Aanadii Negeeye – Qeybtii 9aad

Rooble haba yaraatee Negeeye ma wayddiin sababta imaatinkiisa, wuxuu maleeyay in ay ka mid tahay uun barakaca ay dhallinyarada miyigu waqtigaa magaalooyinka ku soo gelayeen iyaga oo raadinaya nolol taa hore ka door roon. Dabadeed toddobaadkii labaad ee imaatinkiisa, goor fiid ah iyaga oo keligood daaradda fadhiya, ayuu Negeeye si lamafilaan ah u soo qaaday dilkii uu Damalweyn ka soo geystay. Rooble si aan qiyaas lahayn ayuu arrinta uga naxay.

“Oo miyaadan cidna la tashan? Miyaadan nimankii kuu adeerka ahaa midna ka la tashan?”

“Maya. Taladaa keligay ayaa lahaa.”

“Ma aad lahayn, maxaad u lahaanaysaa? Wax ay ummad dhami ka heshiisay in aad sida aad doontid ka yeesho xaq u ma aad lahayn.”

Negeeye wuu yar aamusay, dabadeed yidhi:
“Aabbahay keligay ayuu i dhalay.”

“Haddii uu ku dhalay isagu ma geed buu ka baxay sow dad ma ay dhalin oo dad la ma uu dhalan? Nin yari inta uu geed ka boodo ayuu talo ka boodaa. Miyaad caawa og tahay labadii reer waxay ka la muteen?”

“Haa, waan og ahay, waxba may dhicin.”

“Bal waxa aad ku hadlaysid dhegeyso! Sidee baad u og tahay saw adiga halkan i la fadhiya ma aha?”

“Intii aanan soo dhoofin ayaan ka war helay.”

“Wax la iska xaq iyo xaal mariyay ayaad dib ugu noqotay. Wax laga heshiiyay oo la iska dhaarsaday ka daba taggeeda foolxumo ka weyni ma jirto. Miyaadan cuqubo ka baqayn?”

Negeeye ma jawaabin. Rooble isaguba carruurnimadii reer miyi ayuu ahaa, si wanaagsan ayuuna u fahmayaa dilka joogtada ah iyo ka la aarsiga ka dhexeeya reer miyiga. Laakiin shakhsi ahaan waa nin nabadeed, aad ayuuna u neceb yahay dhaqankaa waalan ee ka la aarsiga iyo silsiladda godobeed ee aan dhammaan.

Maalintaa laga bilaabo Rooble wuxuu Negeeye ku eegay indho cusub, wuxuu u arkay nin ay ka suurtowdo mar kale iyo ka badanba in uu dhiig aadami ku fooldhaqdo. Xushmaddii badnayd ee uu ku soo dhoweeyay markaa ka dib wuu ka la noqday, oo wuxuuba jeclaystay in uu sida ugu dhakhso badan magaalada ugu sii daayo.

Run ahaantii Rooble ma jeclaysan balwadda Negeeye ee qaadka iyo sigaarka ah, oo ahayd mid aan ku habboonayn bay’ada guriga ee uu waxbarashada iyo nadaamka wanaagsan u diyaariyay. Doobab geerashka ka la shaqeeya oo qaylo iyo uskag badan ayaa mararka qaarkood guriga u soo raaci jiray, gurigii oo dhanna sigaar ayaa ka wada uray. Qaadka oo uu guriga ka mamnuucay wuu ogaa in uu la yimaaddo oo qolkiisa ku la dhuunto. Sababtaa darteed Rooble mar keliya ayuu arkay isaga oo Negeeye khaati ka taagan, wuu se ka xishooday in uu wiil uu abti u yahay oo soo magansaday meel xun ku tuuro.

Maalin odayga oo guriga ka maqan ayuu Negeeye isaga oo qolkiisa qaad ku cunaya Leyla u sheegay in ay shaah u kariso, laakiin waa ay diiday iyada oo sabab ka dhigtay in ay wax akhriyayso. Waxbana ma ay akhriyayn ee waxay diiddanayd qaadka guriga laga mamnuucay in ay Negeeye raalli uga noqoto. Isaga oo xanaaqsan markii uu canaantay waa ay iska celisay oo tidhi:

“Ma adigaa i qaba marka aad maalin walba lee dahay shaah ii soo kari, sidaas ii soo yeel? Waxba kuu karin maayo ee qaadka guriga ka daa.”

