Aanadii Negeeye – Qeybtii 10aad

Waa 21-ka oktoobar, sannadguuradii dhalashada Kacaanka. Negeeye afar bilood Xamar joogay wuxuu u daawasho tegay fagaaraha dabbaaldegga. Weligii run iyo riyo toonna ku ma uu arag quwad ciidan oo intaa tiro la’eg iyo qalab dagaal oo sidaas u culus. Waa duni yaab leh oo ku cusub. Gaardiga iyo durbaanku wadnihiisa ayay gilgileen, jibbo iyo qiiro aad u badan ayayna ku abuureen. Wuxuu hareeraha ka arkay dumar mashxaradaya marna ooyaya, wadaaddo ducaynaya iyo rag dhididka qiiradu dharka iyo dhafoorka qooyay. Tol iyo towrad mid ay ahaataba, soomaaligu cidda uu ku abtirsado ma jirto wax uu ka la jecel yahay xoog dagaal.

Cilmi, dhaqaale iyo wax kale toonna la ma daneeyo. Dadka meesha jooga badankoodu quud maalmeedka ma soo qabtaan, laakiin maanta ma jiraan faan iyo islaweyni u dhimani. Ingiriis iyo Talyaani casar ma la raray, Xabashi, Kiiniya iyo Faransiis dhulka ay haystaan in ay hurdo macaan ku seexdaan ma laga xaaraameeyay? Haddaba Aakhiro meel la tago leh.

Negeeye maalintaa isaga oo aan goobtii ka dhaqaaqin ayuu goostay in uu askari noqdo. Geerashkii uu farsamada ka baran jiray beryahan waxaa ka soo gala shilimmo u badan baqshiish ay siiyaan dadka baabuurta looga shaqeeyaa. Noloshiisu ha iska liidato ee Rooble wuu ka xoroobay, run ahaantiina isku ma fiicna, inta badanna ismaba arkaan. Laakiin taladaa ku dhalatay in uu ku wargeliyo ayay la noqotay. Fiidkii ayuu guriga ugu tegay.

“Waxaan goostay in aan millateri noqdo.” “Sow laga ma yaabo in lagu raadinayo?” “Mar uun baan dhiman lahaa.”

Waxaa jiray sharci uu Kacaanku la yimid oo ahaa qofkii qof dila in loo dilo. Taas darteed Rooble aad ayuu uga welwel qabay qoyskii uu Goodir ka dhintay in ay dacwoodaan. Markii uu sheegay in uu askari noqonayana wuu la yaabay, wuxuuna u arkay nin wadkiisu galay oo mawdku u gacan haadiyay. Negeeye isaguba arrintaas wuu ka fekeray, laakiin meesha uu dilka ka geystay oo miyi fog ah iyo arrinta oo uu ogaa in xeer dhaqameed lagu dhammeeyay dartood baqdinta uu Rooble ka digayaa isaga waa ay ku yarayd.

Raage iyo Leyli habeenkaa markii ay maqleen Negeeye oo ciidanka qalabka sida ku biiraya aad ayay u la yaabeen. Waxay ahayd mar ay si dhab ah u ogaadeen Negeeye in uu yahay gacankudhiigle, ciidankana waxay u haysteen dad xumaha oo dhan ka dhawrsan. Taa iska daaye waxay la yaabeen sida uu qof qaadka cunaa oo sigaarka cabbaa ciidan u noqon karo.

Negeeye isagu markiiba taladaa meelmarinteeda ayuu u tabaabulshaystay, barashadii farsamadana degdeg ayuu faraha uga qaaday. Si uu wehel uga dhigto ayuu Diiriye askarinnimada ku qalqaaliyay, laakiin ku ma uu guulaysan, shaqada baabuurta ayuu uga hanweynaa.

Negeeye wuxuu iska diiwaan geliyay millateriga oo ka mid noqoshadiisa waqtigaas irridaha loo ballaqay. Berigaas waxaa socotay ciidamayntii ugu badnayd taariikhda Soomaaliya, oo ay sabab u ahaayeen askartii talada dalka maroorsatay iyo isu diyaarinta halgankii lagu heshiiyay in soomaalida maqan lagu xoreeyo.

