Aanadii Negeeye – Qeybtii 11aad

Xirfadda ciidanka oo ay dad badani ka faanaan Negeeye isagu wuu ku faanaa, tuutahana shaqo keliya u ma sito ee wuu ku xarragoodaa. Sababtu wax ay tahay mooyi laakiin magaca “askari” wuxuu ka jecel yahay “millateri” oo u la macne ah quwad iyo haybad. Dadka inta aan millateri ahayn wuxuu u yaqaan rayid, taas oo u la mid ah maato, taas oo iyaduna u la sii mid ah jileec, liidnimo iyo hoosayn. Mooyi in lagu shubay iyo in uu isagu isku shubay, wuxuu se dareenka ku haystaa in ay jirto geesinnimo iyo nafhurid uu dadweynaha dheer yahay. Ma jirto xirfad kale oo uu ku doorsan lahaa. Askari waliba waqtiga nabadda shaqadiisa wuu jeclaan karaa, marka ay runi run tagto ayaa se la ka la baxaa. Laakiin Negeeye sida uu raalli uga yahay ma jiraan wax nacsiin karaa.

Labadii toddobaad ee ugu dambeeyay jawiga xeradu aad ayuu u kacsanaa, waxaana si weyn loo dareemayay xaalad degganaansho la’aan ah. Fasax qaadasho oo dhan waa la joojiyay, askartii fasaxa ku maqnaydna dib ayaa loogu wada yeedhay. Waxaa la galay heegan, askari walbana waxaa loo tiriyay dhammaan qalabkii dagaalka. Xerada waxaa lagu soo toomiyay gaadiid iyo qalab dagaal oo cusub. Saacadaha hurdada mooyee waqtiga intiisa kale oo dhan waxaa la galay tabobarro, khudbado iyo abaabul adag. Waxaa isweydaaranaya saraakiil sare oo Muqdisho ka timid. Sababta, in kasta oo aanay jirin cid si rasmi ah ugu warrantay, haddana ciidanka oo dhami wuu ogaa: waxaa bilawday dagaalkii Soomaaligalbeed.

Goor makhrib ah ayaa markii cashada laga soo jeestay siidhi la afuufay, amarna lagu bixiyay in si degdeg ah la isu qalabeeyo. Daqiiqado ka dibna waxaa lagu kulmay barxaddii xerada, halkaas oo ciidankii lagu wargeliyay in jiidda dagaalka laga hawl gelayo, daqiiqad kastana la dhaqaaqi doono. Dhawr nin mooyee waa dad shantii sano ee ugu dambeeyay la ciidameeyay, waayo’aragnimo dagaalna ma ay lahayn.

Saqdhexe ayay guuxii baabuurta, gaardigii ciidanka iyo amarradii saraakiishu isqabsadeen. Markii ay habeenka saddex meelood oo laba tagtay ayaa ciidankii oo kolanyo ah xerada galbeed qumman looga dareeriyay.

Barqadii uu ciidanku jiidda gaadhay dagaalku markaa wuxuu socday bil, ciidammada xabashidana durba waxaa laga qaaday dhul aad u ballaadhan. Meel walba waxaa laga maqlayay gariir iyo qaraxyo culayska ka la daran oo aan kalago lahayn. Waxaa ka darraa diyaaradaha dagaalka oo hawada galaabaxayay guuxoodana lagu dhego barjoobayay. Waxay ahayd xilli qabow, roob joogto ahina da’ayay, meel walibana waxay ahayd qoyaan iyo biyo. Gaar ahaan askarta dagaalka ku cusub ee weli baqaysa dhaxantu waxay u haysay si dheeraad ah. Markii se dagaalkii ugu horreeyay la galay, ee diirrimaadka qoryaha iyo uumiga baaruudda la kulaalay, baqdintii iyo dhaxantiiba isku mar ayay kaceen.

Ciidammada Xabashida si foolxun ayaa looga adkaan jiray, dhul badanna iyaga oo aan kuba dagaallamin ayay ka kaceen. Laakiin dhufaysyada dagaalka lagaga qabsaday waxay u eg yihiin meel dadkii dunida oo dhan lagu halaagay, waxaana isdul fuushan maydad aan tiro lahayn. Meel walba waxaa taal raq fuurtay ama solantay oo dayaca iyo foolxumada la moodo xoolo ay abaari xaaqday. Sideedaba goobta dagaalku waxay ka mid tahay meelaha ay dadnimadu ku macno beesho.

Sidaas oo ay tahay, haddii la diiday dilka in la iska daayo hubka casriga ahi waa horumar la gaadhay, wuxuu dhaamaa waran daxal leh oo isaga oo aan ku dilin wadnaha ku fadhiista, ama fallaadh feedhaha kaa ruubata, amaba seef af daran oo muruqa ku jiidha. Horumarka ay noloshu samaysaba dhimashaduna mid la’eg ayay la samaysaa, tallaabada ay qaaddana mid la’eg ayay ka daba qaaddaa. Khasab ma aha loollan waliba in uu yahay shar iyo khayr ama dulmi iyo dulmane legdamaya. Marar badan ayay laba sheyddaan isu tafoxaytaan, marar badan ayay laba malag is hirdiyaan, marar kale ayay se sheyddaan iyo malag seefta isu la baxaan. Jacaylka guusha iyo sakhradda ay libintu lee dahay, ama xanuunka gunnimada iyo foolxumadeeda, ayaa badanaa ah waxa ugu weyn ee dadka dirirta geyaysiiya. Marka aad qabtid dareen xaqudirir iyo marka aad seefta sheyddaanka walhinaysid dhimashadu isku dhadhan ma aha.

Xamaasaddii dagaalka lagu galay ee waddaniyadeed waxaa ka weynaa wax iska celin, in la iska celiyo cid kasta oo ka qaybgashay shirqoolkii caalamiga ahaa ee soomaalida loogu tashaday. Laakiin dagaalkaa dhan walba lagu halaagmay, isla markaas sababta u ahaa degganaan la’aanta Geeska Afrika, kooxdii bilawday ee Xamar fadhiday caqli ku ma ay qorshayn. Haddii la ogaa khilaafka gobolku in aanu dabiici ku calool gelin ee ahaa rimaygacmeed, isla markaas quwadihii rimaygacmeediyay mowqifkoodu weli kii ahaa, dagaalkaasi wuxuu ahaa fal xilkasnimo ka qaawan.

