Dunida aynu kuwada nool nahay waxa ay soomartay marxalado aad ukala duwan, midkastaana waxa uu watay waayihiisa, arrinkasta oo dhacana waxaa jirtay qaab iyo xeelad lagu maarayn jiray, laguna xalin jiray. Waayo waayo iyo heerar kala duwan ayuu soomaray jacaylka, inkasto ay dadyawga dunida ku kala nooli ay ku kala duwanaayeen xagga dhaqanka.

Soomaaliyana wajiyo kala duwan ayuu ku soomaray iyadoo waliba intii koonkaan jirayba waxaa xaqiiq ah in uu jiray jacayl, waana mid ku uunnaa ummadkasta qalbiyadooda.

Laga soobilaabo xilligii dunidaan la abuuray, aadanaha lagu sharaxay ilaa Xaawo iyo Aadan jacaylku wuu jiray marxalad kasta ha soomaree. Marka laga hadlaayo jacayl, waxaan kawadnaa ama lagu macneeyaa Caashaqa kaaso ku dhaca laba qof oo iscalmaday sida wiil iyo gabar ama si kale haddaan u dhigno lab iyo dhedig dubaaqoodu isa siiyay in ay is hantaan howl kasta ha umareene.

Waa tii uu lahaa qoraaga buuggaan isagoo ka hadlaya jacaylka:

Haddii aan jacayl jirin

Jabad lama wada dageen

Jid lama wada mareen

 

Jiil cusub ma dhasheen

Jiritaanka ummaddana

Shaki baa ku jiri lahaa

 

Jamaal iyo jamaad

Jacayl kuma wada dhasheen

Adduunyadaan ma wada joog nayn

 

Jaan dheer ma wada cayaar neen

Jacaylna ma wada jilnayn

Jaceylkii Horre

Soomaalidii hore waxay ahaayeen dad dhaqan leh, kala danbeeya. Waxaa jiri jirtay in ragga soomaalida safar ugu bixi jireen wadamada aan jaarka nahay ilaa bariga dhexe, carabaha IWM.

Waxaana laysku qabay kalsooni buuxda labada ruux ee jacaylka dhabta ah isku qaba, waxaana lakala maqnaan jiray sanado badan, shakina ma kala gali jirin, qof walba waxa uu aamin sanaa ruuxa kale in uusan burin doonin wacadki iyo balantii adkayd in uu ilaalin doono qofkasta. Wiilka iyo gabadha marka ay haasaawe tagayaan waa ay adkayd in si fudud laysku helo, wiilku waxa uu umari jiray rafaad iyo dhib badan. Gabadhuna sidaa si lamida ayay iyaduna ahayd.

Waqtigii hore xiliga haasawaha waxaa lays waydaarsan jiray hal xiraalo, maahmaahyo iyo maasooyin. Ruuxa la waydiiyaa hadduu garto ama ka jawaabo waxaa ku godnaan jiray far, il gooniyana waa lagu eegi jiray. Tusaale yar oo fudud haddaan sooqaato, nin ayaa u soo haasaawo tagi jiray gashaanti gurigeeda jiifta, waxa uu imaan jiray wiilka guriga gabadha, ka dibna waa kicin jiray isagoo iska dhowraya sharqanta si aysan umaqal dadka guriga iyo ardaaga ujiifa.

Marka ay gabadhu kacdo ayna garato in loosoo shukaansi tagay, waxay samayn jirtay si tartiib ah ayay suxulka umudan jirtay ka dibna saddex su’aalood ayay ku bilaabi jirtay.

Waxayna oran jirtay

  1. Kor maxaa kala timid?
  2. Kaadka maxaa dhigatay?
  3. Maxaa igula kor joogtaa?

Wiilka markaas oo kale wuxuu oran jiray:

  1. Kor waxaan kala imid kaskayga
  2. Kaadkana waxaan dhigtay Kabahayga
  3. Waxaan kula kor joogaa maankayga ama haasaawaan kula kor joogaa.

Mararka qaarna waxaa laysku dhiibi jiray sarbeebooyin midaaso lagu eegayo garaadka wiilka ama gabadha. Haddii wiilka ama gabadhu garato sarbeebtaa waxay ahayd guri gal ah oo lagu hirto ragguna ku goolaaftami jireen. Haddaan sooqaato heesti sarbeebtu ka marnayn ay iswaydaarsanaayeen fanaanadi weynayd Hibo Nuura iyo Cabdo Cali.