Darxumo ha ku koro, wuxuu se ahaa labalafood dherer iyo dhumuc u dhashay, weydna ha iska ahaado ee noloshii adkayd ee Damalweyn naftiisa iyo jidhkiisaba waxay ka soo dhigtay suun maas ah. Wuxuu u ekaa qof sidiisaba askarinnimo loo abuuray. Sidaas darteed tabobarku run ahaantii isaga u la ma adkayn sidii ay ragga kale had iyo goor uga cabanayeen. Laakiin saddexdii cisho ee ugu horreeyay waxay lahaayeen hawl gaar ah.

Maalintii uu tabobarku bilawday galabtii ka horreaysay ayuu Negeeye xero ciidan oo Xamar debedda ka ah iska xaadiriyay. Subaxdii xigtay ciidankii cusbaa inta dirays loo qaybiyay ayaa barxaddii xerada lagu soo safay, loona bilaabay tabobar cadaab u eg. Saraakiil wada xanaaqsan oo canaan iyo qaylo badan, mararka qaarna gacanqaad weheliyo, ayaa ciidankii majaraha u qabtay. Maalintii koowaad waxaa la qabtay shaqo adag oo lagu dejinayay laguna ka la hagaajinayay sariiro iyo qalab kale oo beryahaa xerada laga soo buuxiyay. Gaardi, orod iyo jimicsi adag ayaa dhawrkii cisho ee ku xigay midba mid looga gudbay.

Maalmahaas Negeeye, sida ragga kale, ayuu marka waqtiga hurdada la gaadho isaga oo wada damqanaya sidii wax dhintay sariirta ku dhici jiray kuna hambaberi jiray subaxda xigta qaylada iyo siidhiga saraakiisha. Laakiin markiiba wuu la qabsaday, isaga oo istusay askarinimadu in ay tahay shaqo raggannimo iyo sharaf leh. Ilaa carruurnimadii hammigiisa ugu weyni wuxuu ahaa in uu noqdo nin adag oo laga baqo, taasina in ay maanta ugu dhow dahay ayuu dareemay.

Garoonka hanfiga iyo habaaska badan marka uu gaardigu isdaba marayo, ee ay qorraxdu dunida shiilayso dhididkuna dhulka u dhaco, ee uu ninka jilicsani beer caddaado, Negeeye wuxuu ku fekeri jiray ragga kale oo dhami haddii ay mid mid u daataan in uu yahay ama noqon karo ka ugu dambeeya ee awood iyo adkaysi u leh in uu sii noolaado. Tallaabada gaardiga marka uu kabta sida xoogga leh dhulka ugu dhufanayo waxay u la mid ahayd isaga oo reer damalweyn madaxa kaga tumanaya. Runtii marar badan ayuu cagtiisa culus oo dhulka ku sii socota dareemay in ay afka kaga dhacayso mid ka mid ah raggii reer damalweyn ee markii uu tabarta darraa ku wiirsan jiray, gaar ahaan Aw Faarax iyo odaygii xumaa ee inta uu saqdadhexe Amran ku soo guureeyo hurdada ku bakhtiisan jiray.

“Cagtu marka aad kor u qaaddid biyoshub ha yeelato, cidhibtuna iyada oo kaynaansan dhulka ha cuskato! Sida gabadh tamashle ah ma aha raadkaagu in uu muuqan waayo, ee waa in uu sidii fadal libaax muddo dheer dhulka sii qodnaadaa. Shaqadaadu waa dil, diintaadu waa amar qaadasho, hoygaagu waa gaajo iyo harraad, sedkaaguna waa siifadda baaruudda. Waxaa lagaa doonayaa ciidanka Afrika ugu guunsan in aad sida cawsha eridid, oo aad boqor libaax sheegtay sidii ri irmaan dhegta soo qabatid. Taasina Kuu ma fududa haddii aad tahay nin jilicsan.” Sidaas ayuu sarkaalka xeradu u qaylin jiray.

