Soomaalidu waxay gacantooda ku samaysan jireen guryaha ay ku noolyihiin kuwaas oo u kala bixi jiray seddex  (3) guri oo kale ah.

1. Laba daryaale “Aqalka arooska”

2. Guri xaas “Aqalka  shan iyo wixii ka badan ay ku noolyihiin”

3. Ganbis “ Aqal soomali u samaysan qaabka Mutulaha”

Sida caadiga ah dhalinyarada iyo Raga xooga ahiba waxa ay seexan jireen ama ku cawayn jireen Ardaaga halkaasoo ay kagana warhayn jireen Reerka iyo Xoolahaba. 

Qalabka dhismaha aqal Soomaaliga

Qalabka dhismaha ee Aqal Soomaaligu wuxuu ahaa mid ay dhamaantii farsameeyeen dadka Soomaalida ahi, iyaga oo aan waxba la soo daggin soona amaanaysan waxaanay adeegsan jirreen waxyaabaha dabiiciga ah ee laga helo Deeggaaanka bal hadaba si aynu wax yar uga ogaano Ilbaxnimadaa iyo Farsamada  cajiibka ah waxaynu soo qaadan doonaa Qalabka iyo Qaybaha guri Soomaaliga.

1. Sahan = indha indhayn (observation)  iyo baaraan dag ka dib halka guriga laga dhiso.

2. Sees/Qodid = waa meesha laga unko shayga ugu horeeya marka la abyamayo  aqalka kaas oo loo adeegsado Sabarad

3. Dhig sineedyo = labada dhigood ee loogu hortaago

4. Dhig geeseedyo = waa dhigo dhinaca loo saaro dhig sineedyada.

5. Dhig afeedyo = waxay ka soo horjeedaan dhigsineedyada waxaay isugu yimaadaan Udubka loo yaqaan Udub Afaaf.

6. Udub geeseedyo = 12 udub oo kala raaca labada dhig geesood.

7. Udub afaafyo = udbo ka kooban lix oo inta badan Afaafka lagu dhiso.

8. Dhig soosaareedyo = 10-12 dhigood oo lagu dhiso aqalka, 4 ka mid ah waxa la yidhaa Dhigo Dhexoosyin waana kuwa ugu sareeya, 4 Dhiggo Baaleedyo waxaanay ka maraan baalaha.

9. Xakab = waxa la dhaafiyaa dhigaha si is waydaar ah.

Inataa ka dib waxa loo galaa heeryada oo ka kooban.

I. Weedhaadhka gaaggaaban = oo laba dhig geesood ah.

II. Saamaha = oo ka kooban laba sooraac dhig sineed.

III. Aloolka daahada ah.

IV. Alool doceed

V. Cawsaska kala duwan sida.

B) Caws xariir ah oo isku joog Todobaale ah oo gala dahada.

t) Daroof oo gasha fooda guriga.

j) Sino saar = wuxuu isku hayaa saanta iyo dhig soo saareedyada xaga danbe.

x) Todobaale =  caws lagu sameeyo docda.

Intaa ka dib waxa bilaabma cawsaska loo yaqaan foodsaaryada aqalka, waanna la xeeraa. Ugu danbayna waxa loo galaa gogosha oo ka kooban saan laga saraysiiyo saliyo.

Tixraacyo: Abwaan cabdirisaaq (oday, Buugga afraad iyo saddexaad dugsiga sarre, Culuumta maansada (saciid hargysaawi)

 


 

Fikirkaada Waa Muhiim