Ruux hadduu budo keeno iyo biyo kii la yimaada Allow yaa isku beegga waa isku baahan yihiin. Badweyn roob ku da’aaya baad ka soobixin maayo, ban abaar lagu riiqay Allow yaa iskubeega waa isku baahan yihiine. Aqal banaan laga taagay bartanka tiir ku lahayn iyo udub meel ku basaasay Allow yaa isku beega waa isku baahan yihiine. Daar weynoo la bineeyay, balaaranoo kala jiidan oo wax bidhaabamona lahayn iyo ileys yaala banaan Allow yaa isku beegga waa isku baahan yihiine. Labaddii isla barbaarta, beerkana iska jeclaada, inay sooban dhigaana ka baqaaya jacaylka Allow yaa isku beegga waa isku baahan yihiine.”

Sidaa si lamida ayay dadkii hore isku waydaarsan jireen haasaawe micno ku fadhiya dadkuna ay ka dhaxli jireen murti. Inta badan Soomaalida waxaa lagu tiriyaa wadanka abwaanada, wax kalena ma ahan dadku waxay uqayb samaan mid gabya iyo mid xifdisan , taasna waxay keentay in ay la dhoho wadankii abwaanada. Waayadii hore waxaa adkayd in raggu ku cataabo jacayl ama ku sheekeeyo waxayna ahayd arin ceeb ah qofkii laga maqlo jacayl, inta badana waxay iska ahayd huursan. Qofkii laga maqlo isagoo ku maasoonaya jacayl waxaa loohaystay in uu yahay qof waalan ama nacas sida aad ka dhaxli karto maasooyinki Soomaaliya.

Waxa malahayga ugu caansan dadkuna ka wada dheregsan yihiin aabbihii jacaylka Cilmi Boodhari oo ahaa ruux taariikhda lagu hayo gayiga soomaaliya afkiisa furtay jacayl awgii, gabayo badana u tirshay Hodan oo ahayd gabadhii uu jeclaa. Malahayga haddaan ka sooqaato mid ka mid ah gabayadiisii laga hayo

Cilmi Boodhari waxaa ka mid ah:

Caashaqa haween waa horaa caadil soo rogaye

Sayidkii carshiga fuulay iyo caliba soo gaadhye

Caruurtay sideen meesha iyo Ciise Nebigiiye (CS)

Cidla lagama beermeen dadkoo cuuddi waaxida e

Waxa qaarba cayn looga dhigay hays cajabiyeene

Soomaalida caado xune iguma caydeene

Oo ima canaanateen sidaan cuud ka iibsadaye

Kuwii ii calaacalaayey baan camal tusaalayne

Sida weelka caanaha haddii laabta loo culayo

Bal aan soo cidaade maxaa cunaha dhaafaya

Curuuqdiyo maxa kale dhex geli cadaha hoostooda

Ma cidaamkanaan jabinayaa cunaya dhuuxooda

Inaanse cadaydo mooyee waxaan calalsho lay diidye

Caqliga yaa ka biin tuu Illaah ku cir-cadeeyay

Cimrigayga oon jirin intii lagu ciroobaayey

Mugga inaan caddaadaan ka biqi Canab daraadede

Cududuhu ma naaxaan qofkay talo ku ciirtaaye

Casharkay wadaadu qoreen cudurkaan goyn waaye

Cilmi iyo daawaba doontay oo waayay cilinkiiye

Jeeroonse Canabeey ku helo caafimaad dhimaye

Inaan caad noqdaa baa ka roon caawa saan ahaye

Illeyn caashaq lama maydhi karo kugu cirrooloobey

Markale waa tii uu lahaa Cilmi Ismaaciil Liibaan (Boodhari) gabaygiisii calaacalka aha:

