Waa Xamar oo sii dhimanaysa, dal dhan ayay se ugu nolol dambaysay. Laakiin isagu ma aha nin waxaas u diiraya. Beri fog ayuu nidar ku galay wax aan dantiisa ahayn in aanu xaalayn.

Fillo xaafadda Booliqaran ka qotonta beerteeda ayuu kursi dhabar jiifsi leh ku dhacadiidaa. Waa caways gudcur ah. Cirka madow ee daruurta ka qaawan waxaa la moodaa xiddiguhu in ay intii hore ka badan yihiin kana waaweyn yihiin. Lo’da iyo laxaha oo galbeed miranaya ayaa si fiican loo arkaa, iyo Awrkacirka oo gelgelintii fadhiya. Badweynta Xamar dhinac jiiftaa wax ay soo afuufaysaa neecaw kulaylkii maanta jiray lagaga nefisay. Laakiin waa neecaw isaga ku abuuraysa baqdin u eg tii uu dhallaannimadii dareemi jiray.

Markii uu yaraa wuxuu moodi jiray neecawdan oo kale in ay tahay neefsasho libaax, baqdin ayuuna bawdyaha isla dhici jiray. Waxay ahayd xilli fog iyo carruurnimo, carruurnimana waa ciil laga weynaaday oo ceeb ku ma aad lahayn, ayuu isugu caqli celiyay.

Xabbad sigaar ah oo faraha ugu laabnayd inta uu si qoddo dheer u nuugay, qiiq uu dalqada ku raajiyayna sambabbada muggood soo afuufay, oo yar qufacay, ayuu sidii caadada u ahayd isaga oo aan bakhtiin hortiisa ku maguujiyay, mid kalena shitay, dabadeed feker dheer shaarubaha miiqay. Beerta uu fadhiyo xalay ayuu ilayskii ka gubtay welina ma uu beddelin, ka maba uu fekerin. Iftiinka yar ee wejiga ka hayaa wuxuu ka soo baxayaa kadinka aqalka oo shan tallaabo u jira.

Gurigan uu caawa fadhiyo dhacdooyin badan oo xusuus leh ayuu uga soo joogay. Magac been u ma baxo ee waa sababta loogu naanaysay Fillo Adduun. Laakiin waaba habeenkii ugu dambeeyay. Iyada iyo Soomaaliya oo dhan berri ayuu ka tegayaa. Muxuu se ka la tegayaa ama kaga tegayaa? Taas ma uu rabin in uu ka fekero ee mustaqbalka ayaa kaga daran oo uu islahaa bal sii yar qooraanso. Laakiin mustaqbalku waa jirjirroole boqol weji leh, waxii laga saadaaliyaana waa uun nasiib.

Waa nin weyn, nin weyna waa ku waajib in uu waxa soo socda sii oddoroso. Isagu se tagtada ayuu ka jecel yahay in uu ka fekero timaaddada. Haba xanuun badnaatee iyada ayuu yaqaan. Caawa wuxuu ku talo jiray in uu maalmaha ku soo socda wax ka sii qiyaaso, laakiin waa kaas xasuuso hore dib ugu noqday; waa kaa sidii caadada u ahayd raadkiisa dib u raacay. Waa xasuuso had iyo jeer isaga oo aan filayn sida daadka mooska soo jabsada. Waa xasuuso uu necbaa laakiin iyagu jeclaa oo aan ka tegin. Malaha jawiga mugdiga ah iyo neecawda dhacaysa ayaa caawana mar kale maskaxdiisa dib u hayaamiyay?

Mar kasta oo uu noloshiisa dib u raadguro wax ay la gashaa Damalweyn. Tuulada magacaas leh iyo miyigeeda uu ku dhashay kuna barbaaray ayuu sawirradii ugu horreeyay ka soo helaa. Wuu se og yahay jiritaankiisu in uu ka fog yahay xasuusta maskaxdiisa. Waxaa ka horraysay dhalashadiisa.

“Caways gudcur ah oo ay dabayl qabowi galbeed ka soo dhacaysay ayaad dhalatay”, waxaa isaga oo carruur ah sidaas u sheegi jirtay hooyadii Dhool Warfaa. ”Wuxuu ahaa jiilaal ay beeshu taallay meel dhirta soogsoogan ee madmadow la moodo soomaali qaaqaawan oo caato ah. Markii ay cadceedda ilayska iyo diirrimaadku ka sii dhammaanayeen ee ay godkeeda u sii tukubaysay, waxaa habaas ku qariyay xoolihii beesha ee soo xeroonayay. Qorraxda oo soo jeedda ayuu libaax duleedka hiinraag kaga dhuftay, ciyowga iyo fiintuna ci dheer isugu jiibiyeen.

