Aanadii Negeeye – Qeybtii 13aad

Isla sannadkii uu jaamacadda ka qalinjabiyay Raage wuxuu macallinnimo ka bilaabay dugsi sare oo Muqdisho ku yaal, Degmada Hawlwadaag ayuuna qol kiro ah ka degay. Guriga intiisa kale waxaa ku nool qoys iyagu leh oo carruur badan. Guud ahaan waa shan qol oo barxad ciid ah oo geed weyni ka dhex qotomo ku soo wada jeeda. Sinaba u ma shabbaho gurigii Rooble. Qolka uu degay wuxuu lee yahay laba albaab oo mid debedda u jeedo midna gudaha.

Qoyska guriga leh ee uu la degay ee reer Xaaji Cabdulle dhaqan ahaan aad ayay u furfuran yihiin. Barxaddaa, geedka hoostiisa, ayaa dermooyin iyo gambadho la wada dhigtaa oo maalintii la hadhsadaa habeenkiina lagu caweeyaa, wax walbana, sheeko iyo shaahid, la isku dhaafsadaa.

Xero guriga ka sii jeedda waxaa qoyska ugu xidhan xayn lo ah, dukaan aan weynayn oo waxa la quuto iibiya ayayna xaafadda ku leh yihiin. Intaas ayay labada waalid iyo toddoba carruur ahi ku dhaqan yihiin oo ka wada shaqeeyaan. Ladnaan dheeraad ah ma qabaan noloshu se waa ay ku filan tahay. La soo degista Raage waa ay u aayeen, isaguna wuu u aayay. Carruurta ayuu duruusta ka caawiyaa, iyaguna waxay ku khasbeen in uu la weel noqdo, taas oo u suurto gelisay in ay mushaharada yari ku fillaato.

Mushaharada uu shaqada ku bilaabay mar haddii ay iska liidatay reer Rooble aad ayay ugu cadaadiyeen in uu iska la sii degganaado, laakiin isagu taladaa sababo dhawr ah ayuu uga dhego adaygay. Wuxuu jeclaa in uu helo xorriyadda nin doob ah noloshiisa laga ma maarmaanka u ah. Wuxuu kale oo doonayay in uu dareemo masuuliyad iyo in uu waqtigii dheeraa ee gacanta lagu soo hayay ka dib isagu ismaamulo. Marka saddexaad Rooble iyo Qarad maanta qudhoodu waa dad waaweyn oo degganaan iyo xorriyad badan u baahan.

Markii uu shaqada bilaabay aad ayuu u faraxsanaa, isu u la weynaa oo u niyad fiicnaa. Halgankii dheeraa ee uu tacliinta u soo galay guushiisii ayuu maanta hayaa. Laakiin islaweyni iyo niyadsami ma lagu noolaadaa, mase loo noolaadaa? Wuu ogaa in uu ka mid yahay fac shaqo bilaaba kii ugu nolol liitay. Wuu ogaa in aanu ku baahi bixi doonin, hantina ka dhaqan doonin, jeer isbeddel weyni dalka ka dhaco, isbeddelkuna ilaa hadda xagga xun ayuu u socdaa. Sidaas oo ay tahay waxaa ka buuxay dareen macaan oo shaqada jeclaysiinayay.

Maalintii shaqada ugu horreysay wuxuu la kulmay fajac iyo lamafilaan uu sina u rumaysan kari waayay. Maamulaha dugsiga ayuu gartay, waa ay se ka dhaadhici wayday in uu ka uu moodayo yahay. Wuxuu ahaa Diiriye, saqeeyihii ay Negeeye saaxiibka ahaayeen. Raage wuxuu Diiriye bartay berigii uu Negeeye ka yimid Damalweyn, ee uu geerashka farsamada ka baran jiray, oo ay marar badan guriga Rooble isu soo raaceen. Berigaas wuxuu ahaa caato uskag badan, had iyo jeerna la moodo in uu gidaar ka soo toosay. Marar kale oo taas wax badan ka dambeeyay wuxuu arkay Diiriye oo qabanqaabiye ka ah hawlaha abaabulka iyo kicinta ee degmooyinka Hodan iyo Hawlwadaag. Berigaas dambe dharkii uskagga badnaa wuu iska beddelay, weli se sidii ayuu caato u ahaa.

