Duxdu waxa ay kamid tahay cunooyinka uu jirka  ka helo tamarta, sidoo kale waxa ayna ka mid tahay wax-yaalaha halis galin karo caafimaadkaada shaqsiga ah. Maantay waxa aan kula wadaageynaa duxda iyo noocyadeeda.

Duxada waxaa loo qeybiyaa labbo qeybood oo kale ah:

Dux-Fadhida tusaalle duxda laga soo saaro xoolaha sida subaga, kuruska Geella iyo wixii lamidka ah, iyo

Dux-socto tusaalle  duxda laga soo saaro geedaha iyo qudaarata.

Shaqo Noocee Ah Ayey U Duxda U Qabataa Jirkeenna?

  • Duxda waxa ay cunnada u yeeshaa dhadhan.
  • Cunnada uu cunnaayo qofka in uu ku dareemo qanaaco ayeey ka qeyb qaadataa duxda.
  • Duxda waxa ay jirka u keydisaa tamar.
  • Duxada waxa ay jirka u keedisaa fitimiinada kale ah: A, D, E, iyo K.
  • Duxda waxa ay jirka ka illaalisaa qabowga.

Haddaba Duxdee Caafimaadkaaga u wanaagsan?

Duxda waxa aan soo qeybinnay labbo qeybood oo kale ah dux fadhida iyo dux socoto. Duxada fadhida waxaa ku badan maadada loo yaqaano Kolostaroolka, Haddii jirka uu ku bato kolostroolka wax ay halis galin kartaa nolosha qofka,sidoo kale wadanaha waxa ay u keenta  caafimaad daro.

Duxda fadhida  waa mid is badal badan oo xilliga qabowgana aad u fadhiisataa xilliga kuleelka ahna waa mid jilicdo tusaalle subaga oo kale.

Duxda Socoto waa duxda u waanagsan caafimaadka, waa duxda aan is badalin qabow iyo kuleelba, waa na dux aan laheyn maadadda kolostroolka.

Ilaha laga helo duxadaan waxaa kamid ah; Saliida malaayga, iyo saliida laga sameeyo qudaarto iyo saliid seytunka iyo wixii lamidka ah.

 

Mahadsanidiin

Fikirkaada Waa Muhiim