Ma jirto dunida ummad uu gumaysigii reer yurub ka galay godob la foolxumo ah tii uu soomaalida ka galay. Xataa foolxumadii dadnimada ka baxsanayd iyo midabtakoorkii ummado badan lagu la kacay qaarkood waxaa looga aayay midayn qowmiyadu laga yaabo in aanay weligood midoobeen oo aan af iyo isir toonna wadaagin. Laakiin Soomaaliya waxaa ka dhacday fadeexad caalami ah iyo ceeb ilaa maanta wejiga kaga taal cid kasta oo ka qaybgashay ama taageertay. Bulsho aan waxba galabsan oo dalkooda iskaga nool ayaa inta awood loo la yimid shan meelood loo qaybiyay. Laba walaalo ah ayaa xarriijin la dhex mariyay laguna khasbay in ay ka la dal iyo ka la dad noqdaan.

Oo horta soomaalida maxaa loo qaybiyay? Ma la sheegay sababta? Soomaalidu marka ay xoolo dhacaan colka duullanka ahi wuxuu isu qaybin jiray qayb dhaca erida iyo qayb ka dambaysa oo cadawga joojisa. Qaybta hore waa dhacwade, qaybta dambena waa raacdareeb. Dullaynta iyo bililiqada Afrika loo geystay haddii ay ahayd dhacwade, godobta la ka la dhex dhigay ee lagaga tegay waxay ahayd raacdoreeb. Halkii ay dhaawacii loo geystay qoon ka raadsan lahaayeen, bililiqadii lagala tegayna soo dhacsan lahaayeen, ayay iyagu isa sii eedeen.

Ta soomaalida gaarka looga dhigay sabab diineed dheh, isir nacayb dheh, utun la abuurayay dheh, soomaalida oo la cadaadin kari waayay ama laga baqay dheh, waxa aad doontid dheh. Kuwii se taa sameeyay waxay si fudud ugu doodi karaan: “Awooddayada jaan wax uun in aan ku samayno sow ma ay ahayn? Miyay habboonayd meesha inta aannu qarni dhan soo joogno in aanu sideedii kaga nimaadno?”

Dulmi waliba, marka uu og yahay in uu dulmi yahay, wuxuu hindisaa halkudhig akhlaaqeed oo uu ciidankiisa ku dagaalgeliyo ka xaqana indhaha kaga ciideeyo. Gumaysigu haddii uu ku dagaal geli jiray “ilbixin”, qaybinta soomaalidu waxay ka mid ahayd ilbixinta. Qirashada denbiguna haddii ay tahay denbidhaafka qudhiisa, qirashada denbiga soomaalida laga galay waxay noqon lahayd bilawga xalka mushkiladda Geeska Afrika oo dhan. Ma jirin dagaalkii Soomaaligalbeed halgan ka guul iyo guuldarro badnaa, ma jirin halgan ka farxad badnaa haddana ka xanuun badnaa, mana jirin libin ka dhaweyd haddana ka fogayd.

Colaadda bariga iyo galbeedku waxay maraysay halka ugu ba’an, dagaal ayayna qarka u saarnaayeen, haddana waa ay u midoobeen ka hiilinta soomaalida. Hiil shisheeye waa halkiisa, hoggaan xumaadaa se waa hoog. Jahliga iyo faqrigu iyaguna waa laba hoog oo kale. Intaas oo cudur ayaa soomaalida isu biirsaday, cid kastaana ha farageliso ee waxa ay iyadu isyeeshay wax la’eg weligeed la ma yeelin.

Dagaalka afrikaankuna badanaa dagaal afrikaan ma aha, waxaa lagu soo sameeyaa meesha hubka ay isku dilayaan lagu soo sameeyo. Dagaal kasta oo ay laba dhinac oo afrikaan ahi isku dilaan waxaa ka dhasha laba natiijo oo joogto ah: warshadaha hubka oo ay suuq u noqdaan, iyo darxumo wadajir ah oo ay dhaxlaan. Ka Soomaaligalbeed isaguna noocaas ayuun buu ahaa.

Maxaa miskiin madow naftiisa macnodarro ku waayay oo ay xabbad aanu wax ay ka samaysan tahay aqooni ifka ka qarisay! Maxaa qawsaar leeb iyo qaanso ku qawlaysan jiray boobe qarqarka loo geliyay oo uu dhan walba u farraqay! Holaca baaruudda maxaa hillaac roob la mooday oo loo hayaamay! Maxaa dhimashada la isu qurxiyay oo dhaldhalaal iyo dheeha dahabka loo yeelay! Indhoole muxuu indhoole kale usha u qabtay! Dawan iyo maxaa durbaan been ah dabo orodkooda lagu halaagmay! Nafta maxaa la hafray! Maangaab Afrika ku harraaddani muxuu hogol Washington ka da’aysa iyo baraf Moosko haya dallad ka hagoogtay! Ku dayasho cid kale maxaa hoog looga dhacay!

Miyay ciil qabi lahaayeen hubka ay isku halaagayaan haddii ay iyagu leh yihiin, colaaddooduna ku sal lee dahay sababo horusocod leh. Waxii ay nolol haysteen oo dhan ayay dhoofiyeen oo waxii dunida dhimasho taallay soo dhoofsadeen, markaas ayay sidii ayax la buufiyay u le’deen. Hubku waa sida maandooriyaha: ka iibiyaa wuu ku cayilaa ka gataana ku dhintaa.

Weligoodba Maraykan iyo Yurub xabashida ha ku sixreen hiil kiristaannimo oo aan qalbiga ka jirin ee ay maslaxad arxandarani ka dambayso. Carabtu weligeedba soomaalida islaamnimo awr ku kacsi ah ha ku indho sarcaadiso. Runtu se waxay tahay, kurayga garaca ah ee suuqyada Itoobbiya ku darxumaysan iyo garaca kale ee suuqyada Soomaaliya ku dayacan waxaa wada dhashay hooyo labada jeerba kufsi lagaga dhalay.

Guulihii runta ahaa ee ay halyayada badani nafta u hureen iyo guulihi faalsada ahaa midkoodna waxba ka ma tarin xaqiiqadii lala guryo noqday. Soomaalidu dagaalkii waa ay ku jabtay, iyada oo duleedka Adis Ababa sii socota ayaana samada lagaga soo degay oo bananka Jigjiga sida cawsha laga ugaadhsaday. Laakiin markan hiilku ma ahayn Boordaqiis, mana ahayn Ingiriis, wuxuu ahaa Midowga Soofiyati iyo xulafadiisa.

