Aanadii Negeeye – Qeybtii 8aad

Markii uu Raage Xamar soo galay laba sano ka dib ayuu goor caways ah miiska akhriska ka soo yar kacay una soo baxay daaradda oo uu hadal ka maqlay. Doob aanu weligii hore u arag oo dhego dhaadheer, ayaa Rooble iyo Qarad la fadhiya. Sida dharkiisa iyo timaha qaabka daran ka muuqda ma aha qof magaalo. Rooble ayaa ku yidhi: “Raage, ninkani waa ina abtigaa Negeeye oo ay dhashay eeddadaa Dhool ee kaalay salaan.”

Weligii ma uu arag eeddadii Dhool, wax badan ayuu se magaceeda maqlay iyo in ay u dhaxday beel ka fog meesha uu isagu ka yimid. Negeeye markii uu Goodir diley dhawrkii cisho ee ka dambeeyay kaynta ayuu dhuumaalaysanayay, isbedelka xaaladdana xan dhegeysanayay. Wuxuu filayay qoyskii uu Goodir ka dhashay in ay aarsan doonaan, taasina ay abuuri doonto dagaal labada reer ka dhex qarxa, markaasna isaga iyo qorigiisaba loo baahan doono.

Laakiin waxba ma ay dhicin. In kasta oo ay bilawgii xiisaddu cirka isku shareertay, laba dhinacna looga ka la dareeray, haddana xaalku wuxuu ku dambeeyay in la wada hadlo. Markii uu taa ogaadayna ma arkayn sabab macno leh oo Damalweyn ku celin karta. Sidaas darteed qorigii ayuu iibiyay, baabuur tuuladii uu qoriga ka iibiyay taagnaa ayuuna ku booday, saddex maalmood ka dibna waa ka halkan fadhiya. Goor fiid ah ayuu Ceelgaab baabuur siisow ah kaga degay.

Markii uu habaaskii safarka iska tumay, ee uu ilaysyadii xoogga lahaa ee Xamar hareeraha eegay, boqollaalka kun ee ku nooli isaga habeenkaa waxay u ahaayeen oo keliya qoyska abtigii, Rooble, oo aanu weligii maqal mooyee muuq ku arag. Haybi waa summad ee waqti badan ku ma ay qaadan in uu Ceelgaab ka helo nin ay isku reer yihiin oo keenay guriga abtigii. Rooble ninkan cusub wuxuu ku la taliyay in uu dhakhso u barto xirfad uu ku shaqaysto. Wuxuu ugu celceliyay nolosha magaaladu in ay ka duwan tahay tii miyiga iyo tuulada, qofka aan xirfad lahaynina weligii sida dameerka dhabarka culays ku sidayo.

In muddo ah ayay ka wada fekereen xirfadda ku habboon ee ay tahay in uu barto, dabadeed waxay isla garteen in uu bilaabo barashada farsamada baabuurta. Imaatinkiisii bil ka dib ayaa la geeyay geerash farsamadaa laga barto. Waxay ahayd shaqo iyo waxbarasho isku dhafan, sidaas darteed lacag laga ma qaadi jirin isagana la ma siin jirin. Waxaa se lagu la heshiiyay marka uu barto aqoon uu shaqooyinka qaar ku qaban karo in mushahar yar loo bilaabi doono, ilaa uu farsamoyaqaan noqdo markaas oo mushahar buuxa la siin doono. Taasi waa ay raalli gelisay, wuuna ku mintiday.

Maalin oo dhan halkaas ayuu ka shaqayn jiray, makhribkana guriga iman jiray isaga oo ay kor iyo kal saliid iyo habaas ku dhammuuqan yihiin.

Mararka qaarkood Rooble wuxuu siin jiray marba waxa uu u awoodo ee xaqaljeeb ah, wuxuu se ahaa nin qaad iyo sigaar lagu ibtileeyay, taas oo ahayd arrin uu Rooble aad u necbaa. Wuxuu ka welwelayay in ay carruurtu kaga dayato balwaddaa fooshaxun, wax uuna ka mamnuucay in uu marnaba guriga la yimaaddo. Bilawgii Rooble si weyn ayuu Negeeye u soo dhaweeyay, qunyar qunyar ayay se u ka la durkeen, balwadduna ma ay ahayn sababta keliya ee ka la durkisay.

