Aanadii Negeeye – Qeybtii 7aad

Reerka uu Raage ku soo biiray waxay ahaayeen qoys aad u urursan. Dadka ay isbooqdaan aad ayay u koobnaayeen, bil isaga oo aan joogin ayuuna wada bartay dhammaan dadka ay isbooqdaan. Rooble iyo Qarad labaduba waxay ahaayeen dad hadal yar, si walbana uga duwan labadiisa waalid ee uu miyiga kaga yimid. Inta eray ee maalin dhan afkooda ka soo baxa waa la tirin karayay. Aamuska dartii bilawgii xataa waxaa uu ka shakiyay in ay qabaan cudur lagu magacaabo aamus.

Wuu qirsanaa in ay isaga aad u xushmeeyaan laakiin waxay ahaayeen dad yaab leh. Waxaa se wehel u noqotay Leyla oo iyadu u muuqatay qof caadi ah.

Wuxuu kale oo ogaaday deriska iyo xigtadu qoyska in ay u yaqaannaan reer Gaal-ismood, waayo Rooble iyo Qarad waxay lahaayeen dhaqan ka bulshada ka duwan. Marka ay wada socdaan gacmaha ama dhexda ayay isqabsadaan, oo xataa marka ay doonaan dadka hortooda waa ay isku dhunkadaan. Rooble ragga ay afadiisu xafladaha ku la qoobcayaarto iyo kurayada ay Leyli raacdo midna ka ma hinaaso. Sababta dareenka hinaasaha ka qaadday waxaa lagu sheegay berigii uu Yurub wax ku baranayay in uu cunay hilib doofaar.

Yaabka kale ee lagu arkay waa iyaga oo aan weligood tukan, xataa ciidaha, xataa jimcaha Rooble masjidka oo boqol tallaabo u jira ma tago.

Iyaga oo muddo dheer isqabay haddana in ay gabadh keliya isu leh yihiin loo ma arko qaddar Eebbe, ee dadka xantooda u jajabani waxay u badiyaan in ay dhasha iska xidheen. Wax kasta oo dabeecadda Rooble laga fahmi waayo waxaa lagu fasiray dhaqan uu dhul gaalo ka la yimid. Walaalihii iyo ilmo adeerradii intii aanay ka quusan si walba waa ay isugu dayeen in ay naag kale u guuriyaan si uu wiilal u dhalo. Sababtaas ayay Qarad u la wada col tahay oo ehelnimo kale ha joogto ee badankood albaabka ka ma furto.

Waxyaalaha qoyska lagu la sii colloobay ee lala wada fajacay waxaa ka mid ah Rooble iyo Qarad oo heshiis ku ah gabadhooda Leyla in aan la gudin. Gudniinka waxaa loo arkayay mid ka mid ah tiirarka islaamka, qofka aan gudnayna waxaa loo haystay nijaas ay taabashadiisu xaaraan tahay. Maalintaa horteed sheeko lagu ma maqal shaahidna lagu ma arag, rag iyo dumar, soomaali aan gudnayn.

Rooble iyo Qarad markii taa lagala hadlay wax ay ku doodeen gudniinka iyo qodobka gabdhuhu in aanu diin iyo dhaqan wanaagsan midna ahayn, ee yahay taloxumo fircoon hinaasi ahi kumanyaal sano hortood maleegay.

Leyli in kasta oo ay cay joogto ah oo taa ku saabsan filkeed ku qabtay, haddana aad ayay ugu faraxsanayd in ay ka badbaadday hoogga iyo xanuunka ay qayrkeed qabaan. Asxaabteeda oo dhan mid walba markii la guday waa ay ogayd, waana ay la socotay waxii ay dhibaato iyo xanuun mareen.

Wax ka jira iyo wax lagu darayba dhaqanka Rooble iyo dadka ee sidaas isu mudayaa waxay sababeen isdhexgal la’aan. Laakiin isagu sidaas ayuu raalli ku yahay oo odayaasha xaafadda ee uu badowda u arko dhexgalkooda ma tabo, marka uu sheeko u baahdana asxaab tiro yar oo ay qaar isku shaqo yihiin ayuu makhaayad bunka lagu cabbo ku la kulmaa.

