Aanadii Negeeye – Qeybtii 12aad

Raage markii uu shan iyo toban jirsaday waxaa ku dhacay isbeddel kaga yaabiyay. Wejigii sidii gabadh yar oo dhaashatay nadiifta ahaan jiray waxaa ku daatay finan, meelo jidhka ka mid ah waxaa ka soo baxay timo, codku wuu cuslaaday, muruqyadu waa ay adkaadeen. Intaa waxaa u dheer marka uu kubbadda ka yimaaddo shurufka aan laga garan orgi naq u da’ay. Waagii beryaba koritaan hor leh iyo xaalad cusub ayuu la soo toosay, wuxuuna yeeshay dhererkii iyo muuqii Xirsi-Micilibaax.

Marka uu galabtii kubbadda ka yimaaddo ee qubaysto, haddii aanay jimce ahayn awal wuxuu u fadhiisan jiray akhris, laakiin wuxuu bilaabay in uu dib u cararo. Inta uu guriga joogo ma nefiso ee waxaa ku dhaca hiyikac iyo hilaw, inta uu wax akhriyayana ma deggana ee waxaa ku furan feker kale. Dugsiga qudhiisa inta uu xisadda ku jiro macallinku waxa uu sheegayaa inta badan waxay dhaafaan isaga oo wax kale ka fekeraya. Waxaa xiise aad u badan u yeeshay haweenka, wuxuu isarkay isaga oo mid walba ku talogal la’aan u sii eegaya, xubin kasta oo uu jidhkooda ka arkaana waxay ku noqotay dhimbiil wadnaha kaga dhegtay.

Dumar ka waaweyn, oo qaarkood qudhiisa macallimiin u yihiin, ayuu ku fekeraa isaga oo dharka kor uga laabaya inna hoos uga jiidaya dabadeed wax Alle og yahay la samaynaya. Isbeddelkaa filanwaaga ahi wuxuu ku abuuray farxad iyo xanuun mataano ah oo uu ka la saari kari waayay. Wuu illaawi kari la yahay habeen ay kurayo khayr darani geeyeen aqal Waaberi ku yaallay naag dhali karaysay oo uu lacag siiyay. Wuu illaawi la yahay qol ay wada galeen sidii ay hoosta uga xidhatay iyo jidhkii weynaa ee ay qaawisay. Wuu illaawi la yahay sidii ay isaga oo weli taagan hortiisa sariir isugu legedday iyo sidii ay dabadeed wax u dhaceen.

Gabadh ay isku dugsi yihiin isagana fasal ka hoosaysa, oo uu macallinka xaafadda malcaamadda u hayaa dhalay, ayuu fiidadka qaarkood jardiino mugdi ah ku leexiyaa. Halkaas ayuu sidii bukaansocod dhakhtar u yimid ugu dan sheegtaa, mar kale sidii faqiir ilmo gaajaysani ka seexan waayeen u baryaa, mar kalena meelaha ay u nugushahay ka salaaxaa. Dabadeed marka ay ka la daadato ayuu wax aan gabadh macallin Qur’aan dhalay loo quudhin ku la kacaa.

In muddo ah markii sidaas la ahaa, oo baashaal baqdin leh la isku qabay, ayay kurayo khayrdarani arrinta wadwadeen ilaa la wada ogaaday. Dabadeed yartii ul ayay waalidkeed ka la daaleen dugsigiina ka joojiyeen. Raage guuldarrada miskiinadda ku dhacday in uu isagu u sabab yahay ayuu dareemay. Waxaa kaga sii daran sida macallinka Qur’aanka wejiga u siin kari la yahay, taas oo ku khasabtay in uu malcaamadda ka tago. Intaaba waxaa kaga sii daran cabsida uu ka qabo in ay inkaarta wadaadku ku dhacdo. Isaga oo sidaas u baqaya ayay mar duumo ba’ani dhulka u tuurtay, wuxuuna mooday inkaartii uu filayay.

Waxaa iyo wax la mid ah, oo isugu jira in uu ficil ahaan u sameeyay iyo in uu ku fekeray ama ku riyooday, dhammaan wuxuu ku qabaa welwel iyo baqdin joogto ah, isaga oo ka la garan la in ay xaaraan iyo xumaan wada yihiin iyo in kale. Kollay wuu hubaa naagtii baas ee reer waaberi iyo yartii macallinku dhalay haddii aanu ka toobad keenin in lagu cadaabayo.

Isaga oo sidaas denbi u dareemaya ayuu maalin masjidka tegay. Markii uu saaladda makhrib jamaca la tukaday wuxuu la fadhiistay oo dhegeystay kitaab uu sheekh caan ahi marinayay dad tiro badanina ku taxnaayeen. Wacdi uu meelahaas ka maqlo mooyee waa markii koowaad ee uu barashada diinta u jilib dhigay.

Maalmo ka dib maskaxdiisa oo dhan waxaa mashquuliyay aakhiro, cadaabta iyo jannada. Wuxuu aad ugu farxay una hiloobay naxariista Eebbe iyo liibaanta jannada, isla markaas wuxuu ka argaggaxay ciqaabta daran ee taa dhinac taal, dabadeed cabsi badan ayaa gashay. Waxyaalaha uu Eebbe dadka ku cadaabaa waa isla waxyaalaha uu qudhiisani maalin walba sameeyo sida waxii uu la sameeyay Ina Macallin, iyo xataa gabadh aadan qabin daawashadeeda.

Masjidka wuxuu ku bartay barbaar xer ah kuwaas oo ay noloshooda oo dhami ku wareegayso diinta iyo barashadeeda, habeen iyo maalinna masjidka yuurura. Inta uu la joogo ka ma maqlo wax aan ahayn diinta, waxayna joogto uga wada hadlaan waxa qofka u bannaan iyo waxa ka reebban, siirada iyo mucjisooyinkii Nebiga, jannada iyo cadaabta, iyo asxaabtii. In kasta oo aanay lahayn cilmi diinta ka baxsan, oo aanay sidoodaba dugsiyo dhigan, haddana wax kasta oo dunida ka dhaca waxaa ay ka bixiyaan fasiraad ay hubaan.

Haddii uu cudur dillaaco ama ay abaari dhacdo, haddii uu daad fatahmo ama ay duufaani kacdo, haddii uu dhulgariir dal ku dhufto ama ay fulkaani qaraxdo, inta aan khabiirka taa ku takhasusay jawaab haleelin ayay iyagu ku sheegaan ciqaab Rabbi, ciddii wax kale ku fasirtana waxaa ay ku tilmaamaan jaahil xaqa laga daboolay. Waxay isku raacsan yihiin musiibooyinka dabiiciga ah iyo kuwa aan dabiiciga ahayn ee dunida ku soo batay in ay muujinayso qiyaamihii soo dhowaaday. Markaas ayay sii baqaan oo kitaabbada ku sii dhegaan masjidkana ku sii raagaan.

Xertaasi mar haddii ay jacaylka Ilaahay u ban baxeen Raage wuxuu u arkay dad suubban, sidaas darteed, in kasta oo aanu ka mid noqon, wuxuu la yeeshay xidhiidh dhow. Aad ayuu ugu qaddariyay sida ay xujooyinka adadag ee nolosha jawaabo waafi ah ugu hayaan. Taas waxaa uu kaga raystay Rooble oo dunida ku eega indho shaki iyo wiswis ah. Waqti gaaban ayuu wayddiimo badan u helay jawaabo siiyay degganaan nafsadeed. Laakiin ma ay ahayn marxalad cimri dheer oo wax waliba dib ayay isu cuneen.

Waxaa ay ka bilaabatay galab galbaha ka mid ah, goor salaadda casar iyo ta makhrib u dhexaysa, isaga oo koox xerta ka mid ah masjidka hortiisa la fadhiya, ayaa waxaa soo hor maray oday da ah oo bakoorad ku tukubaya. “Gaalkii maantana waa kan”, ayuu yidhi mid xerta ka mid ahaa. “Shalayna waxaan arkay isaga oo kiniisadda sii gelaya. Maalin keliya ka ma baaqdo”, ayuu mid kale yidhi. “Bal muu iska muslimo?” “Awal muxuu u gaaloobay?” “Malaha waaba uu ku dhashay?” “Xataa haddii uu ku dhashay imikaba xaqa wuu arkaa ee muu raaco?” “Malaha wuuba isla qumman yahay?” “Isla ma qummana ee waa ka kibir iyo isyeelyeel.” “Wallee maantana waan la hadlayaa.” “Hanuunka Ilaah baa haya ee kan ha isku daalin.” “Wallee waan la hadli, ha hanuuno ama yuu hanuunin.”

