Waxa aan ahay masiixi, waa aanan ku faanayaa, waa aan jecelahay Nebigii carbeed ee magaca weynaa, waa aan jecelahay sharafta islaamka, waanan ka baqaa inay dhammaato, waxa aan kasoo jeedaa bari waa aanan ku faanayaa, si kasta oo ay maalmuhu iiga durkiyaan dhulkayga, ka tegi maayo dhaqanka reer bariga, yididiilada Suurida iyo dareennada Lubnaaniyiinta, berigu waxa uu ahaanayaa waddanka riyooyinkayga iyo masraxa hiigsigayga”

Suugaan yahan, farshaxan, filasoofar iyo qalinle lubnaani ah. waa Jubraan Khaliil Jubraan. Waxa lagu tiriyaa suugaan-yahanka buugaggiisa loogu iibsiga badan yahay dunida , marka laga yimaaddo Shaksibiir iyo Luuzi. Waxa lagu tiriyaa baarkii horu-kaca suugaanta carbeed ee casrigan cusub guud ahaan , gaar ahaanna suugaanta tiraabta ah.

Jubraan waxa uu ku dhashay bushri oo ku taalla togga qaadiishaa woqooyiga lubnaan – siiriya ayaa loo yiqiin xilligaa oo ay cusmaaniyiinti maamulayeen- , sannadku markuu ahaa 1883 , bishii jeenawari lixdeedii. Wuxu ka dhashay qoys masiixi maaroodi ah, hooyadii waa kamiiliya raxma ( waxaa loo yiqiinnay kaamila), waxayna ka dhalatay qoys diin leh oo la qaddariyo , markii ay dhashay isaga (jabraan) waxay da’deedu ahayd 30 gu’ .

Waxa uu Khaliil ahaa odeygeedii saddexaad ee guursada, waxa ayna carruur hore u lahayd budrus oo ay Jubraan xagga hooyo walaal ka ahaayeen.

Aabbihii khaliil wuxu ahaa nin khamaarka ciyaara oo aanay u baxsanayn nolosha toosani , dhawr jeer oo uu khasaarey qammaarkii ayaa keentay in deymo badan lagu yeesho taas oo ugu danbeyn sabab u noqotay in xabsiga la dhigo. Qoyskiisu waxa uu ahaa mid sabool ah, karti darrida haysay awgeed oo ay keentay ciyaarista qammaarka, Jabraan waxa ay taasi ka xidhay fakaaggii uu dugsi ku tagi lahaa, ee uu waxbarasho ku heli lahaa.

Nin la odhan jirey jarmaanoos ayaa guriga ugu iman jirey jubraan , si uu wax u baro, waxa uuna baray afafka carabiga , ingiriisida iyo saryaaniga. waxa uu bartay iyana bar-bilowyada qoraal iyo akhris, waxaana ka caawiyay oo baray diktoor caan ahaa oo la odhan jirey saliim daahir. waxa u furmey bog cusub oo noloshiisa ah , waxa uuna bilaabay baadhista iyo akhriska sooyaalka, sayniska iyo suugaanta.

Hilaaddii 1891 ayaa la xidhay aabbihii khaliil , iyada oo lagu eedeeyey inuu fal khiyaamo ah ku kacay.

25- kii juun 1895 , ayay hooyadood ula qaxday dalka maraykanka , siiba Booston. waxa isaga ( jubraan) iyo hooyadii wehelinayay , laba hablood oo la dhashay ,maariya iyo suldaana  , iyo walaalkii budrus. Waxa uu halkaa ka bilaabay xirafaddiisii sawir-gacmeed , waxa aana hibadiisii ogaaday sawirlihii “Fred Hollad Day” , oo uu aad uga caawiyay ilaa horu-mar fiican ka gaadhay. Taasi waxa ay Jubraan ku dhalisay inay ilbaxnimada galbeedku saamayso.

Farshaxan “fred Day” gacantii caawimo ee uu ka helay, Jubraan waxa uu bilaabay qurxinta buugagga iyo qaabaynta sawirrada dadka , ugu danbaynna FRED DAY waxa uu baray qaar kamida ah saaxiibadii. Sanaddii 1898 waxa markii koobaad sawir uu leeyahay loo adeegsaday jaldi buug.