Raage waxa kale oo uu ogaaday sida deriska si ka daran Rooble in ay tolkii u neceb yihiin, taas oo ah sababta ay gurigiisa u iman waayeen. Maalin ayuu laba oday oo ay isxigaan albaabka ka furay, iyaga oo aan soo gelin ayay wayddiiyeen:
“Adeer, sow ina Micilibaax ma tihid?” “Haa.”
“Rooble ma joogaa?” “Maya, wuu maqan yahay.”
“Adeer, weynow oo wiil iyo caano noqo ee marka uu yimaaddo waxaad u sheegtaa: carradii waxaa ka dhacday dhiillo, oo nimankii ninka dilay laba nin baa laga soo dilay, waana laguu baahan yahay ee sannadkaa maanta ah nin lagu tashado iyo nin laga tashado mid uun noqo. Sidaas u sheeg adeer, hadalkaana cid kale yaanay kaa maqlin.”

Raage wuu ogaa nin uu yaqaannay oo qoyskooda ah in dhowaan miyi lagu dilay, sidii uu uga xumaaday si la’eg ayuuna in loo aaray ugu diirsaday. Wuxuu dareemay faan iyo islaweyni ah in aan tolkii laga adkayn lana liidi karin. Fiidkii markii uu farriinta Rooble u sheegayayna wuxuu filayay isaguna in uu si la’eg ugu farxo, laakiin wuxuu ku jawaabay:
“Dhiillo ha ka bixina! Weligood ma dhiillo ayay ku jirayaan?!” Danayn la’aanta danta xigaalka ee Rooble yarka waa ay kaga xanaajisay, wuuna fahmi waayay. Wuxuu u arkay fulaynimo, bakhaylnimo, tol nacayb iyo dhiigdarro, kuwaas oo dhammaan wada ah sifooyin aan nin sharaf iyo dadnimo ilaashanaya ku habboonayn.

Dabeecadda adeerkii wuxuu dhinac dhigay tii aabbihii, waxaana u soo baxay laba qof oo si walba u ka la duwan. Sida uu uga xumaaday adeernimada Rooble si la’eg ayuu ugu farxay aabbenimada Mici-libaax.

Dhacdadaasi waxay ahayd tii ugu horreysay kuwo badan oo Raage ogaysiiyay ka la faquuqnaanta Rooble iyo tolka. Si uu shakhsiyadda adeerkii u fahmo wuxuu xasuusta ka baadi goobay wax uu ka maqlay intii aanu u iman. Laakiin ma uu xasuusan wax macno leh oo aan ahayn hadal uu mar aabbihii ka maqlay kaas oo ahaa:
“Rooble wuxuu igu yidhi: ‘Ninkaa Raage aan dad ka dhigo oo meel ka soo saaro ee dhakhso iigu keen.’ Moodi maayo qofku haddii aanu iskuul dhigan in uu dad noqon karo.” Xasuustaa yar wuxuu ka dhex helay xaqiiqo ah adeerkii tacliinta in uu u arko dadnimada, isla markaa doonayo isaga in uu dad ka dhigo.

In kasta oo uu xaqiiqsaday reerku in ay naxariis badan yihiin, haddana aad ayuu ugu hiloobay noloshii furfurnayd ee qoyskooda, wuxuuna aad ugu hiloobay cayaartii iyo kaftankii walaalihii. Laakiin qunyar qunyar ayuu u la qabsaday una jeclaystay qoyska iyo magaalada; qunyar qunyar ayuu u dareemay in uu ka raystay noloshii qallafsanayd ee miyiga.

Ina adeertii Leyla ayay si gaar ah isu fahmeen. Qudheedu ma ay hadal badnayn, waxa ay se u hadli jirtaey si nooc kale ah oo ka duwan sidii hablihii yaryaraa ee uu miyiga kaga yimid. Waxay ku hadli jirtay erayo waaweyn, mararka qaarkoodna wuxuuba moodi jiray in ay aad uga da weyn tahay, wuxuuna ku xasuusan jiray hooyadii. Tusaale ahaan si filanwaa leh ayay ugu amri jirtay: “Orod qubayso!” “Dharka iska beddel!” “Halkan miyigii ha moodin!” iyo wax la mid ah.