Sidii geel harraadoo wax badan hawdka miranaayay

Oo hara la soo joojiyoo kuraygu heegaayo

Oo hoobey loo qaaday iyo hadal wal-waaleedka

Kolkaad hodan tiraahdaanba waan soo hinqanayaaye

Hadday hawl yaraan idin la tahay aniga way hooge

Ayadaan xabaal lagu ham siin waanan ka hadhayne

Hammada beena baan iri malaha waa la hurudaaye

Hareertayda oo madhan baan is iri haabo gacanteeda

Goortaan hubsaday meel cidla ah inaan ku howshooday

Hoogaansigeedii dambaan soo habaabiraye

U haylhaylay gogoshii sidii halablihii aare

Siday iga halleeyeen maryihii hiifay oo tumaye

Haab-haabtay labadii go’oo shaarkii maan heline

U hamiyey sidii wiil la dhacay kadin ay haysteene

U handaday sidii geel biyaha hoobay loo yiriye

U hagoogtay sidii geesi ay niman ka hiisheene

U hiqleeyey sida naag la yiri huray dalaaqdaaye

Wax aanad haynin ood ku hamidaa hadimo weeyaane

Hoheey iyo ho-heey maxaa hoodaamo la ii geystey

Sida ku cad gabaygaa waxaan ka dhadhansanaynaa in ay yarayd in loo calaacalo dumar jacayl awgiisa. Qofkii lagu arkana waxaa la oran jiray kani waa mid hor liite ah ma naqaan in isla wayni jirtay iyo in ay ceeb u arkaayeen. Jacaylkuna sidiisaba ma yaqaan ceeb, wanaag iyo xumaantoona, mana lahan dhego wax lagu maqlo, mana lahan indho wax lagu arko balse waxa u yaqaan ruuxii uu calmaday oo keliya. Haddaba, waxaa jirtay wayadii hore caqabado waa weyn oo hortaagnaa labada qof oo shukaansiga ka dhexeeyo waxaana ugu weyneyd ma haysan waxa aan hadda haysano oo isgaarsiinta ah. Waxaa laga yaabi jiray in sanadkiiba is arkaan labada qof oo shukaansiga ka dhexeeyo, ama ka badan balse dadkii hore waxaa la tirsan jiray waqtiga, waxaana bartilmaameed u ahaa xidigaha iyo xiliyada.

Dabcan labada qof waxay oran jireen waxaa inoo balan ah biyo gu ama biyo dayreed marka roob da’o ciduhuna ay ku soo guryo noqdaan, ama waxaa la oran jiray xili hebel habeenka uu xigida hebel uu marayo amintuna tahay galinkaa ayaa inoo balan ah meel heblana waa isugu imaan.

Mar mar waxaa dhici jirtay in fariimaha laysugu dhiibo dad safaro ah oo la yiraahdo hebelow fariintaa iga gaarsi heblaayo una sheeg in aan bad qabo halkaasna ku suganahay una soo socdo. Tusaale waxaan usoo qaadanaynaa gabaygii ahaa Saynab waad heli, uu tiriyay abwaan ka mid ahaa abwaanadi hore, wuxuuna yiri:

Saalaxoow adaa soconayoo qaatay salabkiiye

Salaama Allayeelyow haddaad saaxil nabad gaadho

Sawd yar aan ku faro iiga gee Saynab waad heliye

Saqda dhexe habeenkii hurdada waan ka salalaa dheh

Soortana ma cunno aawadaa saa’im saan ahayn dheh

Saddex goorta aan qado ayaan subax quraacdaa dheh

Waxaan sararo weynaa baryahaan samay ka dhuubnaa dheh

Saraawiiisha waa iga bateen igu samaysnaa dheh

Hadba aniga oo soconayaa sare u qaadaa dheh

Salaan qudha haddaad soodirtoo subax la ii keeno

Adiga oo sariir ila fadhiya kama sokeyseen dheh

Sidii aan santari gaadh hayoo saami lagu qaybshay

Sidhka gaadhiyadaan kaa dayaa, saan u taaganahay dheh

Ma samrine sidaad ii ogeyd waan ku sugayaa dheh

Waxaa iyana jirtay oo caqabadaha ka mid ahaa in qofka fariin wadaha ah uu wax ka bedelo qaabkii ama sidii wax loo soofaray. Taasna ay dhib ku ahayd lammaanayaashaas jacaylka isla meel dhigay. Mararka qaar waxaa dhici jirtay in qofka fariin wadaha ah uusan aadin qofkii wax loogu soodhiibay taas ay keento in lakala irdhoobo ama lakala quusto markii wax khabar ah layska waayo.

