Marka horre waa maxay cadaalada? Waxaa wanaagsan inaan aqqoon fiican u leenahay sidda ay u wanaagsan tahay ku dhaqanka cadaaladda. Cadaaladda binaanka oo kali kama bilaabato ee cadaaladda waxay marka horre kasoo bilaabataa gurigaada, sidda caruurtaada. Islaamku marka uu ka hadlayo Caddaalada waxa uu siiyaa mudnaan gaara,waxana uu kaga hadlaa aragti saraysa iyo tix-gelin qiimo badan.
Ugu horayn waxa uu ku qeexay islaamku macnaha caddaalada erayo kooban oo si qoto dheer u tilmaamaya caddaalada waxay tahay: Caddaaladu waa  kasoo hor jeedka Dulmiga , waxa looga jeedaa wax kasta oo aan dulmi ahayni waa cadaalad.
Haddii dulmi meesha soo galana cadaalada ayaa ka baxda. Dulmigu waa wax kasta oo si aan ku haboonayn loola dhaqmay, cadaaladuna waa wax kasta oo sidii ku haboonayd loo la dhaqmay, waa isku cagsi.,Waxaa kale oo cadaalada muuqaaladeeda ka mida Sinnaanta, toosnaanta, miisaanaanta, haddii meesha sinaantu ka baxdo cadaaladi ma taalo, hadii toosnaani ka baxdana qalooc ayaa soo gelaya oo cadaaladi jirimayso, hadii miisaanka saxda ahi meesha ka baxana dheeli ayaa soo  baxaya oo cadaaladi ma jirayso.
Si loo gaaro cadaalad waarto uu ku hagaagi karo dalkeena waa inaan meesha ka saarnaa nidaamka 4.5 oo aan waxwalbo ku qeybsanaa sidda ay na farayso Diinteena Islaamka. Dad badan ayaa ka cabsi qabo haddii nidaamka 4.5 meesha laga saaro dad badan oo masaakiin xaqooda waayaan, weyna dhacaysaa midaas maxaa yeelay Soomaalida ayaan wali u carbiyaysaneen inay ku dhaqmaan cadaaladda.
Waxan hadalkeyga kusoo koobayaa dalkaan wuxuu mudo kusoo jiray dhibaatooyin badan oo aan halkaan lagu soo koobi Karin, waxaan soo marnay marxalado kale duwan, balse waxaa wanaagsan inaan noqono dad tusaale fiican ka qaatay dhibaataddii horre ee aan soo marnay, waxaana joognaa wakhtigii aan ka gudbi lahayn dhibaatadaas.

Fikirkaada Waa Muhiim