In kastoo hadal haynta daabacaadda lacagta cusubi la soo bilaabmatay dawladda cusub ee ku meelgaarka ah (TFG), haddana ka dhabaynta arrintaasi waxay soo if baxday dhowrkii bilood ee la soo dhaafay markii xubno ka mid ah xukuumaddu warbaahinta u xaqiijiyeen in hawshaasi meel fiican marayso. Marka laga reebo waraysiyo dhowr ah oo u badan qaylo dhaan, dhaliillo iyo difaac maahee ma jiraan daraasado cilmiyaysan oo ku aadan daabacadda lacagta cusub iyo wixii dhib ama dheef ay dhabarka ku wadato oo ay soo   bandhigeen xukuumadu. Dhinaca kalle waxaa muuqata in qaar ka mid ah ragga ugu aqoonta iyo waaya’ragnimada badan nidaamka maliyadeed iyo bunuugta Soomaaliya, sidda Bashiir Ciise, Guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee Soomaaliya, iyo dhaqaale yahaanno kalle oo dhowr ihi ay ka digeen daabacaadda lacagtaas.

Qoraalkaan kooban, oo idanka Eebe, iba-fur u noqon doona qoraallo dhowr ah oo aan ku qaadaa dhigi doonno daabacaadda lacagta cusub iyo wixii waxyeelo iyo wax tar ay u yeelan karto dhaqaalaha Soomaaliya, wuxuu wax ka iftiiminayaa ujeeddada ka danbaysa daabacaadda lacagta cusub.
Dhowr jeerba lacag cusub waa la daabacaa: marka waddan ka soo kabto bur-bur dhaqaale sidda sicir-bararka; marka waddan ka guuro nidaam una guuro nidaam kalle iyo marka sare loo qaadayo tayada lacagta.
Haddaan ku hormarno arrinta koowaad, waxaan leenahay, marka waddan ka soo baxo bur-bur dhaqaale, sida sicir barar iyo wixii la mid ah, waxaa badanaa la daabacaa lacag cusub. Ahmiyadda ka danbaysa daabacaadda lacagta cusubina waa in dib loo soo celiyo kalsoonida shacabku ku qabo lacagtaas. Sicir-bararku wuxuu keenaa in dadku ka guuraan lacagtaas oo u guuran lacago kale (sidda doolarka) ama ay lacagtooda geliyaan hanti ma guurto ah. Si haddaba loo soo celiyo kalsoonidii, waa in la sameeyo lacag cusub.