Isla markaas ayuu kii hadalka bilaabay odaygii oo sii dhaafaya ka daba kacay, kuwii kale oo Raage ku jiraana waa ay raaceen. Markiiba wacdi ayuu odaygii u bilaabay, odaygu se xerta hore ayuu ugu daalay, sidaas darteed isaga oo aan socodka joojin ayuu hadalka ka boobay oo ku waaniyay: “Waa ay fiican tahay in aad diinta barataan, laakiin ma aha in aad noloshiinna dayacdaan. Dhallinyaro ayaad tihiin ee waa in aad fadhiga ka kacdaan oo shaqaysataan. Haddii aad meel uun yuururtaan yaa wax idin siinaya?”

“Ilaahay baa wax na siinaya, laakiin adigu…”

“Aniguba waan rumaysan ahay in uu Eebbe dadka risiqo, laakiin ficil iyo dadaal baa loo baahan yahay.”

“Waxaan rabaa in aan kaala hadlo…”

“Haddii aynu afrikaan nahay waxaa dib inoo dhigtay caajisnimo ee meesha ka kaca.”

Marka uu xerowgu hadal damcaba wuu ka boobay oo waano waayeel u quruuruxiyay, intaasna socodka ayuu sii wadaa si uu nimankan weerarka ah uga dhex baxo. Taana wuu ku guulaystay oo xertii waxay isarkeen isaga oo aqalkiisii ku la sii dhow. Maalintaana iyaga oo habaaraya oo ku sheegaya cadow naarta ku waari doona ayay quus ka la noqdeen.

Odaygu wuxuu ku hadlayay af soomaali ganna ganna ah. Intii hore oo dhan Raage ma uu fahamsanayn sababta gaal loogu sheegay, dib ayuu se ka ogaaday in uu yahay amxaar kiristaan ah oo ka soo jeeda xigtadii Xayle Salaase dalkana magan ku jooga. Amxaarku Raage mar wuxuu ugu muuqday aabbe hagaagsan oo wiilashiisa horumar la jecel, mar kalena wuxuu ka xumaaday in uu yahay “cadow naarta ku waari doona”. In uu maalin walba kiniisad tago sida loogu yasayo wuxuu dhinac dhigay odayda da’daas ah ee maalin walba masjidka taga sida loo sharfo. Fikrado badan ayay arrintaasi ku dhalisay, waxaana ugu adkayd in uu ku qanco amxaarka in ay ka tahay “kibir iyo isyeelyeel”. Muxuu galabsaday haddii uu diin uu ku dhashay daacad u yahay? Haddii uu muslimo sow naftiisa iyo dadkiisaba u la ma mid noqdeen oday muslin ah oo kiristaanoobay?

Maalin ayuu sheekha dadka kutubta u mariya wayddiiyay: “Sheekh,  Ilaahay   dadka  miyuu   jecel  yahay mise   wuu neceb yahay?” Wayddiintu wadaadka waxay gelisay dhiillo, waayo ma ay ahayn wax uu maqli jiray.

“Ilaahay dadka wanaagsan wuu jecel yahay kuwa xunna wuu neceb yahay”, ayuu ugu jawaabay.

“Laakiin maxay dadka qaar u wanaagsan yihiin qaarna u xun yihiin?” ayuu yarku sii wayddiiyay.

“Kuwa wanaagsani waxay sameeyaan wanaag, kuwa xumina xumaan.”

“Oo maxay qaar wanaag u sameeyaan qaarna xumaan?”

“Sababta oo ah qaar waa ay wanaagsan yihiin qaarna waa ay xun yihiin.”

Intaasi yarka waxba ma ay tarin ee waxay u la egayd halxidhaale. Isla wayddiintii hore ee ahayd: maxay dadka qaar u xun yihiin qaarna u wanaagsan yihiin ayaa isku soo rogtay. Wuxuu damcay in wayddiiyo sababta uu Ilaahay amxaarka gaal xun uga dhigay isagana muslin fiican, laakiin ku la ma dhiirran, wuu iska aamusay. Wadaadkii oo arkay in yarka jahowareer ku dhacay ayaa u naxariistay oo ku yidhi:

Rufical-qalam   wajafat   as-suxuf   –   qalinkii   waa   la   qaaday warqadihiina waa ay engegeen. Qof walba qaddarkiisu qoorta ayuu ugu jiraa. Wayddiinta badanna waa lagu halaagmaa ee iska daa.”

Qofka aqoontu waxaa ay u jirtaa inta ay wax iswayddiintu u jirto, ayaa ahayd talo uu marar badan helay. Sidee ayay markaa u noqon kartaa wax lagu halligmo? Wadaadku xaggee ayuu wax ka eegayaa? Taas ayuu Rooble wayddiiyay markii uu jawaabta wadaadka ku qanci waayay. “Waxaa jira wayddiimo aanay dadku jawaabo waafi ah u hayn ee bal adiguna iswayddii”, ayuu Rooble naf uga dhigay. Markii uu qisadii amxaarka iyo xerta u sheegayna wuxuu yidhi: “Isku dhan ayaa wax loo wadaa, in la isla yaabana ma aha.”

Xaaladdaasi naftiisa iyo fekerkiisa yar oo dhan waxaa ay ku ridday fawdo, waxa ay se u sababi doontaa akhris jacayl iyo wax iswayddiin badan. Waqti ka dib wuxuu ogaan doonaa mas’alada qaddarku in ay tahay qodobka ugu xasaasisan falsafadda islaamka iyo labada diimood ee kale ee samada ka soo degay. Wuxuu ogaan doonaa doodda qaddarku in ay ahayd tii ugu ba’nayd ee filosoofiyiinta muslinka ka la qaybisay. Wuxuu kale oo ogaan doonaa markii murankeedu batay, jawaab lagu wada qancana loo waayay, in laga wada gaabsaday. Ugu dambayn wuxuu ogaan doonaa in ay tahay mas’alo ay wadaaddadu cuqdad ka qabaan aadna u neceb yihiin in la wayddiiyo.

Isbeddelka feker iyo dhaqan ee Raage ku dhacay adeerkii ma mooga. In kasta oo uu fahmo badan yahay, duruustana ka adag yahay, haddana in aanu sidii hore u dadaalin wuu og yahay. Inta uu guriga joogo waxaa ka badan inta uu debedda ku maqan yahay ee koox filkiis ah meelahaa la wareegayo. Caado ahaan sagaalka haddii la gaadho qoysku guriga ayay wada joogi jireen, tobankana qof waliba sariirta ayuu tegi jiray, laakiin beryahan Raage marka uu doono saqdhexe ayuu albaabka soo garaacaa. Markii uu Rooble taas uga digayna Leyla ayuu iska laaluushaa oo daaqadda ku soo garaacaa. Xeeladdaa qudheeda odaygu wuu la socdaa.

In kasta oo aanu weli ku arag haddana Rooble wuxuu Raage uga shakiyay in uu sigaarka cabbo. Maalin isaga oo aan ogayn waxaa ka dhacday xabbad sigaar ah, Qarad ayaana aragtay oo Rooble u gudbisay. Habeenkii xigay odayga oo fadhiga ku sugaya ayuu Raage saqdhexe yimid. “Halkan soo fadhiiso. Bal saacadda aad xidhan tahay fiiri.” Raage saacadda ayuu eegay ma uu se hadlin. ”Ma sidaas ayaad arday ku tahay? Xaggee baad waqtigan ka timid?” “Jardiinada ayaanu ku sheekaysanaynay.” “Oo jardiinada maxaa idin dhigay? Haddii aad waqtigaa jardiino ku soo gaadheen idinka iyo debedyaalku maxaad ku ka la duwantihiin?” Ma uu jawaabin ee findoob ayuu iska tuujiyay. “Sigaarka waad cabtaa, sow ma aha?… In aad been ii sheegtana ha isku dayin?” Aamus kale ayuu miciinsaday. “Cab ama ha cabbin, waxaad se xumaantiisa arki maalinta aad cudur mooyee wax kale ka waydid.”