Markii isugu dambaysay waxay ahayd galab ka mid ah bisha oktoobar, muddo ka hor intii aanu waxbarashada u dhoofin. Maalintaa Diiriye wuxuu ka mid ahaa dad u xil saaran ururinta dadkii degmada u mari lahaa damaashaadka sannadguurada dhalashada Kacaanka. Wuxuu doonayay Qarad oo jirranayd in uu kaxeeyo, si ay u metesho ay hooyo kacaan ah, dabadeed Rooble ayay aad u murmeen.

Laakiin Diiriyahan maamulaha ah ee uu Raage dugsiga ku la kulmay si walba wuu uga duwanaa kii hore. Waa dhawr iyo soddon jir gaaban oo cufan, laf iyo hilib labadaba. Berigii hore timo weyn ayuu lahaa jiray, laakiin imika bidaar weyn ayaa madaxa ka leeftay. Qayladii iyo iimaan la’aantii uu caanka ku ahaa ka ma muuqdaan, waa nin ladan, deggan oo isku kalsoon. Baabuur FIAT 124 ah ayuu wataa.

Diiriye dadka aan taariikhdiisa aqoon wuxuu u sheegan jiray in uu dugsi sare ka baxay, laakiin tacliintiisu waxay ka bilaabatay kuna egayd laba sano oo ah Aqoonta Dadka Waaweyn. Markii uu isaga oo weli carruur ah Xamar soo galay iskorisnimo ayuu birta soo calaashaday. Wax badan ayuu dumar boorso ka la cararay, gabdho yaryar qadaaddiic ka dhirbaaxay, ama odayo reer miyi ah jeeb siibay. Waxaas oo hoog ah ma jiro qof aan Negeeye ahayn oo uu weligii la soo qaaday. Laakiin marka uu doonayo in uu ku faano sida uu nolosha ugu soo halgamay, ama ka digayo in la isku dayo in la dago, ayuu waxyaalo noloshiisii hore ku saabsan tusaale u soo qaadan jiray.

Had iyo jeer wuu ku faani jiray sida uu u soo halgamay maantana u yahay maamule dugsi sare, taas oo ah darajo aanay gaadhi karin kuwa guuldarraystay, xataa haddii ay jaamacad ka soo baxeen. Isaga oo carruurnimadiisa xanuunka badan xasuusan ayuu sheegi jiray in uu rumaysan yahay carruurta ladnaanta iyo koolkoolinta ku kortaa in ay noqdaan dad jilicsan oo aan la tartami karin kuwa uu waqtigu laylyay ee cadaabta kabo la’aan ku soo maray.

Mar hore iyo maantaba waa la isku raacsanaa Diiriye in uu ahaa qof dadaal badan, waayo meel adag ayuu iska soo saaray, Kacaankana wuxuu u la qabsaday si xawli badan. Wuxuu ka mid noqday Ururka Dhallinyarada, muddo yar dabadeedna wuxuuba noqday guddoomiyaha ururka ee degmada Hawlwadaag. Wuxuu xubin muuqata ka noqday Xisbiga Hantiwadaagga Kacaanka Soomaaliyeed ee degmada, wuxuuna ku sifoobay firfircooni, kacaannimo iyo karti dheeraad ah. Wuxuu noqday xiddig aan hawlaha Xisbiga ee degmada ee abaabulka iyo kicinta looga maarmin.

Bannaanbaxa lagu taageerayo go’aannada madaxweynaha, ka lagaga soo horjeedo imbiriyaaliyadda, soo dhoweynta kelitalisyada kale, cawaysyada hanuuninta dadweynaha iyo ololayaasha iskaawaxuqabso, meeshii la isugu yimaaddaba isaga oo suuf cas qoorta ku xidhan ayuu Diiriye safka hore taagnaan jiray. Waxaa loo wada arkay nin mustaqbal sugan maamulka ku leh, taas oo badisay cadawgiisa. Kacaandiidku waxay u arkeen dhurwaa soo koraya, kacaamiintuna waxay u arkeen nin aanay u la tartami karin helista kalsoonida taliska, kalsoonidaas oo lagu kasbado orod, qaylo badan iyo munaafaqnimo, kuwaas oo ahaa sifooyin uu Diiriye hodan ku ahaa.