Markii uu Negeeye reerka u yimid judhiiba si wanaagsan ayay isaga iyo ina abtigii Raage isu fahmeen. Waxay ka sheekaysan jireen nolosha miyiga ee ay isla yaqaanneen, gaar ahaan geeljirnimada oo ay labadooduba wax ka soo arkeen. Waxay isla qireen in ay tahay nolol sida geela loo nool yahay: sidiisa loo dheereeyo, sidiisa harraadka iyo gaajada loogu adkaysto, sidiisana khatar loogu jiro; nolol biyaha marka la helo uun la cabbo, oonta keli ahina tahay caanaha geela iyo hilib waxii la helo; nolol dad iyo dugaag waxii aadan adigu ka adkaaniba iyagu kaa adkaanaya, nin rag ahna ay jileec iyo liidnimo ku tahay in uu gaajoodo, harraado, daalo, luloodo ama debecsanaado.

Waxaas oo dhan ayay isla yaqaanneen kana sheekaysan jireen. Wuxuuse xidhiidhkoodu isbeddelay markii arrintani soo baxday. Maalin Raage iyo Leyla oo qolka akhriska wada jooga ayay wayddiisay su’aal uu la yaabay:

“Raage, weligaa qof ma dishay?”
“Maxaad ii wayddiinaysaa, adigu ma qof baad dishay?”

“Waxaan u malaynayaa reer miyigu waa wada gacankudhiigle”, ayay haddana tidhi.
“Maxaad ku keentay?”

“Qofka qof dila weligii gacantiisa dhiiggu ka ma go’o, xataa haddii uu saabuunta dunida oo dhan badda la tago oo ku faroxasho”, ayay tidhi.

Waxba ka ma uu fahmin waxa ay ay doonaysay in ay ka hadasho. Wuu yaqaannay gacankudhiigle in uu yahay qof qof dilay, laakiin dhab ahaan in uu gacanta dhiig aan weligii ka go’ayn ku lee yahay ma uu moodayn, iyada ka horna ma maqal. Laakiin waxaa laga yaabaa in ay sidaas tahay, mana uu doonayn Leyli in ay doqon mooddo ama ka il hesho, sidaas darteed wuu ku raacay in uu og yahay. Laakiin maxay ku keentay? Su’aashaas ayuu mar kale wayddiiyay, wax ayna tidhi:

“Haddii aan qof gacankudhiigle ah kuu sheego ma ii ballan qaadaysaa in aadan weligaa cid u sheegayn?”

“Haa ee sheeg.”
“Abbahaa iyo hooyadaa ku dhaaro.”

“Ma naag baan ahay marka aan aabbahay iyo hooyaday ku dhaaranayo?”

“Haddaba wax kale ku dhaaro.”
“Tol iyo taagba aan waayo haddii aan cid u sheego!”

Dhaartiisa waa ay ku qososhay waayo weligeed hore u ma ay arag qof waxaas ku dhaarta, waxa ay se ugu jawaabtay:
“Qofkaasi waa Negeeye.”
“Negeeye?”

“Haa. Habeen isaga iyo aabbahay oo daaradda isku waraysanaya, aniguna aan ganjeelada taagan ahay oo aanay moodayn in aan maqlayo, ayuu u sheegay. Tuuladii uu ka yimid nin ayuu ku soo dilay, sababtaas ayuuna inoogu yimid, imikana wuxuu ka baqayaa in ay dawladdu ogaato.”
Markii uu Raage arrinta u dhabbo galay wuu rumaystay. In kasta

