Waxaa jirta odhaah dhahaysa; “Aqoontu waa barasho, Xikmadduna waa kudhalasho”, (Knowledge is given, Wisdom is gifted). Odhaahdani wixii hadda ka horeeyay sida ay tahay uunbaa loo qaadan jiray, wax hadal iyo dood ahna lagama soo celin jirin. Balse iminka/wakhti xaadirkan, weedhaasi afka ayaa ciida loo daray, maxaayeelay ma aha odhaah qancin karta maanka shaqeynaya ee doonaya in bal wax la’iska weydiiyo asalka sheyga iyo waxa uu ka sameysan yahay.

قال تعالى؛ (ويعلمهم الكتاب والحكمة)

Rasuulku (NNKH) wuxuu dadka bari jiray kitaabka, sidoo kalana wuxuu barayay xikmadda, labaduba waa barashee maha hibo lagu dhasho, hadii ay dhalasho tahay, wax qiima ah ma lahaateen barashada xikmadda iyo aqoonta toona. Waligaa ma aragtay ruux aqoon ku dhashay oo labarayo….?!!! ama xikmad ku dhashay oo labarayo…..?!!! Balse aadanuhu wuu u diyaarsan yahay in labadaba la bari karo, (capable of learning both of them).

Hadaba su’aasha mugga leh ee hortaada taalla akhristow, waxay ku weydiineysaa; suurto gal miyaa in xikmadda sida aqoonta inteeda kale loo barto? Hadii ay sidaa tahay, ardayga kuu imaanaya marka aad furato dugsi xikmadda lagu dhigo maxaad bari? Maxay tahay maadadaadu? Kasoo qaad madashan/golahan Garasho in loo bixiyo “Wisdom Learning Forum”(WLF) maxaan baraneynaa….???

Hadii aqoonta iyo xikmaddu ay laba shey oo kala duwan yihiin, waa suura gal in aad aragto ruux aqoon leh oo aan xikmad laheyn iyo ruux xikmad leh oo aan aqoon laheyn, waana dhici kartaa in aad la kulantay ruux aqoontii iyo xikmaddii aan isla wada helin iyo ruux xikmadii haya balse aqoontii kale aan heyn. Soomaaliya marka loo kacana maalmahan waxayba iska noqotay “Phenomenon” arrin aad u soo badatay. Waxaa suura gal ah ruux qur’aanka akhrinaya, kitaabada waaweyn ee baal guduudkii hore iyo baal cad kaba ku leh dusha ayaan ka xifdisanahay, hadana garasho barteed aan lagu arkeyn ama lagu ogeyn. Aaway xikmadii….??? hasheegin, udugeediiba, sanka masaarin, iskaba daa muuqeeda’e….!!!

Barashada xikmadda waxaa lagu soo koobi karaa sidan;
Iyadoo qofka labaro in shay kasta (Aragti ama wax/sheyga) “Thing or Thinking” meesha uu ku haboon yahay la dhigo. Sidaa darteed baa maan hadalka xeel dheerayaasha cilmiga iyo xikmadda laga hayaa in ay yidhaahdeen, Alle (SC) wuxuu xakiim ku yahay dhigista waxkasta uu dhigay halka uu ku haboon yahay. Hadaba waxaa isweydiin leh, si ruuxa loo baro xikmadda maxaa loo baahanyahay kahor barashada?

Isla qur’aanka aan bal dib u milicsanno si “Inspiration” ilhaam aan uga helno inoo fududeyn karta jawaab lagu qabci karo soo helideeda.

Aayad kasta oo ku dhamaata weedha ah “وهم لايشعرون” (Iyagu wacyi malaha), Dadkaasi wacyiga laga duwayo, waa dad “Moral Crisis” mushkilad khuluqda ah ay haysato (Damiirkoodu liito)….!!! Aayadahaas waxaa lagu qiyaasaa ilaa todobo aayadood (inta aan arkay) oo ku kala jira suuradaha;
• Baqara (Aayadda 12)
• Naxl (Aayadaha 21 iyo 45)
• Naml (Aayadda 18)
• Cankabuut (Aayadda 53)
• Zumar (Aayadda 55)
• Zukhruf (Aayada 66)

Waxaa laga yaabaa inaad aragto aayado ku dhamaada sida; (Laa yaclamuun, laa yafqahuun, laa yacqiluun); mar iyadoo aqoon laga duwayo/diidayo, mar kalana iyagoo garasho loo diidayo iyo iyagoo caqli loo diidayo. Sidaa darteed baa Luqmaan Alxakiim markii wiilkiisa uu waaninayay, dhamaan wixii uu baray waxay ahaayeen “Moral Principles” mabaadi akhlaaq/anshax, oo aaney suuragal aheyn in uu barto ilaa wacyi yeesho mooyaane. (You have to be conscious to be morally fit).

Midda kale Suuradda Naml iyo qisada dhexmartay Quraanyada iyo nabi Suleymaan (CS) waa mid aad u xiisa badan. Xeel dheeryaasha cilmiga iyo xikmadda waxay yidhaahdaan quraanyadu;

• Way dareentay أجست
• Wey isxilqaantay وبادرت
• Wey naadisay ونادت
• Wey baraarujisay ونبهت
• Wey fartay وأمرت
• Wey reebtay ونهت
• Wey adkeysay وأكدت
• Wey caqli celisay ونصحت
• Wey ka badbadisay وبالغت
• Wey cadeysay وبينت
• Wey digtay وأنذرت
• Wey cudurdaaratay وأعذرت
• Wey diiday ونفت
Intaas oo macno isla aayadan bey quraanyadu kuwada sheegtay. Waxayna ku tiri; Suleymaan iyo ciidankiisu yey idin burburinin iyagoon wacyi/shucuur laheyn…..!!! maxaayeelay Quraanyadu waxay leedahay suuragal ma aha isagoo Conscious/wacyi leh inuu ina burburiyo, ficilka burburintu wuxuu ku xiran yahay wacyiga oo maqan. (Unconsciouness does the all forms of immorality….!!!).

Balse nabi Suleymaan wuu qoslay (Fataba samma daaxilkan min qowlihaa), wacyiga maanu la’ayn kamana suurowdo inuu burburiyo quraanyada. Sidoo kale wuxuu fahmay khatarta mowqifka ay ka hadashay Quraanyada iyo in wacyigu ka mas’uul yahay kala saaridda sax iyo khalad iyo xikmadda oo sal u ah dhigista sheyga meesha uu ku haboon yahay. Sidaa darteed ayuu nabi Muxammed (NNKH) fariinta uu siday wuxuu kusoo koobay weedhan (Innamaa bucithtu li uttammima makaarima Alakhlaaq).

Ruux aan wacyi laheyn xikmad lama bari karo xikmaduna wacyiga ayey ku ladhantahay, hadaba si waxwalba meesha ay ku haboon yihiin aad u dhigto waa inaan kawarqabnaa sheyga laftiisa, si hadii meeshii uu ku haboonaa aadan u dhigin aad u noqoneyso ruux xikmad iyo wacyi toona aan laheyn…..!!!

Fikirkaada Waa Muhiim