Beryahaas ayuu laba sano dugsi habeenkii ah dhigtay. Laakiin sidii uu u ordayay una qaylinayay ayaa si lamafilaan ah golaha beretanka looga waayay. Isaga oo halgankiisu meesha ugu ba’an marayo ayaa habeen guriga lagala baxay. Waxaa lagu eedeeyay in uu degmada lacag ka lunsaday, taas oo ahayd mid ay dhab ahaantii rag kale ku wada jireen laakiin denbiga keligii lagu moosay. Wuxuu ka soo laacay shan bilood oo ah “ii-hay” iyo sannad xukun ah. Dabadeed waxaa lagu soo daayay fadliga oktoobar.

Xabsiga wuxuu ka soo baxay isaga oo soo nastay, sida ay dadku yidhaahdeen, waayo wuu soo naaxay. In kasta oo denbiga lagu eedeeyay uu qirtay haddana wuxuu ku qanacsanaa qabashadiisu in ay ahayd shirqool ay wadajir ugu dhigeen kacaamiinta iyo kacaandiidku.

“Xamar aniga oo saddex iyo toban jir ah oo aan ab iyo isir ii joogin ayaan ku bakhtiyi waayay, ma maanta oo aan da’daa ahay wadiiqooyinkeedana sida bisadda u ka la aqaan ayaan ku noolaan kari waayayaa?” ayuu yidhi markii uu xabsiga ka soo baxay, mar labaadna guntiga dhiisha iskaga dhigay.

Ma uu warwareegin, markiiba wuxuu isku sii daayay ninkii ugu xigay dadka maamulka ku jira oo ahaa wasiir kuxigeen. Muddo yar ka dibna waxaa loo magacaabay maamule kuxigeenka dugsigan. Markaa waxaa maamule ka ahaa oday doqon ah, doqonnimadaas oo uu ku la baxay sida aanu wax u cuni aqoon, faraha haddii afka loo geliyana u qaniini aqoon. Markii uu Diiriye dugsiga ku soo kordhay dhawr bilood ka dib ayuu odaygii shaqada iskaga tegay, Diiriye ayaana maamule noqday.

Ma Diiriye? Sidee buu kaasi maamule ku noqday? ayaa si yaab leh la isu wayddiiyay. Waxay ahayd intii aan yaabku dhammaan. Maanta Diiriye maamulenimo keliya ku ma shaqeeyo ee wax kasta oo aan suurtogal ahayn ayuu suurtogeliyaa, xadhiggii Xamar ka xidhmaba isaga ayaa fura, waxii la fahmi waayana fardaamiya. Dugsigiisa oo keliya ma aha ee dano badan oo kale ayuu dadka u soo dhammeeyaa, dugsiyada kale oo dhan iyo ilaa Wasaaradda laamaheeda ka la duwan ayuu socdaa oo dad ku lee yahay, iyo weliba wasaarado iyo xafiisyo kale.

Arday badan oo imtixaankii fasalka hore ku dhacday ayaa fasalka xiga fadhida, qaar aan dugsi dhexeba dhigan ayaa dugsiga sare fadhiya, mid aan maalin waxbarasho u soo xaadirin ayaa sannad walba gudba, kii ugu damiinsanaa ayaa natiijadii imtixaanka ugu dhibco sarreeya, qaar aan shaqadii qaranka marin ayaa shahaadooyinkii guriga loogu keenay, macallin mucaaradka hubaysan galay iyo mid beri hore dhintayba weli mushahaaradooda waa la qaataa. Waxaas oo dhan waa la arkay, mahaddana waxaa leh Diiriye.

Waa laga wada dheregsanaa dhaqankiisa waallida ah, waa loo dhug lahaa falalkiisa sharcidarrada ah, laakiin dan laga ma lahayn. Oo maxaa dan looga lahaanayaa, sow dalku sidaas ku ma dhisna, dadkuna sidaas u ma dhaqna? Barayaashu badankoodu sidaas ayaabay ku jecel yihiin, la’aantii in ay gaajo u le’an lahaayeen ayay rumaysan yihiin. Odaygii hore ee doqonka ahaaba waa ay ku ag bakhtiyeen.

