Nolosha bani aadamka waxaa jira waxyaaba aad muhiim u ah oo markaasi qofka laga doonayo inuu diiraddaa saaro, kuna dadaalo inuu ka faa’iideysto gaar ahaan waxyaabaha muhiimka ah oo maraaskina asaasi u ah qofka naftiisa iyo noloshiisa,kuwaasi oo markaaasi noqon kara waajibaad saaran oo markaasi laga doonayo in sida ay tahay loo guto. Rasuulkeena SCW waxa uu noola dardaarmay waxyaaba aad u badan markaasi bilaya nolosheena haddii aan ku dhaqaaqno, waxyaabaha uu nala dardaarmay waxaa ka mid ah shan arrimood oo markaasi muhiim ah in qofka ilgooni ah uu ku eego isla markaasi haddii uu sameeyo uu faa’iido badan iyo kheyr aan dhammaad lahaynin uu la kulmayo adduun iyo aakhiro. haddaba Rasuulkeena SCW waxa uu nala dardaarmay in shan arrimood aan ka faa’iideysano shan ka hor:

1. Ka faa’iideyso dhallinyaranimadaada ka hor inta aadan gaboobin:

Qofka dhallinyarada waxaa laga doonayaa in uu la yimaado howl adag oo markaasi adduunyadiisa iyo aakhiradiisa anfacaya, qofka dhallinyarada ah waxaa ku jirta tamar iyo firfircooni dheeraad ah oo markaasi laga doonayo inuu ka faa’iidaysto dadkana ugu faa’iideeyo sababta oo ah dhallinyaranimada weligeed ma jirayso gabow ayaa ka dambeynaya, inuu ku tallaabsado horumaro, najaaxaad, guulo iyo weliba inuu xaqiijiyo hadafya aad u badan oo markaasi uu ka gaaro noloshiisa inta uusan soo dhabarkiisa qalloocsamin ama wakhtiga uga dhammaanin waxyaaba aan meelna gaarsiinaynin oo markaasi baahi tiraynin harraadna ka bi’inaynin, qofka inta uu dhallinyarada yahay u deg dego cibaadada Rabbigiisa isla markaana uu guto waajibaadka saaran, waaayo wakhtigan uu dhallinyarada uu yahay waa xilligii uu maalmashan lahaa dhallinyaranimadiisa awoodna u leeyahay, ruuxiisa diyaar u tahay inuu la myimaado mubaadara, daalkiisa waxa uu noqonayaa mid uu isaga u aayo dadkana u aayaan, marka u gaboobana awood badan uma yeelanayo inuu qabto shaqooyin badan sidaa darteed qofka waxaa wanaagsan inuu ka faa’iideysto dhallinyaranimadiisa ka hor inta uusan gaboobin oo da’da ka daba imaanin.

2. Ka Faa’iideyo Caadimaadkaaga Ka Hor Jirrada:

Caafimaad qabka waa sheyga ugu muhiimsan ee uu qofka ku naaloodo, uu markaasi guto waajibaadyada ka saaran yahay howlaha markaasi uu gacanta uu kula jiro, waxyaabaha muhiimka ah ee Alle SWT uu bixiyo waxaa ka mid ah caafimaadka marka haddii aadan ka faa’iideysan caafimaad qabkaaga, waxaad maskaxda ku haystaa in maalin uun aad dareemi doonto qiimaha uu leeyahay nicmada cafimaad qabka, marka inta uusan cudur ama xanuun kuu imaanin waxaa wanaagsan in aad ka faa’iideysato caafimaad qabkaaga oo aad markaasi ku dadaasho waxyaabaha Alle kugu faradyeelay, oo ay ka mid yihiin Cibaadadiisa, iyo barahasha hanuunka Rabbi xilliga aad caafimaadka qabto, sababta qofka xanuunsan ma awoodo inuu Rabbigiisa caabudo marka la barbardhigo markii uu caafimaadka qabay, mana u dhaqaaqi karo ama u hadli karo sidii uu u hadli jiray ama u dhaqaaqi jiray markii uu caafimaadka qabay, ee qofka waa inuu ka faa’iideystaa caafimaad qabkiisa ka hor inta uusan xanuunsan.