Negeeye hadalkaa wuxuu ka heli jiray dhiirrigelin aan mid ka weyni jirin. Kamana ay ahayn Xabashi nacayb iyo waddaniyad, sidii ay dadku berigaa u badnaayeen, laakiin naftiisa cuqdadda iyo aarsigu ka buuxay ayay xaaladdani dheef u ahayd. Dhanka kalena qiime in uu yeelan karo aanu weligii ka fekerin ayuu dareemay.

Aqoonta uu tabobarkaa ka kororsaday ma ay ahayn oo keliya ta ciidanka, ee wuxuu bartay adduun iyo nolol dhan oo ka daahnayd. Wuxuu bartay akhriska iyo qorista far soomaalida oo markaa cusbayd, wuxuu wax ka bartay taariikhda iyo juqraafiga Soomaaliya borobbagaando iyo been lagu iidaamay. Waxaa loo sheegay sida ay soohdimaha Soomaaliya ku dhismeen iyo in ay tusaale u tahay cadaawadda gumaysiga iyo imbiriyaaliyadda. Wuxuu bartay in ay jiraan gumaysi cad iyo mid madow oo soomaalida u midoobay. Waxaa loo sheegay dawladnimadii lixdankii in ay ahayd maqaarsaar dadka iyo dalka lagu maali jiray, Kacaankuna u dhashay qarannimo buuxda iyo midnimo ay soomaalidu yeelato in uu xaqiijiyo. Waxaa la tusaaleeyay sida uu Kacaanku u eryay imbiriyaaliga, gacansaaarkana u la yeeshay bulshooyinka horusocodka ah.

Madaxweynaha oo gabogabayntii tabobarka ka soo qayb galay ayaa xamaasadda Negeeye cirka ku sii shareeray. Madaxweynuhu markii uu ciidanka salaansharaf ka qaatay ayuu jeediyay khudbad dheer oo aan ahayn wax cusub ee uu sidii hadal cajalad ku duuban munaasabad walba ku soo celcelin jiray:

“Jaalleyaal, xilka aad qaaddeen waa mid culus oo idiinka baahan adkaysi, Kacaannimo iyo karti dheeraad ah. Waa mid idiinka baahan nafhurid iyo in aad u hiilinta Kacaanka ka hormarisaan waalidkiin iyo walaalihiin; in aydaan u nixin kacaandiid. Kacaanku wuxuu u dhashay xakamaynta xaaraancunka, burburinta eexda, qabiilka iyo qaraabokiilka; wuxuu u dhashay sinnaanta iyo daryeelka danyarta; idinka ayuu idiin dhashay (askartu waxay ka timaaddaa dabaqadda ugu liidata bulshada). Midhaha Kacaanka cidda guran doontaa waa cidda maanta dulinka ka ilaalisa, mana illaawi doono cidda abaal u gasha ee abaal u dhigta, jaalleyaal…”

Waxaas oo dhan Negeeye wuu rumaystay. Waxaa se kaga sii darraa, dareenkiisana raad qoddo dheer ku reebay, markii uu madaxweynuhu sheegay isaguba in uu maalin goobtan oo kale taagnaa oo tabobar dhammaynayay, maantana, halgan adag iyo waqti dheer ka dib, uu yahay Aabbaha Umadda iyo Hoggaamiyaha Kacaanka.

Negeeye intaa wuxuu ku dhaygagsanaa dhafoorrada odayga oo ka arkayay dhirbaaxooyinkii kulkululaa ee waqtiga, iyo darajada garbaha kaga taxan oo u muuqata dhirbaaxooyinkaas nabsibaxoodii. Ilbidhiqsigaa waxaa ku abuurantay riyo fog, wuxuu goostay in uu sarkaal noqdo.

Maalintii tabobarku dhammaaday saddex askari oo uu isagu ka mid yahay ayaa alifkii ugu horreeyay qaatay, kaas oo ay ku mutaysteen shiish wanaag iyo adkaysi. Alifkaasi Negeeye wuxuu cagta u saaray sallaankii koowaad jaranjaro dheer oo uu fanashadeeda u guntaday.

