Telkii toronyaha ayay ku hadlleen, waxayna nagu dheheen layrkaa ma ujeeddaan inoo muuqanaya waa ciidamada badda Sudan, hadday ina qabtaana annagana xabsi ayay na dhigayaan idinkana waa iddin tarxiillayaan ee ha hadlina wax iftiin ahna ha shidana, hagaag ALLE mahadii anagoo badqabna ayaanu gaarnay xeebtii abbaare 03:00 pm, dhagxaan oo kale ayaa nalooga daadiyay doontii ALXMDULILLAAH!.

Waxaa xeebta nagu sugayay qolyihii Suudaaniinta ahaa ee nala wareegi lahaa jawi cusub wadanka qallaad ummad kale ayaanu soo gallay nimankii suudaanta ahaa ayaa nala wareegay waxayna nagu rasteeyeen isla waqtigiiba saddex xaajiyadood waanna kalla wareegeen walli ced-ceed masoo bixin gaajadii waxaa noo dheer daal juuc-juuc xanuuno qabbow iyo maryaha oo noo qoyan xaajiyadihii ayaanu saaranahay dariiqu waa raf dhir qodxo badan dhinacyada kaga soo dhawaadaan gawaarida dheegaga ayaan ka lullanaa hebalow geedaha indhaha ka ilaalisho,
heedhe adigu madaxa maad hoos usoo ceshato.

Alxmdulilah mar haddaan berri joogno oo baddii rabbi inaga soo bad-baadshay, Saddex, saacadood kadib waxayna keenneen meel xerro ah (XOOSH) oo ay tahriibta, ku nasiyaan oo ku taalla magaalo la yiraahdo Porto, Suudaan.

Hallkaas ayaa nollol iyo nafba noogu horeysay biyo ayaan helnay, raashin ayaanu si fiican u cunay waanu tabarinnay. Todobo todobo qof ayaa gawaari waa-wayn nalloo saaray illaa Khartuum. Runtii Suudaan waxaan oran karraa waa meesha ugu roon dhibaatooyinka ugu sahlana ay kala kulmaan tahriibayaashu sababtoo ah Suudaan waa xarunta ugu wayn ee saldhiga u ah mukhalasiinta waa xarunta dhexe ee laga maamulo shirkada ka ganacsata dadka nool. Waxayna fadhi u tahay mukhalasiinta ugu waa-wayn. Waxaa gawaarida nalagu saaray waxaad asbuucyo ku nasan doontaan Khartuum balse Khartuum xitaa meel u eg nalama tusin waxaa gaarigii nalagu geeyay tuullo saxaraha cidhifkiisa ah.

Waxay na keeneen tuullo yar oo aanan ahayn Khartuum. Tuulladan waxaa ku nool habar caan ah oo ay cidwalba oo dariiqaan soo martay garanayso waxaa la dhahaa (Maamo Baqeyto) Shaah ayay tahriibayaasha ka gaddaa sidoo kale mobile-dana way kala hartaa,  tan layaabka igu noqotay waxay ahayd tuulladaan dadka deggan hilibka cayriinka ayay ku cunaan dhamaantood waxaa meeshaan la isugu kaano keenay Soomaali kale, waxaanu gaarnay tiro ahaan 54 qof meeshu waa saxare geed maleh, gurina hadalkii daa, maalinkii hadday gaarto waxaa dhacaya dabeyl hanfi kulul wadata bannaan ayaanu fadhinaa biyo nagu fillan ma haysano maalinkii hal waqti ayaanu makaroone yar dabka saaranaa markaanna ciida iyo badarka, ciida ayaa badata kaadi haday ku qabato meesha aad fadhiyo waa inaad ku kaleedhisaa qofka waxyar kuu jirra ma arki kartid dabeysha dhacaysa awgeed habeenkii qabbow daran ayaa soo dhacaya waxaan huwano ma haysano runtii nollasha xun ee meeshan ka jirrta ma aha mid aan qoraal ku qeexi karro waxaanu ku sugnay tuulladan saddex maalmood.