***

Waxyaalaha aynu rumaysan nahay badanaa innagu ma dooranno ee bulshada ayaa si toos ah ama dadban inoo gashata, taas oo badanaa dhacda marxaladda carruurnimada. Marar kale innaga oo kaashanayna aqoon, waayo’aragnimo iyo garaad ayaynu tashannaa, go’aan iyo tallaabo aynu ku qanacnayna qaadnaa. Waxaa se iyana jirta mar saddexaad oo aynu qaadanno talo aynaan aamminsanayn laakiin iska yeelyeelno si aynu duruuf jirta ugaga gudubno, ama carqalad akhlaaqeed ama awoodeed oo ina hor taal ugu burburinno, taas oo dabadeed qalad kasta oo ay tahay qunyar qunyar u noqota wax aynu difaacno. Halkaas waxa aynnu ka la mid noqonnaa beenaalihii beentiisa rumaystay. Taasi waa mid ka mid ah sababaha ay had iyo goor xaqa iyo baaddilku isugu murgaan ee loo ka la saari kari waayo.

Ka soo noqoshadii dagaalka Soomaaligalbeed waxay ku beegnayd bilawgii dagaalkii sokeeye, ciidan badan ayaana isaga oo aan dhiiggii hore ka faroxalan dagaalka Mudug loo gudbiyay. Waxay ahaayeen laba dagaal oo aad u ka la macne duwan, taliskuna wuu ka feejignaa sarkaalka loo dirayo cabbudhinta kacdoonka gudaha. Sarkaal walba waxaa loo dooran jiray jiidaha dagaalka ee iska dabo qarxay ninba meesha ku habboon, iyada oo asaas looga dhigayo shakhsiyadda sarkaalka iyo cidda uu ka dhashay. Negeeye wuxuu ka mid ahaa saraakiishii ugu horraysay ee halkaas la geeyay, sababtuna waxay ahayd warbixin laga haystay oo ah in uu yahay soomajeeste wax walba dantiisa ka hor mariya.

Bilawgii Negeeye wuu qaadan kari la’aa falalkii fulintooda loo xilsaaray foolxumadooda, laakiin markii ay naftiisa dhagari buuxisay gacmahana dhiigga daray, ayuu isku sasabay in uu yahay xaqudirir gudanaya waajib qaran oo calanka cadow ka caabbiyaya. Si uu beentiisa u rumaysto waxaa qiimo weyn u lahaa falcelin kasta oo cadaawad loo tarjumi karo oo ay ku kacaan dadkii lagu tumanayay. Waqti ka dibna wuxuu isarkay isaga oo dhiigga u hamuumaya, taasoo ku beegnayd markii uu xiddigtii labaad garbaha ku hubsaday. Wuu ogaa in la doonayo dadweynaha in lagu abuuro argaggax iyo cabsi, si ay uga sasaan muuqa millateriga iyo magaca maamulka, taana lagu gaadhi karo gawrac iyo gubis aan naxariis lahayn. Sidaas darteed waa in uu lahaadaa qalbi aan nixin iyo jidh aan dubaaxin.

Berigaa uu dhiigga muquuray ayay u bilaabatay marxalad cusub oo noloshiisa isbeddel weyn ku samaysay. Waxaa mar keliya ku soo faruurmay togag lacag ah oo uu meel ay ka timid garan waayay. Xiddiglaha markii uu ahaa iyo maanta mushaharadiisa rasmiga ah farqi badani u ma dhexeeyo, taas oo awal ahayd wax keliya ee uu isku halleeyo imika se aan uba tirsanayn. Lacagtu waxay ku soo gashay kun siyood, waxayna ka soo gashay kun meelood oo aanu weligiiba ka fekerin.

Maalmihii ololaha Mudug meesha ugu ba’an marayay, wuxuu marar isu dhodhow helay lacag badan oo loogu sheegay gunno, laakiin uu ogaa in ay ku lug lee dahay hawlihii halkaa ka socday. Dhammaadkii sannadkii 1981, maalin uu wasiirka gaashaandhiggu booqasho ugu yimid, isaga iyo saraakiishii kale ee gobolka joogtay waxaa loo qaybiyay lacagtii ugu badnayd ee uu Negeeye weligii arkay, konton kun oo shilin midkiiba. Saraakiisha ka sarraysa wuxuu marar badan ka helay lacag aan magac iyo warqad midna lahayn. Isaga oo taa ka fekeraya ayuu sarkaal ay isku dhowaayeen maalin lacag la qabysaday ku la kaftamay:

“Xaalku ma qayil oo markii lagu qabto uun arag baa?”

“Cidina ku qaban mayso ee waxii dhacayaba dhankaaga qabso”, ayuu saaxiibkii ku dhiirrigeliyay, uguna sii xog warramay:

“Miyaadan maqal khudbadii madaxweynaha ee sannad guurada

Kacaanka? Haddii aynu nahay shaqaalaha dawladda wuxuu inagu boorriyay: ‘Iimaanlaaweyaasha dalka ka yaacay ha ku dayanina ee dadkiinna iyo dalkiinna iska xagxagta.’ Waxan ku la batay ee aad la yaabtay, saaxiib, wax kale ma aha ee waa waxoogaagii aannu soo xagxagannay.”

Maalintaas ayuu Negeeye joojiyay in uu arrimahaa ka fekero. Ilkaha iyo ciddiyaha ayuu soofaystay oo bilaabay xagxagashadii ugu darrayd. Laakiin ilaa markaa lacagta jeebkiisa soo gasha inteeda badani waxay ahayd mid uu cid kale ka helay, dabadeed waxaa la gaadhay waqtigii uu isaga qudhiisu lacag samayn lahaa, gacantiisana wax laga heli lahaa.

Sidii uu Mudug u yimid marnaba ka ma uu qaybgelin dagaalkii Xabashida iyo mucaaradka ee jiidaha ka socday, ee wuxuu ka mid ahaa kuwii gudaha ka waday gumaadka iyo qabqabashada rayidka lagu tuhunsan yahay in ay mucaaradka qalbiga ka la jiraan. Haddana mar dambe ayaa hoggaamiye looga dhigay ciidan loo xilsaaray soo qabqabashada dadka la doonayo in la ciidameeyo, waayo berigaas ma jirin qof iskii ciidanka u qoran jiray. Saddexda gobol ee Mudug, Galguduud iyo Hiraan ayuu ahaa dhulka uu ciidanka qafaalka Negeeye galaabixi jiray, muddadiibana gobol iyo degmo ayaana si gaar ah awoodda loo saari jiray. Magaalooyinka, tuulooyinka, ceelasha laga cabbo, beelaha beeraleyda ah, meel kasta Negeeye iyo ciidankiisu waxay si lamafilaan ah ugu ka la bixin jireen weerar laga argaggaxo. Dadka waxaa loo qabqaban jiray si kasta oo suurtogal ah iyada oo la adeegsanayo qori afkii.

