Aanadii Negeeye – Qeybtii 4aad

Negeeye intii uu yaraa, mar haddii ay isaga iyo Amran isku guri iyo isku nolol ahaayeen, waxay isu arkayeen, loona arkayay, wiil yar iyo walaashii ka weyn. Markii se uu afar iyo toban jirsaday cidina sidii hore u arki mayso. Isaga qudhiisu sidii uu subax xaalad cusub u la soo toosay wiil yar isuma arko iyadana walaashii u ma arko. Xanta dadku weli ma ay iman waa ay se soo xiimaysaa.

Kor waayeel waa wada indho. Dahabo waxaa galay dareen waalid. Habeen ay sheeko habar kale ku soo daahday ayay u soo gashay Negeeye iyo Amran oo farocayaaraya, dabadeed waa ay wada canaanatay. Gaar ahaan Negeeye waxay ku tidhi: “Nin intaas la’eg oo naag aanu qabin hoosta kaga jiraa ceeb wax aan ahayn ii ma soo sido ee caawa ka dib agteeda yaanan kugu arkin.”

Habeenkaas ayay hurdo mutulka uga dhammaatay. Marakaas ka dib in roob soo eryo mooyee sidii neef baadi ah ayuu debedda seexan jiray. Habeennadii ugu horreeyay aad ayuu u cidlooday, sidii ilmo naaska laga daayay ayuuna Amran ugu hiloobay. In kasta oo ay sidaas u ka la gogol noqdeen haddana qunyar qunyar ayuu xidhiidhkoodu u yeeshay weji kale.

Gugii la dayriyay kii xigay habeen isaga oo debedda hurda ayuu roob soo daatay, mutulka ayuuna u cararay. Waa madow oo dabkii yaraa ee mar wax lagu karsan jiray, mar wax lagu ifsan jiray, marna la kulaali jiray dambas baa daboolay. Islaanta oo docda jiifta ayuu ka tallaabsaday, Amran oo u dhawna ka sii tallaabsaday, dabadeed sidii orgi yar oo dhaxamooday qoobad shishe isduubay.

Waa uu daallanaa, hurdo ba’an ayaana haysay, markii se uu maqlay Dahabo oo leh: “Naa inanka ka soo durug”, isla markaas Amran agtiisa xamaaratay, hurdadii iyo daalkii waa ay ka duuleen. Amran awalba waa tii laabta ku gelin jirtaye sidii aad dadqal noqotay maxaa ‘ka soo durug’ loo lee yahay? ayuu iswayddiiyay. Laakiin adiga qudhaada caawa wax baa kaa si ah. Maxaad jidhkeedan uun ugu fekeraysaa ee aad mugdiga aadan ka arkayn maskaxda uga daawanaysaa? Maxay naftaadu dhankeeda ugu hamuumaysaa? Maxaad taako taako xaggeeda ugu durkaysaa?

Wuu iscelceliyay, laakiin awoodi gacan uguma jirto. Siijeed ayay u jiiftaa, laakiin neefneefsigeeda diirran wuu dareemayaa. Lawga ayuu meel debecsan kaga muday. Isma ay dhaqaajin. Gacanta ayuu haddana legga ka saaray. Isma ay dhaqaajin. Wuxuu aad u jeclaystay in uu ilaa laabta gacanta la raaco, ama xaggaas iyo bawdyaha u dego, wuu se ku dhici waayay. Dabadeed iyada ayaa inta ay si lamafilaan ah dhankiisa isu soo rogtay isaga oo weli dib u maagaya gebigiisaba laabta ku qaadatay oo sida jebisada jirjircadka isu la rogtay, oo hugeeda iyo jidhkeeda ka la dhex gelisay.

