Aanadii Negeeye – Qeybtii 3aad

Berigii Negeeye malcaamadda laga eryay mutulka waxaa ku soo korodhay gabadh ka timid miyi fog oo ay islaanta qaraabo yihiin. Magaceeda waxay ku sheegtay Amran, waxayna ahayd siddeed iyo toban jir Negeeye ka weyn lix sano oo ku dhan.

“Mar haddii aannu ayeydaa qaraabo nahay, adigana waxaynu nahay qaraabo”, ayay Negeeye ku tidhi.
“Laakiin qaraabadu maxay isu yihiin?” ayuu sii wayddiiyay. Cabbaar ayay fekertay, waxayna garan wayday wax ay ku sheegto. Waxaa jirta qaraaboqansax aan waxa la isu    yahay fogaan darteed magac loo aqoon.
“Waa xigto. Labadeennu walaalo ayaynnu isugu yeedhi karraa.” Wuu maqlaa dad aan walaalo ahayn haddana “walaal” isugu yeedha, labadoodana mar haddii ay Dahabo dhex u tahay wuxuu u qaatay in ay wax uun isu yihiin. Sababta ay u timid waxay ku sheegtay caawinta islaanta, laakiin run ahaan sidaas ma ay ahayn oo beri dambe ayuu runta ogaaday.

Amran markii ay timid mutulku si foolxun ayuu isugu daadsanaa, markiibana waxay bilawday in ay ka la habayso. Waxyaalo aan sannado badan la taaban ayay furfurtay oo qaar tuurtay qaarna meel ku habboon dhigtay. Mutulkii xumaa waxay u egaysiisay meel lagu noolaan karo. Islaantu ma ay doonayn waxeeda in laga taabto, waxayna jeclayd wax waliba in ay sidooda u ahaadaan. Marar badan ayay iyada iyo Amran sababtaas isku khilaafeen. Laakiin runtii waa ay ogayd in ay imaatinka Amran u ayday.

Negeeye in kasta oo uu Amran bilawgii ka xishooday aad ayuu markii dambe ugu riyaaqay imaatinkeeda, wuxuuna u arkay qof qurux badan oo dabeecad suubban. Maalin iyada oo beddelanaysa ayay hortiisa dharka oo dhan iskaga siibtay. Wuu khajilay, iyadana wuu xushmaynayay oo ma uu rabin in ay eegmadiisa ka xumaato, haddana markii uu arkay wuu ka jeesan kari waayay oo sii daawaday. Waxay lahayd jidh aad uga qurux badan kii Dahabo ee u ekaa maansocagaley jiilaal. Keedu ma lahayn laablaabkii iyo qaab darradii ka Dahabo oo waxaad moodaysay in malab saafi ah la mariyay. Si gaar ah wuxuu u la sii yaabay labada naas oo aan wax la qurux ah weligii arag. Waxay u ekaayeen laba toobin jidhka, intiisa kalena waa ay ka yar caddaayeen, ibaha se waxaad moodaysay in khad madow laga mariyay.

Iyadu eegmadiisa dan ka ma ay gelin ee markii ay dharkii gashatay ayay inta ay dhabanka ka dhunkatay ku tidhi: “Waxaan ahay walaashaa ee waxba ha iga xishoon.” Gogosha mutulka taallay oo yarayd darteed isaga iyo Amran isku gogol ayay noqdeen, sidii Dahabo ayayna laabta gelin jirtay, gaar ahaan marka ay dhaxani jirto, si ay isu dugsadaan. Isaguna wuu isku sii dhejin jiray ilaa uu laabteeda, caloosheeda, bawdyaheeda iyo jidhkeeda diirran oo dhan wada dareemo. Berigaas hurdada uu seexan jiray macaankeeda mid la mid ah hore u ma uu seexan.

Amran iyada oo aan Damalweyn wax badan joogin ayuu Negeeye ogaaday in la xanto. Marar badan ayuu maqlay hadalhayn iyada ku saabsan, oo arkay carrab iyo il ku godan. Erayga “qumayo” oo iyada loo la jeedo ayaa dhawr jeer dhegihiisa ku soo dhacay, laakiin waxba ka ma uu fahmin aan ahayn in aan la jeclayn. In ay tahay shisheeye aan degaanka u dhalan oo keliya ayuu sababta ku maleeyay.

