Aanadii Negeeye – Qeybtii 1aad

Duqayda beelaha ka dib awoodda ugu weyn waxaa lahaa Aw Faarax dhammaan shaqooyinka diinta keli ku ahaa: imaam, macallin, mufti, wacdi, meher iyo furriin, dhaxal, fasirka riyada, abaabulka siyaarada, qorista qardhaasta, tufidda tahliisha iyo oddoroska qiyaamaha. Haa, xataa oddoroska qiyaamaha. Wadaadku wuxuu ahaa codkar marka uu furo baabka cadaabta iyo ciqaabta Rabbi awood u leh in uu cabsi iyo argaggax dadka gilgilo. Sidaas si la mid ahna farxad wada ruxa marka uu dhex galo baabka jannada iyo togagga bishaarada.

Labadaa daaqadood ee uu dadka aakhiro ka tuso hadba ta uu furayo waxaa u sabab ahayd dantiisa maalintaas. Tusaale ahaan haddii ay dadku ka jeestaan allabariga iyo siyaarada awliyada, taas oo uu isagu lufluf badan ku qabay, wuxuu xasuusin jiray dunida in waqtigeedii dhammaaday oo shiigii la galay, oo sidii derin laga toosay dhakhso loo duubi doono.

In kasta oo ay taasi marar badan beenawday haddana mar kasta oo ay dadku maqlaan baqdin cusub ayaa ku bilaaban jirtay, xoolaha ayayna birta ku boobi jireen, dheryo waaweyna dabka ku la yaaci jireen. Aqal walba waxaa ka bixi jiray qiiq udgoon ducada Aw Faarax ayaana la ka la boobi jiray. Isaguna waa sidii uu rabaye maalmahaas caloosha iyo jeebabka ayuu buuxsan jiray.

Maxaa looga baqi waayay oo loo qaddarin waayay ma cid aan isaga ahayn baa ammuuraha Ilaahay ee dahsoon ka war keeni karta? Ma cid aan isaga ahayn baa warbixin sidaas u tifotiran ka sheegi karta dhulal badaha ka shisheeya, meelo cirka ka sarreeya ama dhusunka ka hooseeya iyo dhacdooyin xasuusta iyo waaya’aragnimada daka ka baxsan? Ma cid aan isaga ahayn oo reer damalweyn ah baa boqol afar iyo tobanka Qur’aanka iyo axaaddiis badan dusha ka haysa, iyo weliba mowliidka?

Miyayba jirtaa cid aan isaga ahayn oo inta ay kitaab ka la furto farta madmadow ee ku qoran wax ka macnayn kartaa? Ma waxaan yaab lahayn nin soddon arday oo midba Qur’aanka meel ka marayo isku mar dusha uga yeedhinaya, isaga oo aan aayad keliya mid kale ku qaldin? Waa ninka ay toban arday isku mar casharka uga baxayaan, ee ka xaraf keliya higgaad ka qalda dhegta soo qabanaya.

Aw Faarax sidaas ha loo sharfo, ha looga dambeeyo, awooddaas badanna ha lahaado, waxaa se jiray golayaal aanu foodda soo gelin. Gaar ahaan haddii arrin dagaal laga hadlayo, ama laba nin iyo laba reer loo garnaqayo, isaga iyo dumarku waa ay u sinnaayeen. Haddii maqan yahay la ma tebo haddii uu joogana la ma tiriyo. Cidina u ma diiddo ee isaga ayay dantiisa lid ku tahay. Xoolaha xerada ugu jira neefba reer ayuu ka soo xidhay, hu iyo hooy waxa uu hanti lee yahayna shayba qof ayuu ka helay, sidaas darteed dhexdhexaadnimada in uu ilaaliyaa waa ku waajib.

In kasta oo marka uu dadka waaweyn la dhaqmayo xushmad badnaa, marka uu malcaamadda joogo wuxuu ahaa qof kale, had iyo jeerna waxaa la arki jiray isaga oo ul dheer carruurta ku la dhex jira. Carruurtu sinaba u ma ay jeclayn oo naxariis la’aan darteed waxay u bixiyeen “Xayle Selaase”.

