Jabto waa cudur kugudba galmada.Waxaana sababa bakteeriya magaceeda loo yaqaan nayshiiriyaa gonoreeya (Neisseria gonorrhoeae).

Meelaha ugu badan ee jirka kasaameyso waaxaa kamid ah:

  • Tubada kaadida dibada u soo saarto(Urethra) intabadan ragga.
  • Afaafka hore ee cowrada dumarka.
  • Saxaaxa(cervix).
  • Minka(uterus).

Hanaanka ey Ku Fido Jabtada:

  • Jabtada waxa ey ku fidi kartaa qof qaba cudurkaan in uu galmo lasameeyo qof kale.

Calaamadaha Jabtada:

Cudurkaan waxa uu qofka jirkiisa duugnaan karaa 2 ilaa iyo 14 maalin(incubational period).Siwalbo oo eyo ahaato, waxaalagayaabaa dadka qaar ee cudurkaan kudhacay in aan wax calaamda ah lagu arkin. Taasi macnaheeda ma’ahan in qofkaan uu cudurka gudbinanayn laakiin badalkeeda ayaa saxan oo qofka hadii ey san calaamad kasoo muuqan xitaa wuu gubinkaraa.

Calaamadaha Raga Lagu arko:

  • Kaadida oo gubta xanuunjisana qofka.
  • Kaadida oo yaraata.
  • In malax ama dhiig uu kayimaado xubinta taranka.
  • Barar iyo xanuun in lagu arko.
  • Iyo qanjiro xanuun .

Calaamadaha Dumarka Lagu arko:

  • Qoyaan in uu kayimaado xubinta cowrada dumarka.
  • Kaadida oo gubta xanuunjisana qofka.
  • Kaadida oo yaraata.
  • Qeybta hoos ee caloosha in xanuun saa’id ah laga dareemo.
  • Iyo qanjiro xanuun.

Cudurkaan Hadii Uu Qofka Kudaba Dheeraado Maxaa Kadhalan Kara?

  • Caabuq saameeya dhamaan xubnaha taranka gudaha kujira( dumarka oo kali ah)) pelvic inflammatory disease (PID).

  • Tubooyinka ugxanta oo xirma(blocking of the fallopian tubes).

  • Qofka oo bacrimintiisa yaraata.

  • Mararka qaar qofka waxa uu ku reebtaa dhalmo la’aan.

Gunaanada:

  • Cudurkaan waxaa sababa bakteeriya waana ladaaweyn karaa.

  • Hadii aad calaamadahaan isku aragto latashao dhaqtar.

  • Ha’isku qaadan daawo adigoon dhaqtarkaaga laashan.

  • Hadii aad 2,3 ama 4 xaas aad leedahay geey goobta caafimaadka, illeen cudurka jabtada waxa uu kufidaa galmada waxaana loobadinayaa in ey qabaan cudurka hadii aad adiga qabto.

  • Ka fogaaw galmada xaaraanta ah, waxa ey qeyb katahay sababaha uu cudurkaan kuyimaad.

 

 

Fikirkaada Waa Muhiim