Waxaa xusid mudan, in hoos u dhaca dhaqaalaha adduunku ku soo beegmay waqti Soomaaliya la il daran tahay dhaawacyadii ka soo gaaray dawlad la’aanta. Dhaawacyada Soomaaliya ay ka kici la’dahay waxaa sababay: dagaallo aan wax ujeeddo ah lahayn; maammul xumo baahday; kaabayaashii dhaqaalaha oo burburay; hay’adihii dawladda oo meesha ka maqan; sicir barar; xaalufin ba’an oo ku socota bad iyo berri; qashin lagu aasayo bad iyo berri; bara-kicin har iyo habeen ah; faragelin shisheeye; maandooriyayaal qalajiyey dhaqaalihii dalka, dadkii ku riday jirrooyin, noloshii mujtamacana bur-buriyey; hungow siyaasadeed; horseed guracan; marin habow diimeed iyo masiibo aan la aqoon.

Xaggee laga lug bilaabaa? Waxaan leeyahay, dadka ugu horaysa oo mas’uuliyadu ku dhacayso waa dadka horjoogayaasha ka ah dawladda Federalka, Puntland, Jubbaland, Koonfur galbeed iyo Somaliland. Waxaa sidoo kale mas’uuliyad middaas aan ka yarayni ku dhacaysaa waxga adka, odaayaasha, ganacsatada iyo hay’adaha caalamiga ah ee deeqda gaarsiiya Soomaaliya. Dhinaca maammullada, sida hoggaanka Liberia marada dhexda ugu xirtay waa in iyaguna ay ugu horayn dib ugu noqdaan oo wax ka beddelaan kharashaadka ku baxa kooxda hormuudka ka aha maammuladaas. Arrinta labaad waxay noqonaysaa in maammulladu qiimayn dib ugu sameeyaan siyaasadooda dhaqaalaha. Si ay qiimayn u sameeyaanna waxaa lama huraan noqonaysa in daraasado iyo tirokoobyo lagu sameeyo meelaha lacagaha adagi ka soo galaan maammulladaas iyo meelaha ay ku baxaan; waxa la dhoofiyo iyo meelaha loo dhoofiyo iyo waxa la soo dejiyo iyo meelaha laga soo dejiyo; iyo khayraadka u baahan maalgashiga sahlan oo deggaan kasta hodonka ku yahay.

Daraasadahaasi waxay muujin doonaan meelaha ugu badan ee lacagaha adagi ka soo gallaan maammulladaas in ay yihiin dhoofinta xoolaha nool iyo lacagaha ay soo xawilaan dadka qurbo joogta ah. Waxay sidoo kale muujinayaan meelaha ugu badan ee lacagaha adagi ku baxaan in ay yihiin qaadka iyo badeecooyin aan loo baahnayn. Hawsha u horraysa waxay noqonaysaa in sare loo qaado meelaha lacagta adagi ka soo gasho maammuladdaas. Tusaale ahaan, in la badbaadiyo degaanka oo lala dagaallamo xaalufinta lagu hayo degaammada; in la maareeyo daaqa xoolaha iyo guur-guurkooda; in la abuuro hay’ado ku hawlan barista iyo dawaynta xoolaha nool; iyo in suuqyo ka fiican kuwa manta loo iibgeeyo iyo habab ka fiican oo loo dhoofiyo loo helo.

Dhinaca, waxyaabaha ay tahay in si aad ah loo dhimo ama gebi ahaanba la tir-tiro wuxuu noqonayaa qaadka. Qaadka oo la mamnuuco waxaa uu Soomaaliya u badbaadinayaa lacag gaaraysa US$ 1 bilyan sanadkii. Lacagtaasi waxay wax badan ka badan tahay lacagaha Hay’adaha Qaramada Midoobay ku bixyaan Soomaaliya sanadkii. Tusaale ahaan, 2010 haya’dahaasi waxay dalbadeen lacag dhan USD 650 milyan. Marka laga soo tago lacagtaas xad dhaafka ah oo gelaysa waxsoosaarka iyo dib u dhiska waddanka, abuuraysa shaqooyin, soo celinaysa adeegyadii iyo kaabayaashii dhaqaalaha, waxaa sidoo kale ugu yaraan 70% hoos u dhacaya jirooyinka ka dhasha qaadka; waxaa dib u dhismaya qoyskii, waxaa soo baxaya jiil cusub oo leh tarbiyada wanaagsan.