Qof salaad ku jira, mid xoolo oomman wada, mid aroos ah, mid buka, mid reer dhan mas’uul ka ah, mid beer falaya, qof walba waa meesha laga helo iyo nasiibkii. Dad aan tiro lahayn ayaa hawlgallada noocaas ah ku naf waayi jiray, kuwo kale ayaa ku naafoobi jiray, qaar kalena waa ay ku caydhoobi jireen.

Xagga ciidanka waxay ahayd shaqo aad u khatar badan. Waxay ahayd markii uu hubku shacbiga ku dhex faafay, sidaas darteed marar badan waxaa dhici jirtay dadka la doonayo in la qabqabtaa in ay diriraan. Negeeye isaga oo khatartaa ku jira ayuu haddana shaqadiisa jeclaystay, wuxuuna si gaar ah ugu farxay awooddiisa aan xadka lahayn ee uu goobta fulinta waxa uu doono samayn karo.

Dhanka kale waxay ahayd si uu lacag badan ku urursaday, waayo dadka la qafaasho qaar badan oo ka mid ahi waxay isku furan jireen wax kasta oo ay markaa gacanta ku hayaan ama heli karaan. Sidaas oo kale magaalada iyo tuulada la gabagabeeyo, iyo xataa shakhsiyaadka la qabto, marar badan baa waxa ay haystaan boob calaacasha la marin jiray.

Maalin aad u kulul ayuu Negeeye weerar qafaal ah Beledweyn ku qaaday. Meel suuq ah oo ragga la soo qabqabto baabuurta lagu gurayay tuban tahay isaga oo taagan ayuu arkay askari isbatoore lebbisan oo ku soo socda. Waa nin weyd ah oo ay busaarad darani ka muuqato. Canka waxaa uga buuran takhsiin qaad, laba farood dhexdoodna waxaa ugu laaban xabbad sigaar ah oo sii gamaaraysa. Wejigiisa guban iyo indhahiisa qaylinaya waxaa la moodaa dadqal.

Degganaan la’aanta iyo kayr kayrka ka muuqda wuxuu u eg yahay qof dhagar qaba. Markii uu Negeeye soo gaadhay salaan ciidan ayuu siiyay dabadeed gacan qaaday.

“Taliye, anigu waan ku garanayaa ee car i garo!” Negeeye ninka ma uu garan, isagii ayaana raaciyay: ”Dhegobacayr miyaadan garanayn? Sow innagii isku dhibbooga ahayn!”

Xusuus aan si fiican u muuqan ayuu Negeeye maskaxda dirqi kaga soo tuujiyay. Haa, waa kii shaxaadka badnaa ee goor walba dadka sigaarka wayddiin jiray. Ninkaasi wuxuu ku cataabay in uu nasiib xun yahay oo weli isbatoore yahay, wax adduun ahna gacan ku hayn, oo xero magaalada u dhow ku qoran yahay. Hadaltiro noocaas ah oo aan Negeeye dan ka lahayn markii uu cabbaar dhuray ayuu orday oo dukaan u dhow laba dhalo oo kooke qabow ah ka la soo cararay, dabadeed baabuurkii ay hoos taagnaayeen shidhka u wada galeen.

Markii la isu yar furfurmay waxa uu sheegay in uu nin ragga la qabtay ka mid ah oo baabuurka ku jira sii dayntiisa ugu yimid. “Belo qaaddayga waxaa dhalay oday lacag leh oo kollay hadhow soo daynaya ee imika inaga sii daa. Waxii uu bixin lahaana aynu innagu ka qaadno”, ayuu soo jeediyay.

Awal wuu shakisanaa ee markii uu Negeeye taa ka yeelay wuu nefisay, wuxuuna soo jeediyay qorshe intaa ka sii mug weyn. Fikraddaasi waxay ahayd in uu Negeeye tirada ugu badan ragga magaalada ee u suurtogasha qafaalo, dabadeed isagu ehelkooda ka soo bislayn doono lacag madaxfurasho ah. In kasta oo uu Negeeye talada la yaabay haddana waa ay cajabisay. Sidii ayay yeeleen, dhawrkii cisho ee hawlgalkaasi socdayna Negeeye wuxuu helay lacag aad u badan, kii kalena la mid buu ahaa.

Markaa ka dib Negeeye habkaas ayuu ku hawl geli jiray, meel walbana nin isbatoorihii Beledweyn oo kale ah ayuu ka samaystay. Waxayna taasi u noqotay il dhaqaale oo muhiim ah, waxa ay se keentay dadka khasabka lagu ciidameeyaa in ay noqdaan foqorada aan madaxfurasho iska bixin karin oo keliya.

***

Magaalo waliba waxay lee dahay dhacdo taariikheed oo sida ilayska u ifta ama sida xabaasha u madow. Maalmahaa uu Beledweyn qafaalku ka socday, goor makhrib ah, koox barbaar ah oo si farxad leh walasaqo u tumanaysa, ayuu ciidankii qafaalku gabagabeeyay. Dadkii cayaarayay markii ay ka la firxadeen laga ma hadhin ee cagta ayaa cagta loo saaray. Laba ka mid ah dhabarka ayaa laga toogtay, mid webiga miciin biday yaxaas ayaa afka u dhigtay oo raq iyo ruux toonna la ma arag, intii kalena iyaga oo sagxadda baabuurta jiifa, qoortana lagaga taagan yahay, ayaa meeshii la doono loo dhoofiyay.

Dhacdadaa xanuunka lihi reer beledweyn waxay wada xasuusisay mid lid ku ah oo ay ku faani jireen. Waxay ahayd tobanguuro yaab leh. Sannadkii 1972 Beledweyn waxaa timid koox saraakiil ah oo xulanaysay dhallinyaro loo qaato ka mid noqoshada Xoogga Dalka. Waxay ahayd intii ay waddaniyaddu weli caafimaadka qabtay difaaca dalkana loo beratami jiray. Mawjad barbaar ah ayaa ku soo qamaamay goobtii diiwaan gelinta, dabadeed buundo webiga dul marta ayay isku garbiyeen oo la jabtay, dhawr ka mid ah ayaana maydkooda webiga laga soo reebay. Iyaduba xanuun waa ay lahayd, haddana reer beledweyn waxay u noqotay tusaale waddaniyadeed iyo taariikh ay ku faanaan.