Malcaamaddu waxay ahayd cariish ka dhisan tiirar iyo caws. Albaabka waxaa labada dhinac kaga meegaarnaa ardaa ka samaysan laamo geedquwaax dhulka lagu taagay oo inta ay baxeen dhir noqday caws iyo duurna lagu dugsiyay. Ardaagaas ayaa aroorta iyo fiidka oog laga shidi jiray ardayduna hareeraha ka fadhiisan jireen. Halkaas ayay Qur’aanka kor ugu qaylin jireen si Carshiga looga maqlo.

Tirada ardaydu waxay ku xidhnaan jirtay hadba xaaladda nololeed ee degaanka iyo beesha deggani inta ay la’eg tahay. Haddii ay roob la’aani degaanka ka dhacdo, oo ay beeshu dhul kale u naqraacdo, carruurtu iyaduna cidahooda ayay raaci jirtay.

Malcaamaddaas ayaa Negeeye lagu daray. In kasta oo uu bilawgii xiiseeyay markiiba wuu ka daalay, gaar ahaan wuxuu necbaystay usha ma naxdada ah ee macallinka.

Aw Faarax walow uu sidiisaba ardayda u arxan darraa, ushiisa kululi waxay Negeeye uga dul dhaqaaqi wayday yarku wuu gurranaa. Haddii uu qalinka gurta ku qabsado inta uu ul xanuun badan ku jiido ayuu ku canaantaa: “Midigtu ku go’day ee diinta midigta ku qor!” Dahabo qudheedu haddii ay aragto isaga oo gurta wax ku cunaya ama ku qabsanaya sidaa si la mid ah ayay u canaanan jirtay. Dabcigaa uu ku dhashay in uu beddelaa u ma fududayn, sababtaas ayay dhengedda macallinku joogtu ugu ahayd.

Gureynimadu in ay tahay dhalan aan dhib ku jirin la ma garawsana, ee mar haddii uu Nebigu midigta u dardaarmay waxa bidixda loo adeegsadaa waa shar, sheydaanka oo keliya ayaana bidixda ku shaqaysta. Sidaas ayuu Negeeye gacantiisa bidix u la colloobay oo cuqdad uga qaaday. Marka uu arko isaga oo ogaan la’aan wax ugu qabsanaya inta uu naxo ayuu degdeg u beddeli jiray.

Bilawgii waxaa ku adkaatay ka la garashada labadiisa gacmood, baqdin joogto ah ayaana ku dhalan jirtay mar kasta oo uu meel macallinka iyo Dahabo ka arkayaan wax ku qabsanayo. Waxaa secaawisay oo uu ku calaamadsaday bar uu faryarada bidix ku lahaa, taas oo uu u la baxay “barta sheyddaanka”. Gacanta uu wax ku qabsanayo horta wuxuu ka eegi jiray in ay tahay tii lahayd “barta sheyddaanka” iyo in kale. Qunyar qunyar ayuu dabadeed u caadaystay in ay midigtu noqoto ta uu sida tooska ah u adeegsado. Ha ahaatee nacaybkii uu berigaa bidixda u qaaday weligii ka ma uu bixin.

Dugsiga sidaas ah sinaba u ma uu jeclayn. Mar haddii se ay carruurta kale oo dhamiba dhigtaan ka ma fekeri jirin wax aan ahayn in uu marba jus dhammeeyo, si ay Dahabo xaflad yar oo timmir, bun, salool iyo nacnac ka kooban ugu samayso. Sidaas ayuu laba sano looxa u sitay, ulaha kulkulul ee macallinka iyo aayadaha adadag ee Qur’aankana ugu dul qaadanayay.

Ardayga jus dhammeeya macallinku wax uu ka qaadan jiray sabeen ama qiimo u dhigma, ka Qur’aanka khatimana qaalin geel ah ama qiimo u dhigma. Ha yeeshee labada jus ee uu Negeeye dhammeeyay midna habartu wax muuqda ka ma ay siin. Maba ay haysan. Aw Faarax qudhiisu mar haddii uu xaalka habarta ogaa wuxuu iska iimaansaday martiqaad cunto ah iyo sarrif yar oo ay Dahabo dulaca ka soo furtay.