Amran markii ay yarayd hooyadeed dadka waxay u sheegi jirtay gabadheedu in ay garabsalaax lee dahay; in la weheliyo oo ay amran tahay. Waa sababta ay ugu bixisay “Amran”. Waxay ku dhaaratay intii ay uurka ku sidday in ay hurdo iyo soojeedba ku aragtay ammuuro badan oo yaab leh, oo ay ka mid ahaayeen iyada oo saddex habeen oo isku xiga ku riyootay gabadheeda oo meel foox ka qiiqayo dad ku xeeran kitaab u meerinaysa, iyo iyada oo agteeda xer badani ka xadraynayso. Wanaagga ay gabadheeda ugu riyootay marka ay sheegtoba haweenka kale waxay ku jikaari jireen riyadu in ay sida loo arkay beddelkeeda noqoto.

Amran waxay hooyadeed koolkoolisaba, waxay noqotay qalanjo aanay gayigeeda ku badnayn gabadh qurux isla barbar taagi kartaa. Dabadeed markii ay toddoba iyo toban jirsatay ayuu doob afar oday wataa u soo ardaa fadhiistay. Jiilaal ayay ahayde gugii xigayba aroos baa loo qotomiyay. Habeenkii labaad ee arooska ayay dhacday mashaqo laga argaggaxay. Waxaa aroortii gogosha loogu yimid ninkii oo mayd ah. “Waa tafkudhiig! Tii dhashay markii ay qof amran ku sheegaysay qumaynimada ay ku ogayd ayay ugu ceeb qarinaysay”, ayaa kor iyo hoosba loo yidhi.

Run iyo been mid ay ahaydba hore waxaa u jirtay xan sheegaysa Amran in ay arbaca-bil-u-dambays dhalatay. Aayar aayar ayay dabadeed beesha ugu dhex fidday in ay tahay qumayo tafodhiig ah, ilaa ay cuqdad qaadday oo guur dambe iska daa ee gayigii ku noolaan kari wayday. Sababtaas ayay Damalweyn ugu soo qaxday. Laakiin iyada oo wax yar joogtay ayay ogaatay xantii in ay Damalweyn soo gaadhay, lagana haysto isla aragtidii ay ka soo qaxday. Ma ay se aqoon meel kale oo ay u sii qaxdo.

Iyada oo malaysay Negeeye in uu arrinta maqlay ayay maalin ay tuulada debeddeeda xaabo ka dooneen sidii ay wax ahaayeen uga sheekaysay. Waxayna ugu dartay dhulkeedii in ay neceb tahay oo aanay weligeed ku noqon doonin. Markii ay hadalka dhammaysay, isaga oo aanay u ka la caddayn iyada iyo dadka xamanaya midkooda sax ah, ayuu sababta ninkeedu u dhintay sii wayddiiyay. Inta ay yar fekertay ayay haddana illin ka soo daadatay iska masaxday, dabadeed ku jawaabtay:

“Ilaahay baa dilay. Ilaaha aabbahaa dilay ayaa isagana dilay.” “Aabbahay waxaa dilay Goodir”, ayuu yidhi. “Goodir? Ma ka tuulada yimaadda?”
“Haa.”
“Oo muxuu u dilay?”
“Kibir.”
“Sidee buu u dilay?”
“Gaaddada ayuu xabbad kaga dhuftay.”
“Oo ma loo aaray?”
“Cidina u ma ay aarin.”
“Haddaa mag ma ka bixiyay?”
“Tuldo lumay”, ayuu yidhi, kaas oo ahaa hadal uu Dhool iyo Dahabo ka maqlay.

Cabbaar ayay Amran aamusnayd oo naxsanayd ama yaabbanayd, isaguna geedquwaax curdan ah ayuu ul la dhacayay ilaa uu dhulka la simay. Markii uu dhashay in uu aabbihii dhintay hore ayay u maqashay, laakiin sababta ma ay maqal. Awal agoonnimada ayay ugu naxriisan jirtay, wax ay se maalintaa ka dib u aragtay qof sideeda u ayaandaran, waxaana u bilawday isfaham iyo saaxiibnimo cusub. Isagu maalintaas wuxuu eray eray u xasuustay sheekadii dilka aabbihii ee ay Dhool iyo Dahabo u sheegeen. Waxay ahayd markii ugu horraysay ee uu si dhab ah uga fekeray.