Gaariggii saxaraha: Wakhti maqrib ah ayaa waxaa imaaday gaari HINNO ah waxaanu nahay 54 qof oo Soomaali ah gaarigii ayaa nalagu gurey  iminka ayuu dhaqaaqay gaarigii Bismillah mid madow oo kuwo gariga watta kamid ah ayaa wuxuu nagu leeyahay kiishashka aad ku fadhidaan waa sahaydii aad illaa iyo Libya ku sii noolaan  lahaydeene illaashada, haye Allow Alle naa heblaay meel fiican ma heshay? Haa adiguse meel wacan ma fadhisaa?, iyo haa walaale. Hebalow bacda biyo iiga saar.

Ar ninyahoow sahayda ha inaga dhamaynina, buuq qeylo iyo fowdo Soomaali u nacay, gaarigii saxaraha ayuu afka saaray habeenkii oo dhan waan soconay subax ayay noqotay, bargo hadday gaartayna meel ayay nagu baakimeen waligey isma lahayn meel noocan oo kale ah ayaa dhulka kamid ah waa ciid buuro noqotay aan geed lahayn ishaadu ku daalayso hanfiga ka dhacayo aadan malayn karin, caagada biyaha ah ee gacantaada kujirta haddaadan horey ka cabin aad is oranayso miyaa la karkariyay.

Adigoo hadda cabay ayaad haddana haraadan tahay illaa duhurkii halkii ayaanu joognay xoggaa makaroone ah oo ciid ama saxare u badana ku cunay, casarkii ayaannu ka carownay waxyar haddaanu soconay gaarigii bacaad ayaa liqay imika waa ka dagnay nimankii gaariga watay iyo kuwo naga mid ah gaariga ayay bacaadka ka saarayaan qaar kalena kaadi ayay meelahaa u kulla aadeen, gaarigii waa nooga baxay ciidii waanuna fuulay dhaqaajinay mar 2aad inyar haddaanu socono hadba gaarigu bacaadka ayuu galayaa hadana waa ka degaynaa.

Saxaraha Liibya unbaad maqli jirtaye wali miyaad ku safartay?

Dadka wajiyadooda ma aqoonsan kartid madowga inla gubay ayaad umaleysaa dadkaan inta la xabbaalay miyaa hadana laga soo saaray ayaad is oranaysa  sanka indhaha dhagaha iyo meel kasta oo jirkooda ka mid ah waxaa haraysay ciida saxaraha habeenkii danbe ayay gaartay nimankii gaariga wattay waxay dhaheen halkan ayaa caawa la seexanayaa waxay gaarigii ku baarkimeen meel labo boorood oo saxare ah dhinac,yada ka yihiin qof,walba meel ayuu ciida kala xaartay habeen hadday noqoto qabow darran ayaa imaanaya maalinkiina hanfi kulul. 

Waagii ayaa baryay gaarigii lowriga ahaa ayaa la istaaray qofba meel ayuu isagoo dun-dumo ka aqoon ciida kasoo dhexbaxay gaarigii ayaa si halhaleel ah dhinacyada looga korey waan dhaqaajinay.

Cumarow Cali ma saaray yahay? Haa, agtayda ayuu fadhiyaa. Caashoy boorsadaydii ma haysaa, haa naa anigaa ku fadhiya, haye walaale caagad biyo ah iigu soo Saar. Sahaydii loogu tallo galay 10 berri inaanu kusii noolaano labo maalin ayaanu uga soo dhexbaxnay nimankii gaariga wattay waa nala yaaban yihiin qaabka aan u dhaqmayno marba intay gaariga istaajiyaan ayay  nagu leeyihiin war Soomaaliyeey wixiina yar-yaraysta ma ogtihiin innay kummanaan idinkoo kale ah saxarahan haarad ugu dhamaadeen?!

Mase la socotaan inta maalin ee idiin hartay sidaad doontaan wixiina u isticmaala wallee idinkaa ka shalaayi doona! Walaahi “Soomaali ma xishooto, mana xisaabtanto ee kaliya way baqdaa” waa markaan ogaaday nimanka gaariga watayi waa niman naxaris badan oo aad nooga fakaraya balse maxaa ka danbeyn doonna?

Lasoco qaybaha danbe…..

 

Fikirkaada Waa Muhiim