Qallafsanaanta reer miyinimada darteed in kasta oo ay u taag wayday waxay isku hawshay in ay indho iyo dhego u noqoto si ay maskaxda uga qabsato. Waxa ay se ugu yaab badnayd maalintii ay iyaga oo keligood guriga jooga wayddiisay:
“Ma taqaan sida ay dadku isu uureeyaan?”
Wuu yaxyaxay, laakiin isaga oo iska ilaalinaya in ay ka ilhesho ayuu ugu jawaabay:
“Haa.”
“Waa sidee?” ayay sii wayddiisay.
“Adigu haddii aad taqaan waa sidee?”
Markii ay aragtay in uu khajilay ayay si islaweyni leh u tidhi:
“Inan fiican baad tahay, waxaad se tahay geeljire, markaas waxaan kuu sheegayaa wax cilmi ah. Waxaa isku darsama shahwada ragga iyo ugaxda dumarka, dabadeed waxaa ka abuurma ilmo. Waa isla sida ay xooluhu isu rimiyaan.”
Hadalkeeda inta hore wax badan ka ma uu fahmin, inta dambe ayuu se tixraacay wuxuuna ku jikaaray:
“Dadka iyo xooluhu ma isku mid baa?”
“Haa, xataa geela.”
“Dadka iyo xooluhu isku mid ma aha. Waxaas yaa kugu yidhi?” ayuu wayddiiyay isaga oo mar la yaabban marna libta u diiddan.

Daaradda ayay joogeenee iyada oo aan u jawaabin inta ay gudaha gashay ayay mid ka mid ah buugta hooyadeed la soo orodday.  Wax uu ahaa buug caafimaad oo leh sawirro, waxayna soo rogtay bogag ay ku sawiran yihiin xubnaha taranka dadku. Si degganaan iyo isku kalsooni leh ayay bilaw ilaa dhammaad ugu sharraxday sida ay xubnahaasi u abuuran yihiin iyo sida ay u koraan; sida ay isu galaan iyo sida ay isu tarmiyaan. Waxay u egayd macallimad xariifad ah, laakiin isagu khajilaad ayuu la dhididay.

Maalin kale iyada oo qolkeeda wiil isaga la’eg sariirta la galgalanaysa ayuu arkay, dabadeed inta uu inankii debedda u eryay iyadana ku canaantay:
“Mar dambe haddii aan agtiisa kugu arko waan ku garaacayaa!”
Iyaduna waxay isu difaacday si uu qaadan waayay iyada oo tidhi:
“Waanu isjecel nahay ee adiga maxaa kaa galay?”

Dhaqanka miyiga ninku ina adeertii difaaca sharafteeda mas’uul ayuu ka yahay, sidaas darteed Raage xil aan ka aabbaheed ka yarayn ayuu Leyla iska saaray. Laakiin dhaqan yaab leh oo uu ku wareeray ayuu qoyska ugu yimid. Rooble qudhiisu dhawr jeer ayuu islaantiisa Raage iyo Leyla hortooda ku dhunkaday kuna xoodaamiyay, taas oo ahayd caado Raage indhihiisa ku cusub. Filinkii ugu horreeyay ee uu galay, oo ahaa filin caddaan ah, ayuu dhaqankaas mar kale ku arkay, wuxuuna maleeyay in ay tahay halka uu adeerkii caadadaa ka keenay.

Wuxuu ka fekeray reerka uu u yimid hodan iyo sabool mid ay yihiin. Xaaladdooda dhaqaale mar wuxuu dhinac dhigay aabbihiisa geela badan, mar kalena qoysas deriska ah uu noloshooda wax ka arkay, laakiin waa ay ku adkaatay in uu xukumo. Marka uu eego baabuur la’aanta odayga iyo dahab la’aanta islaanta, ee uu qoysaska deriska ah qaarkood ku arkay, isla markaana eego xoolo la’aanta gaadhsiisan in ay xataa caanaha soo iibsadaan, waxay la noqotaa in ay yihiin foqoro.

Laakiin haddana marka uu arko guriga ay deggan yihiin ee meesha ugu fiican Hodan kaga yaal, buugaagta armaajada weyn ku teedsan ee weliba intaa la soo kordhinayo, cuntada guriga laga cuno ee aad uga fiican tii miyiga, jimce walba sida ay qoyska oo dhami shineemo u galaan, iyo sida ay mararka qaarkood odayga iyo islaantiisu ruwaayad u aadaan, markaas malihiisu wuxuu u bataa in uu la nool yahay reer ladan.