Maalintaa markii ay isaga iyo Amran xaabadii keeneen wuxuu tegay makhaayad Goodir fadhiyay. Inta uu meel yar dhinac ah isa soo taagay ayuu ninkaa kor iyo kal aad ugu fiirsaday. Goodir wuu arkay kurayga timaha rifrifka leh, ee qaydka duugga ah iyo shaadhka calalka ah ee badhammadu ka la jaadka yihiin gashan, ee sida nacaybka leh indhaha ugu soo gubaya. Markii uu gartayna wuu ka naxay, sheekadii u socotay ayuu se iskaga mashquuliyay. Markii labaad ee uu meeshii eegayna yarkii ma joogin.

Galab kale oo aan maalintaas ka fogayn, Goodir oo tuulada ka sii carraabaya ayaa soo ag maray ardaydii malcaamadda oo uu Negeeye ku jiro oo xaabo guranaya. Markii uu yar dhaafay ayuu Negeeye qori xaabo ah ku fiiqay isaga oo iska dhigaya in uu xabbad ku shiishayo. Dabadeed yar kale ayaa si kaftan ah ugu qayliyay: “Adeer, wuu ku tooganayaa!” Goodir markii uu degdeg u soo jeestay eegmadiisu wax ay ku dhacday kurtunka uu yarku sida xabbadda ugu soo liishaamayo. Dabadeed carruurtii kale qosol ayay u daateen.

Dhacdooyin dhawr ah oo ay labadaasi ka mid ahaayeen waxay Goodir u xaqiijiyeen mustaqbalku in uu cadow u yahay, wuxuuna ku dadaalay in uu iska ilaaliyo si kasta iyo meel kasta oo ay isaga iyo Negeeye ku kulmi karaan. Negeeye badanaa makhaayadaha ayuu hadba tii looga baahdo ka shaqaysan jiray, sidaas darteed Goodir wuu hubsan jiray maqaayadda uu maalintaas fadhiisanayo in aan Negeeye ka shaqaynayn. Maalin ayuu se qaldamay oo shaah ka dalbaday mid uu ka shaqaynayay. Ninkii makhaayadda lahaa markii uu shaahii shubay ayuu ku yidhi: “Goodir u gee!” Yarkuna wuxuu ninkii ku huruufay: “Orod adiguba u gee!”

Makhaayadlihii wuu la yaabay hadalka Negeeye oo ahaa mid aan kuray shaqeeya looga baran. Laakiin intii aan hadal ka soo bixin ayay xasuusta maskaxdiisu toostay, shaahii ayuuna Goodir u la cararay.

Hooyadii Dhool iyo ayeydii Dahabo, oo ahaa labada qof ee keliya ee dilka aabbihii uga warramay, labaduba waxay ku boorriyeen in aanu taa marnaba cid la soo qaadin. Ballantaas wuu fuliyay marka laga reebo Amran oo ay aad isugu kalsoonaayeen iyo Diiriye oo isagu u bilaabay. Laakiin qof reer damalweyn ah oo aan taariikhdaas ka dheregsanayni ma jiro. Dhool iyo Dahabo qudhooda ujeeddadu ka ma ay ahayn in ay sir qarsoon qariyaan, ee waxay diiddanaayeen inta uu yar yahay in uu ku kufo xaalad aanu maamuli karin oo garaadkiisa ka weyn.

Markii Negeeye malcaamadda laga er ayay Diiriye isagu wuu sii waday, laakiin weli saaxiib ayay ahaayeen, xilliga firaaqadana waa ay israaci jireen. Waxay tuulada ka noqdeen laba gangistar oo eryashada foodleyda, baadista ciyaalka iyo xatooyada isu kaashada. Damalweyn waa tuulo yar oo la iswada yaqaan, sidaas darteed Diiriye iyo Negeeye waxay ku caan baxeen “labada tuug”, wax kasta oo la xadana cidda ugu horraysa ee lagu tuhmi jiray waxay ahayd iyaga. Tuugada oo keliya ma aha ee shar walba waa ay isu kaashadeen.

