Aanadii Negeeye – Qeybtii 6aad

Negeeye markii uu toddoba iyo toban jirsaday ayuu la wareegay maamulka iyo shaqada makhaayad shaaha laga cabbo. Ma ay ahayn shaqo deggan, ama horumar badan leh, waayo waxaa macmiil u ahayd beesha reer guuraaga ah taas oo biyaha iyo baadka marba meel ugu hayaanta. Aroor walba inta aanay cadceeddu soo bixin ayuu hurdada ka kacaa. Debedda ayuu kaadi ku soo talleejiyaa, inta uu soo socdana qori caday ah geed ka soo jabsadaa.

Marka uu cadaydo ee fooldhaqdo ayuu makhaayada dabka u shidaa. Killi weyn oo biyo ah ayuu dabka ka dul qotomiyaa. Inta ay biyuhu karayaan ayuu makhaayadda rusheeyaa, si uu habaaska u dejiyo, dabadeed xaaqin mariyaa, oo gogol fadhi jawaanno ah saf iska soo hor jeeda ku soo wareejiyaa.

Marka uu intaa dhammeeyo ayuu miiska u gudbaa. Raadiye gaboobay oo ay Dahabo ka dhimatay ayuu lixda marka uu Raadiyow Muqdisho soo galo shidaa. Waxii weel ah ee aan nadiif ahayn ayuu xalaa. Marka ay biyuhu karaan xantoobo shaah ah ayuu ku tuuraa, si feejiganna u la socdaa si aanay u daadan.

Bakeeriyadii miiska ayay u safan yihiin, sonkortii iyo caddayskiina dhinac yaallaan. Dabadeed qaaddada ayuu bakeeriga dhex geliyaa oo xoog ugu garaacaa: Dhalalalaw! Dhalalalaw! Dhalalaw!

In yar ka dib waxaa hormo hormo u soo gala rag ay ugu soo horreeyaan odayaal masjidka cariishka ah wardiga shaaha ku sugayay. Waxaa ku soo xiga koox dibjir ah oo debedaha ka soo toostay, kuwaas oo dabka shaahu saaran yahay hareeraha kaga xooma si ay dhaxantii darxumada ugaga diirsadaan.

Dhawr nin oo kale oo isugu jira kuuliga tuulada iyo odayaal ay habrihii ka dhinteen ayaa iyaguna mid mid u soo gala. Qof iyo bakeeri caddaysan oo qiiqaya ayuu hor dhigaa.

Inta shaaha afka lagu hayo ayay Amran laba masafood oo canjeelo iyo sabaayad ah kadinka galbeed isla soo taagtaa. Negeeye oo markiiba arkay wejigeeda shucaaca qorraxda arooryo bari kaga soo dhacayo, oo aan dhalaalka u ka la garanayn dhididkii uu xalay kaga tegay iyo dhaashi cusub mid uu yahay, oo dhoollo caddaynteeda iyo indhaha waaweyn ee had iyo jeer si u oomman iyo labada dibnood ee si u hunguroonaya ku laabqaadmay ayaa qaabbila oo ka soo guddooma.

Marka uu canjeelada iyo sabaayadda diirran daboolka ka rogo, ee uumigu makhaayadda ku fido, ayay ragga meesha fadhiyaa hunguri la wada millikhsadaan.

“Waar quraac noo keen.”
“Waar bal annagana noo keen.”
“Anigana ii keen.”

Suxuunta ayuu miiska saf u dhigaa, inta laga dalbaday ayuu ku goglaa, laba qaaddo oo sixin ah ayuu mid walba ku shubaa, laba qaaddo oo muqmad ah dusha ka saaraa, in sonkor ah ku daadiyaa, xoogaa shaah bigays ah ku qooyaa, dabadeed raggii dalbaday hor dhigaa, nin iyo bakeeri kale oo shaah ahna uga daba geeyaa.

Inta uu hormadaa tuulada ka soo toostay fulinayo ayay siddeedda gaadhaa, dabadeed waxaa soo dhacda xoolodhaqatada. Caano geel oo ay qaarkood sidaan ayuu digsiyo waaweyn oo uu diyaarsaday ku wareejiyaa, meel rays ahna gunta u dhigaa, maanta oo dhanna qofkii dalbadaba koob qabow u daraa.

In kasta oo uu canjeelo, sabaayad, oodkac iyo caano hayo, waxa ugu badan ee laga gataa waa shaah aad u kulul oo ay caleenta, caddayska iyo sonkortu ku badan yihiin. Kaas ayaa toban toban bakeeri laga cabbaa oo maalin oo dhan muran iyo maanso lagu madaddaashaa. Carraabaha kolka la gaadho ee la xisaabtamo ayaa xanaaq la bilaabaa xisaabtana ogaan loo xumeeyaa. “Sidee afar iyo toban shaah ah la iigu yeeshay? Haantii dhammayd ee caanaha ahayd miyaadan waxba ii xisaabin?

Labadii harag ee aan saaka keenay mid baa iga socon waayay ka kalena sonkor baan ku miisanayaa ee waxa aan qabo xisaabtii hore u gee.” Dadka noocaas ah ayaa makhaayadda macmiil u ah. Inta ay jeebka wax ku hayaan waxaa ka badan inta aanay ku hayn, inta ay wax bixiyaanna waxaa ka badan inta ay amaahdaan.

Marka ay xoolodhaqatadu casarka carraabaan, Negeeye makhaayadda horteeda ayuu fadhi ku goglaa, ragga inta tuulada u hoyata qaarkood ayaana halkaa shaah kaga dalbada. Laanta af Soomaaliga ee BBC-da oo uu keligii mawjadda ay ka hadasho yaqaan ayuu saaraa. Halkaas ayaa wararka dunida oo wax aan la fahmayn u badan lagu dhegeystaa. Warka keliya ee ay xiiseeyaan, oo ah roob iyo doog, BBC-da laga ma sheego, haddana dhegeysigeeda ma daayaan.