Isaga oo waxaas oo dhan maanka ku qaatay markii tabobarku u dhammaday wuxuu ahaa qof kale. Aad ayuu u xamaasadaysnaa, aad ayuu u xanaaqsanaa, aad ayuuna u la yaabbanaa waxa soomaalida qaarkood ka dhigay maanlaaweyaal aan Kacaanka siin abaalkii uu ka mudnaa. Wuxuu fahmi waayay sheyddaanka madaxa kaga jira rag uu abtigii Rooble ka mid yahay, kuwaas oo uu maqli jiray iyaga oo xan iyo xumaan ka sheegaya saraakiisha sare ee Kacaanka. Marar badan ayuu maqlay iyaga oo si yasid leh ugu kaftamaya: “Ma askar baa siyaasad wax ka taqaan?! Dalka ma waxay moodayaan xero millateri?! Hantiwadaaggan ay nagu wareeriyeenna xaggee bay ka soo bawsadeen?!”

Isaga oo sidaas u fekeraya, oo dirayskii ciidanka gashan, cududahana alif cadi kaga suntan yahay, oo sidii ilmo dharkii ciidda loo geliyay cagaha carrada ka ilaashanaya, ayuu maalin reer abtigii soo booqday. Markii muuqiisa la arkay ayay deriskii ku soo xoomeen, oo sidii nin aroos ah mashxarad iyo sacab ku gelbiyeen. Inkasta oo uu ogaa in aanay ahayn jacayl isaga ahaan loo qabo, ee ay tahay qaddarin ciidanka oo dhan loo hayo, haddana islaweyni aad u badan ayuu dareemay. Waxay ka mid ahayd waxyaalihii shaqada sii jeclaysiiyay.

Markii uu tabobarku dhammaaday ciidankii waa la ka la firdhiyay inbana gobol baa lagu meeleeyay. Dhawr uu isagu ku jiro waxaa laga shaqogeliyay gaas fadhigiisu ahaa Baydhabo. Xerada Negeeye lagu qoray in kasta oo aanay ahayn meel xiise badan, maalin walibana u egayd tii tagtay, haddana waa ay ka duwanayd noloshii dhibka badnayd ee tabobarka, tii uskagga ahayd geerashka iyo tii darxumada badnayd ee Damalweyn intaba. Wuxuu yeeshay mushahar uu isku hallayn karo, wuxuuna dareemay in uu taagan yahay meel uu dhismaha mustaqbalkiisa ka amboqaadi karo. Madaxweynuhuba mar buu alifle ahaa, waddada yari ta weyn ayay kugu riddaa, ayuu isxasuusiyay.

Baydhabo waxaa ku taallay shinoomo laga dhigo filimo af talyaani ku hadla, kaas oo aanay dadka badankoodu wax badan ama waxba ka fahmin jirin haddana habeen walba laga buuxi jiray. Mushkiladda af talyaaniga waxaa lagaga ladnaa filimada halkaa lagu daawadaa waxay u badnaayeen dagaal iyo fardoolay Maraykan ah. Waxay kale oo Baydhabo ka mid ahayd magaalooyinka lagaga talo galo Hobollada Waabberi marka ay sidaan ruwaayadahooda la jecel yahay. Ruwaayadaha ayuu Negeeye filimada ka jeclaa waayo waxay ka hadli jireen nolol uu fahmayo.

Xiisaha ay magaaladu yeelan lahayd niman uu Negeeye ku jiro waxaa ka carqaladeeyay aqoon la’aanta lahjadda maayga taas oo aanay barashadeeda wax dadaal ah saarin. Waxay yaseen dhaqan hoosaadka iyo lahjadda bulshada, waxayna si xaqirid leh u yidhaahdeen: “Waa tii uu Sayidku sheegay oo maaygu af muslin iyo af gaalo toonna ma aha.” Laakiin askartii lahjaddaa baratay markiiba waxay noqdeen reer baydhabo, qaarkoodna waxay barteen ama guursadeen gabdhihii magaalada.

