Waa Maxay Cudurka Aydhiska “AIDS”?

Aydhis “AIDS” waa koox cuduro ah oo la arko marka dhibaato soo gaadho habka difaaca kaasoo uu wax yeeleeyay feyriska HIV.

  Maxaa Sababa Cudurka Aydhiska?

Cudurka Aydhiska waxaa sababa HIV feyriska loo yaqan kasoo marka horre qofka kudhaca wuxuuna qofka ku sababaa innuu dilo unugyada cad ee dhiigga oo loo yaqaan ”T-Lymphocytes” kuwa oo ay shaqadoodu tahay inay jirka kadifaacan cudurada.

Waxaa uu leyahay cudurka Aydhisku calaamado laga arko qofka  marka uu bilowga ku yahay iyo calaamado laga arko marku cudurku qofka kufaafo .

  Calaamadaha lagu arko oo horre waxaa ka mid ah:

  1. Qandho
  2. Madax xanuun
  3. Barar iyo xanuun kuyimaada qanjirada difaaca
  4. Murqo xanuun
  5. Finan yar yar oo jirka kasoo yaaca

Calaamadaha danbe waxaa ka mid ah:

  1. Bar baro cad-cad oo jirka kasobaxaa (oral hairy leukoplakia)
  2. Misaanka qofka oo si joogto ah isku dhimah(weight loss)
  3. Daal badan(fatigue)
  4. Dhidid habeenki ah(Night sweat)
  5. Nabaro maqaarka sarre kasobaxaa (koposis sarcoma)

 Siyaabaha layskugu gudbiyo cudurkan waxaa ka mid ah:

  1. Galmada
  2. Irbadaha oo loo isticmaalo hal qof ka badan
  3. Hooyada oo canaha naaska kuqaadsiisa ilmaheeda
  4. Dhiig looga shubay qof cudurka qabaa qofkale

    Siddee Cudurka Aydhiska Looga Hortagii Karaa?

  1. Qofka oo ku ekaada gurigiisa xalaasha ah
  2. Wacyi gelin loo sameeyo bulshada loona sharxo wuxuu yahay cudurkan iyo wax yaalaha sababa
  3. Irbadaha iyo makiinadaha ama sakiimaha oo layska ilasho aan lala wadaagin qofkale
  4. Dhiigagga la deeqo oo baaritan lagu sameeyo inta aan loo isticmaalin buukanka.

       Cudurka Aydhisku Maleeyahay Daawo?

Inkastoo dadaal badan  la muujiyey ilaa hadda daawo ama tallal looma hayo cudurkan.Laakiin waxaa jira daawooyin kaalmati ah oo qofka ka caawinayah inuu noolado muddo dheer waxaa kalo ay sahlaan in hooyadu ugudbin HIVga ilmaheeda.

Fikirkaada Waa Muhiim