Fiidka marka ay dhawrkii halkaa ku caweeyay hamaansi dabadii ka la hoydaan, Negeeye makhaayadda ayuu albaab foosto la fidiyay ka samaysan afaafka quful ugu taagaa, dabadeed shaqo maalmeedda ku soo gunaanadaa in uu Amran mutulka ugu tago oo ilaa saqdadhexe waxii ay ka la qabaan ka la soo xisaabtamo.

Dumarka tuulada tii makhaayadda Negeeye dan ka yeelataa ma soo gasho ee mutulka Amran ayaa laga soo maamulaa, cuntada uu iibiyana iyada ayaa soo samaysa, xisaabo kalena waa ay isugu jiraan. Labadooda midna wax ma qoro, xisaabtana xasuusta ayay ku ilaaliyaan, maskaxda iyo faraha ayayna ku xalliyaan. Saqdadhexe marka ay xisaabtu u ka la dhammaato isaga oo daal kax ah ayuu makhaayada dermo duug ahna madaxa iyo mijaha duubaa.

Negeeye haddii uu ahaa kuray ay Amran hoos u eegto, waa kaas maanta indhaheeda, maskaxdeeda iyo gogosheedaba buuxiyay. Waa taas casarka isu sii qurxinaysa cishahana hoostiisa ka taahaysa. Garabyo weyntii Haybe hormuudka u ahaa, ee marka ay mutulka soo gelayaan Negeeye ka tallaabsan jiray amaba ku sii joogsan jiray, waa taa aan ninna cayaar ugu soo dhacayn.

Mar haddii se uu ahaa xidhiidh qarsoon ee aan guur xalaal ahi meesha jirin labadooduba waxay qabeen welwel joogto ah, waagii beryaba Negeeye wuxuu filayay in ay war dhiillo leh u sheegto. Habeen habeennada ka mid ah ka dib markii ay xisaabtameen isaga oo bixid u qalab qaatay iyaduna sidii dhar uu iska bixiyay ay weli gogosha daadsan tahay ayay wayddiisay:
“Sow ma ogid in ay wax waliba dhici karaan?” “Wax walba oo maxay ah?”
“Wax ku saabsan xisaabta inaga dhexaysa?”
“Waxba ku ma jabna, haddii ay wax qaldamaan waa aynnu saxaynnaa.”
“Sidee baynu u saxaynaa?” “Waa aynu isguursanaynaa.”

Waa ay faraxday. Inta ay fadhiga ka boodday, oo isaga oo taagan dhunkasho ku waashay, oo laabtii ay ogayd in uu jecel yahay ku camcamisay, ayay wayddiisay:
“Imikaba maynu isguursanno?”
“Imika diyaar u ma ahi.”
“Maxaad ugu ahaan wayday?”
“Waxyaalo kale ayaan horta u baahan ahay in aan qabto.” “Waxyaalo maxay ah?”
“Waxyaalo aadan shaqo ku lahayn.”
“Mise waxaad ka baqaysaa haddii aad i guursatid adiguna in aad dhimatid?”
Negeeye aragtida dadka ee Amran ku saabsan, ee ah in ay tafadhiig tahay, isagu wax aragti ah ka ma qabo. Wuu ka aammin baxsanaa waxyaalaha ay dadku sheegaan oo badanaa beenooba ama isburiya, sheekadaana wuu maqlaa uun halkaana ka ma qaado.

“Maya ee waqtigan guur diyaar u ma ahi.”
“Ninkaygii hore muxuu u dhintay?”
“Adiga ayaa iiga war roon.”
“Laakiin waa anigii kuu sheegay ee maxay ku la tahay?”
“Tiisii ayaa dhammaatay. Ilaahay baa dilay, sidii aad adiguba tidhi.”
“Tafodhiig in aan ahay miyaadan rumaysnayn?”
“Waxba ma rumaysni ee dadka hadalkooda ha isku mashquulin.” “Adiguba ilaa maalintii aad wadaadka looxa la dhacday waxay
kuu yaqaannaan ‘Habaarqabe’.”
“Waan og ahay. Waa dad dulli ah, wadaadkaas afka xun ayaa wada dullaystay.”
“Waa ay inoo ka la shakisan yihiin … maya ee waa ay isku keen og yihiin, waana ay ina neceb yihiin”, ayay tidhi iyada oo malaha dareensiinaysa in ay isku doon saaran yihiin dadka kalena dhinac ka wada yihiin si ay fikradda guurka ugu riixdo.
“Jacaylkoodu muxuu kaala maqan yahay?”
“Waxba haddii aad adigu i jeceshahay. Horta maxaad isaga dhigtaa in aadan i jeclayn?”
“Sidee baan isaga dhigaa?”
“Weligaa kaa ma aan maqal.”

Uma uu jawaabin. Naftiisu in ay si aad ah ugu baahan tahay wuu ogaa, laakiin ma jeel baa mise waa jacayl? Bal iyadu in ay qof jinni tahay maxay ragga kale hoosta ugu wadataa? ayuu iswayddiiyay. Laakiin jawaaabta wuu garanayaa. Berigii ay Dahabo dhimatay, ee ay isaga iyo iyaduba bakhtiga xalaashadeen, sidii ay nimankaa dabinkooda u gashay dib miyay uga baxday?

Waxay ku noqdeen xanan ama xuub caaro marka ay meel iska fujisaba meel kale kaga dheggan.