Maalin gu ah ayay Negeeye iyo Diiriye tuulada tamashle kaga wada baxeen. Qorraxda oo kulul ayay kaynta caleenta leh soo galeen, sidii laba biciid oo dhal ah ayayna dhirta iyo doogga dhex xuleen. Rayska nadiifta ah meesha ay maraan waxay kaga tegayaan raad la moodo in aanu abidkii baa’bi doonin. Negeeye waa caato dhuuban oo godan, waxaana ku soo jira dherer ay da yaraanta iyo darxumadu hoos u riixayaan. Diiriye laf iyo hilibba Negeeye wuu dhaamaa, wuu se ka yar gaaban yahay, wuxuuna lee yahay dalbo waaweyn oo marka uu soconayo laga baqo in uu xaglaha ka jabo.

Kayntii ayay ku sii socdeen. Iyaga oo ciidan korjooge ah u eg ayay arkeen aqal jees ah, Negeeye ayaana saaxiibkii wayddiiyay:
“Ma garanaysaa aqalkaa?”
“Maya.”
“Waa gurigii Goodir.”
“Sidee baad ku garatay?”
“Aniga ayaa ku tusaya ee ina keen”, ayuu ku jawaabay oo ay xaggii aqalka aadeen.

Negeeye markiiba calooshiisa waxaa gubay nacayb iyo ciil hore uga buuxay. Aqalkii inta ay is’hor taageen ayay bariidiyeen, cidla ayuu se ahaa. Dabadeed Negeeye ayaa galay, kii kalena wuu ka daba galay. Biyo ayay ka cabbeen, ka dib alaabtii dhex taallay eegeegeen, dhar ay Goodir ku arki jireen ayayna isu tilmaameen.

Diiriye wuu og yahay Goodir in uu yahay ninka Negeeye aabbihii dilay, qoyskooda ayuu ka maqlay, waxaa se looga digay marnaba in uu Negeeye ka la hadlo. Laakiin si ay ku bilaabatayba marar badan ayay labadoodu arrinta ka wada hadleen. Maalintaas ayuu se ogaaday nacaybka daran ee ku jira.
Negeeye oo wejigu beddelan yahay ayaa Diiriye ku la xanshashaqay:
“Ma garanaysaa waxa aan samaynayo?” “Haye?”
“Adigu i eeg uun afkaagana hayso. Haddii xiniin lagaa sarayo juuq yaan lagaa maqlin.”
“Oo maxaad samaynaysaa?” “Usuus! Aamus adigu oo i eeg uun.”

Negeeye wuxuu u orday ardaaga geela oo aqalka afartan mitir u jira halkaas oo dabkii saaku weli ka sii nool yahay. Xantoobo caws ah inta uu dabkii ku qabtay ayuu ololkii dhankii aqalka u la soo cararay oo saddex meelood yacayga kaga dhejiyay. “Negeeye, maxaad samaynaysaa?! Miyaad waalatay?!” ayuu Diiriye haleelay, dabadeed arkay aqalkii oo markiiba olol iyo qiiq isla kacay. Orod ayay cagaha wax ka dayeen.

Isma ay taagin mana ay wada hadlin jeer ay gurigii gubanayay ka fogaadeen. Geed dheer oo lebi ah ayay fuuleen, waxayna daawadeen olol iyo qiiq cirka qabsaday. Negeeye iyo Diiriye in kasta oo ay isku dayeen falkaas in ay dafiraan ma ahayn wax ay dafiri karaan. Waxaa la helay caddaymo aan laba ku murmin oo raadkooda kabaha la ee rayska maray ka sii badan.

Arrintaas aad ayaa looga naxay. Khasaare aan laga soo kaban karin ma uu ahayn aqal reer miyi oo aan awalba wax qiimo badani dhex oollin. Waxaa se xasaasi loo arkayay sabab kasta oo Negeeye iyo Goodir isu keeni karta. Waxaa la wada qiray musiibadii afar iyo toban sano hortood la aasay in ay weli nooshahay oo ay dhar Negeeye lagu magacaabo soo gashatay.

Aanadii Negeeye – Qeybtii 5aad

Fikirkaada Waa Muhiim