Inta badan dadkii hore waxaa ugu weyn ee lays fari jiray ahayd maasada qaybaheeda kala duwan iyo hadalo sarbeeb ah uusan fahmayn kan fariin wadaha ah balse ay isla fahmayaan labada ruux ee xiriir jacayl ka dhexeeyo.

Dadkii hore waxay ku wacnaayeen ma lahayn asxaab badan, tusaale gabadhu waxay ahayd mid leh hal saaxiib oo ah gabar wiilkana sidaa si lamid ah taasna waxay keeni jirtay in lays aamino, diradiraale meesha soo galin. Soomaalidu waxay dhahdaa (Dadna waa dadkii hore hadalna intuu yiri), marke jacayl waa kii hore murtidiisiina la tag.

Jaceylka manta jira

Sidda aan ka soo sheekeynay, jacaylki hore ayaa haddana ku kala duwan yihiin jacaylka maanta ah balse waxay ka siman yihiin magaca iyo weedha sida loo dhigaayo.

Waxaad aragtaa in uu qiimo beelay jacaylkii, wiil ama gabadh aan waxba ka aqoon in ay ku hadaaqaan ayna dhahaan waan ku jeclahay muddo yar ka dibna ay dhahaan waan ku nebcahay dadka adaan kugu nebcahay layma kaa tusi karo, waxaad tahay bahal iwm.

 

Waana sababta ubahdilmay jacaylkii xushmada lahaa soo jireenka ahaa, waxaana inta badan dhalintu ugu dheel dheelaan jacayl iyagoo kala garan la’ jacaylka muxuu yahay?

Kaaga sii darane laba ruux oo aan is arag oo ismaqal, xataa aan hayb wadaagin in ay is dhahaan waan is jecel nahay, dadka waan isugu sokeynaa waxaa nahay ul iyo diirkeed. Bal goormaa la is arkay sawtii qofka la jeclaadaa uu ahaan jiray ruux sida qofka caafimaadkiisa loo baaro loo baari jiray wuxuu galo iyo wuxuu gudo la kala ogaan jiray. Waayaabe sidee isku fahmayaan dad aan halow maahane aan is waji garanayn.

Soomaaliduna waxay aad ufiirsata filimaanta hindida iyagoo run mooda waxa ay sheegayaan taasna waxay dhaxal siisay in ay jilaan, wiilka ama gabadha kuu doone ha ahaaatee in uu dhaho waan ku jeclahay la’aantaa ma noolaan karo, noloshu waa mugdi, caafimaadkaygu ma wacnaanayo haddaanan ku helin, ani waan is dilayaa? Waan is daldalayaa, sunbaa cabayaa haddaadan igarab istaagin waayaabe qofka aad sheegayso saw hortaa ma noolayn?

Jacaylka maanta jira dhibta ugu weyn ee haysataa waxaa ka mid ah in qof walbaa samaysto ugu yaraan 30-100 qof ama ka badan oo saaxiibo ah, waxayna u horseeday in jacaylku halkaa ku idlaado waayo markasta uu  siyaadaba saaxiibadaa waxaa badanaya ruuf yaaniinta. Waxayna kala gaynayaan labadii qof oo is calmaday kuna heshiiyay guur iyo in ay guri yagleelaan.

Dhanka kale isgaarsiintu waxay keentay khasaare iyo faa’ido laba qof oo aan is aqoon in ay isbartaan, jacayl wadaagaan hadhowna shalaayay ku dambeyso Maxaa ibaray? Maxaa iikeenay? IWM.

Waxay kala geysay qoysas wada daganaa, waxay dhex dhigtay buuq iyo dagaal joogta ah. Si kale haddaan u dhigo waxay keentay faa’idooyin badan waxay xoojisay in lamaanayaasha isla jilaaya jacaylka ay si toos ah uwada xiriiraan, hadalkana lays deeqsiiyo si wacana loogu damaashaado iyagoo kala jooga qaarado ama isla joogaba. Laakiin waxaa bata kala shakiga iyo waxaa leedahay xiiro kale, waxaad ahayd mashquul yaad la hadlaysay IWM.

Jacaylka sidiisaba waa wax rabaaniyan ah waana lagama maarmaan in aad haysato jacayl, kan ugu wanaagsana waa kan yimaada marka lays mehersado ka dib, lagu dhaqmo daacadnimo iyo muxubi kalgacal ku dheehan tahay.

Fikirkaada Waa Muhiim