Maalmahan waxaa aad loo hadal hayaah “Asteroids” kaasoo ku soo wajahan dhulka. Bal waxaan isla yara eegaynaa “asteriod” waa inna ayo?

Dad badan baa hurdida ladi la’, ha lumin hurdadaadda maxaa yeelay waxyeelada asteroids samayn badan kuma laha qaarada Afrika, laakiin waa inaad ka taxaddartaa safarada hawada. Asteroids-ku waa meerayaal darbi-jiif ah oo khatartoodda leh. Waa dhadhaabyo xanbaarsan isku-dhisyo sun ah iyo hanfi dhagaxada dhalaalinaya.

Asteroid-ku waa dhadhaab yar yar/ dhagax-bir labeed yar oo daaf wareegga Qoraxda. Waa dhulal yar yar oo bilaa hoyi ah, habeenba meel u hoyda. Ma jirto sharci bah-Qoraxeed oo qabta. Waxay marti u yihiin dhinbilo holac iyo kiimiko ka abuuran. Waxaa lagu qeexaa inuu ka weyn yahay hal mitir dhexroorkoodu ayna ka yara curad sanyihiin walaalkood “Meteoroids”.

Asteroid-kii ugu weyni waxaa la dhahaa “Ceres” culeyskiisu waa 965 km. Inta badan Ceres, wuxuu dib-jir ku yahay inta udhaxeysa Farraare/Mars iyo Mushtari/Jupiter, laakiin asteroids-ka qaarka ka soo goosma meerayaashaas ayaa dhulka u gudba, sababna khasaaro naf iyo maalba leh.

Waa maxay Cirjeex?

Waa habaas barafoobey oo ka dhasha dhididka iyo neeftuurka ba’an ee Qoraxdu samayso. Inta badan waxay furka xooraan markey xamili kariwaayaan kulka iyo caburka Qoraxda, taas oo sababta in ay u baxsadaan meel waba oo nafis bidayaan. Waa sababta aad u aragto habeenkii Cirjeex dhulka dhalaalineysa ama jaan dhulka ka mid ah ciid madow leh.

Inta badan waxaan u naqaan anagu “Shaydaan ku dhaca” nidaamka Qoraxdu dibedda iskaga soo saarto dhaska iyo kiimikooyinka ay gubtey ayey ka dhalataa Cirjeexdu.

Intooda badan waxay waqtigooda ku qaataan oo ku ururaan xadka meeraha la dafiray ee Baluuto. Badankoodu ma waafaqsana bahada Qoraxda midaysay oo malaha tiir ugaar ah walow culumada saynisku qaarkood aamisan yihiin in ay Qoraxda dhaxdeeda tiirar ku leeyihiin.

Waa maxay NEO?

NEO (Near Earth Object) waa asteroid ama Cirjeex ka yimaadda 50 milyan oo kiiloomitir (30 milyan oo mayl) wareegga dhulka. Waxaa loo tixgeliyaa in ay yihiin fidnada ka danbaysa halis kasta oo dhulka dhaawac u gaysata. NEO waxay ka kooban yihiin NEAs (Near Earth Asteroids) iyo NECs (Near Earth Comets). Waxaa jira NEAs badan oo la ogaadey sanadihii u danbeeyey. Kan hadda dunidu dhagaha u taageyso waa NECs.

Waa maxay meteoroid?

Meteroorku/ meteoroid-ku waa dhagax-bir labeed weyn, xadkiisa inta badan waxaa lagu qeexaa hal mitir oo balac ah. Waxaa jira meteoroids-aad u yar yar ka yar hal garaam badanaa waxaa loo yaqaannaa “Micrometeoroids” ama boodhka hawada.

Waa maxay Meteor?

Mitirku/Meteor dhagax-bir labeed iftiin badan.Tusaale ahaan: inta badan waxaa la arkaah marka ay hal mar dhulka wadda dhacaan (asteroid iyo meteoroid) waxaa modaa in uu shabahayo Cirjeexda waase ka iftiin badan yahay Shaydaan ku dhacda.

Waa maxay Meteorite?

Wadda jirka meteoroid, asteroid iyo Cirjeex hal mar markay dhulka wadda gujiyaan ayaa loo yaqaanaa meteorite.

Sidee ayay asteroids-ku u sameysmaan?