Mar waxaa dugsiga soo maray macallin wadaad ah oo dadaal badan, kaas oo isku dayay in uu tuumbada xaaraanta ah ee uu Diiriye nuugayo dhexda ka dalooliyo. Dacwad ayay ilaa maxkamad isla socdeen, laakiin ugu dambayntii waddada ayuu cabsiiyay, isagii roonaa ayay rogatay, shaqadiiba waa laga eryay, xabbis ayuuba ku sigtay, masaajid iyo mowlac ayuuna ku dambeeyay. Meelahaas ayaa maanta lagu arkaa isaga oo sidii awr dhugatoobay u qufacaya; isaga oo surwaalkii ka weynaaday oo dacas cidhbaha ka dhammaaday cagaha ku jiidaya.

Sharcidarrada uu Diiriye wado haddii lagu dacweeyo, oo iimaanlaawe kale oo rug booliis ama maxkamad fadhiya la isu la tago, sow laga ma yaabo in uu isaga qudhiisu gar helo? Sow taa markhaati loo ma hayo oo horeba u ma ay dhicin? Miyuu jiraa qof doonaya in uu shaqada waayo ama xabsi galo? Xaaraanba ha iska ahaato ee waxa uu walwalaaqayo sow la la ma cuno, marka laga reebo inta waalan? Ma duddumooyin baa dadku sow dad ma aha oo nolol u ma baahna?

Barayaasha haddii la hafray, oo wax aan qado maalin u goyn quud looga dhigay, si ay shaqadooda u gutaan, ubadkana u korsadaan, in ay afka wax geliyaan sow xaq u ma leh? Waa foolxumo faraha lagu la wada jiro ee wax ay iyagu ku khasbanaan lahaayeen haddii Diiriye sheyddaan u diray miyaa ay tahay in ay ka dayriyaan? Maxaa markaa dan looga gelayaa?

Marar badan ayay dhacday in uu macallin ama macallimiini jabhadda Diiriye ka fallaagoobaan. Kuwaas in kasta oo aan go’aanka goonigoosiga ah lagu jeclayn haddana loo ma joojiyo loo mana juuqo. Maxaa loogu juuqayaa miyaa la isjujuubayaa? Dhib Alle ma abuurin. Quwaax iyo qadhaab waxoogaaga uu Diiriye meel dhow iyo meel dheerba ka soo shaqshaqay ninka diidaa isaga ayaa cirka roob ku og, ayay macallimiintu isku qanciyeen. Isaga iyo gaasteri baa isleh, haddiiba aanay qaaxo ku dhicin, sidii wadaadkii hore. Bakhtiguba mar buu xalaal yahay, maanta oo kale. Xilliga la joogaa waa Xaaraamocune. Qofka xalaal doonayaa xoolo miyi ha dhaqdo, qofkii xoog isbiday

xabbad ha qaato, qofkii xumaan kale u dan lihina annaga yuu nagu xoqan ee madaxtooyada ha aado. Maxaa annaga nalaga rabaa? Ma annaga ayaa askar jaahiliin ah iyo shacbi ka sii jaahilsan talada isugu dhiibnay? Shaqadayada waa in aanu ku noolaannaa, ayay macallimiintu ku doodaan keli kelina ugu fekeraan.

Qof walba qummanihiisa ayaa qoorta ugu jira. Qof waliba denbiga cid kale ayuu dusha kaga tuuraa xumaha uu qaybta ka yahayna iska riixaa. Barayaashu garasho ahaan waa ay og yihiin in ay waxa dugsigooda ka socda si buuxda mas’uul uga yihiin, laakiin dareen ahaan waa ay isdiidsiiyaan, wax ka qabashana waxay ka door bideen in ay taas Diiriye iyo madaxweynaha ku xantaan. Carabta ayaa ku maahmaahda “Xantu waa dadaalka waxmataraha”. Kartidooda oo dhami waa in ay sidii lo daaq tagtay dugsiga mar ku soo xeroodaan marna ka dareeraan.

Musuqmaasuqa xadka ka baxay, ee gaadhay heer la xalaashado, ardayda inta ku dulman ayaa aad uga badan inta ku danaysata, sidaas darteed maamulka iyo macallimiinta u ma hayaan wax xushmad ah. Laakiin laba saddex wadaad oo marar isxiga gadoodka akhlaaqeed ka dhex muuqday ayaa helay qaddarinta ardayda, waana sababta uu dugsiga uga bilawday baraarug diineed oo maamulaha welwel geliyay.