Raage sigaarka marmar ayuu cabbaa. Qaar asxaabtiisa ka mid ah ayaa dhawr jeer ku ag shitay oo korkiisa isaga dhiibdhiibay, markii ay marba dhan u dhaafiyeen wuxuu dareemay in uu ka liito, si uu ugu dherersado ayuuna xabbaddii ugu horreysay shitay.

“Geelii aabbahaa ee aad sidii qurbac xun daba socon jirtay waxaan kaaga soo reebay in aad hesho nolol kuu dhaanta, mana heli kartid haddii aadan wax u baran, waxna u ma baran kartid inta aad saqdhexe jardiino sigaar la fadhidid. Ka la dooro laba waddo: in aad geelii ku noqotid iyo in aad wax baratid.”

“Wax baan baranayaa.” “Haddaba akhriskii badnaa soo celi, gurigana ma oggoli in aad waqti aan habboonayn ka maqnaatid. Haddii ay balwad noqotana, marka aad lacag tacbatid waxa aad doontid ka yeel, laakiin tayda iyo mid cid kale toonna xaq u ma lihid in aad gubtid.”

“Waa yahay.” “Asxaabtaada gurigooda u raac ama iyagu ha kuu soo raaceen, caawa ka dibna yaanan kaa maqlin ‘waxaanu fadhinay jardiinada’.” “Waa yahay.”

In kasta oo markii uu shan iyo toban jirsaday ay marxaladda cimri iyo xaaladda nololeed ee uu galay ay xiise iyo xanuunba badnaayeen, haddana qunyar qunyar ayay fulkaantii ku dillaacday uga degtay ama isagu u la qabsaday. Waxbarashada ayuuna mar kale awoodda ugu badan saaray.

Leyla qudheeda beryahaas waxaa ku kacday fulkaano ta Raage la mid ah. Dhererka iyo madowga badan qoyska ayay ka hiddaystay, naaso hodan ah iyo sino waaweyn ayay yeelatay, iyo ammuuro kale. Isbeddelka jidhka waxaa kaga daran ka nafteeda gilgilay. Raggii aanay dad iyo duunyo u ka la aqoon waxay bilawday kii ay aragtaba in ay kor iyo hoos, muuq iyo maan, mitiriso. Nolosheeda waxaa ugu xiise badan la joogista wiilasha, siiba kuwa iyada ka waaweyn, iyo sidaas oo kale in ay gabdhaha da’deeda ah ka la sheekaysato hebel iyo hebel ay isla yaqaannaan. Qolkeedii maalintaa ka dib qol carruureed ma uu ahayn. Waxyaalaha la isku qurxiyo oo labaatan jaad ah ayaa u yaal, marka ay baxaysana saacad dhan ayay muraayadda hor fadhidaa. Derbiyada waxaa ugu dhegsan arbayaal ay ku baratay kuna jeclaatay filimada hindiga.

Habeen walba waxay ku riyootay doob muruqyo weyn oo laabta ku qaatay oo samada u la duulay. Rooble iyo Qarad inta ay Raage ka welwelaan in ka badan ayay Leyla ka welwelaan. Sababtaas ayay ugu sheegeen in ay wiilasha ay la sheekaysato guriga keento ama kooda u raacdo. Sidaas ayay iyaduna yeeshay. Taasi qoyska iyo deriska aan awalba isu laab fayoobayn ayay dab ka sii dhex hurisay, waxaana loo arkay reer ba’ay oo hoogay. Maalintaa ka hor la ma arag gabadh waalidkeed hortooda wiilal sheyddaan ku la qooqda. Laakiin Rooble sidii caadada u ahayd waxaas oo xan iyo hadalxumo ah wuu iska dhego maray.

Raage isagu wuxuu waagii beryaba waddada dugsiga sii hayo, habeen iyo dharaar akhris ku foororo, oo uu sida sallaanka sannadba sannad uga tallaabsado, ugu dambayn shahaadadii dugsiga sare gacanta ayuu ku dhigay. Dhab ahaantii aqoonta uu muddadaas urursaday ee shakhsiyaddiisii reer miyiga ahayd xididdada u bixisay may ahayn ta iskuulka oo keliya, ee waxaa dheeraa jacayl uu u qabay in uu wax walba akhriyo, taas oo ahayd dabeecad uu malaha ka qaaday Rooble oo uu qaddarin xad dhaaf ah u hayay.

Akhris jacaylku waa sifada ugu wanaagsan ee uu Rooble la jeclaan lahaa qof uu gacanta ku hayo, taa awgeed dabeecadda Raage waxay ku abuurtay niyadsami iyo dareen ah in dadaalkiisii midho dhalay. In kasta oo aanu ammaani jirin, malaha hadal yaraan darteed, haddana Raage wuu ogaa adeerkii in uu jecel yahay. Taa wuxuu ku ogaaday siyaalo badan oo ay ka mid yihiin isaga oo aan weligii marna gacan u qaadin ama si qallafsan u canaanan, iyo isaga oo u la hadli jiray sidii qof weyn.

Rooble waa nin dhibaataysan oo asxaabtiisa tirada yari waxa uu isagu xiiseeyo ee doodaha fekerka iyo aqoonta ah la ma xiiseeyaan. Mid waliba in uu shaqadiisa uun ka adkaado ayaa dadaalkiisu ku dhan yahay, wax akhrisna malaha xilligii waxbarashada ayaa ugu dambaysay. Wax uu isagu ku kordhiyo mooyee iyagu wax badan ku ma kordhiyaan ama ku ma kordhin karaan. Marba aragti uu isagu beri hore ku dhaliyay ayay wax cusub uga dhigaan oo inta ay soo calcalaaliyaan iyada oo aan dux iyo dacmad lagu ogayn dib ugu soo celiyaan. Nacdali kortaygu maxay barteen maxay se akhriyaan?! ayuu ku hiifaa.

Sababtaas ayuu Raage wehel aqooneed uga dhigtay, oo marka uu arko isaga oo buug akhriyaya wuxuu badanaa ku yidhaahdaa: “Marka aad dhammaysid ii sheeg.” Ka dib wax ka wayddiiyaa fikrado buugga ku saabsan oo uu la dhacay ama la yaabay ama xataa fahmi waayay bal sida uu ka yari u arko.

Waa ay ka la duwan tahay waxa la khriyo in keli ahaan loo liqo iyo in dad kale lala wadaago. Mar kasta oo wax la wada falanqeeyo waxaa laga soo tuujiyaa miid dheeraad ah iyo macne maanka ku raaga. Doodaha qoraallada ku saabsan ee uu Raage adeerkii ka helay garaadkiisa dheef badan ayay siiyeen, waxayna u noqdeen fursad uu waxyaalaha uu akhriyo xaglo ka la duwan kaga eego, qunyar qunyar ayuuna u helay bislaansho maskaxeed oo da’diisa ka weyn. Habeen ka mid ah berigii uu dugsiga dhammeeyay, goor caways ah oo uu magaalada ka soo noqday, ayuu la kulmay Rooble oo daaradda ku neecawsanaya. Wuu la fadhiistay cabbaarna sheekaysteen.

“Weli ma waxaad ku talo jirtaa in aad duuliye noqotid?” ayuu wayddiiyay.

Waxaa la isla xasuusan yahay intii uu yaraa oo dhan in uu sheegi jiray duuliye in uu noqon doono, sidii ay aabbihii ku soo ka la tageen, waxa ay se ka baxday goor aanu ogayn.

“Maya adeer, waxaan xiisaynayaa in aan bare noqdo.”

