Aanadii Negeeye – Qeybtii 5aad

Dahabo gabadhan jin ee ay Alle ka sokow iyadu mas’uulka ka tahay aad ayay u ilaalin jirtay. Ragga sidii macaanjecel malab aragtay mutulka isugu soo maqiiqaya, ee yarta u wada hamuumaya, sida dhurwaaga ayay uga yureyn jirtay. Ha yeeshee markii ay dhimatay iyada oo aan maydkeedu qaboobin ayay sida daadka albaabka soo jabsadeen, mutulkana waxaa ka bilawday dhaqan aan hore loo arag loona maqal.

Haddii dumarka saddex meelood loo qaybiyo Amran xagga quruxda waxay raacaysaa qaybta ugu qurux badan. Dherer iyo dhumucba waa caadi haddii hablaha kale lagu dhereriyo, waxa ay se lee dahay weji iyo laba indhood oo aan wax loo dhigaa jirin. Si gaar ah waxaa loo jecel yahay qosolkeeda wadne gilgilka leh iyo bashaashnimada marka laga maqan yahay loo soo muhdo marka lala joogana laga raalli noqdo.

Madax bannaanida aan waalid, walaal iyo xigto kale toonna Damalweyn u joogin, isla markaas tahay garoob ay dhaqanka iyo diintuba xorriyad badan siiyeen, iyo guriga ay sida buuxda uga arrimiso, waxaas oo dhami waxay ka dhigeen qof gaar ah. Waa hadiyad ama waa inkaar Damalweyn loo soo diray. Waa dhif ama maba jiro, duq iyo doob, nin aan Amran ka fekerini.

Rag waaweyn oo xaas iyo carruuro leh haddana ruux sidaas ah gurigeeda u ka la dheeraynayaa waxay ahayd mahadho Damalweyn ku cusub. Xaaji Haybe, odayga tuulada ugu mudan ee dukaanka weyn leh, xaaska iyo carruurta badanina miyiga u joogaan, in uu galbaha qaar goortii uu dukaanka xidho ee reerkiisa u carraabi lahaa juucjuuc iska dareemo, oo tuulada ku soo dhaxo, dabadeed habeenkii goor xun la arko isaga oo mutulka sii gelaya ama ka soo baxaya, dadka ceebta necebi indhahooda ma rumaystaan oo waa ay isdiidsiiyaan.

Xaajigu habeenka uu tuulada ku dhaxo salaadda cishe ee masjidka lagu wada tukado marka uu foodda ka qaado ayuu sida halaqa mugdiga dhex raacaa oo Amran isku sii daayaa, si jimanka ay ku ridday uga cuudiso. Haddii aanay dhaxan ahayn inta aan waagu beryin ayuu biyo isku shubaa, dadkana masjidka uga wada horreeyaa. Haddii se ay dhaxan tahay salaad subax isma yaqaannaan, in uu xanuunkii xalay tuulada ku soo hooyay saaka la kici waayay ayuu been ku sheegaa.

Qofka uu in uu xalay meel xun ku arkay ka shakiyana wuxuu dhegta ugu ridaa: “Alle ha daayee, gabadhaas khayrka qabta ayaa istidhi odaygan kuu adeerka ah ee caawa soo dhaxay yuu dayacmin oo casho wanaagsan ii samaysay.”

Bilawgii burkaba bahal laga ma filan, oo odayga waxaa la mooday meesha in uu minyaro ka dugsanayo. Ujeeddada uu u dhabbacan yahay markii la gartayna waxay ahayd goor dambe oo uu tiir aan la liicin karin Amran ka ag qotonsaday.

Negeeye isagu in kasta oo uu weli yaraa, isla markaas aan cidina ogayn wax uu Amran ku qabo, haddana waxaa la islahaa “dheri nin u dhow baa laf ka la baxa”. Haybe habeenka uu rabo in uu mutulka ku khalaaweeyo horta Negeeye oo aan diidi karin ayuu meel durugsan shaqo uga diran jiray. Yarku taa runtii aad ayuu u necbaa, hinaase iyo daciifnimo wadajir ah ayuuna dareemi jiray. Ha ahaatee Xaajigu waa ninka ay isaga iyo Amran hambadiisa iyo murudka weelkiisa ku nool yihiin.