Diiriye waa ishiiqaate, ardayda kuwa uu isleh yahay dheef ka heli maysid qaladaadka ay galaan badanaa dan ka ma galo. Laakiin kuwa uu qoyskooda dhadhamo ku tuhmayo indho gaar ah ayuu u lee yahay, haddii uu marmarsiinyo yar u helana cago dhul u ma dhigo. Marka uu doono marmarsiinyo la’aan ayuuba u weeraraa. Waxaa ku filan in uu arko iyaga oo sigaar cabbaya, ama xisad ka soo yar daahay, ama maalin dugsiga ka maqnaaday, amaba mid barayaasha ka mid ahi dhego adayg iyo dadaal xumo ku soo eedeeyo. Maalintaasi Diiriye waa ciiddiisa. Ardayga inta uu dhegta jiido oo debedda u tuuro ayuu ku amraa:

“Orod waalidkaa keen!” Waalidkaa keen macnaheeda waa la isla yaqaan, waa lacag ha la ii keeno. Haddii uu arday sabool ah hadalkaas ku yidhaahdo wuu og yahay in uu keenayo waalid xanaaq la qaylinaya, oo isaga qudhiisa la dagaallama, oo ku yidhaahda: “Maamulahaaga mooyee, tuug yahow tuuggu dhalay, car maalin dambe ilmahayga soo eri in aan qoorta kaa goyn waayo!” Marar badan ayuu Diiriye dad noocaas ah ku qaldamay kana qoomamooday. Laakiin qoysaska ladan ee carruurtooda jeceli waxay imanayaan iyaga oo leh:
“Diiriye, ilmahani waa ilmo aakhir samaane, bal maanta uun isaga dulqaado”, xantoobo lacag ahna hoosta uga dhiibaan.

Si wanaagsan ayuu xaaladda dhaqaale ee ardaydiisa u ka la yaqaan, oo xataa isbeddelka ku soo kordhaya mid mid ayuu u la socdaa. Hadba ka ay qoyskooda dhaqaale xumo ku dhacdo iyo maalintaajirka cusub aad ayuu ugu feejigan yahay. Gaar ahaan fasalka koowaad ayuu sannad walba si gaar ah u ka la xulaa. Wuu jecel yahay sannadka ay dugsiga bilaabaan dhawr arday oo baabuur cadcad subaxdii lagu keeno duhurkiina lagu qaado.

In uu Sheekh Xasan Sacuudiga ka soo degay Diiriye wuxuu ka mid ahaa dadkii ugu hor ogaaday. Muxuu u ogaan waayay sow shaqadiisa ma aha? Sow dugsiga laba carruur ahi u ma dhigtaan, Aadan iyo Safiya? Si uu xoogaa uga shaqshaqo waa in uu Aadan iyo Safiya midkood marmarsiinyo u helaa, haddii uu labadaba u helana ka sii wanaagsan. Safiya ayaa se shillalka is’hor dhigtay.

Mabda’a waxbarashada dalku wuxuu ku dhisan yahay ka la sarrayn la’aan. Taas darteed waxaa khasab ah dhar isu eg in ay ardaydu dugsiga ku yimaaddaan. Dugsiga sare waa surwaal dheer ll balcad ah iyo shaadh cad oo gacmogaab ah. Dahab, masar iyo xarrago kale la ma oggola. Sharcidarro kaleba Diiriye ardayda ha ku maalo, laakiin waxii sharci ah cidda ku soo doonataa iyadaaba ka waalan.

Goor barqo ah Raage oo xisad ka soo baxay ayaa arkay maamule Diiriye oo xafiiska hortiisa ku la murmaya nin da dhexaad ah oo gadh weyn leh dhar sacuudina gashan. Waa wahaabi ayaa ahaa dareenkii ugu horreeyay ee uu Raage iska helay markii uu wadaadka arkay. Wuu maleeyay in uu arday uu Diiriye eryay u dacwoonayo. Haa, gabadh yar oo buugaag laabta ku haysata ayaa maamulaha iyo wadaadka ag taagan. Shaadh gacmo dheer oo jilbaha jooga iyo maro cad oo ay wejiga mooyee madaxa intiisa kale ku dabooshay ayay xidhan tahay. Raage yarta shakhsi ahaan u ma yaqaan, laakiin muuqeeda dugsiga wuu ku arkay. Dhankoodii ayuu u dhaqaaqay, wuxuuna soo gaadhay Diiriye oo wadaadka ku leh:

“Haddii aad sharciga dalka u yaal ka weyn tahay orod cidda ay khusayso uga dacwood, haddii kale annaga naguma khasbi kartid sharci aad Sacuudiga ka la timid.” “Adigu miyaad shareecada Ilaahay ka weyn tahay? Waxii uu Ilaahay soo dejiyay cidda diiddaa waa gaal. Maxaad markaas meel kale iigu diraysaa sow adigu halkan mas’uul ka ma tihid, denbigeedana ma lihid?” ayuu wadaadkii ku dooday.