Roobku si xoog leh ayuu mutulka iyo dhulka u garaacayaa, onkodkuna waa isdabajoog. Sidaas darteed cod dheer mooyee si kale la isuma maqli karo. Habartu intaa roobka ayay hadalhaysaa, Amran ayaana mar mar inta ay dadaal isu geyso dirqi ugu jawaabaysa. Laakiin isagu juuq ma leh. Ayeydii waxay moodaysaa in uu gam’ay. Islaantu awalba waa ay dhego cuslayd, caawana dhibicda ba’an ayaa dhego barjaysay, sidaas darteed galgaladka, neeftuurka iyo reenka labada qof ee ruux dhego nuguli debedda ka maqli lahaa iyadu maqli mayso. Laakiin waa ay feejigan tahay. Wax aan la ka la ilaalin karin ayay ka la ilaali isleh dahay.

“Naa inanka ka soo durug!”
“Ayeeyo isuma dhowin”, ayay Amran iyada oo Negeeye ku duuban cod xiiqsan ku celisay.
Isuma dhowin ku lahayd! Hadda waa ay isku dhex jiraan!
“Kani mid caawa kacaya u ma ega. Alloow khayrkiisa na sii! Ciiddan omoska ahi maxay kan oo kale u baahnayd!” ayay Dahabo cod gariiraya ku tidhi.

Negeeye sow kan iswaayay ama is helay! Sow kan dunida ka baxaya ee mid kale sii gelaya! Sow kan sii maqiiqan ee isa soo qaban kari la! Muxuu la taahayaa? Isaga oo kor u qayliyay ayay Amran degdeg labadeeda gacmood madaxiisa ugu soo qabatay, oo naaskeeda afka u gelisay, oo sidii ilmo caanonuug ah ku aamusiisay. Dabadeed isaga oo hiinraagaya ayuu Amran dusha kaga dhareeriyay.

“Maxaa guuxaya?” ayay tidhi islaantu markii Negeeye qayliyay.
“Waa yarkii oo qarwaya”, ayay Amran dirqi ku tidhi.
“Jinni ku la qarow! Sheyddaankii Diinta Ilaahay ka eryay baa ka dhex qaylinaya.”

Habeenkaa maalintii xigtay oo dhan wuu welwelayay wuuna faraxsanaa. Wax aan xalay iyo Amran ahayn ka ma fekerayo danna ka ma leh. Haddana wuu baqayay. Armaad dhimataa? Amran sow tafodhiig ma aha? Haa, ninkeedii sow darteed u ma dhiman? Mooyi. Xalay maxaa dhacay? Caawa maxaa dhici doona? Roob ma da’ayaa? Haddii uu da’ana? Amran maxay damacday? Inan yar oo Negeeye lagu magacaabi jiray ayaa halkaa ku dhintay, waxaana dhashay nin isla magacaas leh.

Qiimaha ay ayeydii noloshiisa u lahayd wuxuu ogaaday markii ay dhimatay. Waa sannadkii uu shan iyo toban jirsaday. In kasta oo aan Alle mooyee aadami da’deeda aqoon, haddana maalintii ay xijaabatay in aan cimri u laabnayn waa ay muuqatay. Siddeetan ka ma ay yarayn subaxdii iyada oo sidii duq geel ah quluulatay oo indho caddaynaysa gogosha loogu yimid. Negeeye taasi in kasta oo ay naxdin culus ku ahayd haddana sidii Amran ma uu ooyin.

Adduun macno leh mutulka kagamay dhiman, waxayna Amran iyo Negeeye arkeen iyaga oo cidla fadhiya. Xaaladdooda nololeed aad ayay u sii xumaatay, ilaa ay nololmaalmeedda dad kale ka martiyeen.