Gole aqallada ka baxsan ayay ragga beeshu iyaga oo doonyaysan oog hareeraha ka xeernaayeen. Weli waxaa la sii xog waraysanayay sahankii daallanaa ee galabtaas talada hayaanka keenay. Geeddi waa la guddoonsaday waxaa se laga sii dooday qabanqaabada. Dabadeed waxaa la maqlay cod gabdheed oo leh: ’Waa wiil! Waa wiil!’ La ma moogayn haweenayda caawa ummuli kartaa in ay tahay aniga, adiga ayaa se ahaa waxa soo kordhay.

In kasta oo aad islaantii ku qabatay sida xananka u xagatay, sidii ilmo dhashay lagu yaqaannay marna ma aad ooyin. Cabbaar baa la wada aamusay oo aan raamsiga xoolaha iyo taahayga mooyee cod kale la maqlin. Dabadeed goor dambe ayuu odaygii beesha, oo ka mid ahaa raggii golaha cawayska fadhiyay, cod dheer oo la wada maqlay ku yidhi: ‘Waa oommane! Waa guri cabsiyeed! Si kasta ha ahaatee ninka dhashay ha loo mashxarado, gool ha loogu wanqalo, beeshuna ha negaato, isagana, waxa uu inoo negeeyay Allaa oge, Negeeye ha loo bixiyo’.”

Hooyadii Dhool marka ay dhalashadiisa sidaas uga sheekaynayso waxay jeclayd in ay labadooda oo keliya ahaadaan. Isaguna wuxuu dareemi jiray jawi barakaysan haddana qumaynimo ku dheehan. Waxay ku hadli jirtay cod gaaban oo khushuuc leh, sida marka ay wadaaddadu ka sheekaynayaan geeridii Nebiga. Markaas wuu u dhowaan jiray dhegahana u raaricin jiray si aan waxba u dhaafin ayaandarrada ay ka hadlayso. Waxay kale oo u sheegtay:

“Go’aanka odayga ee negaanshuhu wuxuu abuuray muran raggii beesha u ka la qaybiyay koox taageersan iyo koox diiddan. Aabbahaa, Eebbe iilka ha u waasiciyee, ma uu garawsan habeen uu boqolle curad u dhashay in ay ragga qaar macne la’aan ka soo qaadaan, geeddina ku adkaystaan, sidii waxa dhashay uu yahay orgi dhicis ah ee aanu dadba ahayn. Dabadeed isaga iyo Goodir ayuu murankoodu dheeraaday. Goodir, nolosha ifka Eebbe ha ku cidhiidhyo aakhirana ha ku cadaabee, cidina ma ay moogayn cadaawadda uu Alle-u-naxariisayga u qabay. Waxaa ka buuxay ciil ka soo jeeday caddalloolkii kuraynimo.”

Goodir. Wuxuu ka mid ahaa dadka uu Negeeye aadamiga ugu hor bartay. Wuxuu ahaa nin dheer oo da dhexaad ah. Had iyo jeer wuxuu isku jeeniqaari jiray qori Reyfal ah iyo kishad rasaas ah. Wuxuu ka mid ahaa reer miyiga tuulada.

“Marar horeba geed baa lagu ka la xidhay gartooduna waxay ahayd joogto”, ayay Dhool ugu dartay, ”waxaa se habeenkaas gacankudhiiglaha dheeraad u ahaa qoriga xun ee uu weli sito kaas oo beryahaas yeeshay. Gacan ha la isu la tago Goodirna si xun ha loo legdee, markii la ka la qabtay godob naf loo gooyaa goobta ma ay ool, isaguna markii uu hoygiisa galay wuu hurdo tegay mooyee hub ayuu doontay cidiba hammiga ma gelin. Gacantii go’day, markii uu qori cabbaysan golihii ku la soo dhex dhacay iyo markii marxuumka oo mayd ahi dhulka u dhacay waqtiba u ma dhexayn.”