Waa se la og yahay ee sidii uu Negeeye doob u noqday raggaasi, xataa Haybe, dhukus iyo dhuumasho mooyee, indhihiisa oo shan ah miyay Amran ku soo dhacaan? Kabash kabash iyo kadalloob mooyee miyirqab iyo maryo dhigasho miyay kaga muraadsadaan?
“Negeeye, runtii ma i jeceshahay?”
“Haddaa miyaan ku neceb ahay?”
“Waxaasi ma jawaab baa?”
“Haye, waan ku jecel ahay.”

Isla markaa niyadda wuxuu iska lahaa: wax kale u ma dan leh aan ahayn raggaa ay iyadu qosolka ku soo dhoweynayso in aad adigu sida eeyga ugu cidid. Haddii uu jacaylku dhab ka yahay, ama guur qiimo u hayso, fadeexadda sida daadka gurigeeda ugu soo qulqulaysa ayay iska moosi lahayd.

“Sababtii dhimashada ninkayga haddii aan kuu sheego ma iga rumaysanaysaa?”
“Maxaan kaaga rumaysan waayay?”
“Cudurka duumada ayuu awalba la ciirciirayay, labadii habeen ee arooskana hilib idaad iyo dambar geel baa lagu wadne gooyay, aniguna illayn gabadh aan faro baran baan ahaaye aad buu ii la raftay, oo dhididka iyo dhareerka ayaa ka dhammaaday. Sidaas ayuu Alle u ma naxariiste ku naf waayay.”
“Waa caqligal, maxaad se miskiinka u habaaraysaa?”
“Waxaan u habaarayaa sida aan macnaha lahayn ee uu u bakhtiyay. Noloshaydii oo dhan ayuu qarribay.”
Intii ay wada hadlayeen ayuu badhammadii shaadhka isdhaaf u xidhay, dabadeed inta uu dib u furfuray mar kale soo bilaabay. Iyaduna hadal kale ayay u gashay si uu u la sii joogo.
“Waa maxay waxyaalaha aad rabtid in aad guurkeenna ka hor marisid?”
“Waan kuu sheegay in aadan shaqo ku lahayn.” “Ma kuu fooxiyaa?”
“Goorma ayaad fooxiso noqotay?”
“Ma aan noqon ee waan ku dhashay.”

Si wanaagsan ayay debeecadda Negeeye u taqaan, isaga oo aan hadlin ayay waxa uu ku fekerayo garan kartaa. Waxa uu maalmahan qorshaynayo isaga oo aan la soo qaadin ayay haddana hubtaa, ku mana faraxsana. Sidaas awgeed haddii uu ka yeelo in ay u fooxiso waxay isku dayi lahayd in ay taladaa ka baajiso. Laakiin ka ma uu yeelin.

Isku nolol ha ahaadeen, laakiin arrin sidaas u weyn ku ma aammini karo. Wuxuu haystaa maahmaahda ah ”Naagi shisheeye iyo sokeeye midna ma aha”. Waa ay jirtay in uu guurkeeda hore uga fekeray, waxa ay se ahayd intii aanay taladan jiifka iyo joogga u diidday ka ma dambays ugu dhalan. Habeenkaas wuxuu ahaa labaatan jir.

Labaatanjirnimadu macne gaar ah ayay Negeeye u lahayd, malaha se dadka oo dhan ayay macne gaar ah u lee dahay. Waa halhays joogto ah in marka qof la guubaabinayo, ha yaraado ama ha weynaadee, lagu yidhaahdo “waxaad tahay labaatan jir!”. Malaha dareenka noocaas ah ayuu ahaa kii ku dhiirriyay in uu sannadkaa waxyaalo badan si dhab ah uga fekero, oo ay ka mid ahayd in uu Amran guursado oo iska dego.

Waxaa se ku sii xoogaysatay arrintan uu beri fog goostay maskaxdiisana joogto ugu soo noqnoqon jirtay. Imika go’aan adag ayuu gaadhay, fikraddii guurka wuu laalay, wuxuuna goostay in uu qori iibsado.

Wuu ogaa in ay tahay talo kol ay hooyadii ku tahay cid waliba ka naxi doonto, laakiin cidna dan ka ma uu lahayn. Baqdin iyo xamaasad wadajir ah ayaa galay. Hadafkiisa oo dhan wuxuu ka dhigay sidii uu u ururin lahaa lacag qori u goysa. Xoogaa uu makhaayadda ka la soo baxay iyo xoogaa kale oo uu ka nahaabay ayuu faraqa ku guntay. Qaadkii iyo sigaarkii wuu yareeyay, awalba dhar macno leh ma iibsan jirin maalintaa ka dibna shay dambe ma iibsan. Shilinka soo galaba waxii cuntada uga soo hadha wuu kaydiyay. Sagaal bilood ka dibna wuxuu hayay lacag qori u goysa.

Muddo aan badnayn markii uu qori iib ah raadinayay ayuu nin miyiga tuulada ku noolaa geeliisii xaraashay, wiilashii magaalo iskuul kaga daray, isaguna isu diyaariyay in uu guuro, wuxuuna sheegay in uu qorigiisa iibinayo. Beryahaa Soomaaliya waxaa ka baarqabbaynayay kacaankii askarta, dagaalkii qabiilkuna hoos ayuu u dhacay intii aanu mar labaad soo laba kaclayn. Sidaas darteed xiisaha hubka loo hayay ma badnayn, bundukhaas iibka ahna sidii caadada ahaan jirtay lagu ma soo qamaamin, isaga ayaana ahaa ka keliya ee si dhab ah u gorgoriyay. Sidaas ayuu ku hantay qorigaas oo ahaa waxii uu ugu jeclaa in uu yeesho.