oo aanu hadal cad ahayn mar ayuu qudhiisu maqlay Rooble iyo Qarad oo wax sidaas u eg hadalhaya. Wuu ogaa miyiga in la isku dilo, wuxuuna ka fekeray bal in uu garto qof uu yaqaan oo qof dilay, laakiin ma xasuusan. Ilaa markii uu garaadsaday aabbihii wuxuu ku arki jiray bunduq aanu marnaba dhigin, laakiin u malayn maayo in uu cid aan Faroole ahayn ku dilay. Haa, waa ay jirteay aabbihii in uu dilay Faroole oo ahaa nacab mudnaa in la dilo, waayo isaguba wuxuu ahaa dilaa aan beer qoyan bariin. Fekerkaasi wuxuu Raage xasuusiyay taxanihii sheekada uu aabbihii ku dilay laayaankii caanka ahaa ee ku magaca dheeraa Faroole. Isaga oo aad u yar ayuu bartay sababta aabbihiisa dhutiya loogu naanaysay Micilibaax, ee sida ay caadadu tahay aan loogu naanaysin Laangadhe ama Jiis.

Micilibaax, oo intii aanay naanaystu u bixin magaciisu ahaa Xirsi, isaga oo kuray ah iyo aabbihii oo markaa da dhexaad ahaa ayaa wada socdaalay. Goor ay ahayd casargaab, gaajo xumina hayso, oo ay marayaan gerigo’an laba beelood oo ka la fog u dhexeeya, ayuu odaygii sagaaro waranka daray. Dab ayuu oogay si uu hilibka ugu solo, intii ay dhamacdu caddaanaysay isaguna ku mashquulsan yahay qalista sagaarada ayay cilcillaw noqotay.

Libaax ayaa kambalka hiinraag kaga dhuftay, waxayna la noqotay in aan socod dambe u egayn ee ay caawa halkan ku baryaan. Yarkii ayuu u sheegay in uu geedka ay hoos joogeen koro, Xirsina sidii ayuu yeelay. Isaga oo geedka saaran, oo hilibka aabbihii solayo gaajada darteed dusha ka daawanaya, kana fekeraya marka uu bislaado sida uu u cantuugi doono, ayuu mar keliya ku war helay sawaxan cirka isku shareeray iyo siigo ilayskii sii gamaarayay ee qorraxda qarisay. Wuxuu arkay odaygii oo laba libaax la legdamaya.

Waxay ahaayeen aar iyo gool odayga ku kediyay oo ma haleelin in uu warankii oo hoostiisa yaallay qaato, waxaana hub u noqotay toorraydii gacanta ugu jirtay ee uu hilibka ku qalayay. Mar iyo laba markii uu ableydii labadii libaax midba mar ku wareemay ayay si buuxda u muquuniyeen. Aarkii ayaa gaaddada gashaday dhuuntana ka cantuugay, kii kalena bawdada ayuu qaniinyo ka buuxsaday, ilaa odaygii far dhaqaaqda laga waayay.

Yarku waxaas oo dhan geedka dushiisa ayuu ka la socday, si la mid ah sidii uu sagaarada la qalayo uga arkayay. ka la duwanaantu waxay ahayd dareenkiisa mar hunguroonayay ee rajada qabay marna argaggaxsanaa ee quusta ahaa. Hiilka keliya ee uu aabbihii u fidin karaa wuxuu noqday in uu ku qayliyo: “Yur! Yur! Yur!” Lakiin qallad ay bir xiimaysa oo konton jir midigta ugu jirtaa joojin wayday qaylo yar oo geed saarani ma joojin karto.

Sidaas ayay Xirsi indhihiisa oo shan ah aabbihii laba libaax ugu afureen.

Geedka dushiisa ayuu ku dhammaystay habeen hoog leh. Markii waagu dillaacay isaga oo aad u baqaya ayuu dhulka u soo degay, dabadeed markiiba warankii iyo ableydii aabbihii ka dhintay la booday. Muddo daqiiqad ah ayuu wax indho indheeyay, libaax se agagaarka ka ma dareemin. Wuxuu arkay lafihii aabbihii iyo kuwii sagaarada oo isdhex daadsan iyo calallo jeexjeexan oo dhiig leh. Wuxuu kale oo arkay cad yar oo dhogor iyo ciddi leh oo lafaha cadcad dhex yaal, kaas oo uu xaqiiqsaday in uu ahaa suul uu labada libaax midkood aabbihii toorrayda kaga gooyay.