Dhool beryihii hore waa ay ku dadaashay in ay Negeeye joogto uga warhayso, markii se ay carruur badan yeelatay teedii ayayba ka badin wayday, waqti ka dibna isaraggoodu wuu yaraaday. Laakiin muddadiiba mar ayay iyada oo socdaal dheer oo diif leh soo gashay soo gaadhi jirtay. Markii ay geerida Dahabo maqashay maalmo ka dib ayay u timid. Weli waxay xasuusnayd gurigii uu inankeedu kalhore gubay, aad ayayna ugala talisay in uu aarsado. Waxay ku tidhi: “Laba sababood midna ha u aarsan: Waa mare waa la isdhaarsaday cuqubada dhaartuna waa halis. Waa marka labaade waxaad tahay madi.”

Ku ma ay farxin debeecadda qufulan ee inankeedu yeeshay, iyo sida uu asaaggii uga gooni yahay, iyo sida uu ugu eg yahay dameer yar oo baadi ah. Waxay isku dayday in ay kaxayso si uu iyada iyo reerkeeda u la noolaado mar haddii aan halkan ehel u joogin, laakiin wuu diiday. Nolosha adag ee Damalweyn wuxuu ka sii necbaa ta reer guuraaga iyo ninka hooyadii qaba. Waxay isku dayday in ay calooshiisa baadho, waxayna wayddiisay: “Wax aan kuu awoodo oo aad tabanaysaa ma jiraan?” “Xabaashii aabbahay i soo tus”, ayay noqotay jawaabtiisu.

Waa kaas jabadkii oo laba ama saddex jeer oo kale la degay. Ood gabowday iyo digo duugowday ayaa dirqi ku sii muuqda, duleedkana waxaa ku yaal geedquwaax badan oo weli gurmogo’an ah. Doog u badan cayo, yamaarug, uneexo, tincad, baldhoole iyo noocyo la mid ah ayaa dhulka qariyay. Xeryo abaaday dhexdooda waxaa ka muuqata gawaan marar badan oo ay ciiddu rays ahayd aad loogu tuntay oo dirri ah, taas oo u eg sallax aan dib wax uga soo bixi doonin: waa raaskii uu Negeeye ku dhashay.

Meel boqol tallaabo jirta waxaa ku yaal geed weyn oo yucub ah oo ay ood xoday ah oo baxday ku wareegsan tahay. Oodda waxaa ku dhex taal bar dhulka ka yar kacsan oo ay labada madax laba laamood ka baxeen: waa xabaashii aabbihii. Markii ay dul tageen si qiiro iyo khushuuc leh ayuu cabbaar meesha u eegay dabadeed kow iyo toban qulhuwalle iyo faataxo ku akhriyay. Intaas wuxuu ku dhaamaa Dhool oo aan wax ay akhrido aqoon.

Cisho aan taas wax badan ka dambayn inta uu masaar qaatay ayuu halkii isku sii daayay, oo xabaashii ood cusub ku wareejiyay. Markaas ka dib muddadiiba mar ayuu soo booqan jiray, taas oo uu ka heli jiray degganaan iyo wehel. Waxaa maskaxdiisa aad ugu xoogaystay sawirka aabbihii, wuuna la sheekaystay, la dooday, oo la tashaday. Wuxuu ka helay talooyin aan ka dhicin kuwa uu kuraygu aabbaha nool ka helo.

Halkaas ayuu ku illaawey taladii Dhool ee ahayd in aanu aarsan. Waxaa aad ugu sii xoogaystay nacaybka Goodir. Sheekooyinka iyo maahmaahyada beryahan wuxuu ugu jecel yahay kuwa ku boorriya wax iska celinta, dhiirranaanta iyo aarsiga “Nin aan warankaagu gelin weedhaadu ma gasho”, “Rag i daa kuguma daayo ee aynu isdayno ayuu kugu daayaa”, “Dagaal gondahaaga ayuu ka dhashaa”, “Nin aanay shantaada farood kaa reebin shan wadaad kaa ma reebaan”, kuwaas baa ka mid ahaa halhaysyada uu jeclaa ee fekerkiisa la falgalay.

Aanadii Negeeye – Qeybtii 6aad

Fikirkaada Waa Muhiim