Dad badan baa Negeeye ku la yaabay in uu isaga oo sidaas u arradan oo u baahan haddana lacag intaa la’eg ku iibsado qori aanu geel iyo gammaan toonna u lahayn. Waxa ay se ahaayeen dad aan dabeecadda Negeeye ama taariikhda aqoon. Laakiin dadka wax u fiirsadaa xaaladda si kale ayay u arkayeen. Taa waxaa u marag ah galabtaa uu hubka iibsaday odayaashii Damalweyn ugu mudnaa Negeeye waxay la tageen geed weyn oo garta lagu naqi jiray, wax ayna u caddeeyeen dhiiggii aabbihii ee la iska xaq iyo xaal mariyay, la iska dhaarsaday, ee laga heshiiyay, haddii uu maanta wax ka hibanayo in uu sheegto oo si walba loogala xaali doono, laakiin aanu godob geysan.

Isaguna wuu dafiray in uu qoriga haba yaraato ee dhagar ka lee yahay. Isla markaa wuxuu oggolaaday in uu Kitaabka Qur’aanka gacanta saaro saddex jeerna magaca Ilaahay ku dhaarto in aanu ku talo jirin fal taa ku saabsan.

Galabtaas markii ay odayadu u sheegeen in ay doonayaan in ay la hadlaan wuu gartay waxa ay ka la hadlayaan, wuuna ka fekeray in ay dhaari iman doonto. Sidaas darteed inta uu tuulada ka yar baxay ayuu kaadidiisa labada sacab ka buuxsaday oo ku faroxashay, si aan Kitaabku u qaban. Waayo sinaba uguma uu qanacsanayn wax aan ahayn talada uu goostay. Magta aabbahaa ee la sheegayaa sow ma aha boqolkii halaad ee markii tolka mag wadaagta leh loo qaybiyay ay adiga iyo Dhool dhawrka tuldood idinkaga soo hagaageen? ayuu ku fekeray. Dhawrkii tuldoodna sidii ay kaliishii taa xigtayba hillaaca u raaceen miyaa dib loo arkay?

Waanadaa weelka daloola ku dhacday iyo dhaartaa kaadida ku dhammuuqani waxay ahaayeen waxa keliya ee galabtaa la samayn karayay. Sidaas ayaa lagu ka la carraabay. Maalintii uu qoriga iibsa-day dhawr cisho oo ku xigay Negeeye tuulada si caadi ah ayuu ugu noolaa. Dabadeed maalin isaga oo aan cidna wax u sheegin ayaa si kediso ah loo waayay.

Galabtaas Goodir tuulada wuu ku daahay, qorrax dhacii ayuuna koonfur qumman iyo dhankii reerkiisa u carraabay. Keligii ayuu ahaa, sidii caadada u ahaydna qorigu degta ayuu u saarnaa, xabbadduna dhuunta ayay jiiftay. Cishooyinkan oo dhan sidii uu cadawgiisu hubka u iibsaday si dheeraad ah ayuu u digtoonaa. In kasta oo uu ku dadaalay in aan taa laga garan haddana waa la wada arkayay degganaansho la’aanta iyo baallo daymadiisa joogtada ah, iyo qorigiisa had iyo goor cabbaysan ammaanku ka rogan yahay.

Afar boqol oo tallaabo in aan ka badnayn markii uu makhribkaa Goodir tuulada ka baxay, ee jeexa madaxa la galay, ee ay qorraxdu cabbaar godka ku sii maqan tahay, habeenkii madoobaana bari ka soo gurguuranayo, ayuu garabkiisa bidix ka maqlay jaqaf aad mooddo qori qallalan oo qof isku taagay. Si digtoon ayuu isaga oo aan tallaabada hakin u jalleecay waxba se ma uu arag.

Sharqantii uu maqlay ayuu mar kale maskaxda dib ugu soo celiyay iskuna dayay in uu maleeyo waxa ay noqon karto. Shaki aan bilawgii gelin ayaa galay, qori ammaanka laga rogay ayuu ku maleeyay. Isaga oo weli tallaabo dheeraynaya ayuu dhegta raariciyay jalleecadana meeshii ku celiyay, wax dhiillo geliya se ma maqal mana arag. Marba marka ka dambaysa ayay se cabsidii ku sii xoogaysatay, ilaa uu malihiisu u batay in ay balaayo ku xeeran tahay. Kiishkii ayuu garabka ka ka la riday, qorigii oo cabbaysanna labada gacmood isugu geeyay, dhegaha iyo dhaayahana shaqadooda xoojiyay, tallaabadana hoosta ka sii xaday.

Mar kale ayuu wax maqlay, tallaabo labalugoodle ayay imikana u la ekaatay, laakiin waxba ma hubo, muuqna ma arko. Galow ayaa si kediso ah hortiisa uga duulay, naxdin iyo argaggax ayuuna Goodir ku dhowaaday in uu dib u dhaco. Qolof adag ayaa madaxa ka fuushay, timaha iyo xaadduna waxay noqdeen qodxo. Wadnaha ayaa si ba’an u boodbooday, dhabarkana markiiba dhidid qabow ayaa qooyay. Fulay haadkarroor ah ayuu isu arkay, laakiin dhan laga jiro ayaanu garanayn ee dhulku caawa nabad ma aha.

Imika waa himsehimse oo habeenkii waa uu soo durkay gudcurkiina ka soo daray. Yuu se gudcurku dan u yahay ma ugaadhsadaha mise la-ugaadhsadaha? Mar kale ayuu isla dhankii hore sanqadh ka maqlay, markii uu dhakhso u jeestayna waxaa ka hor yimid cod uu garanayo oo leh: “Goodir, sow i ma aad filayn?” Waa Negeeye.

Isla markaas ayuu arkay malluug dheer oo madow iyo qori xaggiisa u soo liishaaman. Isaga oo dhinaca kale u sii boodaya ayuu qorigii dhanka Negeeye u jeediyay, keebkana farta ku la degdegay, waxba se ma uu haleelin oo xabbaddii Negeeye ayaa laabta ka haleeshay iyada oo qiiqaysana dhabarka ka boodday. Isaga oo dhulka daadsan markii uu isa soo dul taagay lugaha oo keliya ayaa sii dhaqdhaqaaqayay, qorigii iyo kiishkiina labada dhinac ayay ka ka la yaalleen. Markii uu arkay in ay xabbaddu shafka kaga dhacday wuu ku diirsaday waayo waa isla halkii ay aabbihii xabbaddu kaga dhacday sidii loo sheegay.