Durba macallinku sababta muranka fahan: wadaadku wuxuu doonayaa in ay gabadhiisu dugsiga xijaab ku dhigato, Diiriyana wuu ku gacan saydhay. Awal isaga ayaa dadka gardarraysan jiray, laakiin maanta laaluush la siiyo iska daa ee godkiisii ayay biyo ugu galeen. Labaduba aad ayay u xanaaqsan yihiin, in ay cidi soo ka la gaadho malaha waa ay u baahnaayeen. Raage isaga oo sidaas wax u arkay ayuu isku dayay in uu dhexdhexaadiyo.

“Sheekh, maamuluhu wuxuu kuu la hadlay si wanaagsan. Isagu sharciga dalka u yaal ma dejin, markaa waxaa habboon, intii aad macnodarro isugu xiiqi lahaydeen, in aad wasaaradda ama ciddii kale ee shaqo ku leh dacwadaada u la tagtid.” Wadaadkii Diiriye oo ay isku daaleen inta uu ka soo jeestay ayuu Raage isku soo rogay.

“Shukran yaa akhii! Sheekh Xasan baa la i yidhaahdaa ee adiga magacaa?” “Raage ayaa anna la i yidhaahdaa, dugsiga ayaan bare ka ahay.” “Yaa akhii, wax kale ma jiraane waa ayo cidda xaq u leh in ay inantayda ku khasabto in ay qaawanaan ku socoto?” Diiriye xafiiska ayuu iska galay. Safiya oo sidii ay dhaxamoonayso buugaagtii dhuunta gashatay, hoosna u foororta, doodda iyada ku saabsanna la socota laakiin aan waxba ku darsan karin, ayuu Raage yar milicsaday.

“Yunifoomka dugsigu qaawanaan ma aha ee horta qalad wax ha u fasirin. Haa, xijaab ma aha, laakiin qaawanaanna ma aha. Midda kale, miyaadan ka garaabayn sharcigani in aanu ahayn mid dugsigan iyo gabadhaada oo keliya khuseeya ee dalka oo dhan ka jiro, cidda fulin weydaana tahay cid sharciga ka leexatay?” “Maya, ka garaabi maayo, waayo diin baan ka hadlayaa, idinkuna sharci jinni oo meel laga keenay aan la aqoon baad ka hadlaysaan. Ma jiro sharci aan diinta ahayn oo dad muslimiin ahi ku dhaqmi karaan.” “Laakiin haddii wax la beddelayo waa waajib in loo maro dariiq habboon, ma aha in halkan lagu murmo.”

Sheekh Xasan hadalka Raage ku ma uu qancin ee qudhiisa wuxuu u arkay sheyddaankii Diiriye ka yaraa. Dooddii wuu beddelay oo wuxuu galay wacdi. Markii uu cabbaar si degdeg ah u hadlay ee xiiqay, ayuu boorso maas ah oo garabka uga lulatay ka soo saaray buug yar oo carabi ah oo Raage u soo taagay isaga oo leh:

“Mar haddii aad madraso taanawi ah macallin ka tahay carabiga waa taqaan ee soo akhri kitaabkan. Haddii aynu diinta baranno waa aynu tafaahumi lahayn, mushkiladdu waa jahli xaqa inagaga sugan ee barashada diinta aynu ku dadaalno.” “Mahadsanid! Waan soo akhriyayaa.” Markii uu Raage ka dhaqaaqay ayuu Sheekh Xasan mar kale xafiiska galay, laakiin Diiriye oo qaylinaya ayaa debedda u soo eryay. Hadal iyo wacdi aan loo baahnayn ayuu wadaaye haddii aanu wax bixin sidee bay wax ugu hagaagayaan? Haddii ay gacantiisu irmaan tahay xijaab iska daaye wax kasta waa loo oggolaan lahaa. Sidaas ayuu isaga oo ciil la liita gabadhii ku kaxaystay.