Dabadeed inta uu yartii si xanuun leh dhegta u maroojiyay ayuu ku yidhi:

“Ilaahoow aanan ku qabin, doqon yahay fooshaxumi.”

Leyli waa ay ooyday, fiidkii ayayna markii uu aabbaheed yimid u dacwootay. Markiiba Rooble isaga oo xanaaqsan ayuu Negeeye qolka ugu galay oo canaantay. Negeeye taa ma garawsan, subaxdii xigtay ayuuna gurigiiba ka tegay. Maalintaas ka dib marmar ayuu booqasho ugu iman jiray.

Markii uu Xamar saddex toddobaad joogay ayuu galab isaga oo geerashka ka soo rawaxay baskii uu saarnaa ku dhex arkay weji uu garanayo laakiin meeshii uu ku arkay iyo magaciiba ka maqan yihiin. Waa lacagqabtaha baska oo ah doob qiyaastii Negeeye la da ah. Canka waxaa uga buuxa takhsiin qaad ah gacmahana mid lacagta ayuu ku ururinayaa midna xantoobo qaad ah ayuu ku haystaa. Dhar uskag badan ayuu gashan yahay, nadaafadxumo xad dhaaf ah ayaana kor iyo kal ka muuqata.

Negeeye oo weli fiirinaya ayuu kii kale toos u soo eegay. Markii la isyara eegay ayaa la isu dhoolla caddeeyay, haddana la isu qoslay.

“Wallaahi waa Negeeye!” ayuu si filanwaa ah u yidhi cod aad uga culus kii carruurnimada ee uu Negeeye ku ogaa.

“Waryaa Diiriye! Wallaahi dirqi baan kugu gartay!”

Baska dushiisa ayaa cabbaar la isku sii waraystay, markii uu Negeeye degis isu diyaariyayna Diiriye ayaa fikrad soo jeediyay.

“War aynu si wanaagsan isu waraysannee xaggee ayaynu ku ballannaa?”

“Meesha aad doontid, mar aynu fasax nahay, anigu jimcaha ayaan fasax ahay.”

“Jimcaha? Oo jimcuhu waa goorma?”
“Waa saaddambe, maanta waa arbaca.”
“Jimcaha xaggee baynu isugu nimaadnaa?”
“Meel uun, meesha aad doontid.”

Makhaayad Ceelgaab ah ayay barqada jimcaha ku ballameen. Negeeye wuu ogaa Diiriye maalintii isaga oo saddex iyo toban jir ah uu dukaankii Xaaji Haybe Damalweyn ku lahaa lacagta ka xaday dabadeed Xamar u soo baxsaday. Diiriye isaguna wuu maqlay Negeeye in uu Goodir dilay dabadeed baxsaday, laakiin ma uu ogayn meel uu ku dambeeyay. Makhaayadda ay ku kulmeen oo ahayd meel ay safarrada gobolladu ka baxaan kuna soo degaan aad ayay u nadaafad liidatay oo u habaas iyo dukhsi badnayd, dad degdegsan oo buuq iyo qaylo badan ayaana is’hor iyo dabo marayay.

Mooyi waxa ay meel dhaanta u fadhiisan waayeen, malaha se degganaan iyo nadaafad ayaanay dan ka lahayn. Dadka magaalada soo galootiga ku ah ayaa lagu yaqaan in ay meelahan ku soo xoomaan si ay aqoonnin uga helaan. Miis foolxun oo looxaan la isku kabkabay ka samaysan ayay laba kursi oo la foolxumo ah hareeraha ka dhigteen shaahna ku dalbadeen. Dabadeed waxay bilaabeen in ay wax walba iska waraystaan.