Muddadii uu tabaabulshaysanayay wuxuu goor walba ka fekeri jiray dareenkiisu sida uu noqon doono marka uu maydnimo Goodir dhulka u tuuro. Imika se arrintu sidii uu moodayay waa ay ka la fudud dahay, dareenka keliya ee uu iska helay waa qaraxii xabbadda oo ka duwanaa tobannaankii xabbadood ee uu hore u maqlay iyo xoogaa baqdin ah, isaga oo xataa ka baqay Goodir in uu ku soo kaco. In uu xabbad labaad u celiyo ayuu ku fekeray, laakiin maya, waa gunnimo iyo fulaynimo.

Imika luguhuna dhaqdhaqaaqi maayaan oo waa kaa sida dogob ama duddun dhacday dhulka iska daadsan. Sidii wax weligii meesha iska yaallay waa kaas durba dhulka ka mid noqday. Ma Goodir baa mise waa wax kale? Dareenka Negeeye ka ma duwana maalin uu isdul taagay waraabe la toogtay oo ay markaa naftu ka baxday. Maalintaas ka hor dhurwaaga wuxuu moodi jiray wax meel fog uun laga halacsan karo ee aan loo dhowaan karin ama la taaban karin.

Maba uu moodi jirin noole wad leh. Xaaladdaa waxaa u la mid ah ninkan galabta halkan daadsan. Run ahaantii wuu u qaadan la yahay. Dilku waa xeer furashadu se waa xaal gumeed. Qorigii Goodir dhinac yaallay oo qiimo badan lahaa Negeeye sidaas ayuu kaga dhaqaaqay. Haddii uu qaato isaga iyo tolkiiba waxay u soo jiidi lahayd dhegxumo aad u weyn, waayo waxay ahaayeen laba reer oo xidid, xigaal iyo ood wadaag intaba ah. Waxa uu tirsanayay dhiig buu ahaa ee ma ahayn dhac, kiina hel.

Xabbaddaas sukada ah ee fiidcilcillawga qaraxeeda la wada maqlay in ay ahayd mid goysay naf aadami qof waliba sida uu ku gartay si ayuu ku sheegay. In kasta oo ay ahayd wax la filayay, dadkana dhegtu wada taagnayd, haddana markii dambe siyaalaha looga hadlay waxay muujisay mowqifka uu qof waliba dilkaas dhacay ka taagnaa. Tusaale ahaan Aw Faarax oo nacaybka Negeeye ku caan baxay wuxuu yidhi: “Ma xabbad la garan waayo ayay ahayd?

Maalintaa waan soommanaa, markii ay xabbaddu dhacdayna timmirtii aan ku afuray wax ay ii dhadhantay dhiig, biyihii aan ku luqluqdayna la mid bay ahaayeen. Markiiba fiinta ayaa ci dheer ku dhufatay, cirkana sagal xinjir ah ayaa aniga oo arkaya isku aslay. Waxaan sugay xabbaddii jawaabta, weli se waan sugayaa.”

Waa beentiis ee markii dilku dhacay cirku sagal iyo midab kale toonna ma lahayn ee wuxuuba u dhowaa habeen madow. Shaki laga ma qabin wadaadku in uu ahaa naarafuuf iyo diredire, gaar ahaanna hadalkaas u la dan lahaa Cali Goodir oo Negeeye gu keliya ka yar. Laakiin dadka kaleba Negeeye waxaa ay huwiyeen hiif iyo habaar.
“Wacad Alle ku qabay! Dhaartii uu isaga xor ah xiskiisuna dhan yahay Kitaabka Alle ku xagaf siiyay yaa ku khasbay!” ayaa lagu celceliyay.

Isku habeen ayaa laba ilmood mid cudur ku dhalanayaa midna caafimaad. Mid baa u dhalanaya qoys hodan ah oo qasri ku nool, midna qoys dawarsada quudka ay ku nool yihiin. Ka hore muxuu abaalmarintaa ku mutaystay, kan labaad se ciqaabtaa ku galabsaday? Qaddar? Wax badan baa la isku dayaa in la qeexo macnaha qaddar, laakiin qofka cilmi kororsi qodobkaas ku saabsan cid u la taga shaki ku ma jiro in uu la soo noqonayo jahli ka weyn kii uu awal ka qabay.

Haddaba bal aynu arrinta fududayno oo qaddarka u bixinno sabab. Sababo badan oo isbiirsada ayaa abuura fursad la eedo ama loo aayo. Noolaha qudhiisuna sababaha uu eedayo ama u aayayo abuuristooda wuu ka qayb qaataa. Sabab qalaad oo dusha ka timid iyo ta la abuuro dhexdooda ayay doorasho iyo xorriyadi ku jiraan. Labadaa kefadood hadba ta cuslaata ayaa dhankeeda loo ciiraa. In kasta ha la’ekaato ee haddiiba ay doorasho furan tahay dadka qofba waa halka uu nolosha ka abbaaraa; waa halka uu dan bido ama dookhu u hoggaamiyaa. Talada oo xumaata ama samaata, toogashada yoolka oo qalloocata ama qummanaata, iyo dadaalka oo bata ama yaraada, ayaa miisaanka kefedda labada dhan mid uun u ciirin kara.