Sidaas ayuu habeenkii uu Negeeye dhashay aabbihii u dhintay. Hooyadii Dhool wax badan ma ay sugin ninkii wadku ka qaaday nin kale oo illawsiiya oo dhinaca gogosheeda bannaanaaday u buuxiya. Markiiba waxaa dumaalay nin reer miyi ahaa xaas horena lahaa, kaas oo iyada iyo inankeeda u kaxaystay beel Damalweyn ka durugsan. Markiiba Dhool nolol iyo reer cusub ayay isku duwatay. Laakiin Negeeye weligii aabbe kale ma yeelan, ninka qalaad ee guriga soo galayna dareenka xanuunka leh ee agoonnimada waxba ugama tarin.

Markii uu isagu toddoba jirsaday saddex ilmood oo kale ayay Dhool lahayd. Walaalihii marka uu aabbahood dhabta ku hayo, ka ugu yarna Dhool nuujinayso, wuu dhaxamoon jiray oo moodi jiray in la nacay. Mararka qaar hooyadii ayuu gosha iskaga tuuri jiray si uu xuquuqdiisa ilmannimo wax uga helo. Laakiin Dhool oo kuwii isaga ka yaryaraa la liidata ayaa ku odhan jirtay: “Hooyo Negeeye, walaalo kaa yaryar baan hayaaye adigu nin weyn baad tahaye orod meel fadhiiso.” Dabadeed sidii gabyaa caydh ah ayuu cidla yaxoobsan jiray, oo dareemi jiray agoonnimo xanuun leh.

Isla gugii uu toddoba jirsaday ayaa shaqada geela laga hawl geliyay, oo inta ul isaga ka dheer loo dhiibay lagu yidhi: “Orod geela wax ka raac!” Maalintaas ka dib wuxuu noqday qurbac geela ka mid ah oo meesha uu maraba la mara, inta uu biyaha ka qado la qada, waxii uu la kulmana la kulma. Waxay ahayd nolol arxanku ka dheer yahay oo ku dhisan tartan iyo loollan joogto ah. Kurayo la moodo in cadaabta lagu soo abuuray ayuu maalin walba la kulmay. Hurdan, legdan, beratan, bootan, ultan, caraatan, waxaas iyo wax la mid ah ayaa joogto u noqday.

Markaas uu geeljiraha noqday, ee caqliyaystay, ayuu la soo baxay dabeecad xumo, xanaaq badan iyo dhego adayg. Taasi qoyskii waxay ka dhex aloostay kacdoon iyo khilaaf, ilaa ay Dhool iyo ninkeedii ku sigteen in ay ka la tagaan. Sidee xeego loo xagtaa ilkana u nabad galaan? Dhool waxay ka fekertay sidii ay ninkeeda iyo curadkeeda u ka la ilaalin lahayd reerkeedana burbur uga badbaadin lahayd. Ugu dambayn waxay talo ku gaadhay: “Negeeye, waxaan kuu geynayaa ayeydaa Dahabo. Qur’aanka ayaad baranaysaa, marka aad weynaatana waxaad noqonaysaa wadaad.”

Islaanta Negeeye hooyadii dhashay ee loo geeyay waxay raqaye tuulada Damalweyn ganacsi aad u liita ku haysata. Ma ahayn ganacsi dhaafsiisan cusbo, irbado, dun, xawaash, cusbur, cillaan iyo qunjuraaf la mid ah. Waxay ku noolayd mutul yar oo hooy iyo dukaanba u ah, halkaas oo ay aad uga soo uraan waxyaalaha ay ku iibiso ama beri hore ku iibin jirtay. Halkaas ayay Negeeye ku soo dhowaysay oo cuntada ugu karin jirtay, habeenkiina sidii gorayo dhal haysata gosha gabowday dhaxanta ka gelin jirtay.

Taariikhda Damalweyn wuxuu ka bartay ayaydii Dahabo. Intii aanay tuuloobin waxay ahaan jirtay degaan caan ku ah daaqa xoolaha, caws iyo caleenba. Sannadkii 1916-kii ayuu nin degaankaas u dhashay markaana Cadan ka xoogsan jiray doon ku soo dhacay, wuxuuna kayntii Damalweyn tiirka u qotomiyay rug ganacsi oo ka kooban makhaayad shaaha laga cabbo iyo dukaan laga helo waxyaalihii ay reer guuraagu u baahnaayeen.

Markiiba waxay noqotay meel cammiran oo ganacsi aad u firfircooni ka socdo, isla markaana xarun lagu kulmo oo ay dadku wararka isku dhaafsadaan.