Negeeye maalintaa wuxuu si tifotiran uga warramay sidii uu dilka u geystay, waayo isaga iyo Diiriye reer ahaan Goodir waa ay iska xigeen. Diiriye isaguna wuxuu ka warramay sidii uu Xamar ku soo galay iyo noloshii adkayd ee uu soo maray oo uu ku tilmaamay cadaab. Labadii sano ee ugu horreeyay habeen in aanu guri seexan sariirna dhinac dhigin ayuu sheegay. Laakiin dhawrkan sano ee dambe siyaabo ka la duwan ayuu u shaqaystay, oo ay ka mid tahay shaqadan uu imika hayo ee geerashboynimadu.

“Laakiin waxii oo lacag ahaa xaggee baad geysay?” ayuu Negeeye saaxiibkii wayddiiyay.

“Waan maqlay odaygii iimaanka la’aa sagaal boqol oo shilin in uu sheegtay, laakiin waxay ahayd lix boqol.”

“Waan hubaa lacagtii loo ururiyay in ay sagaal boqol ahayd”, waxaa yidhi Negeeye oo si wanaagsan u xasuusan gartii lacagtaasi sidii ay u dhacday.

“Waan maqlay, laakiin tii aan qaatay lix boqol uun bay ahayd.” “Oo sidee bay fikraddu kuugu dhalatay? Maxaad se iigu sheegi

wayday?”

“Ma xasuusan tahay ciiddii u dambaysay ee Damalweyn inoogu wada dhalatay?”

“Maxaan u xasuusnaan waayay, sow tii dadka oo wada xarragoonaya oo wada faraxsan aynu qaydadkii duugga ahaa wax aynu iskaga beddelno weynay.”

“Ma xasuusan tahay kii yaraa ee Xaaji Haybe dhalay in uu igu qoslay oo aan garaacay?”

“Wuxuu ahaa Madaxay, miyaad illawday?”

“Sow ma xasuusnid in aynu yaacnay oo maalintii oo dhan kaynta ku jirnay?”

“Si wanaagsan.”

“Maalintaas ayaan goostay in aan dhaco.” “Oo maxaad iigu sheegi wayday?”

“Kuu ma aan sheegin waayo odaygaasi waa kii adiga iyo Amran idinku dhowaa ee wax kuu dirdiran jiray.”

“Kelebka kelebku dhalay anigu markaas ma aan necbayn, beri dambe ayaan se Amran khaati uga joogsaday. Weligaa miyaad aragtay lixdan jir…”

“Odayna ma ahayn ee wuxuu ahaa nijaas.”

“Laakiin xataa haddii ay lix boqol ahayd waa lacag aad u badan ee maxaad ku samaysay? Dukaan weyn baa lagu furan karaaye.”

“Sow Kuu ma aan sheegin in aan cadaab soo maray? Cadaabtaas ayay iyaduna ku gubatay.”

“Malaha adigana waaba lagaa sii dhacay?”

Diiriye waqtigii uu noloshiisa ugu necbaa ayuu dib u xasuustay, berigii uu isaga oo aan Xamar cid ka aqoon soo galay.

“Sidii aad ogayd Xamar cid ku ma aan lahayn, albeerko la seexdo, guri la kiraysto iyo bangi lacag la dhigtana ma aan aqoon.”
“Haye?”

“Maalmihii ugu horreeyay nolol aad u farxad badan una dhib badan, u yaab badan una aqoon kororsi badan, baan galay. Cidda keliya ee aan fahmay ee raacay waxay ahayd ciyaal suuq. Iyaga ayaa indho ii noqday oo huluulaha ay dadka hooy la’aanta ahi seexdaan, shineemooyinka la galo iyo meelaha badda lagaga dabbaasho i baray.”
“Haye?”

“Kurayadaa debedyaalka ahi dhacdhac badan ayay igu qabeen, lacagtaa ay meel aan ka keenay iyo meel ay iigu jirto toonna garan waayeen ayay mar igu qaddarin jireen marna inta ay isugu kay tagaan iga baadi jireen.”
“Oo lacagta xaggee baad dhigatay?”
“Dee sheekada iga sug!”
“Haye?”

