Saciid binu zayd wuxuu ahaa saxaabigii qabay faadumo bintu khaddaab cumar binu khaddaab walaashii Waana saxaabigii sobabta u ahaa inuu cumar islaanimada soo galo. Dagaaladii muslimiintu gali jireen mid ka mida ayuu abbaan-duule ka ahaa markaas ayaanu dhawr cisho seexan Saxaabi ciidanka ka mid ahaa ayaa saciid dhaariyay si uu u seexdo Saciid saxaabigii waa ka ogolaaday wuxuuna seexday teendho loo dhisay.

Muddo markuu hurday saciid ayuu bilaabay inuu isla hadlo isaga oo leh wallaahi ma noqonayo wallaahi ma noqonayo Saxaabigii kale oo gaadh ka hayay ayaa u soo galay markaasuu u maleeyay inuu qarwayo daalka darteed Wuxuu ku yidhi waar saciid maxaa kugu dhacay saciid ayaa ku jawaabay waar maxaad ii toosisay riyo fiican ayaan ku jiraye saxaabigii ayaa yidhi maxay aheyd riyadu Saciid wuxuu yidhi waan kuu sheegi laakiin waxaad dhaar iigu martaa inaadan cid u sheegayn ilaa aan dhinto Saxaabigii waa ka ogolaaday.

Saciid wuxuu yidhi waxaa ii yimid labab nin oo si fiican u labbisan saddex farasna wadata Kolkaasay igu yidhaahdeen inna mari na soo raac Waxaan ku yidhi halkeen idiin raacaa Waxay yidhaahdeen gurigaad jannada ku lahayd Ka dib waan raacay Sidaan u soconnay ayaa waxaan ku soo baxnay dumar aaad u qurqurux badan Markaasaan idhi ma xuuril-ciintii ilaahay nooga warramaa Waxay yidhaahdeen maya ee waa qashaalahoodii.

Sidaan u soconnay ayaan ku soo baxnay guri wayn oo qurux badan gurigii ayaan galnay Waxaa iga hor timid gabadh sida dayaxa u dhalaalaysa markaasay igu tidhi waxaan ahay xaaskaagii jannada magacyagu waa Caynaaya Mardiya Gacanta ayaan u fidiyay si aan u salaamo waxay tidhi kuma salaami karo maxaa yeelay wali adduunyadii kamaad iman Waxay tidhi insha allah saddex ka dib ayaad noo soo wareegi doontaa Saddex ” maalmood, bilood, sannadood ” waxay yihiin mayna sheegin.

Waxaan idhi wallaahi ma noqonayo wallaahi ma noqonayo Markaa ayaad adiguna hurdada iga toosisay. Saciid Binu Zayd dagaalkii ayuu ku shahiiday Markay naftu ka sii baxaysayna wuxuu lahaa marxabban yaa caynaaya mardiyah sidaas ayeyna nafata oga baxday.Ilahaay innagana kuwii jannada ku guulaysta ha innaga yeello. Aamiin.

Fikirkaada Waa Muhiim