Ahmiyadda labaad oo ka danbaysa daabacaada lacagta cusub iyana waxay salka ku haysaa in la beddello qiimaha lacagta. Tusaale ahaan, waxaad arkaysaa, marka sicir bararku jiro in bangiyadu daabacaan warqado qiimohoodu aad u sareeyo, siddii Soomaaliya ka dhacday 1989-kii iyo 1990-kii markii la daabacay 500 iyo 1000 shilin Soomaaliga, Zimbabwe ka socotay kal hore ama waddamo badan oo caalamka ah ka socotay ka dib dagaalkii 1aad iyo 2aad ee adduunka. Marka sicir-bararka laga soo baxayo oo waddanku ka soo kabanayo waxaa ugu horeeya oo la sameeyo waa in lacagaha laga tir-tiro qaar ka mid ah eberada faraha badan. Meesha markii hore ay jireen warqado qiimohoodu yahay balaayiin, lacagaha cusubi waxay noqdaan lacago qiimohoodu yar-yahay. Tusaalle ahaan, waxaad arkaysaa in Zimbaabwe si ay ula dagaalanto sicir bararka ay bilowgii sanadkii hore daabacday lacago cusub oo qiimohoodu ka yar-yahay marka loo fiiriyo kuwii hore (tusaale ahaan meesha markii hore ay jireen warqado ay ku qoran yihiin 100 bilyan oo doolarka Zimbabwe ah, hadda waxaa lacagahooda ugu badan 100 kun).
Arrinta labaad oo iyana keenta in lacag la daabaco waxay timaadaa marka laga guurayo nidaam oo loo guurayo nidaam kalle. Arrintaan dhowr jeerba waa dhacdaa, marka isbeddel ku yimaado nidaamka dawliga ah ee waddan sidda marka boqor ama madaxweyne xukunka laga qaado, marka dawladi xornimadeeda dib u hesho iyo marka dal kalla ja-jabo. Tusaalle ahaan, markii Sadaam Xuseen, madaxweynihii hore ee Ciraaq, xukunka laga qaaday, khasab ayay ahayd in la daabaco lacag cusub oo uusan ku sawirnayn madaxweynihii horre. Siddoo kalle, markii Soomaaliya xornimada qaadatay khasab ayay ahayd in la beddelo lacagtii daakhiliyada ee la oran jiray Somalo oo la daabaco lacag cusub. Waxaa taas iyana la mid ahayd markii la qoray Af-Soomaaliga oo loo baahday in lacagta cusub lagu qoro af-Soomaali.
Waxay siddoo kalle arrintaani dhacdaa marka waddan ka guurayo nidaam maaliyadeed oo u guurayo nidaam kalle. Tusaale ahaan, markii waddammada Yurub qaarkood ku midoobeen lacagta cusub ee Euro-da, khasab ayay ahayd in la daabaco lacag cusub. Bur-burkii ku dhacay Midowgii Soofiyeetka waxaa sidoo kalle ka dhashay in waddan kasta samaysto lacag cusub. Waxaa iyana arrintaas la mid ah gooni-isu-taagga Soomaaliland.
Ugu danbayn, waxaa lacag cusub la daabacaa marka wax laga beddelayo tayada warqadda lacagta lagu daabaco ama lagu darayo waxyaabo ay adag tahay in la guuriyo (koobiyeeyo). Sida qaalibka ah, warqadaha laga sameeyo lacagaha waxaa laga sameeyaa waxyaabo ka duwan waxyaabaha laga sameeyo warqadaha caadiga ah. Waxaa siddoo kalle lagu dhex daraa waxyaabo muuqda iyo waxyaabo aan si toos ah u muuqan oo ay adagtahay in mashiinada caadiga ah soo saaraan. Tusaalle ahaan, lacagaha intooda badani waxay leeyihiin dun (threads) dhex marsan meelaha qaarkood, sawir aan si toos ah u muuqan in la hoos dhigo nal ama qoraxda lagu fiiriyo maahee (watermark), midabo ay adagtahay in mashiinada caadiga ah daabacaan sidda qalin, cagaar khafiif ah, iwm.
Markasta oo tiknoolojiyadu horumartoba waxaa macquul noqota in qof caadi ahi awoodi karo in uu soo iibsado ama isaguba sameeyo mashiin awood u leh in uu sameeyo lacago 90-99% aan laga sooci karrin lacagtii asalka ahayd. Si arrintaas looga hortago, dhowrkii sanoba, dib ayaa loo daabacaa qaar ka mid ah lacagaha iyadoo mar kasta lagu kordhinayo waxyaabo ay adagtahay in mashiinada sayladaha yaallaa sameeyaan. Waddamada qaarkood, sidda Ustaraaliya iyo Hindiya waxayba hadda lacagahooda ka sameeyaan caag.

Haddaba aan is waydiinee, siddee loo sharixi karaa samaynta lacagta cusub ee dawladda ku meel gaarka ahi ku dhawaaqday? Ma sidda xubno ka mid ah xukuummadu yiraahdeen ayaan ku qanacnaa in ujeeddada tahay in la sameeyo lacag ku daabacan warqado tayo sare leh oo aan la koobiyayn karin; ma waxaan qaadanaa sharaxaadii qaar kalle oo xukuumadda ka mid ihi soo bandhigeen oo oranaysay ujeeddadu waa in dadka loo naxariisto oo laga fududeeyo culayska lacagta oo loo sameeyo warqado xanbaarsan qiime sarre, 50,000 So. Shilin iwm; mise waxaan dhegta u raaricnaa dareenka naxdinta leh ee dadka qaarkiis ka soo yeeraya oo oranaya ujeeddadu waa in albabada loo laabo wixii ka sii harsanaa qarankii Soomaaliyeed.

Idanka Eebe, qormooyinka danbe ayaan ku lafa-guri doonaa si aan u iftiimino ujeeddooyinka dhabta ah ee ka danbaysa daabacaada lacagta cusuab, sharciyadeeda, iyo saamaynta ay ku yeelan karto dhaqaalaha Soomaaliya.

 

Fikirkaada Waa Muhiim