Nin kale iyo nin saddexaad ayaa iyaguna dukaammo ka furtay. Haweenay magaalo ka soo guurtay ayaa iyaduna dhar, dahab, kuulo, uunsi, cillaan cadar iyo waxii ay dumar jeclaayeen oo dhan keentay. Kabotole iyo tumaal ayaa iyaguna saamaha iyo soofaha dhigtay. Shirkad adhiga iyo hargaha iibsata ayaa xarun ka dhigatay. Dabadeed waxay noqotay tuulada ugu cammiran degaankeeda oo dhan.

Damalweyn ma ay lahayn, u mana dhoweyn, biyo joogto ah, sidaas darteed xilliga abaarta ma ay ahayn meel qurux leh, dad iyo duunyo waxa ku noolina darxumo ka ma badbaadi jirin. Isla beryahaas ay tuulada noqotay ayaa laga qoday dhawr berkadood, kuwaas oo in uu jiilaal dheeraado mooyee roobka xiga lagu gaadhi jiray. Xaaladda nololeed ee degaanka ee sidaas u qallafsan waxa ugu weyn ee laga fekeraa wuxuu ahaa helista biyo iyo baad xoolaha la daaqsado.

Damasha waaweyn ee Damalweyn magacu ugu baxay ee hareer walba kaga xeeran waxaa galaa bixi jiray, oo sidii daruur xagaa marba dhan isu la dillaami jiray, shimbiro ka la noocnooc ah. Xilliga diraacda marka ay ugu foolxun tahay la ma waayi jirin neecaw sidda udgoonka manka (ubaxa) damasha. Xilliga roobkana waxaa la arki jiray jeegaan dhigdhexo u eg oo ku dhereran daruurta madow iyo mahiigaanka bari ka soo gurguuranaya.

Inta aanay dhibicda roobka loo riyaaqay barta saarin waxaa ka soo horrayn jirtay saxansaxo xoog leh oo nafta farxad gelisa. Ugu dambayn marka ay daruurtu bururto reer damalweyn jacaylka ay roobka u qabaan waxay qoorta ka soo ridan jireen daaqadaha iyaga oo daawanaya dhibicda la dagaallamaysa cadawga abaarta. Marka uu roobku qaado waxaa soo rogman jiray iliilo daad ah oo ahaa farxadda ugu weyn iyo xasuusta ugu qurux badan ee carruurta.

Marka ay dhulka meeshii godanba biyo fadhiistaan, ee dooggu baxo, ee xooluhu dhalaan ee irmaanaadaan, dadku sidii ay cudurka illawshaha wada qabaan ayay illaawi jireen jiilaalkii adkaa ee dhaafay iyo ka soo socda labadaba. Markaas ayay geli jireen nolol dhalanteed u eg. Meel walba waxaa laga qotomin jiray aroos cad, habeen walba waxaa isu bixi jiray jiibta iyo jaanta cayaaraha, waxaana la isu tirin jiray maanso faan, xifaale iyo haasaawe intaba leh.

Qurux janno ah oo ay Dahabo sheegto in dhulkaasi lahaan jiray Negeeye iyo inta la faca ahi ma soo gaadhin. Waa dhul bir iyo baabbaco lagala daalay. Dhismayaasha tuulada oo dhan tiirarka ku wada qotoma meel kale laga ma keenin ee waa dhirta midba kii uu ka weynaa kana toosnaa oo gunta laga soo gammuuray.

Gudaha Damalweyn dadka ku nooli ka ma badnaan jirin boqol qof, laakiin dadka cammira ee ay ku dhisnayd waxay ahaayeen reer guuraaga aroortii soo gala galabtiina ka ka la carraaba. Tirada reer guuraaga yimaadda qudheedu waxay ku xidhnayd xaaladda degaanka iyo xilliga la joogaa aaran iyo abaar ka uu yahay.

In kasta oo ay tuulada wada degi jireen laba qabiil oo ay colaad guun ahi ka dhexaysay, haddana sidii loo dhisay waxay ahayd meel xasilloon. Marar badan dhiig wuu ku daatay, rag labada cidood ku ka la abtirsadana nafta waa lagaga jaray, hayeeshee weligeed balaayo guud oo labada qolo isku dhufataa ka ma dhicin.

Aanadii Negeeye – Qeybtii 2aad

Aanadii Negeeye – Qeybtii 3aad

Aanadii Negeeye – Qeybtii 4aad

Fikirkaada Waa Muhiim