Shiinaha ayaa wuxuu qiimo dhimis ku sameeyay lacagta dalkiisa, laakiin maxay tahay sirta ku jirto? Inta badan dalalka caalamka waxay aad u jecelyihiin in lacagtooda kor usii kacdo marwalbo si ay u yeelato qiimo fiican. Hoos u dhaca qiimaha lacagta wadamada adduunka waxay tilmaamtaa in dhaqaalo xumo ay ka jirto dalalkaas. Shiinaha ayaa wuxuu ku jiraa dagaal lacageed balse ma yahay dagaalkaan mid uu ku guulaysani doono Shiinaha?


Lacagta yuan ayaa hadda hoos u dhac ku timaaday 0.9 boqolkiiba marka la isku fiiriyo qiimaha  dollarka.Taas bedelkeeda, dollarka Mareekanka wuxuu kor ugu kacay illaa 3.3 boqolkiiba kaga guuleystay mar kalle lacagta loo yaqaano Kuuriyaan iyo 4.2 boqolkiiba Doolarka Singapoor.

“Bangiyada Dhexe ayaa laga yabaa in lagu dhimo sicir-jab ay fududaysay siyaasada lacageed oo wiiqi doonta lacagaha, laakiin hanjabaada ugu weyn waa in Shiinaha Salaxi doonaa dagaalka” dadka falanqeeyayaasha ayaa sidaas leh. Arrintaani ayaa laga yabaa in hoos u dhac ay ku keento qiimaha lacagta Euro 12 boqolkiiba isla sanadkaan gudihiisa. “Tani waa halista ugu weyn dabada ee 2015,” ayuu yiri. David Woo

Bangiga dhexe ee Yurub ayaa wuxuu waday qorsho ay kulla dagaalamaan dollarka Mareekanka. Qorshahaas ayaa waxaa la qorsheeyay bishiii Janaayo ee sanadkaan 2015, balse waxaa soo baxay caqabado kalle oo ay ka mid ahayeen arrinta daymaha ee Gariiga lagu laha, balse wali ay u muuqato in xal toos ah laga gaarin.

Shiinaha ayaa sanadkaan xisaabiyay dhaqaalihiisa kuna tilmaamay in dhaqaalaha wadanka kordhay. Qiyaastii 7boqolkiiba markii la isbar-bardhigo sanadkii horre wuxuu ahaa 7.5 boqolkiiba. Waxaa laga yaabaa in dhaqaalaha wadanka gudihiisa hoos u dhac ku yimaado, laakiin arrintaan waxay dano weyn ugu jirtaa dadka ka soo dhoofsado ama ka ganacsado allaabta Shiinaha. Shiinaha ayaa arrintaan lacagta ku saabsan waxay u arkaan inay tahay ganacsi caafimaad qabo. Lama ogaani karo waxa ka soo bixi karo arrintaan hadda.

Arrintaan ayaa laga yabaa inay dhaliso in bilyaneerada maalgashtay wadankaas ay kalla bixi doonaan lacagahooda, iyagoo ka cararaayo qiimaha hoos u dhaca ku imaani kara hantidooda ay dalka dibidiisa u dhoofiyaan. Maxaa yeelay lacagaha bangiyada u taallo haddii ay tahay yuan waxay ku keenaysaa qasaaro weyn markii lagu sameeyo sarifka doolarka Mareekanka.

Fikirkaada Waa Muhiim