Xayeysiisku waa nooc ka mida luuqadaha Suuq geynta taasi oo aalaaba loo adeegsado in kor loogu qaado xaddiga iibka ee ay meeli leedahay, sidoo kalena waa luuqada laysku baro adeegaaga amaba agabkaaga iyo macaamiishaada waa marka aynu ka u jeedo xagaa iyo ganacsiyada, dhanka kale waxa iyana jira xayeysiisyo ay sameyso dawladdu kuwaasi se waxa loo yaqaanaa barobaganda “Propaganda”.


Dhanka kale xayeysiisku waa macalinka is bara agabka ama adeega iyo macaamiisha. Waxaana uu door muhiima ka qaata in la barto shirkada iyo wax soo saarkeeda kaasi oo qeyb libaax ka qaata dhaqdhaqaaqa wax iibsi ee meherada.


Siyaalo badan ayaa loo sameeyaa xayeysiiska waxaana ka mida uguna caansan in laga baahiyo Idaacadaha, talafeeshanada, in lagu nabo boodhadh wadooyinka qarqaradooda lagu qotomiyey, dhaganayaal yar yar oo lagu dhajiyo (gawaadhida, gidaarada, geedaha IWM) amaba waxa loo yaqaana afka ingiriisida (Stickers) , joornaalada, majaladaha, fariimo telefoon iyo kuwo Emailba, iyo aalada internetka oo imika wax badan laga xayeysiiyo sida in loo sameeyo dagel, bar faysbuuga ka mida, degal yare (blog) iyo inkaloo badan, qarnigii tagey inta la adeegsan jirey way iska cayineyd oo in badan tobaneeyihii sano ee u danbeeyay uun bay hano qaadeen.


Tiknoolajiyada sii xoogeysanaysa maalinba maalinta ka danbeysa waxey kor u qaadey xayeysiiskii kol ay noqoto iney fududeyso baahintiisa oo ilaa kalkata warkaagu ka dhici karo haddii loo baahdo adiga oo aan is dhibin isna kalifin, amaba aad si farshaxanimo leh ugu diyaarsan karto xayeysiiskaaga adoo adeegsanaya sooftiweero loogu talo galey in lagu habeeyo xayeysiiska iyo wixii la jaad ah.


Haddaba waxa la sheegaa in wax yaalihii u horeeyay ee loo adeegsado in la xayeysiiyo ay ahaayeen maandooriyayaasha uu ugu caansan yahey sigaarku. Kaasi oo ay khuburo badani iskugu yimaadeen sidii ay dadka u jeclaysiin lahaayeen suuqana u galin lahaayeen wakhtigaas oo ku aadanaa horaantii qarnigii 20 aad  , iyadoo la sheego in uu soo if baxey dabayaaqadii qarnigii 19aad . si kastaba ha ahaatee waayadan danbe waxaad mooda in il layskaga gartey xayeysiiska oo uu maalinba maalinta ka danbeysa sii xoogeysanayo iyadoo ay shirkaduhu u qaataan shaqaale u qaabilsan unkista xayeysiis loo bogo oo bulshada soo jiita.

Saameynta uu ka tago xayeysiisku waxa ka mida.

  • Wacyi galin
  • Aqoon & garasho
  • Ka helis
  • Kala doorasho
  • Aamin sanaan
  • Iib

 

Fikirkaada Waa Muhiim