Amran oo keliya ma aha ee mutulka waxaa laga dhigtay god gabdhaha kale ee aan si kale lagu helayn sida jiifaaga lagu qarsado. Gabadh reer miyi ah wax badan laga ma helo ee gaaddo taabasho iyo gol qabasho ayaa naf laga dhigtaa, tii dan guur laga yeeshana waa lagaga dhammaystaa. Gaajo waa cadowe, Amran baahidu waxay geyaysiisay raggaas in ay soo wada dhoweyso, gaar ahaan Xaajiga oo hadba sida ay qosolka ugu hagarbaxdo isaguna gacanta ugu hagarbaxa.

Haddii la maqlo iyada oo dukaankiisa ka qoslaysa waa la hubay waxa ay maalintaas ka la soo baxdo in aanay lacag ka bixin.

Markii uu Xaaji Haybe sidaas wax u laba canlaynayay waxaa jiray doobab badan oo aan habeen iyo habeen helin taf haween oo ay rogaan. Negeeye isaguna wuxuu dhaamaa rag badan oo marka roob debedda ka soo eryo aan lahayn meel ay u irkadaan iyo Amran oo kale. Mutulkana waxaan loo la yaabin Damalweyn ka ma dhisna aqal ka farxad badani. Sababtaas ayuu u noqday meel jacayl iyo nacayb labaduba ka abuurmaan, oo lagu kulmo haddana lagu colloobo.

Waa ay jeclaan lahayd in ay guursato oo reer ay nolosheeda ku asturto yeelato, laakiin reer damalweyn guurkeeda waa ay iska la hanweynaayeen. In ay tahay dayro meel daran iyo meel daaddays ka timid, in ay lee dahay taariikh aan qurux badnayn, iyo halkan qudheeda in aanay sharaf ku joogin, intuba waxay noqdeen carqalado waddadii guurku u soo mari lahaa yaal.

Gurigeeda waxa rag isku garbinaya ma jirin mid dan guur ka lahaa oo aan Macallin Faarax ahayni, kaas oo sidii ay Dahabo u dhimatay aan mutulka soo gelin laakiin sida haadka ku dul weehan jiray. Qudhiisu waxa uu iyada u calmaday caashaq ma aha ee waa yarad ka carar, oo wuxuu filayay carmal cagodhiig ah oo weliba cidlo joog ah in aan cidina ceesaan ka wayddiisanayn.

Aw Faarax Dahabo intii ay noolayd talada guurka Amran wuu la soo qaaday, laakiin iyaga oo aan waxba isla meel dhigin rajadiisuna wanaagsan tahay ayay xijaabatay. Intii ay noolayd maalin isaga oo hilib geel oo solan, bilaale sixin ah iyo bakeeri shaah bigays ah oo ay islaantu mutulka ku siisay isku dhuuqaya, ayay debedda u yar baxday. Amran oo ay awal duqdu kaga gudbanayd oo dhardhaarrada agtooda ku dhaashanaysa ayuu kor iyo kal mar keliya indhaha mariyay. Ma ay jeclaysan eegmadiisa xun ee la moodo in uu cawryayo, waxayna moodday in uu dharku meelo xasaasi ah ka xaydmay fadhiga ayayna hagaajisatay.

Isaga oo inta yar ee ay islaantu debedda ku maqan tahay ka faa’iidaysanaya ayuu Amran ku yidhi: “Rasuulku carmalka wuu jeclaa, wuuna u duceeyay, annagana haddii aannu nahay culimada wuu naga la kiin dardaarmay. Haddaba ma ku la tahay in reer laguu yeelo?” Si dadban ayay u jalleecday, waxayna la yaabtay sida uu hilibka engegan marba daan ugu ruugayo ee ay ilkuhu debedda ugu soo baxeen dufankuna qawlalka uga da’ayo. Awr gaboobay oo cantaboonaya laga ma garto, ayay ku fekertay, oo haddana niyadda kaga qososhay tusaalaha habboon ee ay u heshay.