“Maalintii aan magaalada imid tii xigtayba inta aan lacagtii koombo ku riday ayaan meel xabaalo ah ku aasay, halkaas ayaanan marba waxa aan uga baahdo inta aan dadka iska fiiriyo ka la soo bixi jiray. Ha ahaato ee markii dambe arrin fudud ma ay noqon, waayo dibjirku markii ay ogaadeen in ay lacagi meel ii taal ayay tallaabadayda tiriyeen.”
“Haye? Wallee taa iyaga ayaa u dambaynaya.”

Diiriye laba xabbadood oo sigaar ah oo qaaqaawan ayuu jeebka sare ee shaadhka ka soo saaray oo mid Negeeye siiyay midna isagu shitay, dabadeed si busaarad ah u nuugay haddana qiiq dhuubanna soo afuufay. Dabadeed wejiga oo ay timo iyo findoob uskag badani ku filiqsan yihiin calaacasha ku camcamiyay.

“Haddii ay iyagu u dambayn lahaayeen abaal baan ku qabi lahaa

ee dhegeyso. Sow ma aad arag kuwo tuug ah oo saddex midh oo turub ah isdhaaf dhaafiya?”

“Arkay, waa kuwii maalin dhoweyd shilin aan lacagba ka haystay iga maroojiyay. Waxaan maqlay dadka badawda ah ayay ilaashadaan. Ma nimankaas baa ku helay?”

“Maalin aniga oo shilimo sita ayaan kuwaa Ceelgaab ku la kulmay. Markii ay intii iga heleen ayaan xanaaqay oo koombadii isku sii daayay. Xoogaa kale markii ay iga qaadeen ayaan haddana in kale la soo orday.”

“Waan garanayaa waxa aad soo waddid: intii ay kaa heleen mooyee intii kalena waa ay kaa qaadeen?”

“Beri dambe ayaan ogaadaye ka turubka dhigaya oo keliya ma aha ee waa koox dhan.”

“Haa, nimanku maalin dhoweyd ayay i heleene. Haye?”

“Markii aan gartay waxa in ay tuugnimo ku jirto ayaan iskaga tegay. Makhribkii markii aan damcay in aan wax aan ku casheeyo shineemana ku galo la soo baxo waxaan ku turaanturrooday koombadii oo godkii dushiisa galgalanaysa af madow oo foolxunna soo ka la haysa.”

“Waar illayn naxdin u ma dhimatid! Haye?”

“Meeshiiba ka ma aan dhaqaaqin markii ay saddex iyagii ah oo mindiyo sitaa i hareereeyeen.”

“Haye?”

“Waxay la noqotay Xamar oo dhan in ay koombooyin lacag ahi iigu aasan yihiin, inta ay haanka mindi iga saareen ayayna ii sheegeen haddii aan nolol doonayo in aan lacagta soo faago.”

“Taas ayaaba kuugu daran! Haye?”

“Habeenkii xigay oo dhan maxbuus baan u ahaa, garaacid aan arxan lahayn ayayna igu wadeen, dabadeed markii ay iga quusteen aniga oo aan waxba la noolayn iga tageen.”

“Lacagta waad dayacday. Nin yar baad ahayd. Intee in la’eg ayaa ilaa markaa kugu baxday?”

“Haddii aan beenta iska dhawro wax boqol shilin ka yar.” “Lacagta waad dayacday. Dabadeed sidee baad Xamar uga

dabbaalatay?”

“Horta maad i wayddiisid nimankii, illayn waan bartay oo maalin walba magaalada ayaan ku arki jiraye, waxa aan ka yeelay.”

“Oo maxaad ka yeeli kartaa rag kaa waaweyn kaana tuugsan?”

Diiriye isaga oo aan jawaabin ayuu kabbadii shaaha ugu dambaysay bakeeriga ka fuuqsaday, markii uu kii Negeeye eegayna wuxuu arkay isagana in uu ka madhan yahay. Dabadeed gabadh meesha ka shaqaynaysay ayuu u baaqay, wuxuuna wayddiiyay:

“Naa caddaysku ma caano boodhaa?”
“Caano lo waaye, maxaa jira?” ayay tidhi.