Isla markii uu Mudug tegay ayuu Amran iyo carruurtii Baydhabo ka soo raray oo Gaalkacyo soo dejiyay. Amran waxay ku sii fogaatay shaqadii fooxisada, waxayna ku samaysay horumar weyn. Markii uu soo noqday wuxuu u yimid qofkii oo ay gurigeeda habeenka iyo maalintu isku mid yihiin, dad aan tiro iyo xaddi lahayn oo dumar u badanina is’hor iyo dabo marayaan. Waagii beryaba guriga waxaa ku furan quraarado cadar ah, waxaa ku duban bun, waxaa ku daadsan salool, waxaa ka shidan foox, waxaa ku qalan ceesaamo cadcad, waxaana digsiyo waaweyn ku karsan raashin. Iyadiiba ma aha. Had iyo jeer waxay xidhan tahay dhar wada cas, had iyo jeerna shucuurteedu waa ay kacsan tahay.

Ilmuhu aad ayay u dhogor wanaagsan yihiin marka laga reebo ta ugu yar, Ubax, oo iyadu bukaan ah. Waxaa muuqata maqnaanta aabbahood in aanay tabin. Sidii qoys gabraar ah goor walba dufan ayaa kor iyo kal ka da’aya.

Markii uu Gaalkacyo u soo wareejiyay Amran hawshii ayay halkii ka sii wadatay, macaamiil intii hore ka badan ayayba halkan ka heshay. Laba qol ayay degeen, mid baa labadooda ku magacaaban, ka kalena carruurta. Laakiin run ahaantii labadaba iyada ayaa ku shaqaysata.

In kasta oo uu markii hore guul u arkayay sida weyn ee ay dakhliga qoyska u wanaajisay imika qunyar qunyar ayuu ugu daalay. Gurigaba gurigiisii ma mooddid, inta ay dadka kale u shaqaynayso ayaaba ka badan inta ay isaga danaynayso. Meel walba dufan, cadar iyo foox ayaa ka uraya. Inta badan Negeeye shaqada ayuuba ku maqan yahay inta yar ee uu guriga joogona ku ma nefiso, wuuba ku diiqadoodaa. Xaalku wuxuu gaadhay in uu albeerko ama xerada ciidanka isaga hoydo, amaba xaafado kale iskaga qayilo. Sidii berigii Damalweyn ayuu saqdadhexe Amran u soo dhuuntaa oo inta uu cabbaar sariirta ku gilgilo dib uga guureeya.

Bishii koowaad ee uu Mudug yimid, ololaha dagaalkuna meesha ugu ba’an marayo, ayuu xiddigtii labaad qaatay, isla markaa dhaqaalihiisu si xawli leh kor ugu kacay. Sidaas awgeed baahi u ma uu qabin shilimmada uunsiga habruhu ka soo urayo ee Amran faraqyada ugu guntan. Wuxuu ka codsaday mar haddii uu isagu maanta noloshooda ku filan yahay waxa ay ku jirto in ay ka baxdo, oo carruurta iyo guriga u soo jeesato. Laakiin Amran hawsha uguma jirto oo keliya dan dhaqaale ee waxay noqotay dookheeda. Ma iyadaaba joogi karta haddii aan hareeraha qiiq kaga baxayn. Ma iyadaaba joogi karta haddii aanay jin iyo insi u garnaqayn oo waxa ay ka la qabaan u ka la qaadayn.

Wuxuu ugu hanjebay in uu guriga uga tegi doono, laakiin shidanaaba shidan. Marar badan ayay isku qayliyeen, laakiin Amran meel ay ka soo noqoto ma joogto. Jimankii ay dadka ka cuudisay oo dhami iyada ayay hooy ka dhigteen. Waxa ay dadka ka daweynayso waxaaba ka badan inta ay iyadu isku dawaynayso. Kaliil waa siddeed jir, Idil waa lix jir, Ubax waa shan jir, haddana Amran uur ma leh. Sababta ay ilmo afraad u dhali wayday wuxuu ku maleeyay in ay tahay jimanka ay dhex gashay. Iyadana markii uu sidaas wax ugu sheegay qosol yar ayay jac ka siisay, dan kalena ka ma ay gelin.

Negeeye qudhiisa ka maqnaanta badan ee guriga iyo dhaqaalaha u kordhay waxay u horseedeen balwad cusub oo ah khamri. Markii uu Mudug yimid wuxuu ka mid ahaa saraakiishii halkaa joogtay dhawr aan khamriga cabbin, waqtiga firaaqadana marka ay kuwa kale miiska fuushan yihiin isagu wuu qayili jiray, haddii kale askarta ayuu turub la cayaari jiray. Dabadeed mar dambe ayuu dareemay in aanay habboonayn isaga oo sarkaal ah in uu askarta dhex fadhiyo. Wuxuu dareemay sidii nin weyn oo kurayo ku dhex jira. Wuxuu kale oo dareemay khamri cabbid la’aantu in ay waayo’aragnimo badan ka qadiso. Ugu yaraan wuxuu istusay golayaasha ay saraakiishu isugu yimaaddaan in ay waayo’aragnimo badan oo shaqadan ku saabsani ku dhaafto.

Fikraddaasi ma ay ahayn mid isaga ku kooban ee marar badan ayay saaxiibbadii sidaas wax ugu sheegeen. Dabadeed wuxuu u hormaday darka Gaalkacyo laga cabbo oo ahaa guri lagu magacaabo Seybeeriya, magacaas oo ay u la baxeen saraakiil lagu soo carbiyay gobolka Seybeeriya ee Midowga Soofiyati. Markaas ka dib Negeeye inta uu doono ayuu guriga Amran ka maqnaan jiray. Shaqada oo keliya ma aha ee xataa marka uu fasaxa yahay balwaddiisa qaadka iyo khamriga ah iyo haween kale ayuu kaga mashquulay.

Negeeye bilawgii, intii uu dabokawelwelka qabay ee gaajada xasuusnaa, wuxuu ku dadaalay in uu lacagtaa waalan ee wareerisay wax ka qabsado. Wuxuu talo ku gaadhay in uu Xamar guri ka iibsado. Sababtaas ayuu isaga oo kiish lacag ah sita Xamar ugu fasax qaatay.