***

Raage meesha sidaas ah ee uu shaqada ka bilaabay aad ayuu uga argagaxay. Marar badan wuu ka fekeray bal waxa uu arrinta ka qaban karo. Buuq iyo xiisad aan natiijo macno leh dhalayn in uu kiciyo ma uu doonayn, dacwadna in Diiriye horeba loogala quustay maqal. In uu dugsiga ka beddesho wuu ka fekeray, laakiin wuxuu isu arkay gorayadii ciidda madaxa gashatay ee moodday in ay dhuumatay. Mushkiladdu sow ma aha mid dugsi walba iyo goob kasta oo shaqo taal?

Wuxuu ku tashaday in uu dhan kale uga wareego. Erayo degdeg la isugu maguujiyo iyo weedho sarbeeb ah mooyee isaga iyo Diiriye weli musuqmaasuqa toos ugama ay wada hadlin. Maanta ayuu ku tashaday bal in uu taa isku dayo. Xisad uu firaaqo lahaa ayuu maamulaha xafiiska ugu tegay.

“Diiriye, waxaa muuqata xaaladda dugsigu in ay meel xun marayso. Dalka oo dhan musuqmaasuq wuu ka jiraa, laakiin u malayn maayo in ay jirto meel halkan la mid ahi. Waa shaqadeenna iyo xilkeenna waxa ay dhibaatadu ka taagan tahay. Sow ma habboona haddaba in aynu arrinta wax ka qabanno?”

Diiriye shiddaba isma gelin ee inta uu labada gacmood qadaadka ku qabsaday oo dib ugu tiirsaday, ayuu si aad u deggan u yidhi:

“Aniga shaqadayda dhibaato igama haysato ee taada miyay kaa haysataa?”

“Waa hubaal labadeennaba in ay inaga haysato. Ma jirto mushkilad ka weyn xilka hawleed iyo akhlaaqeed ee shaqadeenna inaga saaran in aynu dayacno ama ku takrifalno.”

“Oo shaqadaada miyaad dayacday kuna takrifashay?”

Raage si weyn ayuu uga xanaaqay isyeelyeelka Diiriye. Shidaanaba shidan. Qof wax bi’inayaba u ma ega. In uu talo qaato ha joogtee waqtigii wadahadalka wuxuu ku lumiyay jeesjees iyo googgaalaysi. Maalintaas ayuu ka quustay wax ka qabasho habboon oo arrinta lagu samayn karo inta uu Diiriye awoodda ugu sarraysa iyo awoodda oo dhan ee dugsiga lee yahay. Maalintaas ka dib wuxuu bilaabay in uu ka fekero sidii uu Diiriye shaqada uga qaadi lahaa. In ay isaga iyo barayaasha kale si wadajir ah dacwad qoraal ah wasiirka Wasaaradda Waxbarashada u gudbiyaan ayuu ka fekeray.

Haddana wuxuu xasuustay in ay barayaasha badankoodu Diiriye u laylyan yihiin, lagana yaabo in ay arrin noocaas ah iska dhegooleeyaan. Sidaas oo kale, mar haddii ay xaaraan tahay in wax awoodda maamulka ku abtirsada laga hor yimaaddo, fal noocaas ah waxaa lagu xukumi karaa shoobbare, taas
oo ah dacwad khatar ah.

Midda kale, waa hubaal Diiriye in uu dad adag Wasaaradda ku lee yahay. Haddaba maxaa talo ah? Ma ku la tahay in aad waxaa la raqayo dhankaaga ka raqdid, oo aad sida Diiriye dhabannada ka dhalaashid? Sow adigan gaajaysan maad lafahaaga wax u cuntid? Maxaad wax u baratay, ma gaajo iyo arrad? Ka dibna? Dadnimo iyo dugaagnimo ma ka la jiraan? Xaaraan iyo xalaal, dhac iyo dhaqasho, dulmi iyo daacadnimo ma ka la jiraan? Maxaa kaa galay waxa ka la jira? Waa taa sidii waylo dhooqo galay dhan walba wax loo walaaqday ee maad dhankaaga ka gashid?

Fikirkaada Waa Muhiim