“Naa lo lahaane laba kale noo keen oo kayga ha iga soo caddayn. Lo ku lahayd! Lo iyo geel toonna Alle ku ma siiyo!”

“Anigana ha iga soo caddayn”, ayuu Negeeye isaguna codsaday.

“Abboo caano lo waaye, laakiin haddii rabin waa idinka dhaafaa. Caane boore ku ma lahoo! Caane boore aniga intee ka keenay?!” ayay ku cabatay, oo labadii bakeeri ee ay faaruqiyeen la dhaqaaqday.

Diiriye saaxiibkii ayuu ku jeestay oo ku yidhi:

“Reer xamar aniga i wayddii, in ay balaayo kuu walwalaaqaan mooyee ha ka sugin in ay oon xalaal ah kaa iibiyaan.”

Negeeye ma hadlin ee madaxa ayuu ruxay isaga oo hadalkaa aqoon kororsi ka dhiganaya. Diiriye mar kale ayuu wejigii iyo timihii aan awalba nadiifta ahayn haddana habaaska iyo dhididka Ceelgaab isugu dhegeen si aan debecsanayn calaacasha u marmariyay.

Gabadha meesha ka shaqaynaysay qiyaastii waxay ahayd labaatan jir, waxayna lahayd jidh yar shilis oo guntiinada khafiifka ah badhida iyo laabta ka soo riixaya. Markii ay shaaha dhigaysay naaska bidix oo ay guntiinadu ka yar faydantay oo ilaa ibtu muuqato ayuu Diiriye si qof arkayaa la yaabi lahaa aad u qooraansaday, markii ay ka dhaqaaqdayna indhaha ayuu la sii raacay ilaa ay gudaha ku libidhay. Markii uu miyirku ku soo noqday, inta uu afka oo durba xummad la engegay carrabka ku qooyay, ayuu sheekadii halkii ka sii ambaqaaday.

“Waa runtaa oo nimanku waa ay iga waaweynaayeen, igana tuugsanaayeen, igana ilbaxsanaayeen, laakiin ‘mintid faro yar midhihii bataa ka ma macaashaan’. Foorno ayaan gudintii xaabada lagu jejebin jiray ka xaday oo meel aammin ah ku qarsaday. Dabadeed saqdhexe ayaan huluul ay seexan jireen oo Weliyow Cadde u dhow iyaga oo hurda ugu galay.”

“Haye?” ayuu Negeeye u yidhi si xamaasad leh isaga oo sugi kari la natiijada duullanka masaarta ku hubaysan ee Diiriye.

“Saf ayay u jiifeen ee kii ugu sokeeyay ayaan inta xooggaygu yahay gudintii ku hubsaday, markii uu cabaadayna cagaha ayaan wax ka dayay. Maalintii xigtay ayaan baabuur ku dhacay oo Hargeysa ka soo jeestay. Halkaas ayaan sannad ku noolaa, dabadeed Xamar ku soo noqday. Ilaa berigaa dhuumaalaysi ayay ii ahayd.”

“Oo sannad dhan baad Hargeysa joogtay?”

“Sannad haddii sannadihii badnaa ee Xamar la isku wada daro igaga daran.”

“Laakiin ninkii aad nabarka ku dhufatay sida ay wax u gaadheen ma ka war heshay?”

Diiriye wuu yar qoslay.

“Haddii aad maanta Xamar ku aragtid dhawr iyo soddon jir gaaban, laf weyn, madaxa cadho ka qaba oo inta badan timuhu ka daateen, kaas oo Baraako Cabdow ka soo baxa, aadna u qaylo iyo rabshad badan, oo tikidhada filimada, ruwaayadaha iyo isboortiga inta uu soo xaabsado ka sii ganacsada, kuna magac dheer Geeddi Baabbow, gacanta bidixna dhudhunka ka gammuuran tahay, waa isaga ninka aan shantaydii boqol ku illaawey.”

