Allah (SWT) waxa uu Quraankiisa u soo dejiyey si ay dadka manhaj uga dhigtaan si ay ugu hanuunaan, addoomadiisana ku farad yeelay in ay bartaan, xifdiyaan iyo in ay ku dhaqmaan, sidoo kale uu daawo munaasab ah u noqdo dhammaan mashaakilada dadka soo food saara, waana daawada ugu wanaagsan lagu daaweeyo mashaakilka nafta. Waana waddada ugu wanaagsan looga takhaluso turunturooyinka nolosha ee silbiga ah, Quraanku waxa uu awod u leeyahay in dadka niyad jaba uu qalbigooda xasilooni ku soo dejiyo, caaadeysiga dhegeysiga Quraanka iyo akhrintiisa waxa uu kuu dammaanad qaadayaa raaxo iyo deggenaansho naftaada ah. Waxaa cajiib ah oo lagaa doonayaa inaad ogaatid in Quraanka meelihii uu uga hadlay niyad jabka iyo rajabeelka waa meel ka muuqata Carada Alle, waxaana in badan ag yaala kelmadaha gaalnimo siiba dadka Ilaahay ka fog, waxaadse ogaataa qofka Alle marwalba u dhow marnaba ma niyad jabo mana raja beelo, mana quusto, waana arin mustaxiil ah, Alle Quraankiisa waxa uu ku yiri :


“وَلَا تَيْئَسُوا مِنْ رَوْحِ اللَّهِ إِنَّهُ لَا يَيْئَسُ مِنْ رَوْحِ اللَّهِ إِلَّا الْقَوْمُ الْكَافِرُونَ”.
“ HA KA QUUSINAN RAJADA ILAAHAY, RAJADA ILAAHAY KAMA QUUSTO QOOM GAALA AH MAAHANE”

Suuratul Yuusuf, Aayadda 87aad..


 

Quraanka si waadax waxa uu u caddeeyey qofka niyad jaba ama rajabeela uu yahay kuwa Alle ka fog, waayo qofka muslimka ah, oo mu’minka dhabta ahi, Allihiisana ku kalsoon, haddii uu la kulmo mushkilad waxa uu hore ka magan galaa Alle (SWT). Isaga ayaana awood u leh inuu fududeeyo haddii uu culays jiro, sidaa darteed walaakeyga qaaliga, ama walaashayda sharafta badan haddii aad naftaada caado uga dhigto inaad akhrisatid Quraanka marka aad seexanayso, waxay middan kaa yeelaysaa inuu qalbigaaga dego naftaadana xasisho, waxaana meesha ka baxaya dareemaha silbiga ah ee kuu keenaya niyad jabka ama rajabeelka.

Inaad dhakhtar nafsi u tagtid ceeb maaha

Waxaa waayadan dambe aad u soo shaac baxay fikradda ah in loo tago dhakhtar nafsi marka uu qofka soo food saarto xaalad niyad jab ah oo aad u daran, dadka qaar waxa ay iska dhaadhiciyaan marka uu qofka aado xarumaha ay joogaan dhakhaatiirta nafsadda ay yihiin goobo ay tagaan dadka waalan ama qofkaba uu waalan yahay. Balse fikradda noocan ah waa mid aan sal iyo raad toona lahaynin, waa wax ay rumaysan yihiin dadka wacyigoodu hooseeyo, aad ayey muhiim u tahay qofka marka uu la dhibtoonaya xaalad nafsi aad u daran inuu u tago dhakhtar nafsi ah, haddii xaaladda niyad jabka ahi ay xadkeeda dhaafto qofka waxaa wanaagsan inuu u tago dhakhtar nafsi ah, si uu xal ugu soo helo mushkiladdiisa niyad jabka ah, hana ka meeraysan in aad xaaladdaada niyad jabka adiga iska daaweyso ama dhakhtar la kaashatid

Dhamaad

Fikirkaada Waa Muhiim