Sida la ii sheegay waxu dhashay xilli aan habeenna ahayn maalinna ahayn, hooyadii iyo aabihi way isku khilaafeen magaca loo bixin lahaa oo ilaa hadda magac hirgalay malaha, oo markay hooyadii u dhawaaqdo, ee tidhaahdo “waar geeeloooooow hooyo ii kaalay” odayga aabihii ayaa soo booda oo yidhaahda: naa inanka magiciisa ugu yeedh “waar dameerloooow”, kuray maaha doobna maaha, maalintii oo dhan wuu hurdaa habeenkii oo dhanna waa socodaa, afkaana iskuma qabto, asxaabtiisu ciiddaasay kabadanyihiin hadana waligaaba lagama yaabo inaad aragto isagoo cid lasocda.

Hadduu shaadhba xidho badhamadu way kala dheeryihiin, kabaha lama sifayn karo sida shaydaanka…..…oo tolow dee yaa arkay shaydaan kaba xidhan? Adigu mooyi sixunoo gurracanuun sawiro.

Waliigiiba waxay sheegaan inuu habeen salaad cishe kusoo tukaday masaajidka xaafadda, nin ku agtukanayay wuxu ka sheegay sidan: isagoo biyo ka da’ayaan oo hiinraagaya ayuu igu soo ag xidhay, takbiirta cirkaasaa laga qaylinayaa oo sahwibaan ku tukannay salaadda, markii larukuucay ayaa waxa jeebkiisa sare kasoo dhacay boqolaal wax oo kalawada daran, waa caday labada dhinacba lagaga cadayday, baakidh sigaar, cidiya gur,  muraayad yar oo jaba, garfeedh iyo iyo iyo……..…….., ataxiyaadka wuxu taagayay far dhexada, waxa taa kasii daran markii sidaa looga baxay salaadda ayuu gab-gab iyo dad tukanaya oo uu sii jiidhay kagabaxay masaajidka, waan sii eegay, mise saxaarad kadinka masaajidka taallay ayuu kala baxayaa kab dheer oo dacasa oo huruud ah  iyo kab buudha ……….qofkasta oo buudh sitay wuxu is yidhi wallaahi malaa kabtaadibuu qaatay.  Niman ay isku meel seexdaan oo ay ilamaaderyihiin ayaa kasheegay inuu habeen hadray  misna gabyay oo yidhi:

  • Hadda waxad i lee-leedihiin, waallibaad tahaye

  • Iga walla iyo billaha, waan qabaa miyir !

Waxa kaloo laga sheegay maalin uu qof caadiya iska soo dhigay waxay ahayd maalintuu soo xidhay: buudh mad-madow oo kuwan afka dheer ah oo bilaa sharabaado ah, macawis ruugagga u joogta, shaadh cas oo ku dhagsan, tay cad oo dheeeer, cimaamad sucuudi iyo cigaal ku lingaxan, muraayado kuwa cimriga u eeg oo ili kamaqntahay iyo budh madaxa u wayn oo uu gacanta midig ku laalaadsanayay.

Ninkan ilaa hadda lamayqaan qolodiisa, faysbuugga wuu isticmaalaa, sida ay sheegtay inan ay friends ahaayeen oo markii danbe markay comment ay maagayso kabixisay uu block saaray ayaa sheegtay inuu habeen soo dhigay Post uu leeyahay. “Asxaabey waan seexanayaa bustaa isaara, laydhkana iga bakhtiiya” 

Fikirkaada Waa Muhiim