Asteroids-ku sida caadiga ah waa haraadi ka abuurmay xilligii abuuritaanka meeraha 4.5 bilyan sano ka hor. Waa waxyaabihii jabadka looga guurey oo aan samaysan maamul iyo dowlad u gaar ah. Waxay isku mowqif yihiin Somaliland. Looma ogala in ay helaan xoriyad ay kaga mid noqdaan bahada Qoraxda midaysay. Had iyo jeer waa darbi-jiifyo halis ku ah dhulka.

Maxay asteroids-ku u bartilmaameedsanayaan dhulka?

Waayo dhulku waa meeraha kaliyee noloshu ka jirto. Waa goob ay fududahay in ay kharbudaan. Arinta muhiimka ah oo kale waxay tahay dhulku waa is dulmiye dulmiga gacmihiisa ku doonta oo waxaa uu leeyahay cuf isjiidad baaxad leh, sidaa darteed waxwalba waa sahal in dhulka ku dhacaan.

Jupiter/Mushtar miyaanay naga joojin karin asteroids-ka maadaama ay ka cuf isjiidad badan yahay dhulka?

Si kastoo Puntland ay awood militari u leedahay marna ma xakamayn karto Somaliland. Mushtar wuxuu yareyn karaa fakadka farah badan ee u gudbaya dhulka, laakiin waxaa jira “Asteroids” yar yar oo si xeel iyo xoogba leh uga fakada Mushtar iyo Maariikh.

Taariikhda Aadanah wax khasaaro ah oo ilaa hadda Asteriods-ku gaysteen ma jiraan?

Waxaa jira saddex ilaa afar dhacdo oo Aadanuhu goobjoog ka ahaa Asteriods-kii ugu samaynta badnaa wuxuuu dhacay lix iyo lidan sanno ka hor dalka Mexico oo dhaca Waqooyiga Ameerika. Wuxuu gaystey khasaare ba’an, wuxuu laayey dhir badan, duurjoog badan oo ka mid yahay xaywaank dunida ka suuley ee “Denosaur”. Wuxuu sameeyey 75% dhirta iyo xawaanka asagoo galaaftey deegaan dhan toban ilaa shan iyo toban kiilomir.

Kii labaad wuxuu ka dhacay Siberia oo ah gobol ka tirsan Raashiya sanadkii 1908. Wuxuu laayey dhir badan waxaa la sheegaa ilaa sideetan milyan oo geed in ay u dhinteen suntaas. Wuxuu kun jeer ka saamayn badnaa Atoomik Bamkii lagu wareeray Horishiima iyo Nagasaaki. Reer Siberia ilaa maanta waa ka sheekeeyan dhacdadaas.

Kii saddexaad isla Raashka ayuu ahaa, wuxu xoogaa ka yaraa kii hore Siberia ka dhacay. Wuxuu sababay burbur gaaraya toddobo kun iyo labo boqol oo dhisme, sidoo kale wuxuu dhaawacay kun iyo shan boqol oo qof. Walow sidoo kale uu abuurey khal-khal dhanka hawada ah. Wuxuu dhacay 2013-kii.

Maxaa hadda cusub?

Waxaa cusub inuu dhulka ku soo maqiiqan yahay Asteroids cabirkiisu yahay shan boqol iyo soddan kiiloomitir(329 Mayl)! Markaas waxaad qiyaastaa haddii kii Mexico ka dhacay cabirkiisu ahaa shan iyo tobban kiiloomitir saameeyey dhul ka badan 50% (Mugdisho, Hargeysa iyo Bosaso oo la isbarbar dhigay), maxay noqon saamenyta Asteriods cabirkiisu yahay shan boqol oo kiiloo mitir ama ka badan?

Sidda saynisyahandu qabaan kan la filayo in uu dhulka hardin doona dhawaan waxay u bixiyeen 2019RP1. Wuxuu halkii saac jarayaa sideetan kun oo kiiloomitir, wuxuuna boqol kun oo kiiloomitir soo dhaafey meeraha dhul. Lama hubbo dalka iyo qaarada uu haleeli doono.

 

W/Q Ahmed Abdi Qurbaawi waa qoraaga buuggaagta kala ah “Baro Luqadda Hindiga, iyo Indho Habeenno”. Wuxuu caan ku yahay qorista sayniska iyo macdanta. Wuxuu kaloo qoraa mowduucyo xasaasi ah ku saabsan hormarinta shaqsiga iyo falsafada guusha. Waa hal-abuure ku raaxeysta akhriska buuggaagta iyo fekeradaha dadkii horre curiyeen.

Fikirkaada Waa Muhiim