Assalamu calaykum. Wakhti kooban la qaado kaswaannadii nolosha raadka ku reebay, adigoo dhagaysanaya mahadhooyinkii ay innoo dhaxal dhiteeyeen. Shifo ku il saar oo shar kuum leh.

“Si uu qofku hadalka u barto wuxu u baahan yahay 2 sanno, si uu aamuska u bartana wuxu u baahan yahay 60 sanno” – Arnest

” Kuwaas aan awoodin inay beddalaan aragtidooda, waligoodna ma awoodaan inay wax beddalaan” – Bernard

“Marka ay sheekadu noqoto hanti iyo tabaha lagu abuuro , dadka oo dhammi waa isku diin” – Foolteer

“Majiro qof dhiman oo aan dhammays ahayni, waxaa se jira bulsho qofkeeda dhantaasha” – Shaqiiri

“Wax kastoo aad leedahay waxay kuugu iman adiga oo aan kartideeda ba lahayn , waxase aanad lahayn awwood kasta ood leedahay gaadhi maysid” – Dandaawi

“Da’da oo ku horumarto micnaha kuu kordhaa , kama dhigna inaad nolosha ku horumartay” – Dooglaas

“Waxaan kugu la talinayaa inaad guursato, sababta oo ah, haddaad gabadh wanaagsan hesho farxad baad ku noolaan doontaa , haddii heli waydana waxaad noqon doontaa faylasuuf”.Saqraad
.
“Muhiim maaha inuu qofku dhinto isaga oo aan kaga dhabayn fekraddiisii sarraysay, waxa muhiim ah inuu qofku haysto fekrad sarraysa inta aanu dhiman” – Kanfaani

” Noloshu waa bandhig-riwaayadeed oo aynu ka qayb galnay oo kale , haddaynu u bogno iyo haddii aynnaan u boginba , waynu dhiibnay lacagtii tikidhada” – Shaksibiir

“Inta u dhaxaysa odhaah aan cid looga jeedin , iyo ujeeddo aan la odhan , ayuu badanka kalgacalku ku lumaa” – Jabraan

” Maxaa ka adag inuu qofku noqdo indheer garad marka uu ku dhex noolyahay bulsho indho la’?! – Saramago

“Haddii aad ogtahay inaad aadame tahay naftaada haw oggolaan inay dhaafto deyrka aademinnimo” – Mumayz

“Dhammaanteen waynu qaldannaa’e, ha u dhaqmin sidii oo aad dadka kale ka wanaagsan tahay” – Lama yaqaano

“Dad fara-badan dadkale ayaa ku dhex-nool , fekerradoodu waa aragtida qof kale , noloshoodu waa canjilid ama dayasho , dareenkooduna waa dheegasho” – Oskaar

“Muhiim maaha inaan farxad ku noolaado , waxa muhiim ah inaad sharaf ku noolaado” Kaand

 

La wadaag asxaabtaada.

Fikirkaada Waa Muhiim