Wuxuu maqli jiray libaaxu wuu xushmeeyaa oo ku ma degdego cunista muruqa gacanta midig iyo xiniinyaha ragga, iyo weliba naasaha dumarka. Laakiin meesha muruq iyo xiniinyo toonna ku ma uu arag. Waxaa daadsanaa lafo cadcad oo keliya. Wuu ka fekeray in uu lafaha aabbihii xabaalo, haddana wuxuu u arkay talo aan habboonayn. Waxay kuu soo jiidi kartaa khatar iyo libaax ku soo weerara, ayuu ku fekeray, dabadeed orod cagaha maalay.

Masaafo aan goobtii shilka boqol tallaabo ka fogayn markii uu orday ayuu meel ciid ah ku arkay raadkii libaaxyada, wuxuuna arkay midkood in uu jeeniga midig jiidayo. Markii uu raadka u sii fiirsaday wuxuu arkay jeeniga midig in uu suulku maqan yahay. Taasi waxay xasuusisay suulkii go’naa ee uu raqda ku dhex arkay. Dabadeed orodkiisii ayuu sii watay.

Maalintaas ka dib geyiga oo dhan waxaa caan ka noqday aar laayaan ah oo aan dad iyo duunyo bariin. Raadkiisa suulka jeeniga midig maqan yahay meeshii lagu arkaba wuxuu abuuray argaggax. Waa la ogaa in uu ahaa aarkii Xirsi agoomeeyay, waqtigaas ayaana loo bixiyay Faroole.

Faroole si loo dilo marar badan ayay ragga beesha ugu dhiirrani duullan ku bixiyeen, marar badan ayaana neef shilis kaynta loogu dabray dhirta hareeraha ka ahna hub loo la fuulay. Wuxuu se ahaa libaax fiiro dheer, in godob loo tirinayo og, aadna u feejigan. Dabadeed Xirsi oo ahaa kuraygii uu Faroole agoomeeyay ayaa gaashaanqaad noqday, dhaarna ku maray inta uu madaxiisu saan lee yahay ee dhiniciisu dhulka ka sarreeyo in aanu ka wahsan doonin dilka Faroole. Waxay ahayd intii aan hubka qarxaa bulshada ku fidin, taas darteed wuxuu tuntay laba waran oo uu had iyo goor sidan jiray.

Xirsi wuxuu ilaalo ahaadaba, wuxuu raadka caanka ah meesha uu ku arko daba galo dabadeed ku hungooboba, isaga oo toddoba iyo toban jir ah, goor barqo ah oo rays ah, ayuu arkay raadkii Faroole oo uu ku qiyaasay saacad aan fogayn. Sidii uu marar badan oo hore sameeyay isaga oo warmaha mid garabka bidix ku sita midna gacanta midig ku xantoobsan, aadna u digtoon, ayuu raadkii eryaday. Wuxuu daba ordaba goor ay tahay duhur ayuu la galay jeex ay xagarka, xodayga, dhuyaca, dhafaruurta iyo dhir kale oo caleen lihi isku baxeen, hoostana caws iyo duur kaga cufan yihiin.

Markii uu hubsaday raadku in uu jeexa galay ayuu yar hakaday, wuxuuna maleeyay in ay tahay maalintii ay isaga iyo Faroole dhan uun u ka la dhici lahaayeen. Isaga oo aad u sanqadh tiranaya ayuu jeexii dusha kaga soo wareegay, ilaa uu bartii uu ka dhaqaaqay ku soo noqday. Raadkii xaska ka ma uu bixin, waa xaqiiqa Faroole in uu ku jiro.