“Bare?” Raage oo mooday odaygu fikradda in uu ka naxay, hadal habboonna raadinya, ayuu Rooble raaciyay: “Waa xirfad sharaf leh. Waxa uu qofku xiisaynayo ayaa muhiim ah. Ma jirto wax ka weyn oo aan ku faani lahaa in aan arko adiga iyo Leyla oo jaamacad ka baxayHabeenkaa wuxuu siiyay talooyin badan oo dardaaran u eg, kuwaas oo da’dii u korodhaba Raage qiimo badan u sii yeeshay. “Aqoon aad akhriday iyo mid aad dhaxashay toonna yaanay ku hodin, hana u arkin wax sugan iyo xaqiiqo laga ma gudbaan ah.

Wax walba caqliga ku miisaan, meelo ka la duwan ka eeg, wax lid ku ahna ku eeg. Run iyo been, sax iyo qalad, midna wax ahi ma jiraan inta aan caqligaagu go’aan ka gaadhin. Ma jirto awood caqliga ka sarraysa oo wax lagu saxo ama lagu qaldaa. Qofka waxa loo sheegay, uu akhriyay ama dhaxlay sidooda ku qaata, isaga oo aan garashadiisa la kaashan, ee mooda cidda wax u sheegtay in ay xaqiiqada uga xogogaalsan tahay, waa qof aan garaadkiisa ku kalsoonayn oo addoon u ah aragti kale ama dhaqan soojireen ah.

Isku day had iyo jeer in aad wax walba dhinaca lagaa tusay ama aad ka taqaan mooyee dhinacyo kale ka eegtid, una oggolow caqligaagu in uu fekero karaankiisa. Ogow haddii aad fekerkaaga xayirtid, adiga oo xeerinaya aragti hore, waad iska hiilisay waxaanad u jabtay mugdiga iyo khuraafaadka. Ha noqon fulay socdaalka nolosha dadka kale iska dabagala waxa ay la kulmaanna la kulma, ee ku dhiirro waddo cusub taas oo aad guul aan lagaaga horrayn uga dhacdid.

Waxaa ka la jira jahli toos ah iyo mid dadban, sida ay u ka la jiraan aqoon toos ah iyo mid dadbani. Mana jirto dhibaato ka weyn ta uu sababo qofka qaba jahliga dadbani. Waxaad arkaysaa qof la sheegayo in uu wax bartay oo haddana ku dhex ambaday dhaqan soojireen ah aan la hufin iyo habfeker ku dhisan mala’awaal, kutiri kuteen iyo sheeko xariiradii madaxkuti, kaas oo dhex rooraya ceeryaamo yoolka araggiisa soo dhoweysay. Sow markaa gartii ma aha in uu xanuunka ay nacayb reer iyo caadifad qabiil ku abuureen dartood sidii uu leeb sheyddaan sambabka kaga taagan yahay cabaado, oo sidii uu dhunkaal cunay labada qawlal ka xumbeeyo?

Sow gartii ma aha tabartiisa maskaxeed iyo guud ahaan tayadiisa dadnimo oo dhan in uu hoog iyo wax aad u hooseeya ugu adeego? Mar haddii uu araggiisa himbiriirsiga ah iyo garaadkiisa naaquska ah dartood ku guuldarraystay in uu xaqiiqadu sida ay tahay u arko, faham hagaagsanna ka la baxo, sow gartii ma aha in uu talo awoow dib ugu noqdo oo tol uu dhogor yaqaan dhexda ka raaco?”

Odaygu cabbaar ayuu sidii kelitalis u dhurmay. Taladan uu daldalayo intee ayuu isagu kaga dhaqmaa? ayuu yarku niyadda iska wayddiiyay. Wuxuu ku sii daray: “U feejignow dhacdooyinka iyo giraanta wareegaysa ee dunida, mid dhow iyo mid dheerba, wax walbana asalkooda iyo sababtooda raadi, taas ayaa ah wacyiga aad maqashid. Wacyigu waa ilays xoog leh oo sida hillaaca maskaxda ugu dhaca, oo degdeg kuugu ifiya walxaha iyo dhacdooyinka xaqiiqadooda. Weligaa qof ha ku nicin aragtidiisa u gaarka ah, hana kaga hamran aragtidaada kuu gaarka ah.”

Gugii iyo aqoontii u kordhaba Raage waxay sii dareensiiyeen abaalka aan xadka lahayn ee ay reer adeerkii ku leh yihiin. Tacliinta oo keliya ma aha ee wuxuu hubaa in ay qofnimadiisa oo dhan dhiseen. Wuxuu ka soo qaadaa haddii uu weli miyiga joogi lahaa, wuxuuna qiraa taas in aanay aqoon keli ahi ku seegteen ee hab fekerkiisa iyo shakhsiyaddiisa oo dhami si kale ahaan lahaayeen. Shaki la’aan waxaad noqon lahayd qof qallafsan oo arxan daran oo dagaal u joog ah, sida ay geeljirku wada yihiin, ayuu ku fekeray.

Mar kasta oo uu ka fekero dadka qaba akhris- iyo qoris la’aanta wuxuu xasuustaa maalin uu carruur ahaa, intii uu miyiga joogay, warqad duug ah oo wargeys ka dillaacday oo uu gacanta ku qabtay. Waxay ku qornayd far laatiini uu markaa u yaqaannay ”farta gaalada”, halka uu carabida u yaqaannay ”farta Qur’aanka”. Wuxuu iska yeelyeelay in uu wax warqadda ku qoran akhriyo, isaga oo khayaaligiisa yar la kaashanaya ayuuna xaraf walba ugu magac daray waxa uu u eg yahay waxyaalihii uu markaas yaqaannay. Tusaale ahaan xarafka O wuxuu u bixiyay goobo, xarafka J guugguule, xarafka X maqas, xarafka S mas, xarafka T dubbe… Dabadeed wuxuu ka la baxay macne dhalanteed ah oo uu isku qanciyay in uu sax noqon karo. Wax akhrisku wuxuu ahaa duni ka oodan, maantana waa qaybta ugu muhiimsan noloshiisa. Farxadda ay taasi ku abuurtay ma jirto wax kale oo uu u dhigi karaa.

Jahliga iyo faqrigu waa laba cadow oo qofka qaba u nugleeya cadawyada kale oo dhan. Ma jiro halgan ka mudan in labadaa lala dagaallamo, mana jiro wanaag qof loo galo oo ka weyn in labadaa looga hiiliyo. Sababtaas ayuu Raage adeerkii abaal ugu hayaa.

Sannadkaa uu dugsiga sare dhammeeyay ayuu mar kale reerkoodii miyiga fasax ugu tegay. Aqoontiisa, fekerkiisa iyo ujeeddadiisa fasaxani kuwii hore oo dhan waa ay ku duwanaayeen. Waxay ahayd marxalad uu la yaabbanaa qiimaha tacliinta, isla markaana qirsanaa guuldarrada aqoondarrada. Hore miyiga waxaa geyn jiray hilaw uu dhulkaa iyo dadkaa u qabo, laakiin sannadkaa intaas uun ma ahayn ee wuxuu lahaa barnaamij uu sii qorsheeyay. Wuxuu sii qaatay sabuurad yar, xabbado tabaashiir ah, warqado cadcad iyo xantoobo qalimo ah. Gole ardaa ah ayuu fiid oog ka shiday, sabuuraddiina laan ka deldelay, beeshana u sheegay qof kasta oo doonaya in uu far soomaalida bari doono. Dabadeed waxaa ku soo qulqushay dhallinyaro inammo iyo hablaba isugu jirta. Waa gu, sidaas darteed dhallintaasi awalba waxay isugu soo bixi jireen caways ciyaareed. Dhanka kalena waxay xiisaynayeen wax qorista.

Hawshaas uu bilaabay julaay dhexdeeda dhammaadkii bisha ogos waxaa u diiwaan gashanaa 103 qof oo ka aflaxay farbarashadaa. Wuxuu u ahaa fasaxiisii ugu qiimaha badnaa, wuxuuna Xamar ku la soo noqday farxad aan qiyaas lahayn.