Galab ay xagaayo culusi markaa Xamar ka kacday ayay nin konton jir ah oo dhutinaya iyo kuray kow iyo toban jir ah oo wada socdaa waddada 26-ka Juun, intii aanay isgoyska Kaasa Bobballaare gaadhin, dhanka bari u gooyeen. Wiilku wuxuu gashan yahay laba qayd oo uskag ah uu mid guntan yahay midna garabka ku sito, iyo kabo maas ah oo duug ah, timuhuna u ma shanlaysna. Intiisa wuu ku dheer yahay, waa wayd, da’da uu jirana waa loo garan karaa.

Odaygu isaguna wuxuu xidhan yahay macawis iyo shaadh duug ah, kabo maas ah iyo go garabka u saaran. Wuu dhutinayaa tukubi se maayo, waxaana ka muuqda xoog iyo caafimaad. In kasta oo ay tallaabo dheeraynayaan yarku wuu baallodaymoonayaa, wax walbana sii eegayaa oo la yaabayaa. Qacda horeba waa la garanayaa in ay yihiin reer miyi.

Albaab ganjeelo ah ayuu odaygii garaacay, waxaana ka furay nin dheer oo dhawr iyo afartan jir ku qiyaasan oo ay labada dhafoor cirro ka rushaysay. Ka dhutinaya ayaa da weyn laakiin haddii loo fiirsado waa ay isu eg yihiin. Ninkii dhutinayay ayuu si diirran u gacanqaaday, haddana yarkii gacan weyn oo ay tiisii yarayd ku dhex luntay inta uu ku salaamay madaxa u salaaxay, dabadeed gudaha u gudbiyay.

Markii shaah iyo cabbitaan kale la wada cabbay ee la isyar waraystay ayuu kii reer miyiga ahaa yidhi:
“Rooble, ninkan yar waad garanaysaa ayay i la tahay. Waa Raage, waxaan kuugu keenay in aad dad ka dhigtid oo meel ka soo saartid, sidii aad hore u tidhi.”
Rooble yarka waxaa ugu dambaysay laba sano ka hor markaas oo
uu miyiga soo booqday. Laakiin si fiican ayuu wejigiisa u xusuustay. Leyla Rooble, oo Raage gu ka yar, iyo hooyadeed Qarad ayaa saddexda nin fadhiga ku weheliya.

Waxii ugu horreeyay ee Raage loo qabtay waxay ahayd in labadii qayd ee uskagga ahaa laga tuuro, loona qubeeyo. Markii uu Rooble islaantiisa Qarad u sheegay in ay inanka ay aayada u tahay u qubayso khajilaad ayuu la dhididay. Nin weyn ayuu isu arkayay ee in loo qubeeyaa sow carruurnimo ma aha?

Laakiin cidiba isaga talo ma ay wayddiin ee sidii qof bukaansocod ah ayaa loo maamulay. Saabuun iyo shamboo udgoon ayaa habeeddii geela iyo toxobtii loogaga qubeeyay, dabadeed loo geliyay macawis iyo shaadh aad uga weyn oo Rooble lahaa, waxaana loo ballanqaaday in berri dhar la’eg loo soo iibin doono.

Waxyaalihii uu magaalada ku soo arkay iyo gurigan weyn, cuntadii dhadhanka cusub lahayd ee lagu cashaysiiyay iyo saabuuntii udgoonayd ee loogu qubeeyay, dharka nadiifta ah ee loo geliyay iyo sariirta debecsan ee aanu weligii gogol la mid ah dhinaca dhigin, intuba Raage waxay ku abuureen cabsi iyo farxad isku jira ilaa uu mooday in uu riyoonayo. Laakiin wuu daallanaa, sidaas darteed markii uu casheeyay ee qol bannaan la seexiyay judhiiba wuu gam’ay.

Raage in uu Muqdisho yimaaddaa waxay ahayd fursad iyo nasiib, qaddar. Geela badan ee aabbihii in uu wax ka dhaqo, magaca tolkiina meel ka galo, ayaa ahaa labada ujeeddo ee sidiisaba loo dhalay. Laakiin gugii uu kow iyo toban jirsaday, goor barqo ah, isaga iyo aabbihii, Xirsi-Micilibaax, oo geela la wada jooga ayay samada ka maqleen guux xoog leh. Markii ay eegeen waxay arkeen diyaarad masaafo aad u sarraysa duulaysa oo ay qorraxdu si aad ah midabkeeda cad u muujinayso. Midkoodna weligii iyada hawada jibaaxaysa mooyee diyaarad si kale u ma uu arag. Raage markii uu diyaaraddii cabbaar eegay ayuu khayaaliga maskaxdiisu godladay.

“Bal aabbe ka warran diyaaraddaa waxaa wada nin aniga i la mid ahe!”
“Haa, nin qayrkaa ah ayaa duulinaya.”
“Aniguba waan duulin kari lahaa haddii aan barto”, ayuu yarku ku faanay.
“Ma doonaysaa in aad baratid?”
“Maxaan u dooni waayay. Laakiin xaggee lagu bartaa?” Diyaaraddii waa ay libidhay, guuxiina wuu aamusay.

Hadalkaas ay isaga iyo wiilkiisu isdhaafsadeen maskaxda Micilibaax wuxuu kaga tegay raad, cabbaar ayuuna ka sii fekeray. Waqti aan maalintaa ka fogayn waxaa booqasho ugu yimid nin ay walaalo yihiin oo mutacallim ah, oo Xamar ka shaqeeya. Wuxuu ahaa Rooble oo siiyay talo ah in uu wiilasha qaar u keeno si uu wax u baro. Wuxuu si gaar ah u xasuustay in uu ku yidhi: “Ninkaa Raage aan wax baro oo dad ka dhigo ee dhakhso iigu keen.”

