Waa tix ammaan ah oo la magac baxday SOOMAALI LA HUBO, waxa curiyey Ibrahiim Cisman Afrax, inkastoo hal-abuurku ka gaabsaday cidda uu u tiriyey mirahan, ayaanu jecelnahay inan idinla wadaagno ee ka bogasho wacan:

  1. Hanaankii qureyshee
  2. Qurux loo hibeeyaay
  3. Dhibic hoortay jiilaal
  4. Oo loo harraad qabay
  5. Iyo haro xareedlaay
  6. Naq lasoo haweystaay
  7. Hooygii kalgacalkaay
  8. Heemaal wanaageey
  9. Nafta heegadeedaay
  10. Kaligeed habooneey
  11. Hilib leyga beeraay
  12. Hufaneey sidee tahay?
  1. Horyaalkii aduunkiyo
  2. Xiddigtii haweenkee
  3. Hiddihii xambaartaay
  4. Soomaali la hubaay
  5. Heesaha amaantale
  6. yartaloo habeeyaay
  7. Hallka lagu tanaadee
  8. Lagu horo tacliintana
  9. Tii lagu higaadshaay
  10. Kaligeed habooneey
  11. Hilib leyga beeraay
  12. Hufaneey sidee tahay?
  1. Harsi iyo nasiimiyo
  2. Tii loo hilmaamee
  3. Hurdo loo illaawaay
  4. Ma huraan I jeceloo
  5. Hooskeyga noqotaay
  6. Kaligeed habooneey
  7. Hilib leyga beeraay
  8. Hufaneey sidee tahay?
  9. Hugsi iyo gabbaadeey
  10. Geed howd ku yaalloo
  11. La harsado guntiisaay
  12. Neecaaw hareeraha
  13. Lagusoo hagaajaay
  14. Hanti EEEBBE keenaay
  15. Hoodiyo nasiibeey
  16. Hanaqa iyo maankiyo
  17. Haraadiga jirkeygaba
  18. Tii lagu hagoogaay
  19. Isku kaa halleeyaye
  20. Hay jarin halbowlaha
  1. Hadimiyo luggooyiyo
  2. Hoog hayga filanoo
  3. Waxan kugu habaayaa
  4. Haan caashaqoo culan,
  5. Sida hooyo iyo ubad
  6. Hadda aan ahaannee
  7. Hiillada kalgacalkiyo
  8. Hana qaadka xiisaha
  9. Yeynaanu kala harin.
  10. Horu socodba mooyee
  11. Ma hakado jaceylkuye
  12. Iga hubi dhankaagoo
  13. Sida ruux hungoobiyo
  14. Cidlo yaanan haabane
  15. Hiillada kalgacalkiyo
  16. Hana qaadka xiisaha
  17. Yeynaan u kala harin.

2013

W/C: Ibrahiim Cisman Afrax

Fikirkaada Waa Muhiim