Guriga marka ganjeelada laga soo galo albaabka waxaa ka soo horraysa daarad aan sidaas u weynayn laakiin nadiif ah oo geed weyn oo mirimiri ahi ka dhex qotomo. Shanta qol ee uu ka kooban yahay ka ugu shisheeya waxaa leh odayga iyo islaanta, ka bidix ka xiga waxaa leh Leyla, mid keeda ka soo horjeeda waxaa la dejiyay Raage, ka ugu sokeeya ee kijada ku xigaa waa ka fadhiga, mid shanaad oo kijada ka soo hor jeedaana waa ka akhriska.

Rooble waa nin tacliinta iyo wax akhriska aad u jecel. Ingiriiska ayuu jaamacad kaga soo baxay dabadeed shaqo uu markaas ku faraxsanaa Wasaaradda Waxbarashada ka helay. Dhaqanka wax akhris badnaanta ah oo uu qoysku ka siman yahay isaga ayaa hormuud ka ah. Qolka akhriska waxaa taal armaajo ay buugaag ingiriisi ahi ka buuxdo, waxaana dhex yaal miis ballaadhan iyo kuraas ku xeeran, ilays cad oo qolka dharaar ka dhigaya ayaana ka soo dul lusho.

Halkaas ayuu inta badan marka uu guriga joogo wax ku akhristaa carruurtana duruusta kaga caawiyaa. Qolkaa waxaa ka reebban wax aan akhris ahayn. Gurigaas ayay reerku kiro ugu jireen ilaa markii ay Leyla oo maanta toban jir ahi labo jir ahayd.

Waxyaalahaa xiisaha iyo yaabka leh ee uu Raage Xamar ugu yimid wuxuu ka fekeri jiray una fiirsan jiray intii uu cusbaa ee uu firaaqada haystay, dhawr bilood ka dib ayuu se afar ku noqday saddexdii dhegoole. Wuxuu bilaabay dugsiga, luqadaha carabida iyo ingiriisida, oo ay maaddooyinka guud dheer yihiin ayaana isku mar loo bilaabay.

“Waxaad tahay kow iyo toban jir, tacliin aan Qur’aan ahayna ii la ma aad iman. Sidaas darteed wax walba waa in aad ka soo bilawdaa halkii aad lix jirkaagii ka soo bilaabi lahayd, isla markaasna aad labaatan jirkaaga jaamacad ku jirtaa. Waad samayn kartaa haddii aad doontid waayo maskaxdeeda waad lee dahay”, ayuu adeerkii ku yidhi habeen ay wada fadhiyeen qolka akhriska.

Raage hadalkaa u ma uu qaadan oo keliya talo ee wuxuu u arkay heshiis. Markiiba labadii luqadood degdeg ayuu uga adkaaday. Gaar ahaan ingiriisida oo ahayd ta uu qoraalada duruusta dugsiga ka baxsan ku akhriyo ayuu sannad in ka yar xakamaha ku qabtay oo ka dhigtay sange uu ugu duulo waxa aqoon ubucdeeda jiifta. Shaki ku ma jiro qofku nicmo aanu haysan jirin haddii uu helo in uu siinayo qiimayn iyo jacayl ka badan ta uu siiyo qofka weligii iskaga dhex jiray.

Sidii uu wax akhriska u bartay Raage buug waliba wuxuu u ahaa duni cusub oo uu albaabka u furay. Haddii ay ahayd in uu ka adkaado casharrada dugsiga intaasi kagama ay fillaan oonkii ba’naa ee jacaylka akhrisku ku abuuray. Mararka qaarkood saqdhexe ayuu hurdada ka soo boodi jiray oo buug uu fiidkii ka lulooday mar kale akhris u la fadhiisan jiray. Saddexdii sano ee ugu horreeyay waqtigiisu wuxuu u qaybsanaa dugsiga, miiska akhriska iyo sariirta hurdada.

Si uu u bakhtiiyo dabka ay aqoonta cusubi ku shidday wuxuu ku xidhmay maktabadaha, xarumaha dhaqanka ee shisheeyaha iyo meel kasta oo uu ka heli karo wax uu akhriyo, meelahaas oo uu Rooble geeyay.

Aanadii Negeeye – Qeybtii 9aad

Fikirkaada Waa Muhiim