Sahan uu sameeyay taleefishinka CNN iyo hay’ada ORC International ayaa lagu ogaaday in boqolkiiba 30 dadka Maraykanka ah ay aaminsan yihiin in Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama uu yahay nin Muslim ah halka boqolkiiba labaatana la sheegay in aysan aaminsanayn in madaxweynaha Maraykanka uu ku dhashay wadanka uu madaxda ka yahay.

Donald Turmp oo ah nin warfidiyeen caan ka ah dalka Maraykanka ayaa taageerayaashiisa waxa ay kala bar aaminsan yihiin in Obama uu haysto diinta Muslimka halka boqolkiiba 43 taageerayaasha xisbiga Republicanka ay aaminsan yihiin in uu Obama muslim yahay.

Ninka lagu magacaabo Trump oo si weyn uga hadla arrimaha dalka Maraykanka ayaa shaki ka qaba Obama muwaadinimadiisa waxana ay sababtay sanadkii 2011kii xilli uu ku sugnaa aqalka cad ee looga arrimayo Maraykanka in Madaxweyne Obama uu soo saaro shahaadada dhalashadiisa, shahaadada ayaa waxaa ku qornaa in uu ku dhashay isbitaalka Honolulu’s Kapiolani Hospital, August 4, 1961.

Hase yeeshee sahankan ayaa lagu ogaaday in dadka waaweyn boqolkiiba siddeetan ay aaminsan yihiin in uu Obama ku dhashay dalka Maraykanka.

Marka la weydiiyay dadka Maraykanka Halkee ayuu ku dhashay Barack Obama? Ugu yaraan boqolkiiba lixdan ayaa ku jawaabtay Hawaii ama Honlulu.

Boqolkiiba afar ayaa waxa ay sheegeen inay aaminsan yihiin in Obama uu ku dhashay Africa halka Boqolkiiba afar kalana ayba sheegeen in uu ku dhashay dalka Kenya halkaa oo ah wadanka uu Obama aabihii uu ku dhashay. Boqolkiiba hal shacabka Maraykanka waxa ay aaminsan yihiin in Obama uuba ku dhashay Bariga Dhexe.

Boqolkiiba 39 kaliya ayaa waxa ay ku jawaabeen in ay rumeysan yihiin in Obama uu yahay Masiixi ama Christian markii la weydiiyay inay ogyihiin diinta uu haysto madaxweynahooda.

Dadka aaminsan in Obama uu haysto diinta Masiixiga ayaa boqolkiiba lixdan iyo kow waxa ay ahaayeen Democrats. Sanadkii 2004tii oo ahayd xilligii uu Obama u tartamayay Senatka ayaa waxaa soo baxay warar sheegaya in Obama uu qarsanayo diinta Muslinimadiisa.

Obama ayaa la sheegaa in uu maalin walba guto waajibaadkiisa diinta Masiixiga waxana uu dhowr jeer hore meel fagaare ah ka sheegay in uu yahay Masiixi ama Kiristaan.

Fikirkaada Waa Muhiim