Bal eeg marmarsiinyaha liita ee uu ku soo gabbanayo, ayay ku fekertay. Rasuulku carmalka wuu nagala dardaarmay ku lahaa! Hadda caqlixumadiisa wuxuu islee yahay ha dareento in ay tahay miskiinad quus ah oo aad guurka kaga ajarsanayso, ayay malaysay.
“Laakiin Rasuulku annaga miyuu odayada naga la dardaarmay?” ayay maagis ku wayddiisay.
“Muslinka oo dhan wuu isugu dardaarmaye in reer laguu dhiso u diyaar garow.”

Dhaashigii waa ay dhammaysatay indhokuulasho ayayna bilawday. Wuu jeclaa in ay wax tidhaahdo ma ay se jawaabin, in ay arrinta ka fekerayso ayuuna maleeyay. Inta aanay maskaxdeedu go’aan gaadhin si uu u saameeyo, dareenkeedana u yar kiciyo, ayuu hadalkii hore raaciyay: “Waxa lagugu sheegayaa haddii ay jiraanna waxba ma aha oo, bi idni laahi kariim, soddonka jus oo lagugu salaaxo iyo saddex habeen oo gogol diineed lagugu seexiyo ayaa ku filan.” Waa ay naxday haddana xanaaqday.

Sidii ay Damalweyn u timid Alle qabaygani sidaa uu arrintaa ay cuqdadda ka qabto uga la hadlayo looga la ma hadlin. Waxay ka fekertay in ay ilkaha waaweyn kab kaga dhufato. Mayee waxay wayddiisay:
“Waa maxay waxa la igu sheegayaa?”
“Caammadu waxii ay ka baqaan annagu waxaanu u nahay culimo Eebbe. Tafodhiig iyo wax lagugu maagaba annaga ayaa Ilaahay talo saaranayna oo kugu oggol.”
Iyada oo hadal habboon diyaarsanaysa ayay Dahabo oo tukubaysaa soo gashay, koob kale oo shaah ah ayayna wadaadka ugu shubtay.
Haasaawaha sidaas u nuxurka daran wuxuu islahaa ha kuugu godlato, laakiin waa ay kaga dharastay dibna ugu ma soo joogsan.

Intii ay Dahabo noolayd halkaas ayuu isaga iyo Amran hadal u joogay. Wuu hubay in aanay jeclayn, laakiin dadka inta ay dan iyo duruufo mideeyaan ayaa ka badan inta uu jacayl wax isugu daro, ayuu islahaa. Geerida islaanta ka dib markii u horreysay ee uu fursad helay ayuu Amran arrinta u soo bandhigay, iyaduna si qayaxan ayay u diidday. In uu wax badan ka weynaa reer kalena lahaa ka sokow, markii la wayddiiyay sababta ay wadaadka Ilaahay uga inkaarsatay waxay qirtay in ay u aragto dadka dunida ku uuman qofka ugu foolxun.

Waxay tidhi: “Bal eega ilkihiisa waaweyn iyo dibnihiisa yaryar ee xataa haddii la isku tolo aan isdaboolayn! Waxaad mooddaa mayd beri hore tawafay! Bal eega mijaha aad mooddid xiid!” Faarax markii ay Amran diidday, gurigeeduna noqday meel goor walba rag kale u carbuunan, wuxuu ku qaaday olole la mid ah kii uu Negeeye berigii uu takhray ku qaaday.

Marar aan yarayn ayuu markii salaadda laga soo jeestay masjidka ka sheegay haddii aan macsida iyo fusuqa socda wax laga qaban in uu Ilaahay Damalweyn dhulka la simi doono, sidii uu dhulka u la simay reer Nuux iyo reer Saalax iyo reer Luud iyo reer Huud iyo qaar kale oo badan. Waa la garanayay halka uu carrabka ku fiiqayaa in ay tahay Amran. Mar beryahaas ah ayay roob la’aan ba’ani Damalweyn ku dhufatay, roobdoontii uu wadaadku xoolaha badan ku qaatayna Alle ka ma aqbalin. Dabadeed wuxuu sii xoojiyay eedayntii mutulka Amran ku wajahnayd iyo roob la’aantu in ay tahay ciqaab Rabbi oo halkaa ku sal leh.