***

Wasaaradda Hiddaha iyo Tacliinta Sare ayaa qaabbilsan waxbarshada debedda, iyada ayuuna Raage intii aanu miyiga u socdaalin ka sii codsaday waxbarasho debedda ah. Tacliinta ummadaha horumaray waa ay ka tayo fiican tahay ta dalka. Markii Xamar yimid wuxuu la kulmay war farxad leh, wuxuu ka mid noqday saddex arday oo Ingiriiska loo diray. Arday badan oo sida Raage dhibco wanaagsan dugsiga kaga baxday ayaa waxbarashada debedda iyo ta gudaha labadaba wayday, waayo berigaa waxaa jiray qaraabokiil naxdin leh, laakiin isaga arjigiisii waxaa ka dabo hadhi waayay Rooble.

Odayga iyo dadka labada wasaaradood ee waxbarashada qaabbilsan ka shaqeeya, siiba inta madaxda ah, waa ay iswada yaqaannaan, laakiin dhab ahaantii saaxiibbo badan ku ma leh. Badankooda waxay ku colloobeen musuqmaasuqa jira oo ay ku ka la aragti duwan yihiin. Wuxuu la mid yahay kii ku maahmaahay “Tolkay sidii aan midba maalin u nacayay ayaan wada nacay”. Laakiin ninka waxbarashada debedda qaabbilsan isku ma xuma, isaga ayuu inta uu xafiiska ugu tegay ku yidhi:

“Ninkani cidna waxtar ugama baahna ee waxa uu xaq u lee yahay uun ha helo.” Kii kale sidaas wax u ma garawsan ee isaga oo doonaya in uu Rooble u abaal sheegto ayuu yidhi:

“Rooble, sannadkan haddii aan arday keliya debedda u dirayo waxaan dirayaa wiilkaaga.” Haddii aan arday keliya debedda u dirayo ku lahaa! Ma isaga ayaa Wasaaradda iska leh? Miyaan sharci iyo nadaam la raacayaa jirin? Sidaas ayuu odaygu ku fekeray isaga oo abaal sheegadka aan xaqa loogu lahayn ka xun. Dhanka kalena ma uu doonayn cadawga badan ee uu Wasaaradda ku lee yahay in uu sii badsado, sidaas darteed wuu uga mahad naqay.

Raage markii uu Ingiriiska tegay waxaa fajac ku noqday horumarka ay dadkaasi ka sameeyeen xagga cilmiga, farsamada iyo dhaqaalaha, iyo ka ay ka sameeyeen xagga ka la dambaynta. Waxay ahayd xaalad kaga daran tii uu carruurnimadii Xamar ka la kulmay. Isaga oo aan arag haddii looga sheekeeyo wuxuu moodi lahaa war dhalanteed ah.

Aad ayuu u la yaabay horumarka uu halkaa ku arkay, mar haddii arday ahaana wuxuu aad u la sii yaabay maktabadaha cajabta leh ee lagu ururiyay aqoontii aadamiga oo dhan, mid hore iyo mid dambeba. Wuxuu ku dayoobay xaddiga aqooneed ee ku dhaansan qoraallada encyclopedia oo uu weligii maqli jiray halkani se ugu horrayso. Ma dhici karto, ayuu ku fekeray, bulsho ku dhex nool aqoon intaa la’egi in ay fekerka iyo wax abuurka ka la sinnaato bulsho inteeda aan wax akhriyi karini ka badan tahay inteeda wax akhrida. Tacliinta uu isagu badaha uga soo tallaabay dadka halkan ku nool qof walba waxaa ku filan marka uu doono in uu maktabadda tago wax kasta oo uu xiisaynayana sidaas isu baro.

Isla markaa uu fajaca iyo yaabka la ka la batay ayuu feker kale ku soo dhacay. Horumarkan hortiisa ka muuqda wuxuu u arkay mid isaga cadow u ah. Qiimo kasta oo dadnimo oo uu horumarkaasi yeelan lahaa waxaa dilay markii dhul iyo dad gaar ah lagu koobay ee cid kasta oo dhulkaa iyo dadkaa debedda ka ah cadaw looga dhigay. Waxabuurka ay qolo samaysaa, si kasta oo uu u wanaagsan yahay, haddii loo adeegsado dibindaabyada dadka kale noqon maayo guul aadamiga u soo wada hoyatay, ee isla markiiba wuxuu isu rogayaa guuldarro. Waa horumarkii ay reer yurub dunida ku gumaysteen, ayuu ku fekeray.

Ashqaraarka uu xaddaaradaas ku qaabbilay ma uu waarin. Hore ayaa loo yidhi “Waxa aad jeclaanaysid aashaa jeclow nici doonteena mooyiye…” Wuxuu arkay fallaadho afka waabay ku wada leh oo dhan walba u liishaaman. Suryo walba dabin doqonimagaratay ah ayaa daadsan. Dagaalkii imbiriyaaligu maanta ayuuba u daran yahay. Xaalku wuxuu ahaa dib u gurasho xeel dagaal. Fagaarihii damaashaadka gobannimada ayay miino aasnayd wada qaraxday.

Garashada iyo aragtida cusub ee fekerkiisa ku dhacay ee uu xaaladdan ka qaatay, waxaa ka horreysay xaalad caaddifadeed oo u soo dedejisay una suurto gelisay in uu arrimaha si qoddo dheer ugu fiirsado, dabagal dheerna ku sameeyo. Waxaa ka mid ahayd goor fiid ah isaga oo jaamacadda ka soo baxay in uu qolkii uu degganaa ku soo noqday, ka lana kulmay arrin uu aad uga xumaaday markii damba se ogaaday in ay Yurub caadi ka tahay. Albaabka waxaa loogu sawiray daayeer, waxaana far waaweyn lagu qoray: “GO HOME NIGGER!”

Ninka reer yurub ee Afrika jooga sidaas loo la ma dhaqmo, iyada weliba aano loo tirinayo. Waa arrin ku lug leh ka la adkaansho. Maalmahaa wuxuu xiisaynayay, una fiirsaday, sababaha keenay ka la adkaanta Afrika iyo Yurub, waxayna la noqotay in ay bilaabatay maalintii malaayiin barbaarta reer afrika ah la xaraashay. Weerarkii argaggaxa lahaa iyo bililiqadii nool iyo moodba lahayd ee ay reer yurub dunida kale ku qaadeen waxay si gaar ah ugu dhacday qaaradda laga soo askunmay… mayee waxaa jiray kuwo la dabarjaray.

Isaga oo badweynta aqoonta maktabadda marba dhan u muquuraya ayuu helay buug uu hore u maqlay. Afar cisho ka dib, goor galab ah isaga oo qolkiisa jooga, ayuu buuggii bogga ugu dambeeya rogay. Markii uu eraygii ugu dambeeyay akhriyay jiriirico xoog leh ayaa jidhkiisa oo dhan ku jabtay. Weligii ma uu akhriyin buug sidaas naftiisa u taabta. Neef xoog leh ayuu sambabada ku soo cidaaday. Cinwaankii buugga ee uu tobannaanka jeer arkay ayuu mar kale eegmada ku celiyay. Waddadii dheerayd ee hayaanka sheekada ayuu xasuusta dib u la raacay. Ayaandarro laba qarni soo taxnayd ayuu sida filimka u daawaday. Cinwaanka ayuu mar kale eegmada ku sii cadaadiyay Roots, the Saga of an American Family ‘Xididdo, qisadii qoys maraykan ah.

Kunte Kinte, wiil islaweyn oo beel nabadeed oo barwaaqo taal ka dhashay, ee maalin shaydaan silsilad cad labadible ugu jabiyay, meel daaddaysna u taxaabay, iyo Alex Haley, qoraaga buugga, ayuu labadoodii sawir isku mar maskaxda ka helay. Laba qarni oo labadaa nin u dhexeeyay muggood, waxii guul iyo guuldarro ku jiray, dadka ay sheekadu maraysaa ayaan iyo ayaandarro waxii ay qaddarka marti uga ahaayeen, ayuu sidii tuduc gabay ah miiddii ka buuxday muudsaday oo liqay. Dadkii badnaa ee uu sheekada ku bartay ee ka la dhulka, ka la waqtiga iyo ka la duruufta ahaa, ayuu mid walba gooni u hor fadhiistay.