***

Negeeye isaga oo laba bilood Baydhabo jooga, goor galab ah oo uu xerada turub ku cayaarayo, ayaa loo sheegay in ay qof dumar ahi debedda ku sugayso. Xasuusta ku ma uu hayn gabadh soo booqan karta, sidaas darteed intii uu albaabka weyn ee xerada ku sii socday wuxuu ka fekeray ta ay noqon karto. Markii uu debedda u soo baxay wuxuu arkay haweenay geed hoos fadhida. Ilmo yar ayay dhabta ku haysataa. Wejigeeda diif ayaa ka muuqata laakiin ma garan waayi karo. Waa Amran. Damalweyn ha necbaado mase illaawin, gaar ahaan hooyadii iyo Amran labadaba joogto ayuu uga fekeraa. Had iyo goor waa uu maleeyaa ka uu noqon karo ninka Amran ka dhaxlay ee habeen walba marka tuulada laga seexdo mutulkii xumaa ku la xisaabtama. Haddii uu Xamar tago cid Damalweyn ka timid wuu la kulmi lahaa, ha yeesho ee Baydhabo cidna ku la ma kulmi karo.

“Aad ayaad isu beddeshay”, ayay ku tidhi markii ay isbariidiyeen. “Waad sii kortay, shaarubo weyna la baxday.”

“Qudhaadu waad isbeddeshay. Waad caatowday.”

“Waqtiga ayaa caato iska ahaa”, ayay tidhi, oo ilmihii inta ay kor u soo qaadday sida muraayadda Negeeye wejiga ugu beegtay. “Waxyaalo badan baa isbeddelay, ninkan yarina isbeddelka ayuu ka mid yahay ee bal isbarta.”

Negeeye wuxuu eegay ilmihii oo ahaa qof weli aad u yar oo laba indhood oo aan libiqsanayn ku soo fiirinaya. Wuu maleeyay waxa ay soo waddo, isaga oo dhididsan, neeftuna dirqi kaga soo baxayso, ayuu si dareen ka buuxo Amran ugu dhaygagay. Intii aan wax hadal ahi ka soo bixin ayay u raacisay:

“Waxaan u bixiyay Kaliil, laba sababoodba: waa mar ee wuxuu dhashay kaliil, waa marka labaad ee wuxuu i baday kulayl. Rafaad badan baan ku keliyaystay, waad og tahay dadku sida ay u arxan daran yihiin marka ay gabadh aan nin lahayni uur yeelato.”

“Waan fahmayaa”, ayuu ugu garaabay.

Waa markii kowaad intii ay dhibaatada la kulantay ee ay maqasho cid u garowda, illin ku gaaxatay ayaana kediso uga soo qubatay.

“Xaaladda aan ku ummulay Ilaahay uun baa fahmi kara. Dhib kastaba aan ka soo maro ee faan ayay ii ahayd in aad aabbihii tahay.” “Laakiin xaq ma u lee yahay in aan ku idhaahdo nin kasta oo kale ayaa Kaliil aabbe u ahaan kara?”

Si naxdin leh ayay Negeeye eegmada ugu la boodday. Ilmadii dhabanka qulqulaysay ayay garbosaarta degdeg ugu masaxday, dabadeed si calool adayg leh ugu tidhi:

“Cay Kuu ma aan soo doonan ee waxaan kuugu imid in aynu inankeenna wada korsanno, waayo waa adigii guur ii ballan qaadday, waanan ku aamminay.”

“Haddii aad doontid cay u qaado, laakiin wayddiinta xaq ma u lee yahay?”

“Uma lihid, maxaad ugu lahaanaysaa? Waa ayaandarro haddii aad isu aragtid in aadan aabbe noqon karin, ama aadan doonayn in aad noqotid.”

Cabbaar ayay ka la aamuseen oo dhulka xarxarriiqeen nabarro xanuun lehna ka jeexeen. Mar dambe ayuu Negeeye madaxa kor u soo qaaday. Qorigii uu dhulka ku xaquuqayay ayuu sidii uu cadow ku dhufanayo hortiisa xoog ugu maguujiyay. Cir buluug ah oo aan caad lagu ogayn cadceedduna galbeed uga hoobatay ayuu indhaha mariyay.