Waxay ahayd markii koowaad, sidii uu dagaalka Itoobbiya uga soo noqday, ee ay reer abtigii reer Rooble isarkeen. Wuxuu la yaabay noloshii dhaqaale ee odayga oo aan haba yaraato ee wax horumar ah samayn. Waaba ay sii xumaatay. Isla gurigii kirada ahaa ayuu weli ku jiraa, sidii ayuuna fatuurad ah FIAT qoroqoro ah oo ay dawladdu lee dahay shaqada ugu aadaa. Sicirbararka cirka isku shareeray iyo mushaharadiisa ayaa sinaba isu dabooli waayay.

Toddobaatanaadkii xaaladdiisa nololeed waa ay iska ladnayd, maanta se wuxuu ka mid noqday dabaqadda bulshada ugu liidata. Berigii hore wuu xarragoon jiray, imika se dhawr shay oo duug ah ayuu isku bedbeddelaa. Haddii aanu qurbaha asxaab ku lahaan lahayn wuu bakhtiyi lahaa.

Qarad waa ay cuslaatay oo bukaan ayay noqotay, shaqadiina faraha ayay ka qaadday oo imika qolqolka ma dhaafto. Leyli maanta ma aha foodlaydii uu marka uu ku xanaaqo dhegta maroojin jiray, waxay noqotay qalanjo isku tumatay oo ay eegmadu ku nasanayso haddana ku waalanayso. Dugsigii u dhammaa oo waxay ku talo jirtaa in ay waxbarashada heer jaamacadeed sii wadato. Ha yeesho ee nolosha adkaatay ee qoyska ayay u adkaysan wayday, waxayna shaqo ka bilawday Caymiska Qaranka. Reerka ayay se weli la nooshahay. Raage isaga maalmahaas ayaa waxbarasho Ingiriiska loogu diray.

Negeeye markii uu Xamar tegay wuxuu ku degay Huteel Jabbuuti, galabtii xigtay ayuuna reer Rooble booqasho ugu tegay, waqtigaas oo ay qoysku guriga wada joogeen. Markii ay iswaraysteen Negeeye wuxuu sheegay in uu Xamar u yimid in uu guri iibsado. Laba arrimood ayaana isku mar maskaxda Rooble ku soo wada dhacay: gurigan uu ku jiro oo kii lahaa cisho dhoweyd u sheegay in uu iibinayo, iyo isaga oo intaa shaqaynayay sida uu ugu guulaysan waayay in uu yeesho guri uu ku noolaado. Laakiin ma ay ahayn markii koowaad ee uu sidaas u fekeray.

“Bal kan aannu ku jirro qudhiisa ka warran? Odayga lihi maalin dhexdaas ah wuxuu ii sheegay in uu iibinayo, una malayn maayo in
rr weli iibiyay waayo wuu i la soo socodsiin lahaa”, ayuu Rooble
Negeeye ugu xog warramay. Negeeye dib ayuu uga fekeray xaaladda guriga iyo bal in uu u dhigmo kii uu ku soo talogalay.

“Wallaahi waa fikrad fiican. Oo tolow imisuu siinayaa? Ma cusba laakiin xaafad wanaagsan buu ku yaalle.”

“Ii ma uu sheegin qiimaha, xaafad aan inaga durugsanayn ayuu se deggan yahay oo waa aynu wayddiin.”

“Haddii uu iga iibiyo idinka ayaaba iska sii degganaan lahaaye.” “Degganaantayadu waxba ma aha ee bal horta adigu guri yeelo.” Fiidkii ayay Rooble iyo Negeeye booqasho ugu tageen odaygii guriga lahaa oo u sheegay in aanu weli iibin. Markii qiimaha cabbaar la isku jiidjiiday odaygii wuxuu oggolaaday in uu Negeeye guriga ka iibiyo, isaga oo, sida uu sheegay, aad u qaddarinaya Rooble oo sannadihii badnaa ee uu degganaa kirada si sharaf badan u bixin jiray isla markaasna daryeeli jiray.

Maalintii xigtay Negeeye wuxuu raadiyay saaxiibkii Diiriye oo aanay laba sano isarag. Qaad ayay qaateen oo qolkii Diiriye la tageen. Markii ay gogol dhigteen qaadkiina furteen, ee ay falaas shaah ah, weel biyo ah, cajalado dhawr ah iyo rikoodh dhexda dhigteen, ayay si wanaagsan isu waraysteen.

Diiriye saaxiibkii xiddig ayuu ku ogaa, maantana labada uu u la yimid iyo guriga uu iibsaday wuu rumaysan waayay. Wuxuu noqday labalafood, shaarubo weyn ayuu la baxay, waxaana ka muuqda haybad iyo kalsooni badan. Sinaba uguma ega agoonkii reer damalweyn. Isagu markii uu muddo shaqadii baabuurta ku jiray, oo xataa dareewalnimo gaadhay, ayuu si buuxda ugu wareegay shaqo kale oo uu ka helay Xisbiga Hantiwadaagga Kacaanka Soomaaliyeed ee degmada Hawlwadaag. Laakiin bishii hore ayuu ka soo baxay xabsi uu sannad iyo dheeraad soo liqay.

Negeeye in kasta oo aanay u suurtogelin saaxiibkii in uu xabsiga ku soo booqdo haddana intaa si buuxda ayuu u la socday. Maalintaas ayay se taa aad isaga waraysteen. Wuxuu sheegay in lagu eedeeyay musuqmaasuq, laakiin ay ahayd mu’aamarad ay ka dambeeyeen niman ay qabyaalad ku colloobeen oo meel ka la shaqayn jiray. Wuxuu ka cawday halgan uu muddo dheer soo waday in ay ka dhiciseeyeen, laakiin aanu ciil u qabin mar haddii qaar iyagii ka mid ahi maantaba xabsiga jiifaan, kuna eedaysan yihiin denbi kiisii ka sii xun oo ah mucaarad. Wuxuu sheegay in uu dhowaan bilaabi doono shaqo uu nin xigaal ah oo madax ahi u soo qalqaaliyay.

“Markii aan xabsiga ka soo baxay aniga oo cid iyo ciirsi la ayaan odayga xasuustay iskuna sii daayay. Meel xun ayuu iga qaatay; waa maalinta tolka loo aayo.”

“Madaxweynaha ayaa tol ka maarmi waayay. Waad og tahay tolkeen in aanu aniga abaal badan igu lahayn, sidaas oo ay tahay hiil iyo hoo ka ma hagrado. Maanta haddii ay tii Alle igu timaaddo cidda Kaliil u irkanayaa waa iyaga”, ayuu Negeeye ku raacay. “Haa, waa iyaga cidda uu u irkanayaa.”

“Waan ka xumahay waqtigaa xabsiga kaaga lumay iyo dhabarjebinta ay doofaarradaasi kugu dhufteen.”