Wuxuu jeclaystay in uu nolol ku la kulmo, oo uu gacmahoodii ay hawsha addoonsiga naxariista darani gaatirta u yeeshay iyo dhabarkoodii madoobaa ee jeedalka cadi ku suntanaa taabto. Wuxuu jeclaan lahaa hooyooyinkii ubadkooda laga irdhay ee ooyayay in uu u hiiliyo. Wuxuu jeclaan lahaa in iyaga loo doorto in ay aayaha aadamiga mar gacanta ku qabtaan sida ay doonaanna ka yeelaan. Wuxuu jeclaan lahaa in la qirto marxaladdaasi in ay ahayd mid aan weli la soo gaadhin dadnimada. Wuxuu jeclaan lahaa taariikhdaasi in ay been tahay oo aanay weligeed dhicin. Wuxuu la yaabay awoodda aan caadiga ahayn ee ay dadka qaar u leh yihiin ka gudubka duruufaha u eg kuwo aan sinaba looga gudbi karin.

Wuxuu ka fekeray malaayiinta maraykanka ah ee maanta ku abtirsada Kunte Kinte fursadda ay u lahaayeen in ay soo badbaadaan sida ay u yarayd iyo sida ay haddana taa ugu soo guulaysteen. Afro-ameerikaanku nolosha maanta dadka kale waa ay kaga xaq leh yihiin haddii la eego sida loogaga xaq sheegtay, ayuu ku fekeray.

Laakiin waxaasi waa uun taariikh ay ahayd in lagu cibro qaato, in mustaqbalka lagu ifsado. Afrikaanku, oo afar boqol oo sano dadkooda sida xoolaha loo raranayay, ilaa ay dalalka qaarkood ku dhowaadeen dadkuba in uu ka cidhib go’o, maxay kaga cibro qaateen? Maxay ka barteen? Waajibka ugu yari wuxuu ahaa in laga gaashaanto si aanay mar dambe u dhicin. Haddaba yaa ka gaashaantay? Hoggaamiye doqonnimo la hamaansanaya, oo hadiyado xaqiran la siiyo, dalkiisa iyo dadkiisana waxa la doono lagu sameeyaa, weli sow Afrika ma xukumo? Dad midab cad oo dadka midabka madow quudhsadaa weli sow ma badna? Maraakiibtii saddexgeeska isaga gooshi jirtay weli sow carooggii dhiillada lahaa ma afuufto? Dekedihii Badweynta Atlaantigga labada dhinac kaga teedsanaa weli sow ma furna? Xaaladda maanta oo sidaas u foolxun in taariikhda la nacdalaa malaha waa wax lagu degdegay? Guuldarradaa haddii wax laga kororsan lahaa Afrika maanta ma ay ahaateen beerta tijaabada iyo sheybaarka dhimashada.

Weligii ma uu akhriyin buug sidaas naftiisa u taabta. Wuxuu ku dhaygagay wejigii qoraaga ee jeldiga dambe buugga kaga sawirnaa, wuxuuna la yaabay sida uu Alex Haley u awooday in uu waddadaas dheer ee argaggaxa leh ee qarniyada soo taxnayd laba iyo toban sano dib ugu lugeeyo. Sahaydiisu maxay ahayd?

Gulufkii cuslaa ee ay reer yurub dunida kale ku qaadeen waxaa hagayay oo keliya jacaylka xad dhaafka ah ee ay hanti urursiga u qabeen. Marka ay kolay buuxiyaanba mid kale ayay la roorayeen. Sababo laga yaabo in ay cimiladu ugu horrayso ayaa keenay in uu qofka afrikaanka ahi nolosha inta ugu yar ee ku filan raalli ku noqdo. Giddi kuwa laga adkaaday, sida afrikaanka, hindida iyo ustareeliyiinta, waa kuwo habnololeedkooda iyo hannaankooda dhaqaale aan wax kaydsiga badan iyo lahaansha gaarka ahi muhiim ahaan jirin. Iyaga oo sidaas isaga baraad la ayaa quwad si ba’an u abaabulan lagu hareereeyay.

Haddii ay sidaas ahayd, ma hantigoosiga ama wax ka la boobka ayaa ah sababta horumarka bulshada oo darteed kuwa adkaaday u adkaadeen, wadaagga ayaana ah sababta dibudhaca oo kuwa laga adkaaday looga adkaaday? Hannaanka hore haddii uu ka dambe u babac dhigi kari waayay, oo sidii dogob aboor cunay markii la riixay iska dumay, sow daliil u ma aha in uu ahaa wax qarriban, abaaday oo tabar dhigay?

Haddii laga soo qaado lahaanshaha gaarka ah ee xoogaystay in uu ahaa sababta horumarka Yurub, sow marag u ma aha in uu yahay wax habboon oo ay tahay in loo halgamo? Haddii uu lahaanshaha gaarka ahi waxsoosaarka qofka riixo, waxsoosaarka qofkuna horumarka umadda riixo, marka lahaanshaha gaarka ahi xayirmo horumar maxaa keeni kara?

Raage wayddiimahaa iyo kuwo la mid ah marar badan Rooble iyo dad kaleba wuu ka la dooday, wuxuu se maanta u arkaa wayddiimo aan xaqiiqada ifinayn ee mugdi sii gelinaya. Ka soo qaad in ay dunida meel go’doon ah ka jirto bulsho aan haba yaraato ee dhaqan u lahayn in hantida la ka la lahaado. Ka soo qaad in aynu qof bulshadaas ka mid ah wayddiinno labada hannaan ee ka la lahaanshaha iyo wada lahaanshaha ka habboon? Dabcan fekerka ugu horreeya ee maskaxdiisa ku soo dhacaa wuxuu noqon lahaa: qofku haddii uu wax walba dadka kale u la siman yahay wax u gaar ah muxuu ku falayaa?

Ka soo qaad haddana miskiinkii oo wayddiinta liqi waayay in aynu uga warranno bulshada aynu ka nimid in iyada oo dadka qaar gaajo u le’anayaan isla markaas qaar kale dibbirodillaac u dhintaan. Shaki la’aan wuxuu inoo xaqiri lahaa sida aynu u xaqirno marka aynu maqalno dhaqan isqalasho ka jirto. Sidaas darteed wayddiimaha kor ku xusani waxay inagaga dhacayaan maskax ka aragti qaadanaysa xaalad dabiici inoo ah, waxayna ku dhex lumayaan dhaqan ku salaysan boob.

Laakiin miyay tahay in kartilaawe waxsoosaar liita lala simo maddaale waxsoosaar badan?

Qofka in ay bulshadu waxsoosaarkiisa la wadaagto, isaguna raalli ku noqdo waxsoosaarka guud qaybta uu saami u helo, sidaasna sinnaan loogu wada noolaado, waa sallaanka dadnimada ugu sarraysa laga korayo ee ku talogal iyo ku talogal la’aan la wada higsanayo. Ka wadaagga diidayaana waxa uu u hamuumayaa nolol ma aha ee waa awood uu kuwa kale ku cadaadiyo. Hanti baahida ka badani shar waxaan ahayn ku ma sal leh. Urursiga iyo kaydsiga wax ay dadka kale ka bakhtiyayaan ma aha dabeecad asal ah ee waa tagganaan xilli dambe la bartay, haddii aan laga gudbinna waa sababta labada qof ee dunida ugu dambeeya mid qudha looga jarayo.

Isboobka iyo ismuquunintu ilaa hadda waxay aadamiga u soo jiideen hoog aan cidina ka badbaadin, mustaqbalkana waxay dhali karaan burbur jiritaanka aadamiga soo afjara. Xaqiiqadaas ayaa khasab ka dhigaysa in la helo hannaan aan legdan ku dhisnayn, ee ku dhisan wada noolaan habboon. Taasina ku ma hirgeli karto jujuub, xorriyadda iyo kartida shakhsiga oo la xayiro ama la afduubo, ee waxay ku iman kartaa koritaan feker wadajir ah. Waxay hirgeli kartaa marka la garto in la isku bahaloobo oo marba ka laga adkaado la gato ama la qasho in ay aad uga habboon tahay khayraadka dhulka lagu haysto in la wadaago.

