Dawladda Cusmaaniyiinta ama khilaafadii Cusmaaniyiinta waxay ahayd dawlad aad u xoogweyn oo adduunka dhul baaxadweyn xukumi jirtay, waqooyi adduunka waxay gaadhay magaalada Vienna Caasimada wadanka Austria, barina waxay ka gaadhay xadka shiinaha, koonfurna Soomaliya, Galbeedna wadamada ka hooseeya wadanka Moroko, badda Cad ama bada dhexe waxay ahayd goob ay ka taliyaan ciidamada badda ee dawladda Cusmaaniyiintu.

Awoodaa baaxada weyn waxay dawladii Cusmaaniyiinta ku dhiiri galisay in ay cadayso in ay dhamaan muslimiinta ku nool adduunka iyadu mas,uul ka tahay xataa haday ku hoos nool yihiin xukun aan islaam ahayn, sida wadan Ruushka oo ay ku noolaayeen dad aad u tira badan sida goobta looyaqaanay kerim oo hadda ka tirsan wada Ukraine.

Heshiis ay kala saxeexdeen labada Boqortooye ee Ruushka Iyo Cusmaaniyiinta sanadkii 1188 taariikhda hijriaga, oo ku beegan 1774 taariikhda miilaadiga , ayaa waxa uu dhigayey in ay xaq u leedahay dawlada Cusmaaniyadu in ay mas,uul ka tahay dadka muslimiinta ah ee ku dhaqan dhulka hoos yimaada imbaraadooriyada Ruuska, taas oo kuu muujinaysa awoodii ay lahayd dawlada Cusmaaniyiintu iyo sida looga baqi jiray.

Hasa yeeshee dhamaadkii qarnigii 19aad ayaa waxaa soo shaac baxay awood darada ku soo bilaabmatay boqortooyadii Cusmaaniyiinta iyadoo dhul badan oo ay ka talin jirtay reer yurub qabsadeen gaar ahaan badhtamaha iyo bariga qaarada Yurub Sanadkii 1326H-1908M wuxuu ahaa sanadkii reer Yurub ay dhulka ugu baaxada weyn ka qabsadeen dawladii Cusmaaniyiinta ka dib markii awoodii ay lahayd dawladu dhulka sii gashay.

Wuxuuna sanadkaasi ahaa mid isbadel weyn ka dhacay wadankaasi ka dib markii uu Suldaankii la odhan jiray Suldaan Cabdilxamiid uu ku dhawaaqay in ay muslimiinta dunidu midoobaan markuu arkay khatarta ku soo foole dawladii baaxada weynayd oo ay isu soo bahaysteen dawladaha reer galbeedku, wuxuuna ahaa xilligaasi kii ugu dhibaatada badnaa ee soomara dawladii Cusmaaniyiinta tan iyo markii la aasaasay 500 sano ka hor.
Sanadkii 1293 taariikhda Hijriyada ayuu Suldaan Cabdilxamiid oo ahaa Suldaankii xilligaas sameeyey distoor aad u furfuran oo lagu dhaqayey dawlada Cusmaaniyada , wuxuuna ahaa xilli ay dhaqdhaqaaqyo xooggani ka jireen wadanka Bulgaariya hadda loo yaqaano oo ay u badnaayeen dad Kiristaan ahi , kuwaas oo ay dabada ka soo riixayeen reer galbeedku, waxa kale oo uu Suldaan Cabdilxamiid xilligaas ku guulaystay in uu dawladiisa ku soo daro Serbia iyo Montenegro oo ku yaala badhtamaha Yurub.

Arrimahaasi waxa ay keeneen in ay cadhoodaan dawladihii reer galbeedka iyo Boqortooyadii Ruushka, waxayna dagaal qadhaadh la galeen dawladii Cusmaaniyiinta , si uu xaaladda cakiran ee Soo food saartay uga hortago Suldaan Cabdil xamiid waxa uu dalka ku soo rogay xaalad deg dega, wuxuuna laalay oo joojiyey distuurkii wadanka lagu dhaqayey wuxuuna kala diray golihii Shacabka, awoodii oo dhan wuxuu isugu keenay gacantiisa.

Isgaashaan buuraysiga Dawladaha galbeedka iyo Ruushka waxay ku qasabtay Dawladii Cusmaaniyiintu in ay iyaguna garab ka dhex raadiyaan dawladahihii xilligaasi jiray waxayna xidhiidh dhaw la yeelatay dawlada Jarmalka oo xilligaas ahayd Boqortooyo , iyadoo xilligaas goobo badan cidhiidh laga galiyey dawlada Cusmaaniyiinta, ka dib markii Masar ingiriisku qabsaday , Faransiiskuna qabsaday Tunisia , kacdoonana ay ka dhaceen wadamada Armeniya iyo Jasiirada kiriit.

Arrimahaas oo dhami waxay keeneen in labada dawladood ee Jarmalka iyo Cusmaaniyiintu ay yeeshaan xidhiidh dhaw, waxaana Jarmalka la Siiyey Qandaraasyo ay ka mid ahayeen, sameenta tareen isku xidha Baqdaad iyo Istanbul, waxa kale oo uu Suldaan Cabdixamiid Jarmalka siiyey mashruuc tareen isna ah oo isku xidhay Istanbul iyo Makka.

Inkasta oo uu Suldaan CabdiXamiid sameeyey arrimo badan oo horumar ah, sida jaamacado, isgaadhsiin casriya, ciidankii uu dib u habayn lagu sameeyey haddana arrimahaas oo dhami shacabkii kamay jeedin awoodihii uu gacantiisa ku soo ururiyey iyo golihii shacabka ee uu kala diray, muddo gaadhaysa 40 sanno.

lasoco Qayabta2aad…..

Fikirkaada Waa Muhiim