“Waxba ma aha, jab ka daran baa la soo maray, rag iyo rafaad waa mataano. Iyagana waad arki iyaga oo kabaha ii masaxaya.”

“Waad taqaan sow ma aha?”

“Sidee baad u hadlaysaa! Maxaan u aqoon waayay.” “Ma nin reer Jilbaweyni ah ayaad aqoon waayaysaa.” “Cagaweyne dheh. Waa Cagaweyne cadawgood laagu.” “Oo miyaad ka la jeceshahay.”

“Haba ka yaabin, waa dameer iyo labadiisa daan. Waad maqashay waxa aynnu miyi ugu geysannay? Bakhtigooda ayaa laga tallaabsaday.”

“Waan maqlay, gunta guntu dhashay. Ilaahay waxaan ugu nidar galay miyi iyo magaalo toonna haddii ay nabad ku hoydaan”, ayuu yidhi Negeeye isaga oo dirayskii oo kursi ka soo horjeeda saaran labada xiddigood ku ilwaadsanaya. Waa laba xiddigood oo dhuxul ka kulul xijirna ka cas, laba xiniinyood ugama dhacaan.

“Odayga shaqada ii soo dhammeeyay shan iyaga ah ayuu maalin dhoweyd shaqada debedda uga tuuray, markaas ayay sida agoonta albaabka istubeen oo baryootan ku waasheen. Oo miyuu u naxayaa?” “Muxuu ugu naxayaa yayda yaydu dhashay, ma iyaga ayaa u nixi lahaa?”

Si wanaagsan ayay sheekadu isugu baxaysaa. Aad ayay ugu faraxsan yihiin in ay isla fahmayaan carruurnimadii, qabyaaladda iyo siyaasadda, arrimahaas oo aan dadka laba waliba isla fahmi karin. Waxay si isku aragti ah u falanqeeyeen siyaasadda dalka iyo doorka uu qabiilkoodu ku lee yahay ama aanu ku lahayn. Waxay isu tilmaameen shakhsi kasta oo ay isku qabiil yihiin oo maamulka ku jiraa waxa uu galo iyo waxa uu gudo.

Intii aanay mawjaddii u horreysay iswaraysiga ka gudbin ayay durba garaabadu dhexdooda qarisay. Qolku aad ayuu u kulul yahay, in kasta oo ay feedho qaawan yihiin dhidid baa ka qubanaya. Daaqadda keliya ee qolka oo xaafad qaylo badan ku sii jeedda markii ay fureen waa ay ku wareereen. Dhawr jeer ayuu Diiriye inta uu daaqadda qoorta ka riday dumar iyo carruur canaantay waxba se isma beddelin. Heeso qaraami ah ayaa u baxayay oo ay awal rabeen in ay sheekadooda aan xalaasha ahayn ku qariyaan, imika se buuqa debedda ayaa taa kaga filan.

“Saaxiibkaa Geeddi Baabbow iiga warran?” Negeeye ayaa wayddiiyay.

“Waxaa igu maqaalo ah in uu dhintay.”
“Oo Alle ku dhaafi?”
“Alle i dhaafi.”
“Maxaa dilay?”

“Kollay xashiishad iyo khamri. Maydkiisa ayaa Ceelgaab laga helay.”

“Haddaa Xamar adiga ayaa ka atoore ah.”

“Sida aad Mudug atoore uga tahay. Waan kugu ammaanayaa horumarka aad samaysay.”

“Dadaal ayaa ina faran. Qudhaada waa lagu dhabarjabiyay, waan se hubaa cid kasta oo ku neceb in aad habaaska cabsiinaysid. Haddii kale adiga ayaa lagu cabsiinayaa.”

“Waa sidaas, habaaska ayaa la iscabsiinayaa. Dunidu se sidan ahaan mayso ee inta ay waalan tahay wax ka qabso”, ayuu Diiriye saaxiibkii ku la taliyay.
“Taladaa qudheeda ayaan adigana ku siinayaa.”

Waxay isla soo qaadeen marka ay maanta sheekada ka dhergaan berri in ay tumasho tagaan. Diiriye in kasta oo uu dhowaan xabsi ka soo baxay mar haddii uu magaalada deggan yahay isaga ayay tahay in uu hawsha maamulo. Laakiin Negeeye saaxiibkii wuxuu u arkaa nin dumarka kuwa ugu liita bartay, wuxuuna ka baqayaa in uu meel saf loogu jiro oo daqiiqado la isu qabanayo geeyo, sidii berigii Xamar isugu horreysay.

“Diiriye, billaad sidaadii Buur Karoole iyo meel daran na fuushisaa?”

Diiriye wuu qoslay dabadeed ku kaftamay:

“Marba sida aad u jabtid ayaa loo dhutiyaa ee markii aad liidatay meeshii aad ku soo nabad iyo caano maashay waxba ha caayin. Maanta se mar haddii aad lacag inoo haysid guri gobeed ayaa la inoo goglayaa.”

Negeeye markii uu Mudug iyo shaqdiisa ku soo noqday wuxuu dareemayay islaweyni badan, wuxuu isu arkay nin ku guulaystay horumar uu dad badan ku dhaafay. Saaxiibkii Diiriye iyo abtigii Rooble, oo labaduba magaalo iyo shaqo uga horreeyay, ayuu isku dhereriyay, wuuna isu bogay. Dabadeed niyad cusub ayuu shaqadiisa ku bilaabay.

Xagga guriga in uu ka dhutinayo ayuu istusay. Qoys adag iyo carruur badan in uu dhiso ayuu weligii ku talo jiray, taana Amran marar badan ayuu si dhab ah ugu sheegay, ha yeesho ee iyadu qoys adag iyo carruur badan toonna dan ka ma leh oo waa qof ay quruumo qaateen.

Xidhiidhka isaga iyo Amran ka dhexeeyaa wuu ka duwan yahay ka nin iyo naag soomaaliyeed oo isqaba ka dhexeeya, isaguna taa wuu qirsan yahay. Weligii wax ay diiddan tahay ku ma uu khasbin, maamulka iyo talada reerkana inta badan iyada ayaaba leh. Laakiin wuu og yahay taa sababteedu in aanay ahayn jacayl badan oo uu u qabo oo ugu nugul yahay, ama debecsanaan iyo dabeecad wanaag uu naag walba ku la dhaqmi lahaa. Isla markaa wuu og yahay in aanu ahayn nin jilicsan oo ay naagi hoggaanka u hayso.