Xusuus yar jiidatay ayuu maskaxda ka saaray. Kaliil oo Amran dhabta u saaran ayuu wejigiisa eegmo ugu noqday, isaga oo malaha ka daydayaya meel uu isaga ama raggii kale ee reer damalweyn midkood uga ekaan karo. Wuxuu se ahaa dhaylo aan weli qaab yeelan oo aan la qiyaasi karin. Wuxuu ka fekeray Amran in ay si kale u aragto.

Iyada eegmada dambe ee Negeeye waxay gelisay rajo. Codka niyaddiisa ka guuxaya laakiin aan afkiisa ka soo bixin si fiican ayay u garatay. Waa nin ay taqaan, qof aad taqaanna haddii uu seexdo oo soo tooso waa isla isagii. Sidii ay hal maqaar diidaysa ku godlayso ayay mar kale Kaliil kor u soo qaadday oo tidhi:

“Bal muraayad isku eeg. Waa kaase miyaan la moodin in la idin ka la jeexay? Dhegahaasi miyaanay ahayn kuwaaga la moodo dhego bakayle?”

Waa runteed, yarka dhegihiisu waxay ku dhow yihiin in ay dhakada kor u dhaafaan. Laakiin waa ku ma ninka reer damalweyn ah ee aan dhego waaweyn lahayni? ayuu ku fekeray. Aw Faarax iyo Haybe iyagaba ma cid baa ka dhego dhaadheer? Taasi sifo ay reer damalweyn oo dhami ka la hiddaysteen ayay noqon kartaa ee daliil kale ma jiraa?

“Sidee baad ku soo ogaatay in aan Baydhabo joogo?” ayuu wayddiiyay.

“Intii aan Damalweyn joogay ayaan xan ku maqlay in aad Xamar timid, abtigaana Xamar waan ku ogaa. Si gobannimo leh ayay reer Rooble ii qaabbileen, saddexdii habeen ee aan la joogayna aad ayay ii daryeeleen. Waxaa se ku adkaatay in ay rumaystaan in aan xaas kuu ahay, waayo sida ay ii sheegeen weligood taas kaa ma maqlin.”

“Sidee bay iiga kaa maqlaan ma xaas baad ii ahayd?”

“Ma aha in aan anigu la yaabban ahay ee waxaan u jeedaa sida ay iyaga ugu adkaatay.”

Imika Amran ilmadii waa ay ka engegtay, markii uu sii eegayna wuxuu xasuustay tii gogosha ku gardaadisay ee wehelka u ahayd berigii debedyaalnimada. Wuu hubaa imaatinkeeda in uu u baahnaa, laakiin ilmahan jaan yaa dhalay? ayuu ku fekeray. Weligii hebednimo ayuu ku hubay, xataa markii ay isugu dhowaayeen, maanta oo ay iyaga oo muddo ka la maqnaa ilmo u la timidna hadalkeedba daa. Laakiin armuu ilmo uu dhalay dafiraa? Mar haddii uu iyada u baahan yahay midho daray in uu duudduub ku liqo ayuu goostay.

Go’aan wuxuu ku gaadhay in uu dhakhso u guursado, waxayna ku heshiiyeen in ay dadka u sheegaan hore in ay isu qabeen. Waa ay hubeen taasi in ay layaab dhali doonto, waayo Negeeye weligii afkiisa laga ma maqal in uu xaas lee yahay. Waa se sida keliya ee ay aabbennimadiisa Kaliil ku sharciyayn karaan.

Habeenkaa wuxuu geeyay guri uu lahaa askari ay saaxiib ahaayeen oo xaas magaalada ku lahaa. Maalintii xigtay wadaad iyo laba markhaati ayuu masjidka ka soo kaxaystay, markii ay hawshooda guteenna hilib iyo bariis ka dhergiyay. Dabadeed ciddii yaabaysaa ha yaabto, waa ay isqabeen.