Arrinta saddexaad oo maammulladu samayn karaan waa in ay xoojiyaan ganacsiga ka dhexeeya gobolada Soomaalida. Tusaale ahaan, Soomaaliya waxaa ku yaalla warshado badan oo leh waxsoosaar casri ah sida kuwa soo saara saabuunta, biyaha macaan, qalabka guryaha la dhigto, adeegyada, iwm. Haddii la tir-tiro canshuuraha laga qaado badeecooyinka lagu sameeyo Soomaaliya (canshuurahaasi ha noqdeen kuwa la meeshooda looga qaado ama kuwo laga qaado markay xudduud ka baxayaan oo gelayaan xudduud kale), iyadoo isla markaasna sare loo qaadayo badeecooyinka dhiggooda ah ee ka imaanaya waddammada deriska sida Yaman, waxaa sare u kacaya waxsoosaarka warshadahaas waxay sidoo kale abuurayaan shaqooyin. Tusaale ahaan, magaallada Burco waxaa ku yaalla laba warshadood oo soo saara saabuunta, Ilays iyo Indho-deero. Intaan ka warhayona, labadaas warshadood wax-soo-saarkoodu laba jeer ayuu ka badan yahay baahida saabuun ee Soomaaliya. Sidoo kale saamiga saabuunta warshadahaasi maanta kama badna 20-30%, waayo waxaa waddanka saabuun ku hafiya warshado ujeeddadoodu tahay in ay suuqa Soomaaliya xirtaan oo waliba qaarkood canshuur dhaaf, dhiirigelin iyo maalgelin toos ah ka hela meelaha ay ku yaallaan. Haddii sare loo qaado canshuuraha laga qaadayo saabuunahaas ka imaanaya

Waddammada debeda, iyadoo canshuur dhaaf iyo dhiirigelin loo samaynayo saabuunaha waddanka, waxaa hubaal ah in warshadahaasi abuurayaan shaqooyin fara badan, faa’iidooyin ka badan kan laga helo saabuunta la soo dejiyona laga helayo. Waxaa la mid ah dalagyada ka soo baxa dalka gudihiisa, dharka lagu sameeyo dalka gudihiisa iyo dhammaan wax soo saarka dalka.

Arrinta afraad oo maammuladu samayn karaan si ay u wajahaan hoos u dhaca dhaqaalaha adduunka waa in ay si fiican ula xisaabtamaan hay’adaha caalamiga ah. Meesha maanta, hay’adahaasi sicir barar iyo maammul xumo kaliya ku tallaalaan Soomaaliya, haddii si fiican loola xisaabtamo waxay gacan weyn ka geysan karaan dib u dhiska waddanka. Tusaale ahaan, waxaad arkaysaa laba qol oo tuulo laga dhisay oo la leeyahay waxay ku kaceen USD 25,000. Waa dhisme hadduu ugu bato ku kacay US$ 500. Waxaa sidoo kale wax laga beddeli karaa oo tayadiisa sare loo qaadi karaa noocyada tababarada ee ay geeyaan dalka gudihiisa,  adeegyada ay ka fuliyaan dalka gudihiisa iyo caawimooyinka ay soo gaarsiiyaan dalka intaba.

Waxaa iyana muhiim ah in dib loo yagleelo dhaqan wanaagsan oo ku salaysan iskaashi, isu turid, isu damqasho, iska warqab, wax isi siin, iyo isu naxariisasho. Waxaa la hubaa in haddii dhaqankaasi dib ugu soo noqdo Soomaaliya, in Eebe (SW) inoo barakaynayo waxa yar ee aan haysano, ayna yaraanayso ama meeshaba ka baxayso ku tiirsanaanta iyo baahida loo qabo dalalka aan inoo naxayn.

Haddaan soo ururiyo, waxaan leeyahay, sida kaliya ee Soomaaliya manta ku wajihi karto hoos u dhaca dhaqaalaha adduunka, waa in maammuladu yareeyaan kharashaadka aan loo meel dayin ee ku baxa dhowrka qof ee horjoogayaasha ka ah maammuladaas; in meesha laga saaro qaadka oo fasahaad ba’an ku haya mujtamaca Soomaaliya; in sare loo qaado iskaashiga iyo ganacsiga Soomaaliya dhexdeeda; iyo in si fiican loola xisaabtamo hay’adaha ka hawlgala Soomaaliya. Haddii afartaas shay la sameeyo, xog fara badan oo aan soo ururinay waxay muujisay in dakhliga Soomaaliya sare u kici doono ugu yaraan US$ 1.6 bilyan sanadkii; uu abbuurmi doono hoggaan nadiif ah oo horumar horseeda iyo mujtamac walaallo ah oo is jecel.

Arintaan ayaa wadanka waxay dalka u horseedi kartaa horumar iyo in la helo technologyada casriga ah. Waxaa macquul ah in la helo qurbo joog fara badan oo dalkii kusoo laabatay oo la imaanaayo xirfado iyo kartadii ay ka soo dhexleen qurbaha. Tusaale ahaan Premier Bank waa casri oo la yimid dalka fikrado casri ah. Waxaa la sii heli lahaa kuwaas iyo kuwa kalle oo badan.

Fikradaha qoraalkaan waxa laga soo qaaday qoraal uu qoray Saciid Cali Shire

Fikirkaada Waa Muhiim