lagu hayo dhirta iyo keymaha iyada oo laga shidaayo dhuxul loo dhoofiyo dibedda.

Falkaas oo ah mid lagu baabi’inaayo hantida ay dadku wada leeyihiin, iyada oo aysan bulshadu wax faa’ido ah ka helin. Haddaba waxba yaanan hadal kugu daalinin ee, dhaqanka Soomaaliyeed sida uuna reer guuraaga iyo miyiga uga maarmin ayuusan duurka iyo duurjoogtana uga maarmin.

Xaalufinta dhirta waa dhaqan aan wali daawo loo helin, walina lama arkin dowlad arrimahaas wax ka qabata.

Ugu dambayntii, dhibaatada degaanka lagu haAyo waa midda ugu halista badan dhibaatooyinka soo wajahay umada Somaliyeed. Si looga hortago aafadan muuqaalka xun leh, waxaan filayaa in ay aad muhiim u tahay in cid walba ogaato mas’uuliyada ka saaran ilaalinta deegaanka.

Dhirtu waxay muhiim utahay isku dheelitirnaanta dabiiciga iyo nolosha bini’aadamka. Dhirta cagaaran waxay samaysaa cuntada taas oo ay quutaan noolayaal aad ubadan sida: duunyada.

Waxaana sii cuna dadka cunto ahaan, dhirtu waxay samaysataa cuntadeeda iyadoo adeegsanaysa walxo in-orgaanik ah sida: kaarboon laba ogsaydh, biyo iyo sonkor hab loo yaqaan footosintasis. Waxayna tamarta ka heshaa ilayska qorraxda. Dhirtu waa warshad waxay soo saartaa dawooyin aad ubadan oo nafci leh.

Dhanka cuntada hadaan ka eegno “ badar, mirro iyo khudrad”. Dhirtu waxay soo saartaa waxyaalo aad ugu muhiima dadka waxaana kamida “alwaaxda, daawooyinka, saliida, naaftada midabka cagaaran ee geedka, cusbada, dhuxusha iyo dhuxul dhagaxda kuwaasoo loo helo dabiici ahaan. Dhirta waxaan ka helaa hoy, hu’ cunto dawo, shidaal iwm.

Fikirkaada Waa Muhiim