Aanadii Negeeye – Qeybtii 2aad

Carruurta uu Aw Faarax wax baro waalidka dhalay aroortii ay u keeneen ayay ku la heshiiyeen inta uu gacanta ku hayo in uu hilibkooda lee yahay iyagana lafaha u reebo. Jimce walba waxay soo guraan ulihii toddobaadkaas lala dhici lahaa. Ka xujooba inta indhaha laga duubo ayaa jidhkiisa dhaylada ah oo qaawan dhenged lagu jejebiyaa, ama ilmaha kale lagu amraa in ay qandhuufo ku googoostaan, taas oo ah ciqaab loo yaqaan washamsi.

Ka casharka ka bixi kari waaya intaas waxaa loogu daraa in oonta laga soomiyo. Waxaa la rumaysan yahay in sidaas diinta lagu baran og yahay. Malag Jibriil markii uu Nebiga waxyiga u keenay waa kii sida ba’an u gilgilay, ayaa daliil laga dhigtaa.

Arbaca walba fiidka waxaa la isu qaybiyaa saddex kooxood oo ay midiba Qur’aanka meelo isu dhow ka marayso, dabadeed subcis loo yuurursadaa. Negeeye iyo Diiriye isku koox ayay noqdeen waana ay isdhinac fadhiisan jireen si marba ka aayad ama eray ku hakada ka kale hoos ugu sheego. Haddii uu macallinku taa maqlo ka wax sheegay iyo ka loo sheegay waa isku denbi, waxaana ku hoorta usha kulul ee saddexda kooxood marba mid dul hoganaysa.

Aw Faarax isaga oo carruurta sidaas ugu gacan kulul, isla markaas qalqaallinnimada Negeeye la socda, haddana laba arrimoodba intaa xasuusta wuu ku hayay: Negeeye in uu agoon yahay iyo isaga, Aw Faarax ahaan, in ay Goodir ilmo adeer yihiin, ninka Negeeye aabbihii gacantiisa loo tirinayo. Yarka qudhiisu isaga oo sidaas u yar ayay dadka Damalweyn ku nooli u ka la soocnaayeen, qof walbana inta ay isu jiraan iyo sida ay isu xigaan ama aanay isu xigin wuu bartay. Taas darteed Aw Faarax iyo Goodir in ay ilmo adeer yihiin wuu og yahay. Arrimahaas oo dhan dartood malcaamadda iyo macallinka aad ayuu u necbaa, wuu se u dulqaadan jiray jeer la gaadhay subaxdii dulqaadku dhammaaday.

Waa sabti, macallin Qur’aankuna sidiisaba sabtida wuu sii arxan daran yahay, oo waa sababta beri fog loogu bixiyay “sabti serged qooqan”. Ardaydu iyaga oo oogta ku xeeran ayay akhriska ku qaylinayaan. Macallin Faarax oo salaaddii subax soo tukaday waa kan. Sidiisii ayuu ul baas dabada haystaa oo la haliilayaa.

Markiiba carruurtii ayuu garaacid ku bilaabay, si uu sheyddaanka iyo hurdada uga kiciyo. Negeeye xalay qadoodi buu ku seexday, saakana iyada oo aan canjeeladii weli loo dab shidin ayuu ka soo jarmaaday, sidaas darteed cod gaaban ayuu casharka ku akhriyayaa. Markii ay ushii ugu horraysay ku dhacday ayuu fadhigii ka booday, oo inta uu dib u baxay macallinkii loox u baaciyay.

“Car ul dambe igu dhufo, cadow yahow cadowgu dhalay!” Macallinku isaga oo la yaabban waxa saaka yarka qaaday ayuu gacantii uu looxa ku baacinayay dhenged kulul kaga jiiday isaga oo leh: “Waar fadhiiso, malcuun yahow dhegaha xumi!”

Intaas waxaa xigay looxii labada kiilo ahaa jirjirkiisa oo wadaadkii maskaxda ka cuskaday. Dhawr tallaabo oo dalanbaabi ah ayuu iska dabo wareegay, dabadeed sidii awr jabay isbarkaday. Markii ay carruurta kale ku soo urureen waxay la kulmeen madax ka la jeexan oo dhiigu dhan walba uga burqanayo iyo taah dheer oo la moodo libaax uu waran sambabka wareemay. Dhaawaca Aw Faarax gaadhay wuu xumaa, muddo ayuuna dhinaca dhulka ku hayay oo ardaydii la ka la diray.

Taasi carruurta wax ay u ahayd farxad aan qiyaas lahayn waayo waa ay nasteen, laakiin dadka waaweyn waxay ku ahayd qaadanwaa. “Waa duni aakhir samaan! Xaggee sheeko iyo shaahid lagu maqlay laguna arkay qof macallinkii diinta u dhigayay dhiiggiisa daadiya!”, ayaa lagu celceliyay.

Negeeye waxaa lagu tilmaamay sheyddaan muuq insi leh iyo qof habaar qaba, waxaana loo jeediyay hiif iyo haaraan. Maalintaas ka dib “Habaarqabe” ayaa naanays u noqotay. “Waar orda agoonka iskaga taga. Haddii uu nin loox la dhacay imisaa nin xabbad lala dhacay”, ayuu maalin ugu hiiliyay odayga dillaalka ah ee Diiriye dhalay oo ay reer ahaan Negeeye isxigaan. Negeeye taa abaal badan ayuu ugu hayaa. Odayga se dadku wax ay kor iyo hoosba ugu sheegeen hadalkaasi in uu ahaa waabay Negeeye wadnaha kaga dhici karta. Balaayadu waa ay huruddaaye nacdali ha korto ka toosiya.