3. Ka faa’iideyso hodantanimadaada faqriga ka hor:

Qofka mu’minka ah oo hodanka ah waxaa laga doonayaa inuu ka faa’iideysto hodantinimadiisa ka hor inta uusan faqiiroobin, inuu bixiyo wixii markaasi waajib iyo farad ku ah, waa inuu bixiyaa dhammaan xuquuqda lagu leeyahay oo ka mid ah sakada, sadaqada IWM. Qofka haddii uu faqiir noqdo awood uma laha inuu wax bixiyo, waxaana suuragal ah inuu laga soo dalbado xuquuq ay dad ku leeyihiin, hayeeshee haddii aadan gudan waajibaadka iyo xuquuqda ku saaran oo adan bixin inta aad hodanka tahay waxaad qoomamaynaysaa qoomamo daran, nicmadii Ilaahay ku siiyeyna waxa ay noqonaysaa mid sidii loo baahnaa aadan u maamulin xisaab badan ay kaa dambeyn doonto maalinta qiyaame. Waxaa lagaa xisaabinyaa wixii xalaasha ku heshay oo haddana aakhiradaadana waxba u hor marsanin, waxa kale oo lagaa xisaabinnayaa wixii aad xaraam ku kasbatay isla markaana ka bixin weyday wixii xuquuq lagugu lahaa dabadeedna qofka waxa uu mutaysanayaa cadaab daran, sababta oo ah xalaasha waa la xisaabinaya haddii aad xisaabtaasi ku guulaysato waa kuu liibaan, xaraamtana waxaad ka dhaxlaysaa ciqaab iyo cadaab daran.

4. Ka faa’iideyso wakhtigaaga firaaqada ka hor:

Wakhtiga waa sheyga ugu qaalisan ee uu qofka uu haysto, sidaa darteedna ay habboon tahay inta aad faraaqa tahay ka faa’iideysatid wakhtigaaga waayo daqiiqaddii kaa lunto ma soo laabanayso ilaa maalinta qiyaamaha. Qofka mu’minka ah ka hor inta aysan ku imaanin wakhti uu wax walba ka mashquulo oo markaasi awoodi waayo inuu u faaruq noqdo cibaadada Rabbigiisa marka uu firaaqada leeyahay waa inuu maalgashada wakhtigiisa isaga oo markaasi ka fekeraynin waxba ama ku furnayn humuumo, qofka sidoo kale uma faaruq noqdo dadka inuu la wadaago mashaaricda wanaagga iyo kheyrka leh, sidoo kale gacan kama gaysanayo wakhtiga uu firqqada yahay gacansinta dadka u baahan in la gacan siiyo, xitaa waxaa dhici karta inuu ka gaabiyo gudashada waajibaadka saaran.

5. Ka faa’iideyso noloshaada ka hor geerida:

Nolosha uu qofwalba uu haysto waxa ay ka mid tahay haddiyayooyinka Ilaahay uu bixiyo, qofkana inta uu nool yahay waxaa waajib ah noloshiisa uu ka faa’iideysto, oo aan markaasi la nimaadno howlo iyo camalo wanaagsan oo wax tar u leh adduunyadan aan ku nool nahay akkhirarada masiirkeena yahay, laguna dadaalo dhaacada Allah, ka hor inta uusan imaanin macaan gooyaha iyo kalafogeeyaha dadka is jecel.
Haddaba aad ayey u wanaagsan inuu qof waliba ka faa’iideysto shanta arrimood aan soo sheegnay, waa wax aad muhiim dhammaan waxyaabaha aan ka soo sheekeynay oo markaasi ka mid ah dardaarankii Rasuulkeena SCW, waxaana filayaa inaad in baan ka faa’iideen qormadan waxaan filayaa inaad ku dhaqmi doontaan.

Fikirkaada Waa Muhiim