Hayada lacagta aduunka waxay heshiis la gashay dowlada soomaaliya si ay oga caawiso dhinaca maareynta maaliya, kobcinta hormarinta, xoojinta hayada si loo soo nooleeyo kaabayasha dhaqaalaha maadaama uu dalka sameeyay hormar dhinaca dhaqaalaha.

Barnaamijkan wuxuu wax weyn utarayaa soomaalida oo dhan hadii sida saxda ah loo hergeliyo balse waxaa dhici karta in la musuqmaasuqa.

International-Monetary-Fund-Headquarters-IMF ayaa waxay dowlada soomaaliya aqoonsatay sanadii 2013, iyadoo ay soomaaliya u cafisay lacago dhan 352 million oo dolarka mareykanka, arintan aya noqoneyso hormar ay ku tilaabsatay dowlada soomaaliya waana guul usoo hoyatay, muhiimada waxay tahay in looga faa`iideyo shacabka soomaaliyeed howshaasna waxay utaal fulinteeda dowlada soomaaliya balse sida lagu ogyahay madaxda soomaalida waxaa dhici karta inay u adeegsadaan danahooda qaaska taasoo keeni karto sumcad daro ku timaada soomaaliya oo dhan oo lawaayo cid aaminta.

Barnaamijkan waa in sidii loo fulinlahaa ay dowlada soomaaliya diyaariso qorsha cad waxaana uu barnaamijkan waxtar u leeyahay hormarinta dalka maadaama uu dalka soo maray caqabada ilaa hada ay weli jiraan, shacabka soomaaliyeedna way bislaadeen waxay u baahanyihiin nabad iyo dalka oo yeesho dowlad dhameystirta baahida muwaadinkasto ee soomaali ah,.

Fikirkaada Waa Muhiim