Micilibaax hadalkaa walaalkii berigaa si dhab ah ugama fekerin, laakiin maanta ayuu dib u dhuuxay. Wuxuu maskaxda ka sawiray Raage oo maalin maalmaha ka mid ah diyaarad hawada cayntaarinaya. Taasi wax xun iyo wax san midka ay tahay ayuu ka fekeray. In samada la duulaa awood Ilaahay iyo mid sheyddaan ta ay noqon karto ayuu maleeyay, wuxuuna u arkay mucjiso in laga war doono mudan. Wuxuu lee yahay lix wiil oo Raage ka waaweyn iyo afar ka yaryar, sidaas darteed haddii uu isaga iskuul ku daro rag geela la dhaqa waayi maayo. “Haddii aan adeerkaa Rooble kuu geeyo wax ma baranaysaa, mise saaqid sigaarka cabba ayaad noqonaysaa?” ayuu wayddiiyay.

Raage su’aashu waa ay ku kedisay. Waxay ahayd arrin ka weyn mid lagala tashado, waayo ma uu fahamsanayn waxa uu taa macnaheedu yahay. Laakiin goor dambe ayuu maleeyay waxbarashada iyo magaalada macnahoodu in uu noqon karo nolol la mid ah ta adeerkii Rooble ee dharka bilicda leh iyo saacadda xidhan, isla markaana farta gaalada akhriya.

Berigaa waxii la akhriyo ee aan diinta iyo carabida ahayn waxaa loo yaqaannay “far gaalo”, waayo waxay ahayd intii aan af soomaaliga qudhiisa fartaa lagu qorin. “Haddii aad adeerkay ii geyso, waxaan baran lahaa sida farta gaalada loo akhriyo iyo sida diyaaradda loo duuliyo.” Maalintaas ayuu Micilibaax Raage dhoof u tabaabulsheeyay.

Isaga oo magaalo soo galay haddana wuxuu noqon kari lahaa geerashboy, jeeble, baalashle iyo tuug. Kumanyaal la fac ah ayay sababtu xaggaa u tukhaantukhisay oo ku nool lufluf iyo feenashada lafaha qaddarka. Isagana sababtu dhan kale ayay u hoggaamisay oo wuxuu la degay qoyska adeerkii. Waa qoys deggan oo ka kooban adeerkii Rooble oo ka shaqeeya Wasaarada Waxbarashada, afadiisa Qarad oo kalkaaliso ka ah Isbitaalka Guud ee Digfeer iyo gabadhooda keliya, Leyla, oo Raage gu ka yar. Waxay deggan yihiin guri ku yaal degmada Hodan.

Imaatinka Xamar wuxuu ku ahaa yaab farxad iyo baqdin labadaba leh, wuxuuna dareemay sidii uu duni kale u gudbay. Waxaa mar qudha isbeddelay wax kasta oo uu yaqaannay: arag, maqal, ur, dhadhan iyo taabasho intaba. Miyiga dareen kasta wuu oddorosi kari jiray, laakiin Xamar wax sidii ahi ma jiraan. Saxansaxadii roobka, urtii dhirta iyo xabagta, cawskii, rayskii, habeeddii geela, digadii xoolaha, xasharaadkii, raadadkii ka la duwanaa ee noolaha, waxaas oo dhan waxaa beddelay qiiqa shidaalka gubtay, sigaarka, dufanka, dhididka dadka iyo cadarka.

Waxyaalo badan ayuu bilawgii nolosha magaalada ka fahmi waayay, su’aalo aan tiro iyo xaddi lahayn ayaana maalin walba maskaxdiisa ku soo faruurmay. Bilawgii carruurta la da’da ah ee magaalada wuxuu u arkayay in ay isaga ka nasiib badan yihiin, wuxuuna ku dadaalay in uu ku daydo: sidooda u dhaqmo, lahjaddooda ku hadlo.

Laakiin muddo ka dib ayuu ogaaday waxyaalaha ay ku dhaamaan in aanay ka badnayn waxyaalaha uu qudhiisu iyaga ku dhaamo. Af soomaaliga, suugaanta, dhaqanka iyo nolosha ballaadhan ee bulshada miyiga, ee aanay carruurta magaaladu wax badan ka aqoon, ayuu ogaaday in ay tahay aqoon qiimo leh. Gaar ahaan taa waxaa ku baraarujiyay Rooble oo arkay sida uu yarku laba dhaqan u dhex heehaabayo.

Waxyaalaha ku cusub ee uu sida weyn u la fajacay waxaa ka mid ahaa badda. Ilaa markii uu yaraa wuu maqli jiray bad, wuuna maleeyay in ay tahay biyo aad uga badan kuwa balliyada ee uu ilaa markaa yaqaannay. Laakiin maalintii ugu horraysay sawirkii uu ka haystay wuu beenoobay. Ma ay ahayn meel xoolo ka cabbayaan daafahana dhooqo ku ma ay lahayn sidii uu ku yaqaannay goobaha biyaha leh.

Wuxuu isku dayay in uu eego halka ay ku dhammaato, wuu se arki waayay wax aan ahayn ban madow oo ay hirar cadcadi ku legdamayaan maraakiib ka la nooc ahina dhex gurguuranayso. Ishiisu waa ay qaban wayday meel ka sokaysa halka ay iyada iyo cirku iska galaan.

Baaxadda biyaha iyo baxaadeggoodu waxay ku rideen amankaag iyo dhabanno qabsi, cabbaar dhan ayuuna dacal taagnaa oo su’aalo iska wayddiinayay. Malaha roobkii dunida ka da’ay oo dhan ayuu daadkiisii halkan ku soo wada shubmay, ayaa fekerkiisa ka mid ahaa. Waxa ay ahayd xeebta Liido, isaga oo aan cid u sheegin ayuuna keligii maalin jimce ah halkaa tegay. Dadka aan tirada lahayn ee xeebta joogay waa ay wada faraxsanaayeen, oo xataa kuwa waaweyni sida dhallaanka ayay biyaha iyo bacaadka ku cayaarayeen.