Sanaddii 1898dii isaga oo 15 jir ah ayaa hooyadii dib ugu soo celisay Bayruut -caasimadda lubnaan-   si uu usoo barto dhaqankiisa. Waxa uuna ka bilaabay dugsigiisi dhexe dugsi masiixi ah , iyo mac-had sare oo la odhan jiray Al-Xikam. Waxa xilligaa uu la bilaabay Majallad saaxiibkii , kaddib na waxa loo doortay abwaankii kulliyadda. Waxa uu fasaxa xagaaga kusoo qaadan jirey deegaankiisii Busharaa.

Waa uu sii waday xirafaddiisii sawir-gacmeed waxa uuna qabtay bandhiggii ugu horreeyey ee noloshiisa isaga oo 21 gu’ jiray sanaddii 1904 magaalada boston. Waxa uu u dhoofay xagga faransiiska si ugu biiro akadamiyadda farshaxanka ee paris ku taalla intii u dhaxaysay (1908 ilaa 1910). Halkaa na waxay isku barteen saaxiibkii yuiaif xuwayk(     ).

Intaa kaddib waxa uu bilaabay in uu wax ku qoro carabida kaddib na ingiriisida , aad iyo aad baa ay u caan noqdeen buugaggiisu waxa aana sabab wayn u ahayd labadii ilbaxnimo ee uu dhaxalka u helay , tii galbeed iyo tiisan bariga. In kasta oo uu sawiray in ka badan 700 sawir-gacmeed hadda na waxa uu caan ku ahaa qoraannimo.

Booston baa uu ku laabtay 10 may 1902dii , sannado badan oo uu joogay dalkiisa kaddib. Laba wiig horteed Inta uuna tagin , waxa geeriyootay walaashii Suldaana iyada oo 14 jir ah. Sanaddii ku xigtey na waxa iyana wada dhintey ,walaalkii budrus oo isna xanuunkii walaashii u dhintey , iyo Hooyadii oo Kansar sababay geerideeda. Walaashii Maariyaana ayaa kasoo hadhay qoyskiisii , waxa ay ku shaqaysay DHar-tolidda .

Buuggiisii badanka wax ay ahaayeen fal-celinno laftiisa ku dhacay. Siyaasiyiinta iyo culimada dawladaha ayaa uu  aad u baqo gelin jiray sababtuna wax ay ahayd nin runta la gabban oo caddeeya baa uu ahaa! Buuggiisii koobaad ee uu qoro wax uu ahaa “الارواح المتمردة” oo soo saaray 1908.

Waxa kusoo xigay kutubtiisa kale ee “Baalasha burbursan” الاجنحة المتكسّرة” , Tear and smile “Ilin iyo ilko-caddayn”, Ninkii waallaa “المجنون” , The prophet “النّبيّ”. Kutub kale oo badan baa uu qoray oo dunida caan ka noqday. Waxa uu ku shaac-baxay buuggiisii uu ugu wanqalay “NEBIGA” “النّبيّ”  kaa oo soo baxay sanaddii 1923 dii. Waxa aana loo af-celiyay in ka badan 110 luuqadood oo uu ku jiro af jayniisku.

Jubraan waxa aasaasay ururka qalinleyda oo ay la bilaabeen aqoonyahanno carbeed oo kale ujeedadooduna wax ay ahayd inay cusboonaysiiyaan suugaabta carbeed oo duugawday!

Sidaa oo kale waxa uu garab wayn u ahaa oo uu ka tirsanaa qorayaasha reer lubnaan sida , Amiin riixaana , iiliya abuu maadi iyo miikhaa’iil naciima.

Jubraan waxa uu u dhintay cudurka TB da ama Qaaxada , oo loo aanayeey in uu noqday natiijadii ka dhalatay cabbistii badneyd ee Qamriga -Alcohol- ka , 10 kii Abriil 1931dii , da’dii suna waxa ay dhammayd 48 sanno.

Waxa uu ku dardaarmay in dhulkii sii lagu aaso , waa na lagu aasay sanaddii 1932dii , goobtaas oo hadda laga dhigay Madxaf loogu magac daray isaga ” Madxafka Jubraan”

Madxafkaas waxa uu ku dul qoran intan oo isagu kusii dardaarmay :-
” Waan nool ahay sidaada oo kale , imikana dhinacaaga ayaan taagan ahay; Ee indhaha isku qabo oo i jalleec , hortaada ayaad igu arkaysaaye”
“أنا حيٌّ مثلك ، وأنا أقف الآن إلى جانبك ؛ فاغمض عينيك والتفت ، تراني أمامك”.

Fikirkaada Waa Muhiim