Qaaradaha Afrika iyo Yurub waa labo qaaradood oo waxyaabo badan ku kala duwan. Taas oo ay kamid tahay nolosha, dhaqanka, dhaqaalaha iyo maamul wanaaga. Wadamada Afrika intooda badan waa wadamo ka xuroobay gumaystayaasha muddo aan fogayn. Afrika waxay ka koobantahay 54 dal. Waxayna ka wada tirsanyihiin midowga Afrika.

54 wadan oo si toos ah loo aqoonsanyahay waa: Algeria, Angola, Benin, Botswana, Burkina Faso, Burundi, Cameroon, Cape Verde, Central African Republic, Chad, Comoros, Cote d’Ivoire, Democratic Republic of the Congo, Djibouti, Egypt, Equatorial Guinea, Eritrea, Ethiopia, Gabon, Gambia, Ghana, Guinea, Guinea-Bissau, Kenya, Lesotho, Liberia, Libya, Madagascar, Malawi, Mali, Mauritania, Mauritius, Morocco, Mozambique, Namibia, Niger, Nigeria, Republic of the Congo, Rwanda, Sao Tome and Principe, Senegal, Seychelles, Sierra Leone, Somalia, South Africa, South Sudan, Sudan, Swaziland, Tanzania, Togo, Tunisia, Uganda, Zambia and Zimbabwe.

Guud ahaan Yurub iyo Afrika.

Yurub waa qaarada aduunka ugu qanisan marka loo eego daqliga kusoo aadaya halkii ruuxba, waxa intaas sii dheer wadamada ugu qanisan dunida intooda badan waxay ku yaalaan Yurub. Wadamo badan ee kuyaala Yurub waxay heerarka sare ka galeen kuwa ugu wanaagsan xaga kunoolaashaha. Waana qaarada labaad ee dunida ugu yar, taas oo ka dhigan 6,8 boqolkiiba dhulka dunida oo idil.

Yurub iyo Afrika waxa kala bara badda Mediteraniyanka iyo badda Strait of Gibraltar taa oo kala barta Morocco iyo Spain.

Qaarada Afrika waa qaarada labaad ee dunida ugu dadka badan, uguna wayn dhinaca dhulka taas oo kufadhisa 20,4 boqolkiiba dhulka dunida, marka laga reebo qaarada Asia. Afrika waxa laga helaa wadamo barwaaqo ah laakiin aad moodo in bulshadeeda iyo madaxdeedaba ay kafaa’idaysan qayraadka Allah kumanaystay. Inkastoo ay jiraan wadamo baddan ee hada dhaqaalahoodo soo kacaayo oo ay ka midyihiin Itoobiya, Mozambiig iyo Tanzaniya. Dabcan, Soomaaliya waayahaan dambe waxad moodaa inay kasoo wanaagsananayso dagaaladii sokeeye ee soomaray.

Hadiiba wadamada Afrika ay gacmaha is qabsadaan oo ay horumariyaan bulshada jiilka soo koraya iyo wax soo saarka qayraadka dabiicigaa, waxay ku talaabsan kartaa horumar wanaagsan ee waliba ka sareeya tan wadamada Yurub gaareen. Taasna waxa lagu gaari karaa madaxda Afrika oo fursad siiya bulshada kuna hogaamiya maamul wanaag, kala dambayn iyo shaqa hufnaan.

 

Farqiga u dhaqeeya nolosha labadaan qaaradod aad boow u balaaranyahay.

Wadamada Yurub intooda badan waxay leeyihiin nidaam iyo sharciyo u degsan oo ay ku midaysanyihiin iyo mid quseeya kaliya dal walba. Sidda shaqada, safarka, iskaashi dhaqaale iyo ganacsi waa qaybo ka mid ah sharci iyo nidaam ay ku midaysanyihiin in badan ee wadamada Yurub ka mid ah.

Sharciyaas haddii aad fiiriso waa la hormariyaa oo waxbaa laga bedelaa marwalba, waana kuwa si joogta ah loola socdo. Halka wadamada Afrika ay ku yartahay amaba uusan jirin sharci ama nidaam guud ee quseeya dhammaan dalalka Afrika. Hadiiba ay tahay socdaalka, ganacsiga ama iskaashi kale.

Waloow ay jiran heshiis ganacsi oo wadamo badan oo gaaraya 44 dal ee Afrikaan ah ay saxiixeen sanadakaan 2018. Kaas oo lagu kobcinayo laguna horumarinayo qaaarada Afrika, “The African Continental free Trade Area” kaasoo losoo gaabiyay (AFCFTA).

Heshiiskaan lagu hormarinayo ganacsiga, dhaqaalaha iyo waliba shaqa abuurista waxa diiday wadamo badan oo Afrikan ah. Taa waxaa sii dheer ma loo malayn karo in uu sidii larabay u hirgalo qorshahaan, maxaa yeelay hadii aan heshiiska asaga ah aan hirgelintiisa lagu dhaqaaqin, oo waliba aan lagu dhiirogelin bulshada qorshahaan in waxbadan uu bulshada utaraayo, waxa dhicikarta inuu ku dhamaado faa’ido beel iyo burbur.

Ugu dambayntii, Yurub wey ka nolol wanaagsanyahay marka la barbar dhigo qaarada Afrika, taasna waxa keenay horumar balaaran ee kajira qaarada, kaasoo leh dhinacwalba sida cadaalada, daryeel caafimaad, iyo kabida shaqaalaha hadiiba uu dabcan xanuusto ama ku dhacdo shaqo la’aan. Dhinaca waxbarasha waa bilaash ilaa heer jaamacadeed intooda badan Yurub, amaba wey yartahay lacagta waxbashada. Halka dhammaan arrimaha aan kor ku xusay laga helin amaba ay aad ugu yaryihiin dalalka Afrika. Dalal badan ee Afrika ah ayaad waxaad arkee madaxdooda oo lagu eedaynayo musuqmaasuq, danta ruuxa madaxda ah oo kasaraysa midda guud iyo xeerka u degsan wadanka oo lajibiyo. Soomaaliya iyo dhammaan Afrikaba waxan u rajaynaa guul iyo inay isbedel dhaba la imaadaan.

Fikirkaada Waa Muhiim