Negeeye qosol ayuu la dhacay. Ninkaa weli ma uu arag laakiin sidii isaga oo hor taagan ayuu maskaxdiisa isugu sawiray. Inta uu si qallafsan laakiin gacaltooyo leh Diiriye garabka uga dhirbaaxay ayuu ku yidhi:

“Nin rag ah! Wallee caawa haddii aad dhimatid geeridaadu waa xalaal.”

“Aan ku noqdo haddaba sidii aan jabkaa uga soo kabtay”, ayuu yidhi Diiriye.

“Haa, sidee baad uga dabbaalatay?”

“Muddo aan yarayn oo maalintaa ka dambaysay aad ayay iigu adkaatay in aan la qabsado noloshii debedyaalnimada ee aan moodayay in aan ka mid ahay. Weliba Hargeysa waxay Xamar kaga darrayd bahal dhaxan ah oo xilliyada qaarkood xataa dadka hooyga leh nafta u keenta. Wax kale iska daa ee berigaa waxaan ku sigtay in aan Damalweyn ku soo noqdo, haddana waxaan u arkay taloxumo aan mid ka liidataa jirin. Waxaan bilaabay in aan u noolaado si kasta oo aan ku noolaan karo: tuugnimo, boob, khiyaamo, dawarsi, shaqo…wax walba. Nin rag ahna cabasho looga wanaagsan ee wax la soo marayba waa laga nool yahay.”

“Haa, waa laga nool yahay”, ayuu Negeeye saaxiibkii ku la dabbaaldegay, oo haddana wayddiiyay: ”Oo markii aad Xamar ku soo noqotay Geeddi Baabbow miyaydaan isarag?”

“Aad baan uga digtoonaa, Ceelgaab iyo Xamarweyne oo aanu isagu dhaafin anigu waan ku yaraa. Marar badan ayaan se ka il horreeyay oo ka dhuuntay. Runtiina anigu ma hubo in uu og yahay cid waxyeeshay in ay aniga tahay. Laakiin xataa haddii uu og yahay nolol maalmeedda iyo isbiirtaha oo uu cabbo ayuu intaa u ordayaa ee in aan anigu nacasnimo isla hortaago mooyee waxaan filayaa in aanu waqti uu igaga fekeraba helin.

Asxaabtiisiiba wax silic u dhintay iyo wax xabsiyada ku jira ayay u qaybsan yihiin ee muxuu gacan beri hore ka luntay danihiisa ugaga mashquulayaa? Sidaas oo ay tahay ma aammino ee waan ka digtoon ahay. Intii aan geerashboyga noqday ayay se iigu daran tahay oo ugu yaraan maalintii mar waan arkaa.” Maalintaas oo dhan magaalada hoose ayay wareegayeen, maqribkiina waxay galeen Shineemo Ceelgaab oo uu ka socday filin dagaal ahi. Waxay ahayd markii ugu horreysay ee uu Negeeye filin galo, sidaas darteed wax walba waxaa uga muhiimsanayd in uu barto waxa filinka lagu sheegaa waxa uu yahay, meesha lagu daawado iyo sida loo daawado.

Ilaa maalintii ugu horreysay ee uu filin maqlay waxaas oo dhan wuu iswayddii n jiray, laakiin waxa uu caawa indhihiisa ku arkay si weyn ayay uga duwan yihiin khayaaligii uu maskaxda ku hayay. Weligii ma uu arag dad intaa tiro la’eg oo meel aan masjid ahayn isugu soo xerooday, oo saf saf u fadhiya isku dhanna u wada jeeda. Waxay u ekaayeen dad salaad ku jira, wuxuuna dareenkiisa ka helay goor dhow in uu maqli doono jamaacada oo leh AAMMIIN! Laakiin maya, meeshu waa shineemo, ayuu isxasuusiyay.

Laba kursi ayay isaga iyo Diiriye fadhiga ku boobeen, wejigana ku beegeen derbi cad. Wax yar ka dib derbigii waxaa ka soo dhex baxay codad iyo sawirro dhegaha iyo dhaayaha Negeeye ku cusub. Haa, waa kaa filinka la sheegaa, ayuu xaqiiqsaday, si xiiso iyo degganaansho la’aan ahna u daawaday.