Weli waxaa ina hor taal su’aashii ahayd: hantigoosigu haddii aanu habboonayn muxuu u adkaaday?

Dirir kasta oo foodda la isdaro khasab ma aha in uu xaqu ku adkaado dulmiguna ku jabo, waayo waxaa jiri kara duruufo xaaladda ku meegaaran. Marka labaad waa mas’alo ku tacalluqda hab nololeed ma aha muruq. Maantana hantigoosigu in uu gacan sarreeyaa daliil u ma aha in uu habboon yahay, ee wuxuu si aan arxan lahayn u adeegsanayaa awood muruq oo uu muddo dheer soo urursaday. Wuxuu lee yahay xoog uu dhawaaq kasta oo lid ku ah ku cabbudhin karo, fuf kasta oo dhulka ka soo cagaarmana cagta ku saari karo.

Mar haddii se ay maanta dunidu isku wada qoofalan tahay iyada oo qayb ka mid ah isboob ka jiro qaybta kale wadaag suurtogal ka ma aha. Waxay la mid noqonaysaa laba ruux oo oomato wadaagaya oo midkood boobayo. Taas awgeed waa daruuri isbeddelkaasi in uu ahaado heer caalami. London waa carwada lagu soo bandhigo guusha hantigoosiga, ayuu Raage ku fekeray isaga oo subax sabti ah magaalada tamashle ku lugaynaya. Meel walba waxaa ka socda damaashaad guushaa loogu dabbaaldegayo, meel walba waxaa daadsan raqdii hantiwadaag la gawracay, meel walbana waxaa luudaya firxadkiisii ka la asqoobay.

“Ka la baxa jeebkayaga faraha, tuug yahay tuugta laga soo gooyay! Sinnaan iyo wadaag ku lahaaye! Waxa dunida loo abuuray ayaaba ah boob iyo beretan markaasay ku leh yihiin ‘sinnaan iyo wadaag’! Wuxu miyay makhri la yihiin maan gaabsanaa! Waxa Midowga Soofiyati iyo xulafadiisa hoog haysta may arkaan? Horumarka waxaa wada tartanka dadka ka dhexeeya, waxaana jiida hadba ka ugu dheereeya, haddii se isagii la xakameeyo ma sidii ido huluumbe qaba ayaa la isu daba tukubayaa?”

Laakiin horta tartan loo siman yahay ma furan yahay? Kan arradan ee shaqada wershedda ku sii kallahsan iyo kan wershedda qudheeda leh ee isaga oo baabuur qaali ah wata miskiinkaa dacda ku saydhay, ma la hubaa in ay kartidoodu ka la reebtay? Xaqiiqadu sow u ma badna in uu habka jiraa u ka la hiiliyay, oo mid dhabarka ka riixay ka kalena in uu madaxa kor u qaado u diiday?

Laakiin waxaa ugu daran habka Midowga Soofiyati iyo dalalka isaga ku dayda lagaga dhaqmo ee hantiwadaagga lagu sheegay, kaas dhabarjab ku ah halgankii weligii aadamigu ugu soo jiray sinnaanta. Wuxuu maragbeenaale u yahay ololaha lagu ambinayo caalamka ee ah wadaaggu in uu sidaas yahay. Waa maragbeenaale u dhigma ka ay kelitalisyada afrikaanku dadkooda ku fureen, kuwaas oo marka la wayddiiyo sababta ay dadkooda miciyaha hororka ah u darayaan ku dooda: “Dadkayagu dilka iyo dullaynta ayay wax ku lee yihiin, kutumashada ayay ku naaxaan oo karaamada waa ay eedaan.” Labada jeerba imbiriyaaligii qosol iyo sacab digasho ah ayuu isku daray. Hoggaamiyaha Afrikana isaga oo sidii jeer dheregtay gafuur weyn ruxaya waa kaas maatadii ku durduriyay.

Soomaaliya ayuu ka fekeray; jamhuuriyad dimuqraaddi iyo weliba hantiwadaag ah. Magacyadan quruxda ka la daran haddii jacayl loo qabo dartii loo soo urursaday in lagu dhaqmo maxaa diiday?

Wanaag loogama jeedo ee waa maqaar bulshada hebedka ah lagu godlo oo lagu maalo. Beri dadka soomaalida oo xaalkooda Alle og yahay ayaa buun qaylo dheer oo aad kii qiyaamaha mooddo loo afuufay. Markii la isu soo baxayna waxaa la sheegay in xalay dawladdii hurdada lagu soo dooriyay oo ay hantiwadaagnimo la soo toostay. “Oo hantiwadaaggu waa maxay?” “Waa sinnaan dhan walba ah.” “Oo macnaheedu waa maxay?” “Waxii dhib ah oo loo wada dhidido iyo waxii dheef ah oo dheri lagu wada karsado.”

“Waar ma idinka dhab baa? Taasi waa jannadii la sheegi jiraye dunida ma laga samayn karaa?” ”Maxaa looga samayn kari waayay?”

Dabadeed yar iyo weyn inta guntiga iyo googgaradda la gaabsaday ayaa shaqo loo dareeray. “Iskiin wax u qabsada nolosha waa udub dhexaadkiiye!” Fiidkii ayaa la isu soo hoyday, mise wax dabka la saaraba la ma hayo, gabannadiina gaajo ayay halkan iyo halkeer la daadsan yihiin.

“Dherigii la sheegayay mee?”

“Madaxtooyada ayuu jiraa ee idinku biyo cabba oo seexda.” “Wadaagga la sheegayaa ma waxaas baa? Ilaahay waxaan ugu dhaar galay dherigaa xun meesha aan ku arkaba waa in aan ka la jebiyaa!”

“Waa dibusocod ee qabta oo dila!”

Waa kaas hantiwadaagga hirgalay ee la wada hiifayaa.

Si kastaba ha ahaatee hannaan wadaag ah oo dunida ka dhaqan galaa wuxuu u baahan yahay awood marka hore wax-kalaboobka lagu xakamayn karo, oo ka aanay waxba deeqayni afka weyn ee uu soo ka la hayo lagaga harraatiyi karo. Haddii kale aabbaha iimaanka qaba ee ubadkiisa wax nolol maalmeed ugu filan u soo saara, dabadeed iyada oo aan dhigaal badani u ool niyadsami ku seexda, dukaanka uu masruufka ka sii qaato iyo guriga uu kirada ugu jiro ka leh ayuun buu addoon u noqonayaa.

Laba sano oo culculus ayuu Raage London wax ka baranayay, laba sano oo uu laba adduun isaga gudbay. Dabadeed isaga oo ay ahayd ugu yaraan sannad kale in uu sii wato ayaa dib loogu yeedhay, loona sheegay in uu waxbarshadiisa inta hadhay dalkii ku dhammaysanayo. Sababta waxaa loogu sheegay dhaqaale xumo, beri dambe ayuu se ogaaday in ay ku lug lahayd maqaal qalindaraale ah ay isaga iyo arday suudaani ah oo ay isku jaamacad ahaayeen wargeys ku wada qoreen. Maqaalkaas oo lagu daabacay wargeys London ka soo baxa oo ku hadla codka ardayda afrikaanka ah ee halkaa wax ka barata, wuxuu si guud uga hadlayay xaaladda Afrika gumaysigii Yurub ka dib.

Maqaalka waxay ku xuseen xorriyadda ay afrikaanku sheeganayaan in ay tahay been iyo dhalanteed, welina ay hoos galgalanayaan jeedalka kulul ee addoonsiga. Waxay maangaabnimo ku tilmaameen sida ay afrikaanku ugu ka la biirayaan labada dhinac ee ay Yurub u qaybsan tahay, bariga iyo galbeedka, kuwaas oo wada leh maslaxad hoosta isaga daloosha, sida ilkaha abeesada.

Waxa ay tilmaameen sida ay afrikaanku isugu dayi waayeen in ay kaynta cufan ee nolosha ka dhex xagaaftaan waddo habboon oo ay u maraan badbaadadooda. In dhaqan iyo siyaasad, xansas iyo xaabo, waxii Yurub ka jiray la iska soo xaabsaday dabadeed lagu dayoobay ficil ahaan laga tarjumi kari waayay, ayay dhaliileen.