Waxay degeen qol keliya oo ay magaalada ka kiraysteen, kaas oo aanay dhigan wax dhaafsiisan sariir labaqaad ah iyo weel cunto. Wax ay galeen nolol iska liidata, laakiin aan ka liidan tii ay awalba soo wada mareen. Mushaharadiisa oo bilawgii ahayd dakhligooda keliya waxaa caawiyay raashin jaban oo ay ciidanka ka heli jireen.

Markii ay Amran magaalada la qabsatay ayay qunyar qunyar u bilawday xirfad dakhligooda wax badan ku soo kordhisay. Dadka ayay u fooxisaa, taas oo ay baratay intii ay Negeeye soo ka la maqnaayeen. Waxay fardaamisaa falka, waxay cuudisaa jimanka, waxay sheegta cudurrada, waxay qortaa maddiidada, waxay tilmaantaa sababaha faqriga. Ma jirto cillad aanay cilmigeeda lahayni. Intaas oo dhan waxaa u dheer dadka waxay u sii oddorostaa waxa uu qaddarku mustaqbalka u maleegayo.

Barxadda guriga oo ay qoysas kale la wadaagaan ayay dadka ugu shaqaysaa. Fooxa ay sida joogtada ah u qiiqiso, oo deriska wada gaadha, dan badan dadku ka ma galaan. Haddii ay ka dacwoodaan in ay jimankeeda ku soo fasaxdo ayayba ka baqeen.

Dhaqaalaha qoyska intii Negeeye in ka badan ayay ku soo kordhisay, laakiin isagu runtii ku ma faraxsana. Mar keliya ayuu arkay agagaarkii qolkiisa yar oo had iyo jeer qiiq ku xayndaaban yahay, ilaa uu Kaliil iyo Idil oo maalmahaas dhalatay ka baqay in ay ku indho beelaan. Jimankan ay u soo xaraysay waxaaba kaga daran magacxumada ay u soo hoysay. Awal waxaa loo yaqaannay Guriga Labaaliflaha, imika se waxaa loo yaqaan Guriga Fooxisada.

“Amran, waa maxay waxan aad gashay?”

“Weligaba waan ogaa in aan amran ahay, aniga oo aan tallaabo qaadin baa la ii sheegay in la i weheliyo. Ma qalad baa markaas in aan waxa uu Ilaahay igu mannaystay dadka uga faa’iideeyo?”

Waxa ay sheegayso isagu ma rumaysna mana beensana, laakiin kollay waa ay ku adag tahay in uu rumaysto mustaqbalka in wax laga ogaan karo. Maalin ayaa xerada ciidanka la isla dhex qaaday war sheegaya in la xulayo shan askari oo ay da’doodu soddonka ka hoosayso, oo dalka Soofiyadka layli sarkaal loo geynayo. Negeeye isaga oo taa rajo weyn ka qaba ayuu Amran u sheegay, iyaduna cilmigeedii ayay la ka la baxday oo foox ku tuurtay. Aqalka hortiisa ayay dabqaad ay dhuxulo nooli ku jiraan foox ku ridday.

Markii uu qiiq cirka isku shareeray ayay gacmaha dhex warwareejisay, cod la moodo in ay hadrayso ayay ku guuxday, indhaha ayay sidii qof sii dhimanaysa ka bilig bilig siisay, madaxana sidii qof xummadaysan marba dhan u walhisay. “Waa guntin… guntin aan la furi karin! Iyo xinjir… xinjiro! Dhiiggana maxaa noo keenay?… Iyo maydkan aan aasnayn? Yaahuu! Isku baxa! Isla hela! Gurigiinna ma dhaafto! Guntintiinnu ma furanto! Maydkiinnu ma aasmo! Yaahuu!”

Waxay u ekaatay qof la maray. Waa markii koowaad ee uu Negeeye u fiirsaday iyada oo fooxinaysa, runtiina wuu baqay iyadana wuu u naxay.

“Naa waa maxay?”