Negeeye dacaayadda iyo habaarka Aw Faarax intaa wuu la socday. Dabadeed maalin isaga oo sidiisii feedho qaawan, qayd faraqyada ka dildillaacay qaarka hoose kaga duuban yahay, suun qallafsan oo saan geel laga jeexayna dhexda ku xidhan, toorray saddexgees ahina misigta midig ee suunka uga qotonto, ayuu Aw Faarax oo tuulada ka sii baxaya ka daba tegay. Wadaadku barbaarka soo dabo xiimaya ee ableyda dheer daabkeedu gacanta ka xoqayo markii uu arkay waxaa gashay dhiillo, ma uu se hakan. Markii uu la sinnaa ayuu ku soo jeestay.

“Faarax, aniga iyo Amran maxaad nagu lee dahay?” “Wax maxay ah?”
“Wax aad nagu lee dahay oo nalaga kaa siiyaa miyay jiraan?” “War nin yahow ku ma aan fahmin ee wax aad adigu iga
tirsanaysaa haddii aanay jirin wax aynu isku leh nahay anigu ma ogi.”
“Sow sidaas ma aha? Haddaba waxaad ogaataa maalin dambe haddii aan hadalhaynta aniga iyo Amran kaa maqlo, ama la iiga kaa sheego, in aan taa laba kuugu ka la goynayo!”

Markii uu sidaas lahaa wuxuu farta ku tilmaamayay daabkii gees biciidka ahaa ee toorrayda, oo sida ay socodka ugu gilgilanayso la moodo in ay lee dahay ”war gacantu ku go’daye, galka iga siib oo meel dux leh i geli!”. Wadaadku isla markaas ayuu baqdin darteed jillab ku turaanturrooday kuna dhowaaday in uu kufo. Aad ayuu u baqay waayo wuu ogaa nacaybka Negeeye ka buuxa, isla markaas in uu noqday gaashaanqaad xoog iyo dhiirranaan labadaba leh.

Aw Faarax baqdintii gashay wax kale iska daaye falkaa cidna ugama dacwoon ee afkiisa ayuu haystay. Maalintaas ka dib wuu ka gaabsaday in uu Negeeye iyo Amran afka soo mariyo.

Amran wax ay miskiin aan wax kale ku qabin qosol been ah kaga muraadsato, ama mid ay dantu uga hiilisay iyada oo aan maya iyo haa toonna haleelin qoorta isugu laabo, iyaduna inta ay gilgili karto gilgisho si ay qadaaddiic uga daadiso; wax ay habaarka Aw Faarax iyo farta iyo carrabka ku godan ee Damalweyn iska dhegoolayso, mar kale ayay mutulkii ganacsi yar ka bilawday. Canjeelo, sabaayad iyo oodkac ayay bilawday in ay samayso oo makhaayadaha u dirto. Caanaha iyo subagga inta ay reer miyiga ka la wareegto ayay sii iibisaa. Waayo’aragnimadii yarayd iyo mutulkii ay duqda ka dhaxashay waa ay u ayday.

Haybe sidii hore uguma jajabna, dan la ma huraan ah in ay ka yeelato mooyee sidii hore deeqsiyad uguma aha. Haddii aan iskay isu noolayn karo qufaciisa ha igala tago, ayay ku fekertay. Ninnimo waxaa ugu filan Negeeye oo beryahan habeen walba jeer uu sidii qof suuxdin qaba dusheeda ku miyir beelo aan hurdo aqoon.

Nolosheeda yar wanaagsanaatay oo keliya ma ahee xidhiidhka iyada iyo Haybe waxaa dhooqeeyay qalalaase kale. Islaantii odayga oo mindi sidata ayaa Amran weerar ugu timid oo iyada dooxi lahayd dirqi lagaga qabtay. Mid kale oo gabdho tuulada ku lahaydna waxay qaadan wayday dhaqanxumada ay Amran Damalweyn keentay, maalin ayayna kab ka la daashay. Labadaas dhacdo waxay qarxiyeen fadeexaddii la daboolayay.

Halkaan hoose ka aqriso qeybaha ku xiga:

 

Aanadii Negeeye – Qeybtii 7aad

Aanadii Negeeye – Qeybtii 8aad

Fikirkaada Waa Muhiim