Waxii uu maanta waayo in uu maalin kale helayo ayuu ku niyadsan yahay. Dadka uu Qur’aanka baro inta ay ifka ku wada nool yihiin abaal ayuu ka maali doonaa, waxii uu ka waayaana waa dhito aakhiro u taal.

Waa dabiici koox kasta oo carruur ah muddana meel wada joogta in uu loollan ka dhex dillaaco, dabadeed qunyar qunyar loogu ka la miirmo in la muquuniyay iyo in wax muquunisa. Kooxda wax muquunisa qudheeda ayaa isa sii ka la reebta ilaa uu ka soo baxo mid aan laga daba hadlin. Khasab ma aha kaasi in uu yahay ka ugu da weyn ama ugu xoog badan. Mana noqdo ka ugu debecsan ee ugu nabad jecel. Badanaa waa mid shar badan oo aan baqin fadqalalladana ka wahsan.

Negeeye markii uu malcaamadda isaga oo sagaal jir ah bilaabay ardayda inta ka yaryar iyo inta ka waaweyni qiyaastii waa ay isla’ekaayeen. Laakiin mid ka yar iyo mid ka weyn, mid uu isagu daandansado iyo mid isaga soo doonta, mid uu isagu dakhro iyo mid isaga dila, bilawgii intooda badan waa ay isfarosaareen.

Noloshii geeljirnimada ee adkayd iyo tan malcaamaddu waxay u yeeleen dabci qallafsan oo dirir u joog ah, wuxuuna noqday qof aan nixin oo damqan. Gugii u kordhaba wuxuu sii noqday macangeg qalqaalli ah, ilaa ay carruurta kale, xataa kuwa isaga ka waaweyni, eray ku soo celin kari waayeen. Dhammaan dhinac ayay ka wada noqdeen. Si ay sharkiisa uga nabadgalaan ayay wanaaggiisa wada gooyeen.

Gaarka laga wada dhigay iyo gooniyayntu sida la fili karo Negeeye ku ma ay abuurin kelinnimo ee isaga waxaa uga muhiimsanayd in ay carruurta kale ka baqayeen oo aan midkoodna ku soo dhici karin. Taas ayaa u suurto gelisay in uu malcaamadda iyo macallinka uu aad necbaa u dulqaato. Saaxiibka keliya ee uu yeeshay wuxuu noqday Diiriye, yar dalbo leh oo ay isku da ahaayeen, kaas oo uu dhalay dillaalka Damalweyn.

Diiriye oo lagu naanayso Dalab Negeeye wuu ka dabeecad furraa, qudhiisana bilawgii marar badan ayay isdileen. Laakiin dagaalkoodii ugu dambeeyay waa kii ay ku saaxiibeen. Maalin ayay tuulada debeddeeda dhulka ka heleen shilin lacag ah. Run ahaantii Diiriye ayaa hor arkay lana booday. Laakiin Negeeye damac badni darteed ayuu lacagtii isjeclaysiiyay, wuxuuna ku dooday in uu isagu hor arkay. Waa ay isdileen oo ilaa gabbaldhacii marba mid la legdayay. Meeshu waxay ahayd bannaan ciid ah, sidaas awgeed midkoodna ma haleelin gacanqabsi, wax weyna isma ay yeelin.

Negeeye sheegashadii gardarrada ahayd waddo cad baa laga mariyay, wuxuuna ku dhaartay in uu maalin kale aarsan doono. Waxa ay se ahayd dhaar taagwaa. Goor dambe iyaga oo wada socda, aan cabbaar wada hadlin, ayuu Diiriye si lamafilaan ah shilinkii Negeeye ugu soo taagay oo ku yidhi: “Aniga ayaa helay, laakiin hoo iska qaado.” Negeeye lacagtii wuu qaatay, wuxuuna ku abaalguday in uu la qaybsado.