Waa dad caddaan ah. Weligii qof cad maalin dhoweyd ayuu nin meel maraya arkay, in badan ayuuna sii eegay isaga oo mooday qof dubku ka dhacay. Caawana dadka filinka ka muuqdaa waa wada caddaan. Dadka oo keliya ma aha ee duniduba waa duni kale oo aan Xamar iyo Soomaaliya toonna ahayn. Afka lagu wada hadlayaa waa af qalaad. Cabbaar ayuu iscelceliyay laakiin su’aalaha ku abuurmay culayskooda wuu xejin kari waayay.

“Waar Diiriye, meeshu waa xaggee?”

Diiriye dareenka saaxiibkii waa uu og yahay, geel laba jir soo wada mar, qosol ayuu isku celiyay.

“Waa Maraykan.”
Negeeye wuu yar aamusay.
“Oo ma Maraykan ayaynu halkan ka arkaynaa?”

“Maya, waa filin mar hore laga soo sawiray. Hadhow baan kuu sharxi ee imika iska daawo”, ayuu hoos ugu sheegay si aanay dadka kale badawnimo ugu eedayn.

“Waar qoladiinnaa hore, aanu filinka idinka dhegeysanno ee naga aamusa”, ayuu nin safkii iyaga ka dambeeyay fadhiyay ku qayliyay.

Waa gartii, tobankii eray ee talyaani ah mid buu ka fahmayaa, kiina in la dhaafiyo ma aha, ayuu Diiriye ku fekeray isaga oo og dhibaatada afka ee isaga iyo soomaalida kaleba filimada ka haysata.

Negeeye filinkaa in kasta oo uu madaddaalo iyo waayo’aragnimo ka helay, haddana dhab ahaantii waxba ka ma uu fahmin. Mushkiladdu luqadda oo keliya ma ay ahayn ee sawirradii noolaa ee is daba wareegayay, ee mar roorayay marna hakanayay, mar libdhayay marna soo baxayay, meel ay ka socdaan iyo meel ay u socdaan toonna wuu garan waayay. Mid ayuu se habeenkaa ogaaday: dunidu sidii uu moodayay aad ayay uga duwan tahay.

Berigaa magaalooyinka waaweyn waxaa ku soo qulqulay dad aad u tiro badan oo miyiga ka soo barokacay. Dadkaasi markii ay magaalo weyn oo aan la isaqoon yimaadeen waxay bilaabeen in ay u noolaadaan sida ay doonaan, waxaana batay dhaqammo aan awal jirin ama yaraa oo uu dhillaysigu ka mid yahay. Cawayskaana markii ay filinka ka soo baxeen Diiriye saaxiibkii wuxuu sii mariyay Buur Karoole oo ahayd mid ka mid ah goobaha dhillaysiga kuwa ugu cammiran.

Cabbaar ayay wadiiqo dhuubnaanta dhabbo jiir la moodo oo xaafad foolxun dhex marta iyaga oo aamusan isdabo galeen, dhawr nin oo dhididsan ayayna weydaarteen. Dabadeed guri loox ah oo ay siifadda dhididku kaa hor imanayso ayay galeen. Waa guri ka kooban qolal badan oo barxad dhexe ku soo wada jeeda. Mid walba waxaa ka bidhiiqaya feynuus gamaarsan, mid walbana waxaa hor fadhida naag aan in hoosta laga galo mooyee wejigeeda si fiican loo arkayn.

Iyaga oo aan wada hadlin, cid kalena la hadlin, ayuu midba qol isku qaaday gabadhii hor fadhidayna caasha sii mariyay. Negeeye waxaa ka soo daba gashay mid labaataneeyo jirta aadna u madow una jidh wanaagsan oo uu Amran ku soo xasuustay. Negeeye markii ay abtigii iskhilaafeen Diiriye oo uu sidaas Xamar ugu la kulmay ayuu qol Hawlwadaag uga kiraysnaa la degay.

Aanadii Negeeye – Qeybtii 11aad

Fikirkaada Waa Muhiim