In kasta oo aanu weligii duullan libaax lagu dilayo ka qaybgelin, haddana wuu yaqaannay hubka iyo xeeladaha uu libaax ku dagaallamo. Booddada dheer ee uu sida cirkasoodhac samada ka imanayo, afka weyn iyo afarta miciyood ee uu sida seefta wax ugu xiirayo, labada jeeni iyo ciddiyaha ku dhaaban ee cidda uu la helo aayaheedu aakhiro yahay, iyo culayska uu dhulka wax ku nabayo, intaas oo ka la daran adeegsigooda isku marka ah ayuu dad iyo dugaagba haybad kaga mutaystay.

Faroole isuma quudho habeen uu duullan tegay in qadoodi waagu ugu beryo, waxayna u badan tahay in uu ladaadyadii ladaabtii hilibkii xalay la jiifo oo hurdo dheer ku jiro, ayuu Xirsi ku fekeray. Go’ii madaxa ugu duubnaa ayuu soo furtay oo si giigsan dhexda ugu duubtay, dabadeed isaga oo labadii waran midkood riddo qumman gacanta midig ugu haysta, faraha fooddoodana ku soconaya, ayuu jeexii qunyar u dhex galay. Dareemadii cufnayd iyo dhirtii jiqda ahayd ee isku baxay ayuu indhaha ku mudmuday.

Cabbaar isaga oo aan waxba arag ayuu dabadeed si kediso ah ugu war helay kayntii oo isla kacday, gurxan argaggax leh iyo culays dhinaca bidix kaga yimid. Waxay ahayd xaalad u eg duufaan xoog leh oo dunida gilgilaysa, laakiin Xirsi xaalad kasta oo baqdin abuuri karta wuu u soo diyaar garoobay, sidaas awgeed wuu isxejiyay. Isla ilbidhiqsigii uu dhankii weerarka jalleecay ayay dhirbaaxadii Faroole oo xoog lihi laabta ka haleeshay, dib ayuuna u dhacay. Laakiin isla markii uu sii dhacayay wuxuu haleelay in uu warankii gacanta midig ugu jiray si qumman oo xoog leh Faroole ugu tummaatiyo.

Dhirbaaxdu in kasta oo ay dhulka u tuurtay haddana wax dhaawac ah Xirsi may gaadhsiin, sidaas ajligeed wuxuu ku guulaystay in uu degdeg isu soo qaado. Warankii uu tuuray mooyee kii kale oo dhulka ku dhacay ayuu damcay in uu la boodo, laakiin Faroole oo warankii hore caloosha ka taagan yahay, oo si ba’an u gurxamaya, ayaa si mintidnimo ah bawdada bidix cantuugo ka buuxsaday oo dhawr tallaabo ku maguujiyay. Si culus ayuu Xirsi mar kale dhulka ugu dhacay, markiibana wuxuu ogaaday in uu bawdo ka dhaawacan yahay warankiina gacantiisa ka maqan yahay, sidaas darteed inta uu degdeg isu qaaday ayuu jeexii debedda uga booday.

Wuxuu filayay Faroole in uu ka daba iman doono, ableydii ayuuna la baxay gacanta midigna ku sii diyaarsaday. Laakiin Faroole in uu gurxamo oo jeexa gilgilo mooyee debedda u ma soo bixin. Ilbidhiqsiyadii ugu horreeyay Xirsi si aad ah ayuu u digtoonaa, qorshahana ugumay jirin wax aan ahayn marka uu Faroole soo baxo in uu kurtun uu gacanta bidix ku diyaarsaday afka uu soo ka la waaxi doono u geliyo, dabadeed inta uu karaankiisu yahay toorrayda u darandoorriyo. Maanta wada noolaan maysaan ee midkiin baa dhimanaya, ayuu ku talogalay. Laakiin in uu kaa soo daba bixi waayay waa arrin farxad leh, nasasho yariba waa dan.