“Usuus! Negeeye, dhoofkaaga mooyee sow adigan dhintay! Sow tan ay ku dishay xabbad ka soo dhacday gacan aad kuugu dhowi! Bisinka iyo yaasiinka! Bisinka iyo burdaha! Waa maxay waxani?”

Negeeye waxaa maskaxdiisa ku soo dhacday sidii uu Goodir u dilay iyo markii uu xabbadda ku dhuftay sidii ay gacantiisu ugu dhoweyd. Degdeg ayuu Amran uga ag kacay isaga oo sii leh:

“Naa nagala tag khuraafaadka.” ka ma uu mid noqon shantii askari ee Midowga Soofiyati loo qaaday. Laakiin taa waxaa kaga darrayd xabbaddii dishay ee gacanta aad ugu dhow ka soo dhacday.

Maalmahaas uu koorsada debedda ah waayay ayuu subax roob culusi da’ayay shaqada galay, wuxuuna ugu tegay warqad uu abtigii Rooble ka helay. Wuxuu u soo sheegay laba war oo uu Negeeye mid ka murugooday midna ka baqay. Hooyadii Dhool baa dhowaan miyi ku geriyootay, nin ina Goodir ahina wuxuu soo galay Xamar.

Mar keliya ayuu Negeeye wada xasuustay jidhkii Dhool ee caatada ahaa, ee aad moodaysay gabadh ugub, codkeedii macaanaa iyo labadeedii indhood oo ahaa wax uu arko waxii ugu naxariis badnaa. Wuxuu u xasuustay sidii ay shalay isugu dambaysay. Wuxuu ka fekeray dardaarankeedii ahaa in aanu aabbihii u aarin, wuuna maleeyay markii ay dilka maqashay in ay ka naxday.

Maalintii xigtay dhawr wadaad ayuu soo kaxeeyay oo lax shilis iyo bariis iyo shaah u kariyay. Soddonka Qur’aanka iyo mid iyo kow iyo toban qulhuwalle iyo duco kale ayay u akhriyeen. Intaas ayuu hooyadii ku xusay.

Welwel kale waxaa ku soo kordhiyay ninka la sheegay in uu Xamar soo galay. Si wanaagsan ayuu u garanayaa. Waa Cali-Dheere, curadkii Goodir oo isaga gu keliya ka yar. Dadkuba miyiga waa ay ka soo wada yaacayaan, Xamarna ku soo xoomayaan, ina Goodir isaguna taa dadka kale ayuu ka la mid noqon karaa, laakiin in uu dekeno daba socdaana waa suurtogal. Wuu dacweyn karaa oo Negeeye deldelaad loo taagi karaa, laakiin sida ay dabeecadda reer miyigu tahay waxay u badan tahay in uu doonayo gacantiisa in uu ku aarsado.

Saadaashii fooxa Amran ayuu mar kale xasuustay. Maalintaas ka dib wuxuu ahaa dhiillo u joog, mar kasta oo uu baabuur Xamar ka yimid arkana eegmada ayuu la sii raaci jiray bal in uu arko qof ina Goodir u ekaan kara oo ka soo degaya. Wuxuu warqad ku cayntaariyay saaxiibkii Diiriye uu kaga codsanayo in uu ninkaa ina Goodir ee Xamar lagu sheegayo ujeeddadiisa warbixin dheeraad ah ka raadiyo. Ugu dambayn Diiriye wuxuu soo xaqiijiyay Cali-Dheere in uu yahay xerow diin barasho u socda, habeen iyo maalinna masjidka fadhiya.

Warkaasi qalbiga Negeeye culays badan ayuu ka qaaday, laakiin ka ma uu wada qaadin. Khayr wax ku ma yeelo ee shar u toog hay, ayuu ku fekeray. Xerownimada in uu ku raadgadanayo, oo isleh yahay cadawgaagu ha isdhigto, ayaa laga yaabaa, ayuu maleeyay. Laakiin ma ay jirin wax uu arrinta ka qaban karo oo aan ahayn in uu sii digtoonaado.

Aanadii Negeeye – Qeybtii 12aad

Fikirkaada Waa Muhiim