Is-jufeysiga, nin jecleysiga iyo qabiil ku faanka, ku tagri falida awoodeed ee dowlada, jagoon sare oo sida indho beelka loo magacaabaya, saraakiisha magac u yaalka oo lagu raali galinayo beelo gaar ah digreeetana lagu soo saaraya waxa ay horseeday in kheyraadkii dalka in koox magac gaar ah la baxaday ay ku dheefsadaan dadka kalana ay ka qadsoon yihiin waxaa intaasi dheer taladii dalkana ay koox dan guud aan wadin gacanta u gashay.

 Abwaan cabdulle raage taraawiil oo cabirayey dareenka dadkii lagu dulmiyey dalka, cadaalad daridana iftiiminayey ayaa ku maansooday sidan:-

– Qof u yaal wixii loo diroba qaabilaan ahayee

– Qowsaar cid xoola u jira oo qaawan baan ahaye

– Kharash baan saxiixaa anigoon qabihi weydiine

– Qumbaan ilaashaa nin kale qaadadiis sido’e

– Khasnadaha muftaaxooda waa layga qariyaaye

– Qeyrkiis nimuu qalanayoo loo qasdaan ahayee

– Qabuuraha waxaan ugu duwanahay qolofka muuqaahe

– Ha-yeeshee ma quusane wali talaan qaada-dhigayaaye

– Qowleysataa na dul-dhigay qaafil dhagalaahe

– Iyagoo qabiil fidhinayey qaran u heesaane

– Allahayow naga dulqaad adaa qawiyo taaglaahe

Waa Guul-daro in la baal marno dhabihii dowladnimanada iyo aragtida wanaagsan ee ku qotonta haykalka dowladnimo ee Soomaaliya. Waxaase Wali Ayaan Daro ah In Aan Wali Beerin Mirihii Dowladnimo oo dareenkii reernimada, qabyaalada, nin-jeclaysiga iyo xulufeysiga ku sii milmayaan nolosheena siyaasadeed.

Dowladnimo la kala xigsadaa mireheeda waa soo aragnay, oo wali burburkeedu waa kaas raadkeedu sii qoyan yahay.

28 sanadood kadib, in dareenka qabyaaladeed ka sarreeyo keena dowladnimo iyo qabyaaladdii maquunisay ummadnimadii, Waana marka godkii qarannimada iyo umadnimada ay galaan qabyaalada, reernimada,  nin-jeclaysiga iyo xulufeysiga. Sida maanta aynu indhaheenu oo shan iyo shaahid ah ugu aragno.

Waa hubaal, in tabashooyinka ayna yarayn gaar ahaan kuwa darafyada awood qaybsiga siyaasadeed ee talada dalka ku aadani waa muhiim in si taxadar leh loo eego, oo dib loo saxo. Hanaanka dowladnimada, maamul wanaaga iyo isla xisaabtanta la tayeeyaa oo xaalada fadhiidnimo laga saaraa, waa biyo-kama dhib-can.

Fikirkaada Waa Muhiim