Macallinku waxii uu qoon u yeeshay dadka ay Negeeye magta leh yihiin ayaa laga ururiyay. Markii uu ladnaaday ee shaqadii dib ugu soo noqday waa uu ka dhaartay in uu Negeeye Qur’aan dambe baro. Dahabo oo tukubaysa ayaa subax u tagtay si ay Negeeye uga maslaxdo, wuxuuna ugu jawaabay: “Dahabo, Qur’aanku waa qawlkii Eebbe, qofkanina waa sheyddaan. Markaas miyaynnu sheyddaan diinta ku khasaaraynaa?” Dahabo waxay islahayd waa adigan aakhiro u socda ee aad isaga diinta bartid oo ajarkiisa jiscin ka sii dhigatid, sidaas darteed maalintii oo dhan waa ay barooranaysay.

Wadaadku isaga oo ka faa’iidaysanaya awoodda iyo saamaynta xoogga leh ee uu caqliga bulshada ku lee yahay, ayuu ku dhaartay Negeeye in uu ku arkay sifooyinkii ahlu naarnimada oo dhan. Isaga oo aamusan sida uu eegmada wax ugu gubo, nabarka lagu dhufto sida aanu uga damqan, sida uu Qur’aanka iyo malcaamadda u neceb yahay, waxaas oo dhan Aw Faarax wuxuu ku sheegay sifooyin sheydaan. Dadkuna iyaga oo taa rumaystay ayuu qofka uu ka soo hor baxaaba sheyddaanka iska naaraa, Ilaahayna ka tuugaa ubadkiisa in aanu isaga oo kale ka dhigin.

Duqdu, sida dadka kale oo dhan, wadaadka aad ayay uga dambayn jirtay, muddadiibana mar ayay mutulka raashin ugu samayn jirtay. Habeen habeennada ka mid ah markii uu hilib ay halkaa ku siisay afka ka qaaday ayay ku tidhi: “Sheekh, kan dhegaha waaweyn baan islahaa diinta bar bal in uu godka kuugu soo xuso, isagiina waa kaas sheyddaan duufsaday ee bal in Alle soo hanuuniyo iigu ducee.” Wadaadku beryahan Negeeye magaciisa afka ma soo mariyo oo marka uu tilmaamayo wuxuu ku magacaabaa ”Habaarqabe”.
Meeshii nabarku kaga dhacay inta uu gacanta ku salsalaaxay madaxana ruxay ayuu yidhi:

“Qaddaran maqduuran! Xagga Rabbi ayay ka ahaatay. In kaa loo duceeyaa waxay la mid tahay in ibliis loo duceeyo.” Markii ay sidaas u wada hadlayeen Negeeye in uu hurdo ayay moodayeen, wuu se maqlayay. Aad ayuu habeenkaas uga fekeray dhab ahaan in uu shaydaan yahay iyo sababta uu Ilaahay uga dhigay.

Wuu baqay, wuxuuna u cadhooday Faarax oo uu mooday in uu isagu Ilaahay ku diray. Wuxuu kale oo ka fekeray Ilaahay sida uu u arko Goodir. Mar haddii uu Negeeye riyadeedii ku ballan furay iyaduna maalintaas ka dib wax badan ayay ka dhintay daryeelkii ay siin jirtay. Marka ay u xanaaqdaba inta ay gacan culus oo gabowday ku dhirbaaxdo ayay ku hiiftaa: “Habaar qabayahow, iiga bax gurigayga!” Dabadeed wuxuu galay nolol iskorisnimo ah.

Awalba wuxuu ahaa qof dhib badan, laakiin haddii wax la yeelo waxaa la maqli jiray qof yidhaahda “waar agoonka daaya”, laakiin laga bilaabo maalintii uu macallinka looxa ku dhuftay cidina u ma naxdo, cidina u ma naxariisato, cidina u ma hiiliso. Qofkii ka tabar rooniba marka uu doono dhirbaaxo kulul ayuu kaga soo gooyaa ama dhenged ayuu ku jiidaa, isaguna ma ooyo. Wuxuu u eg yahay dadkuna moodaan wax aan damqan. Laakiin runtii aad ayuu u damqan jiray, ilkaha ayuu se isgelin jiray, waxii la yeelana mar caloosha ayuu ku guntan jiray marna ciyaalka uu ka adag yahay ayuu ka gooyn jiray.

Nacaybka dadka iyo hiifkooda joogtada ah ha ka xanuunsado, laakiin Negeeye markii malcaamadda laga eryay isagu wuxuu dareemay farxad badan. Haddii ay dadka waaweyni ku tilmaameen “Habaarqabe” carruurtu waxay u arkeen halyeey, waxayna ku wada riyoodeen in ay sidiisa Macallin Faarax loox madaxa ka la dhacaan, si malcaamadda looga eryo. Markaa ka dib wuxuu helay xorriyad badan oo uu jeclaystay. Wuxuu bilaabay shaqooyinka yaryar ee tuulada hadba ta uu fursad ka helo, sida xaabo gurid, biyo dhaamin iyo xammaal. Isaga oo tunkiisa iyo tagoogtiisa aan weli gaammurin adeegsanaya ayuu bilaabay in uu baabuurta aan badnayn ee tuulada timaadda rarka ka rogo ama ku raro.

Ha ahaato ee ma ahayn xoogsi joogto ah, waxa uga soo baxaana uguma fillayn nolol maalmeed iyo arradbeel. Taas darteed ma uu huri jirin in uu ayeydii Dahabo gacanta hoos dhigto. Habarta qudheedu imika waa cad wayna indho darraysay, wax macno lehna ma haysato, laakiin guri ayeyo guntin laga ma waayo.

Aanadii Negeeye – Qeybtii 4aad

Fikirkaada Waa Muhiim