Taas waxa ay ku meteleen ilmo yar oo dukaan weyn soo galay oo ku ashqaraaray, dabadeed wax uu u baahan yahay iyo wax kaleba iska daldashay. Waxa ay tusaale u soo qaateen xeerarka Afrikada cusub lagaga dhaqmo oo ah nuqul laga soo minguuriyay ka Yurub. Halkii xeerarkii hore u jiray la horumarin lahaa, waxii cusub ee la helana kaa hore loo waafajin lahaa, ayaa waxii hore oo dhan la qubay laguna beddelay wax qalaad, ayay maqaalkooda ku xuseen.

Waxay ku doodeen in loo baahnaa nolosha bulshadu halkii ay joogtay in hore looga sii ambaqaado, laakiin la isku dayay in wax walba laga soo bilaabo halkii ay reer yurub ka soo bilaabeen, taasina ay keentay in dib loo hayaamo. Taa waxay tusaale uga dhigteen dhaqankii hore ee soomaalida sida uu hoggaamiyaha bulshadu iyada uga midka ahaan jiray, dhib iyo dheefba u la wadaagi jiray, jacaylkeeda iyo qaddarinteeda ugu dhiman jiray, xushmad iyo xishood u mudnaan jiray, iyo sida ay kuwa cusubi taa u dhinac mareen.

Maqaalkooda waxay ku soo dhammeeyeen Afrika in ay sidaas u dambaynayso inta ay sidii wax maddiidaysan cid kale daba socoto, in ay sidaas u fahmo darraanayso inta ay fal iyo wax la eeday faraqyada ku sidato, sidaasna u waalnaanayso inta ay durbaanka sixirroolaha la qoobcayaarayso.

Raage aragti macno leh hore ugama haysan xidhiidhka Afrika iyo Yurub, mana dhaafsiisnayn fikrado teelteel ah oo ka soo bilawda addoonsigii sida gaarka ah Afrikada Galbeed adhaxda lagaga jabiyay, kuna dhammaada dawladnimadii lixdanaadkii. Dhab ahaan aqoondarrada Afrika kaga sugan wuxuu ka la mid ahaa soomaalida oo sideedaba qaaradda inteeda kale si daran uga faquuqan. Halkii uu isagu ahaa soomaali ka yimid Soomaaliya, halkan wuxuu ugu yimid dhallinyaro ku faanaysa in ay yihiin afrikaan ka yimid Afrika. Colaadda Soomaaliya iyo Itoobbiya, ee aragti dhowaanta ku salaysan, iyo mudnaanta taariikheed iyo hiilka ay afrikaanka kale had iyo jeer xabashida siiyaan, ayaa soomaalida tolkeed ka fanteeyay oo carabta ku tolay. Sababtaas ayaa keentay soomaaligu in uu xabashiga iyo kiiniyaatiga deriska la ah uga aqoon iyo kalsooni bato ciraaqiga ay saddexda badood, lamadegaanka weyn iyo midabku ka la soocaan.

Halkan wuxuu ugu yimid Afrika iyo afrikaan ka duwan sidii uu u yaqaannay, xumo iyo samo labadaba. Fikrado iyo taariikho uu qoraal ahaan ku helay ka sokow, wuxuu bartay lana dooday dad arday iyo mufakiriin u badan oo geesaha Afrika ka ka la yimid, kuwaas oo qabay aragtiyo yaab iyo argaggax leh oo ku tacalluqa wadciga guud dunida iyo waxa ay qaaraddoodu qaddar iyo nasiib qayb u heshay. In kasta oo uu ka kasbaday faham weyn oo aan Muqdisho ka jirin, haddana aad ayuu u dhibsaday isku kalsooni xumada iyo cabashadooda badan. Hore wuxuu u haystay dunidu in ay u qaybsan tahay shar iyo khayr, dhanka uu isagu yahay ama raacayaana muran la’aan tahay.

Laakiin dadkani waxay soo hor dhigeen aadami isu wada cadow ah ka ugu liitaana yahay afrikaanka. Taasi waxay ku abuurtay baqdin, waxayna dhaawacday niyadsamidii uu u hayay dadnimada.

Ugu dambayn markii uu degay ee caqliga wax ku eegay, waxaa u soo baxay laba xaqiiqo oo ka la ah: soomaaligu in uu afrikaanka kale ka kalsooni badan yahay kana niyadsan yahay, laakiin isla markaas laga wacyi sarreeyo lagana xogogaalsan yahay. Inta uu soomaaligu yaraysanayo, illawsan yahay, ama ka xog la yahay khatarta cad, in aad uga badan ayuu afrikaanka kale weynaystaa, ka baqaa, kuna mashquulaa. Labada xaaladoodna mid waliba dhibkeeda ayay lee dahay. Maxaa ka wanaagsan in aad niyadsami noolaatid, maxaa se ka xun in aad xogogaal la’aan dhimatid!

Halkaas ayuu ka bilawday xiisaha uu arrimaha Afrika u hayaa. Sababtaas ayuu u joogtaystay tegista makhaayad ay ardayda reer afrika isugu yimaaddaan. Markaas ayuu xubin firfircoon ka noqday koox soo saarta wargeyska ardayda. Maalintii maqaalku wargeyska ku soo baxay laba cisho ka dib ayaa Raage safaaraddiisa looga yeedhay, halkaas oo uu ku qaabbilay nin ka mid ah saraakiisha safaaradda oo ay hore isu yaqaanneen. Ninkaasi Raage wuxuu u sheegay in uu akhriyay maqaalkii oo uu ku tilmaamay meelkadhac, wuxuuna u soo jeediyay canaan ba’an.

“Ma siyaasi baad noqotay?” ayay ahayd wayddiintiisii ugu horreysay.

“Maya. Waayo?”

“Haddii aadan siyaasi noqon, iyo weliba mucaarad, waa maxay waxan aad dhex dabbaalatay?” oo kor u soo qaaday nuqul ka mid ah wargeyskii uu maqaalku ku qorraa. “Ma aha in aad qalad ka fahamtid xorriyadda wax qorista, oo aad weliba adiga oo dal shisheeye jooga wax walba iskaga hadashid.”

“Oo waa maxay waxa aan iskaga hadlay?”

“Bal xasuuso waxa aad meeshan ku qortay: ’Kelitaliska Afrika wuxuu la mid yahay nin hooyadii kufsanaya’. Waa metelaad yaqyaqsi leh. Danjiruhu markii uu akhriyay wuu ka xumaaday, aniga ayaa se dejiyay oo u sheegay in aad nin yar tahay. Ma aha adiga oo arday ah in aad waxaa isku mashquulisid.” Wuxuu ahaa nin aqoon leh, laakiin nacnacdaa shaqadiisa fulaynimada ah ayuu ku ilaashanayay. Xaqiiqadaas Raage wuu ogaa.

Bil keliya ayaa kulankii qunsulka ka soo wareegtay markii Raage lagu wargaliyay in uu dalkii ku noqonayo. Markiiba malihiisu wax u batay go’aankaasi in uu ku lug lahaa maqaalka. Markii uu dalka yimid ee uu taa xaqiiqsadayna aad ayuu uga taxadderey firfircooni kasta oo siyaasadeed. Sannad kale ayuuna si deggan waxbarashadiisa dalka uga sii watay.

In uu maqaallo siyaasadeed wargeysyada ku qoraa waxay ahayd hiwaayaddiisa, laakiin sidii uu dalka ugu soo noqday taa isku ma uu dayin. Baqdin ka ma ay ahayn, waayo magac qarsoodi ah ayuu adeegsan kari lahaa, laakiin mar hadii uu og yahay in aanu wargeysyada dalka ka soo baxa fikradihiisa ku qori karin, macnodarro ayuu u arkay in uu kuwo shisheeye, oo soomaalida akhridaa ay aad u yar tahay, wax ku qoro. Taasi beryahan waxay u la mid tahay qof dadkiisa dunida kale la xamanaya.

Aanadii Negeeye – Qeybtii 14aad

 

Fikirkaada Waa Muhiim