Diiriye runtii Negeeye lacagta u ma uu siin in uu ka baqayay, waayo haba ka rabshad badnaadee ka ma uu adkayn. Waa ay isugu baxday oo wuxuu rabay in uu ka dhigto saaxiib uu ciyaalka kale iska celintooda u kaashado. Negeeye qudhiisu mar haddii aanu asxaab kale lahayn wuu dareemayay in uu saaxiibtinimada Diiriye u baahan yahay. Dhanka kalena dabeecadda Diiriye ayaa ahayd in uu wax lamafilaan ah sameeyo.

Ma jecla gacan ka hadalka, wax walbana dhakhso ayuu u illaawaa, awood aan caadi ahayn ayuuna u lee yahay xaalad kasta oo taagan in uu mid kale u rogo. Dhakhso ayuu isu beddelaa, oo haddii ay qof kale wax isku khilaafaan waa ay fududdahay in uu abuuro arrin tii hore meesha ka saarta. Sidaas darteed waa ay adag tahay in ay cid isku dhacaan. Debecsanaantaas Diiriye ayaa ah sababta ugu weyn ee isfahamkooda, iyada ayaana burburisay macangagnimadii Negeeye.

Diiriye isaga oo toddoba jir ah ayaa la guday, waana arrin muhiim u ah marka ay isaga iyo Negeeye oo aan gudnayni isqabtaan.

”Maxaan buuryoqab ka la hadlaa!” ayuu ku xifaaleeyaa. Negeeye wax kasta iyo si kasta oo kale Diiriye ha isaga celiyo, wuu se og yahay buuryoqabnimadu in ay tahay xaqiiqo aanu iska difaaci karin.

Isaga oo taa khaati ka jooga ayuu dillaalka Diiriye dhalay oo ay dadka Damalweyn isugu xigaan maalin ku yidhi: “Adeer, waxaan doonayaa in la i gudo.”

“Waa diraac ee bal aynu dayrta dhawrro”, ayuu ugu jawaabay. Wuu fahmayay waxa dayrta iyo gudniinka ka dhexayn kara. Wax

kasta oo muhiim ah waxaa la qabtaa xilliga barwaaqada ee cadka, caanaha iyo subagga laga haqab la yahay ee la deggan yahay. Laakiin dayrtu isaga aad ayay u la fogayd, kun xifaale oo Diiriye iyo carruurta kale ah ayaa ka sokeeya.

Maalintii ay isaga iyo Diiriye shilinka qaybsadeen Negeeye wuxuu iibsaday makiinad, guriga ayeydiina wuxuu ka qaatay miiq dun ah iyo in isbiirte ah. Dabadeed aroor hore markii waagu caddaaday qorraxdu se weli soo bixin ayuu tegay meel tuulada ka baxsan. Xabbad caleen ah inta uu geed balanbal ah ka goostay, oo xajiinta ka nadiifiyay, oo dhexda ka dalooliyay, ayuu agtiisa dhigtay. Inta uu guntiga furtay, badhidana dhulka dhigtay, ayuu buuryada duntii afka kaga giijiyay.

Markii uu duntii gacanta bidix ku jiiday ee ay buuryadii xubinta inteeda kale ka soo dheeraatay ayuu makiinaddii gacanta midig ugu jirta si xoog iyo degdeg ah laakiin taxadder leh ugu dhuftay. Markii uu cad madow oo foolxumi duntii la go’ay ayuu nabarkii oo dhiig ka soo booday markiiba isbiirtadii ku shubay, dabadeed caleentii uu dhexda ka dalooliyay dib ugu gufeeyay, ilaa ay goobadii nabarka ahayd gadaal isugu ururtay. Intaas ayuun bay ahayd. Wuu xanuunsaday laakiin ma ooyin.

Maalintaa ka dib halkii uu awal Diiriye in uu gudan yahay ku faani jiray Negeeye ayaa ku faanay in uu isagu isguday.

Aanadii Negeeye – Qeybtii 3aad

Aanadii Negeeye – Qeybtii 4aad

Fikirkaada Waa Muhiim