In kasta oo uu jawiga aad uga helay haddana markii uu arkay dadku in ay koox koox istaqaan u wada socdaan una wada cayaarayaan wuxuu dareemay kelinnimo. Miyiga ayuu ku dabbaal bartay sidaas darteed wax dhibaato ah ka la ma uu kulmin, waxaa se aad u xiise badnaa biyaha dhanaan ee la moodo in milix lagu milay iyo mawjadaha xoogga leh ee la moodo in uu jin ku galgalanayo.

Ragga waaweyni waxay ku dabbaalanayeen surwaallo hoose, dumarku se dhar caadi ah oo markii uu ku qoyay ku dhegey xubnahooda xasaasiga ahna wada muujiyay. Laakiin isagu sida kurayada la da’da ah ayuu qaawanaan ku dabbaalanayay, dharka iyo kabahana inta uu isku duubay ayuu meel aan ka durugsanayn oo biyaha debedda ka ah dhigtay.

In kasta oo aanu baqdin badan ka qabin in laga qaato, oo ay dabeecaddii miyiga ee aamminka ahayd ku jirtay, haddan intaa isha ayuu ku hayay. Dabadeed mar dambe ayuu halkii ay alaabtu u taallay eegay, mise waxba ma yaallaan, markiibana wuxuu arkay saddex kuray oo sii sita.

Degdeg ayuu biyaha uga soo baxay oo dhankoodii isu sii daayay. Iyaguna markii ay arkeen in uu soo ordayo ayay cagaha wax ka dayeen. Isagu wuu qaawan yahay, iyaguna waa ciyaal suuq oo wax liita oo dhar lagu sheegi karo ayay xidhan yihiin. Cagta ayuu cagta u saaray. Ka dheerayn maayaan oo waa nin geel raaci jiray, laakiin waa saddex oo ka uu qabtaaba mid kale ayuu alaabta u tuurayaa. Dadku u juuqi maayaan oo waxaa la moodayaa ciyaal suuq cayaaraya.

Mid ayuu ku mintiday oo tabco ku legday, laakiin labadii kale ayaa inta ay ka rogeen isaga harraati iyo feedh ku waalay, dabadeed waa ay sii yaaceen. Degdeg ayuu u kacay oo sii eryaday, ilaa ay la galeen luuqyo yaab leh oo dhex mara xaafad lagu naanayso Jebeljaan, oo sida magaca ka muuqata aad mooddo magaalo jin. Halkaas ayay ugu dambayn iyaga oo dharkii sita kaga lumeen.

Isaga oo qaawan oo kabola, oo kulaylka ba’an ee qorraxda iyo harraad la haraaryoonaya, ayuu sidii dawac ugaadhsi ku soo hungoobay luuq ka soo baxay. Dharka laga qaatay waxaaba kaga daran lacag uu xaafaddii baabuur ugu raaco ma haysto oo qaddaadiicdii jeebka ayay ka raacday. Taa waxaa kaga sii daran xanaaqa haya, wuxuu ku dhow yahay in uu dillaaco. Wax tuug ah oo aan anshax iyo edeb lahayn, oo naftooda iyo tolkoodba ceeb iyo magacxumo u soo jiiday ayuu u arkaa nimankaa dharka ka la yaacay. Wuxuu ka la garan waayay taasi in ay tahay dhaqan ay dadka magaaladu leh yihiin iyo akhlaaq xumo kurayadaa u gaar ah.

Isaga oo aad u xanaaqsan, isla markaa qaawanaanta ka yaxyaxsan, ayuu oday cimaamad garabka ku sita gacanta ku dhegay oo ugu cawday: “Adeer, ciyaal tuug ah ayaa dharkii igala yaacay ee cimaamadda i sii aan ilaa guriga sii guntadee.” Odaygu markii uu kurayga qaawan ee gacanta haysta arkay ma uu haleelin feker aan ahayn in uu yahay derbijiif doonaya in uu jeeb siibo ama cimaamadda ka la cararo. Inta uu bakoorad ku waabiyay ayuu ku canaantay: “Waar cimaamad lahaane iga fogow, nejis yahow nejisku dhalay!”

Raage xanaaqii ayaa kaga sii daray orod ayuuna isa sii daayay, isaga oo gurigii abbaaraya ayuuna magaalada dhex jibaaxay. Wiilkan qaawan ee sidii faras shimbir qaba u xiimaya qofkii arkaaba wuxuu mooday in uu qoys nasiibdaran ka soo waashay. Laakiin isagu eegmada yaabban ee dadka sida dabaysha ayuu xuf ku dhaafayay. Milixdii badda iyo qorraxdu dubkiisii awalba madoobaa waxay u egaysiiyeen dhuxul maygaag.

Wax uu ordaba gurigii ayuu soo gaadhay. Isaga oo aan hareeraha eegin cidna la hadlin ayuu qolkiisa galay oo go ka soo guntaday, kijada inta uu galay ayuu biyo ka dhergay, dabadeed musqusha galay oo qubays bilaabay. Markii uu soo baxay qolkiisa ayuu hoosta ka soo xidhay oo sariirta isduubay. Cid walba wuu u xanaaqsanaa.

Xaafadda markii uu soo galay deriska intii arkaysay waa ay la yaabeen, carruurtuna waa ay ku qosleen oo qaarkood guriga ayay kaga dabo galeen. Aqalka markii uu soo galay qoysku fadhiga ayay wada joogeen oo maqnaantiisa ka hadlayeen. Isaga oo qaawan markii uu orod ku dhaafayna wax lagu maleeyo waa la garan waayay. Maalintaas waxaa raacday naanaysta ah Qaawane.

Aanadii Negeeye – Qeybtii 8aad

Fikirkaada Waa Muhiim