Berigii Damalweyn ee uu ahaa kuray ay gacanta ku hayso, iyo xataa markii ay qarsoodiga isugu bislaadeen, waxaa jiray laba arrimood oo uu had iyo jeer ku dadaali jiray in uu isu dheellitiro. Midi waa baahidii uu u qabay xannaano hooyo iyo qof ka weyn oo dusha ka ilaalisa, taas oo uu Amran ku qabay. Ta kalena waa naagnimadii uu isaga oo sidaas u yar isla iyada ka helay. Berigaa fog ilaa maanta ka ma uu xoroobin isu dheellitirka labadaa arrimood, ku mana guulaysan in uu u la dhaqmo sida uu run ahaantii jeclaan lahaa in uu naagtiisa u la dhaqmo, oo ay ugu yar tahay in uu sida uu doono u maamulo.

Qudheeda isu dheellitirka labadaa arrimood dareenkeeda ka ma maqna. Negeeye sow ma aha waxii xumaa ee ay isaga oo aan dad iyo dugaag toonna ahayn gosha gelin jirtay? Sow ma aha kii ay isaga oo hooyo ka dhigta sida nin loo noqdo bartay? Marka ay rag kale godolkeeda maalaan sow ma aha kii ay xigta u lisi jirtay? Sow ma aha kii habeenkii ugu horreeyay qaylada ku dhuftay ee ay naaska ku aamusiisay, ee laabta kaga dhareeriyay? Markaa miyuu maanta xaq u lee yahay in uu ku caasiyoobo oo doonisteeda tiisa ka sare mariyo? Taasi waxay ugu dhoweyd maalintii ay iyada oo kab lulaysa kabna laallaadinaysa oo ilmo sidata Baydhabo ugu timid. Berigaa haddii uu waraabe u tuuri waayay maanta waraabe iyo dawaco toonna u ma tuuri karo. Haddii aanay isaga u tuurin ayuuba nasiib lee yahay.

Maalintii uu Xamar ka soo noqday Amran iyo ubadkii ayuu toos u abbaaray. Maanta ayay ugu darrayd, wuxuu u soo galay iyadii iyo haween kale oo qaad hareeraha ka fadhiya qiiqa sigaarkuna ka la qariyay. Waa ay u soo kacday, qolkii carruurta ayayna wada galeen oo laba sariirood oo iska soo hor jeeda iyaga oo ku ka la fadhiya wada hadleen.

“Negeeye, anigu qaad ma cuno sigaarna ma cabbo ee quruumaha ayaa jecel oo aan uga maarmi waayay.”

“Naa miyaad falan tahay? Waa maxay horta quruumaha aad sheegtid ee sidii ay kuu wadeen maanta qaad iyo sigaar afka kuugu guray?”

“Adduun waxba ka ma ogid ee nin yahow iga aamus. Malaha waxa dunida nacab iyo nasteex ku uuman waxaad moodaysaa inta yar ee ay indhahaagu arkaan? Oo maxay indhahaagu arkaan ama arki karaan? Aadamiyow abaaldarane! Alloow maxaan waa beryay iyo gabbal dhacay naftaada qaaba qawsayn ka soo saaray! Haddii aad og tahay inta jeer ee aan wad kugu soo abbaaran iyo xabbad kugu soo xiimaysa ku hareer mariyay sidaas u ma aad hadasheen.”

“Naa aniga wad iyo xabbad toonna i ma aad hareer marin ee maanta ka dib waxan yaanan kugu arkin.”

“War adiguba qaad, sigaar iyo wax ka daranba waad cuntaa oo cabtaa ee cirka soo guji”, ayay u celisay.

Hadalkaasi markii uu afkeeda ka soo dhammaanayay Amran inta ay sidii ay sun cabtay indho caddaysay ayay sariirtii ay ku fadhiday jijircadka ugu dhacday. Dhidid inta ay durba wada qoyday ayay sidii qof maanta oo dhan soo ordaysay neefneefsi xoog leh bilawday. Calaacalaha ayay isku mar laabta ku wada dhufanaysaa haddana bawdyaha waaweyn ee sariirta ka soo raaraca. Cod dheer ayay ku calaacalaysaa ha yeesho ee ooyi mayso. Maya, hadalku iyada ma aha ee waa cid kale, cid iyada ku dhex jirta! Waxaa laga dhex lee yahay: “Negeeye, na daa oo naga tag! Badahayaga ka ma dabbaalan kartid ee ha gelin! Annaga iyo Amran naga dhex bax! Waxa ay noo qabato noo ma qaban kartid ee ha nagu guban! Waanu ku nabad gelinnaa ee na nabad geli!”

Marka ay sidaa lee dahay sariirta ayay mar kale ku soo fadhidaa oo indho cadcad Negeeye toos ugu eegaysaa. Waa iyadii haddana ma aha. Yaabku waxa ka dhex hadlaya oo keliya ma aha ee xataa shucuurta wejigeedu waa qof qalaad oo Negeeye ku cusub. Dumarkii ay qolka kale kaga soo kacday markii ay qaylada macallimaddooda maqleen gurmad degdeg ah ayay u soo galeen. “Naa wadaadda cadarkeedii u la soo orda…” “Jaawina u soo shida…” “Garbasaartii guduudnaydna u keena…” “Iyo kuushii iyaduna guduudnayd…” “Negeeye, adigu naga bax…” “Haa, waad aragtaa wadaadda in lagu soo kordhay ee naga tag…” Negeeye isaga oo yaabban, dhan kale argaggaxsan, dhan kalena xanaaqsan ayuu iska tegay. Maalintii xigtay ayuu iyada oo caadi ah, sidiina qaad iyo qiiq ugu dhex jirta, ku soo noqday. “Amran, sidan ku ma wada joogi karno.”

“Haddii aynaan ku wada joogi karin yaa ku haysta?” “In aynu iska ka la tagno ayaa i la habboon?” “Wallaahi adiga ayay ku jirtaa.” “Waad iga furan tahay!”
“Samadu furan ee saddexdaba halkaa ii dhig!” “Saddex baad igaga furan tahay!” “Abshir! Abshir! Samaduna furan!”

Maalintaas ka dib Negeeye marmar ayuu carruurta soo booqan jiray, iyaduna “abshir” iyo “samadu furan” ayay kaga dhabaysay oo gurigii waxay ka dhigtay meel samada u furan oo ay khalqiga muuqda iyo kuwa aan muuqani ku kulmaan.

Aanadii Negeeye – Qeybtii 13aad

Fikirkaada Waa Muhiim