Fikirka waxa uu ka mid yahay shaqooyinka muhiimka  ah oo ay noo qabato  Maskaxda. Muqaal ahaan Aadanaha waa mid isku  wada egg, laakin waxa ay ku kale duwan yihiin qaab fikirka.Fikradahaada waxa ay qeexaan  qofka aad tahay iyo meesha aad ka joogto nolosha.

Dadka qaar waxa ay ka fekeraan sida ay u heli lahaayeen cunno maalmeedkooda oo kali ah, kuwa kale na waxa ay ka fekeraan sida ay duniddan wax cusub ugu soo dari lahaayen, qaar kalena waxa ay ka fekeraan sida bulshada dunidaan ku nool ay baahidooda u dabooli laahaayeen, tusaalle qof baa ka fekeraayo sida u soo saari lahaa shabakad Adduunka oo dhan laga isticmaalo min tuullo illaa dagmo.

Haddaba Adiga, Aqriste Maxaad Ka Fekertaa?????

Fikirka qofka waxa uu ku billowdaa  su’aal is weydiin nafeed, sida in aad naftaada ku tiraahdo maxaan ii qab-soomay intaa noolaa? Maxaan rabaa in ay ii qabsoomaan inta aan dhiman kohor?, illeen geerida waa lama huraane  maxaan rabaa in ay dadka igu xasuustaan?

Isxaaq niyuutan oo ahaa ninkii soo iqtiraacay cuf is jiidadka dhulka, fikarka soo iqtiraaciddaas waxa ay ku dhalatay mar uu  fadhiyey geed hoostii,  ayaa waxaa  ka soo dhacay  geedkii mir tufaax ah. Waxa uu is weydiyey su’aal ah maxay ugu soo dhacday mirtaan dhulka?

Maxay mirtaan tufaaxa circka uu aadi weyday, halkaa ayuuna ka billaabay safarkii u su’aalihiisa ugu jawaabi lahaa, ugu danbeyntiina waxaa uu soo saaray ama iqtiraacay dhulka in uu leeyahay cuf is jiid.

Fikirka waa mid la xariiri caqliga, qof waliba inta uu qofka kale ka caqli badan yahay waa uu ka fikar wanaagsan yahay, laakin waxaa xaqiiq ah caqliga waa mid la korin karo, waxaana lagu koriyaa  aqris iyo waayo arignimo. Aqriska waxa uu dheereyaa cimriga,Safarka uu qofka galena waxa ay qeyb libaax leh ka qaadataa korinta  caqliga.

Sidee Ayaad  Ilmahaada Ugu dhigi  Kartaa Kuwa Feker Wanaagsan?

La qaadashada waqti ilmahaada waxa ay korisaa maskaxda canugga. Ilmaahada mar waliba si wanaagsan ugu jawaab su’aalaha ay kaa weydiiyaan wax-yaallaha ku cusub.Sidoo kale isku day mar waliba in aad ilmahaaga ku dhaliso su’aalo sida in aad ku dhahdo oo kale Hooyo/Aabo  maxaad u aadaa iskuulka? Maxaad u cuntaa cunnadada? Iyo wixii lamid ah.

 

Mahadsanid

Fikirkaada Waa Muhiim