Faroole gurxankii iyo cartankii uu jeexa ka waday qunyar qunyar ayuu u dhimay, daqiiqadba ta ka dambaysa ayayna xaaladdu sii qabowday, intaana Xirsi kurtunkii iyo toorraydii ayuu labada gacmood ku ka la haystay, diyaarna u ahaa weerar lamafilaan ugu yimaadda. Wuu hubay waranku in uu si qurux badan Faroole caloosha uga arooray, laakiin u ma ega cadow ay intaasi dhulka dhigi karto. Isaga qudhiisu in uu bawdada ka dhaawacan yahay ma mooga, dhiig qabow ayaana ka da’aya, laakiin xanuun la sheegi karo ma qabo, si uu wax u qabana ka ma fekerin. Waxaa muhiim u ahayd uun in uu sii dagaallami karo, taana wuu hubay.

Wuxuu sidaas ahaado oo dagaal heegan u ahaadaba, Xirsi mar keliya ayuu dareemay degganaan iyo aamus gaadhsiisan in uu neefsashada sankiisa maqlo, jeexiina waxaad mooddaa meel aan waxba ka dhicin ama wax nooli ku jirin. Faroole miyuu dhintay? Mise qudhiisu difaac ayuu dhufayska ugu jiraa? Mise, iimaanka laga qaad, dhabarjebin iyo gaade ayuu ku soo maqan yahay?

Xirsi cabbaar ayuu wax uu sameeyo iyo geeri iyo nolol wax uu Faroole kaga talo galo garan la’aa. Dabadeed qori ayuu dhankii uu ku malaynayay ku tuuray, markii uu falcelin ka waayayna dhawr qori oo kale ka daba geeyay, aamuskii se waxba iska ma ay beddelin. Fulaynimo ayaa ku haysa ee Faroole oo nooli tuuryo u ma uu dulqaateen ee meesha ka war doon, ayuu isku canaantay.

Isaga oo kurtunkii iyo toorraydii labada gacmood ku sita, sidii horena suulasha ugu soconaya, ayuu jeexii ku noqday. Intii aanu wax kale arag ayuu warankii ka dhacay helay, markii uu qaatayna socod ku sii dhiirraday. Meel uu Faroole ku galgashay oo doogga dhulka ku nabay dhiigna ku masaxay ayuu arkay. Haddana meel aan ka fogayn ayuu ka arkay midab casuus ah oo dhulka daadsan, waa Faroole oo warankii weli caloosha ka qotomo. Cabbaar ayuu eegay ilaa uu dhaqdhaqaaq ka waayay. Ma uu aamminin ee isaga oo waranka riddo u haysta ayuu si digtoon ugu dhowaaday, laakiin Faroole isma dhaqaajin, wuxuu ahaa mayd.

Markaa ka dib Xirsi wuxuu dareemay xanuun lugta dhaawacan ka haya, wuxuuna arkay sida ay miciyaha Faroole ee huurada lihi bawdada uga ruubteen. Wuu ag fadhiistay oo Faroole cabbaar aad u daawaday. Waxaa ka muuqata da weyni, ciddiyaha iyo miciyuhuna waa wada dildillaac iyo jajab, korkiisana nabarro badan baa ku gunaadmay, meelo badan ayay timuhu ka mudhxeen oo dub madow baa soo baxay, inta ku hadhayna waa hoolif foolxun.

Waxaa ka soo baxaya shuruf isugu jira baarqab qooqan iyo biyo ajo ah, ay weheliyaan dhiigga iyo doogga uu burburiyay. Xirsi waxaa uu xasuustay galabtii uu Faroole aabbihii cunay sidii uu u da yaraa, wuuna la yaabay sidan uu u gaboobay. Haddii aad nin da’dan ah dishid ceeb ayay kugu ahaan lahayd, ayuu ku fekeray.

