HIV Aids waa mid ka mid ah cudurada dilaaga ah uguna halista badan ee galmada laga kala qaado wuxuuna halis badan maanta ku hayaa sii jiritaanka Aadanaha.

Dhamaadkii 2009 waxaa la sheegay in xanuunkan la nool yihiin 34-milyan oo qof halka ay qiyaas ahaan u dhinteen 1.8-milyan oo qof waana cudurka dhimashada ugu badan laga dhaxlo tan iyo markii la ogaaday halistiisa. Si gaar ah waxaa la sheegay sanadii 2005 in 25-milyan oo qof oo ku noolool dalalka Saxaraha hoostiisa ku yaalo qabaan HIV Aids. Sidaa darteed saameynta HIV waa mid ballaaran oo Dunida oo idil halis ku ah.

Waa cudur qatartiisa wato oo siyaabo kala duwan loo kala qaado Galmada, dhiiga la isku shubo, naas nuujinta, qalab lagu qalay qof xanuunka qabo oo qof kale loo adeegsado iyo siyaabo kale ayaa lagu kala qaadaa.

Marka hore qofka xanuunka ku dhaco wuxuu joogaa marxalada HIV kadibna wuxuu usii gudbaa Aids waa marka jirkiisa unugyada uu dilo qofkana tababarta ama difaaca ka dhamaado. Wax daawo ah malahan HIV laakiin wuxuu leeyahay daawooyin qofka la siin karo marka uu marxaladda HIV joogo si difaaca jirkiisa uusan isku dhimin.

Saynab waxay waqtigeeda ugu badan hadda ku bixisaa wacyi galinta dadka la nool firuska HIV iyo inay u sheegto inuu xunuunkan kamid yahay xanuunada ku dhaca aadamaha isla markaana ay wanaagsan tahay inuu qofku mar horeba bilaabo qaadashada dawada. ”Aniga iyo ninkeyguba waan qabnaa cududurkan, waxaana sidoo kale horay ugu dhintay HIV Aids ninkeygii hore”, ayay tiri Saynab.

Saynab Faarax iyo ninkeeduba oo ku nool mgaalada Muqdisho waxa ay sanado badan la noolaayeen fayruska HIV Aids iyagoo ku dhex jira bulsho muxaafid ah oo u arka cudurka iyo dadka uu ku dhacaba dad xun, inkastoo waayadii dambe fikradahaasi wax iska badaleen haddana wali dadka sida firuska HIV kuma dhiiradaan inay bulshada la wadaagaan xannuunka haya.

Saynab waxay waqtigeeda ugu badan hadda ku bixisaa wacyi galinta dadka la nool firuska HIV iyo inay u sheegto inuu xunuunkan kamid yahay xanuunada ku dhaca aadamaha isla markaana ay wanaagsan tahay inuu qofku mar horeba bilaabo qaadashada dawada.

”Aniga iyo ninkeyguba waan qabnaa cududurkan, waxaana sidoo kale horay ugu dhintay HIV Aids ninkeygii hore”, ayay tiri Saynab.

”Dhawr iyo toban sano ayaa la noolahay cudurkan waxaana bulshada kala kulmaa faquuq badan balse waxaa iigu darnaa xilliyadii abaaraha anagoo raashin qeybsaneyno nala tuuryeeyay inagoo dhawr ah oo la nool cudurkan”. Waxaa nalagu yiri ka baxa meesha ha nagu soo neefsanine, cudurka HIV Aids neef laguma kala qaado”,

Dadka la nool xanuunka AIDS-ka ee ku nool deegaanada ay Soomaalidu degto ayaa la sheegayaa inay la kulmaan faquuq baahsan.

Dadka xanuunkan la noolse waxa ay ku doodayaan in cudurkan uu ku imaan karo sababo badan oo ay ka mid tahay qadar Alle, dadkuna ay tahay inay fahmaan in xanuunkan lala noolaan karo.

Saynab ayaa haatan waxay ku howlantahay wacyi gelinta cudurka iyadoo dadka u sheegeysa in HIV Aids uu la mid yahay cudurada kale oo haddii dawada la qaato ay fududdahay inuu qofka la noolaado oo uusan u gudbin dadka kale.

Fikirkaada Waa Muhiim