Inta uu golxobtii la baxay ayuu jeenigii caanka ahaa ee Faroole xagasha dhudhunka iyo cududda u dhexaysa ka gooyay, si uu beesha ugu geeyo oo loogu damaashaado. Isla markii uu jeexa ka baxay waxaa geed raqda dusheeda ah isku soo taagay laba tuke oo si xun u dhawaaqaya, geed kalena waxaa soo fuulay gorgor aad u weyn. Xirsi wuu yar hakaday oo eegay ilaa ay Faroole ku degeen. Haad kale oo badan ayaa markiiba ku xoontay. Dabadeed Xirsi wuu iska sii jiitamay isaga oo jeenigii Faroole sita. Waxaa ka buuxay dareen uu farxad iyo murugo u ka la garan waayay.

Lugta uu imika ka dhutiyo sidaas ayuu kaga dhaawacmay, sababtaas ayaana loogu bixiyay Micilibaax, maalintaas ayuuna dadkiisa ka helay qaddarinta weyn ee weli loo hayo.

Waqtigaa uu Xirsi dekanada aabbihii dabo joogay Rooble isagu wax uu ku maqnaa magaalo iyo waxbarasho, markii uu warka maqlayna isaga oo laba go iyo kabo hadiyad ah u sida ayuu walaalkii Rooble miyi ku soo booqday. Wuxuu soo arkay madaxii Faroole oo geed la saaray weli saaran. Afka uu soo ka la hayo iyo miciyaha cadcad ee la moodo in uu weli nool yahay waxay abuurayeen baqdin aan ka yarayn tii uu markii uu noolaa abuuri jiray.

Sidaas ayuu Raage uga dheregsanaa taariikhda ay qoyskooda iyo Faroole isla soo mareen, kaas ayaana ahaa dilka keliya ee uu aabbihii u tirinayo, oo u la muuqday mid aad uga duwan kan gacankudhiiglenimada ah ee Negeeye loo tirinayo. Wuxuu jeclaystay in uu xaqiijiyo xanta Negeeye ku saabsani in ay dhab tahay iyo in kale, ku ma uu se dhiirran in uu cid wayddiiyo. Dabadeed maalin iyaga oo labadooda ah ayuu Raage soo hadalqaaday sheekadii Faroole iyo aabbihii, Negeeye ayaana si lamafilaan ah u yidhi:

“Waxaan la yaabban ahay sida ay taariikhda aabbahaa iyo taydu isugu eg yihiin. Anigaba habeenkii aan dhashay ayuu aabbahay libaax dilay, markii aan weynaadayna waan ka aarsaday.”

“Ma libaax aabbahaa dilay ayaad adiguna dishay?” “Haddaa maxaan ku lee yahay.”

Wuxuu ka codsaday in uu uga warramo sidii uu libaaxu aabbihii u dilay iyo sidii uu uga aarsaday. Negeeye wuu yar fekeray dabadeed bilaabay qisadii Goodir oo uu ka beddelay uun waxyaalihii laga ma maarmaanka ahaa si ay ugu ekaato sheeko libaax. Markii uu dhammeeyayna Raage wuxuu wayddiiyay:

“Oo sidee baad ku garatay in uu isagii ahaa? Ma sida Faroole ayuu astaan lagu yaqaan lahaa?”

Negeeye wuxuu u yar aamusay si qof feejigani garan karo in uu been abuurayo, dabadeed ku jawaabay:

“Haa, qoobabka dambe ciddiyo ku ma uu lahayn.”

Raage wax uu rumaysto ayuu garan waayay, sheekada Negeeye been ayaa uga dhadhantay, marna wuxuu ka shakiyay hadalkii ay Leyli maqashay iyo kii ka la dhinnaa ee uu isaga qudhiisu Rooble iyo Qarad ka maqlay in ay sax ahaayeen. Ma laga yaabaa waxa uu Negeeye dilay in aanu nin ahayn ee, sida uu sheegay, uu ahaa libaax? ayuu iswayddiiyay. Dabadeed Leyla ayuu u sheegay sheekada Negeeye iyo libaaxa, iyaduna habeenkiiba Raage oo la jooga ayay aabbeheed u sheegtay. Rooble inta uu baaq beenin ah wejiga ka muujiyay ayuu yidhi:

“Sheekoxariiro walba ha rumaysannina.”

Fikirkaada Waa Muhiim