Madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay in uu filayo in Maraykanku bishiiba ka faa’iido malaayiin doolar shidaalka Suuriya inta ay ciidamada Maraykanku dalkaa joogaan.

Madaxweynaha Suuriya Bashar Al-Assad oo hadalkaa ka falceliyey ayaa Maraykanka ku eedeeyey in uu “ka xadayo shidaalka” dalkiisa, Ruushka oo ah dal weyn oo taageera Assad ayaa isna ku tilmaamay arintaas “qawlaysi dawladeed oo heer caalami ah”.

Bal hadaba yaa gacanta ku haya ceelasha saliidda dalkaas oo ka faa’iida?

Quwadaha waaweyn oo u haliilaya gacan ku haynta

Maraykanku wuxu shaaciyey in uu ciidamadiisa kala baxayo woqooyiga Suuriya bishii Oktoobar, laakiin ilaa haatan waxaa jooga 500 oo askari oo ilaaliya ceelashada saliidda, oo waxay la socdaan xoogagga Kurdiyiintu hogaamiyaan oo haatan ah cidda koobaad ee ka faa’iidda wax soo saarka shidaalka.

Wasiirka gaashaan dhigga Maraykanka, Mark Esper, ayaa sheegay in ciidamada Maraykanku halkaa u joogaan in ay ka hor tagaan dagaalyahannada Daacish, laakiin se ay sidoo kale horjoogaan xoogagga Ruushka iyo kuwa dawladda Suuriya.

Dhankooda ayaa xoogagga Ruushka ee gacanta siinaya Suuriya waxay isku dayayaan in ay gacanta ku dhigaan goobaha laga soo saaro saliidda oo ay danaynayaan. Labada dal waxay kala saxiixdeen 2018-kii heshiis iskaashi tamarta ah oo Moscow xuquuq gaar ah u siinaya in ay dib u kiciso ceelashada saliidda iyo gaaska Suuriya.

Waana taa sababta Madaxweyne Trump isna ugu dhawaaqay in uu danaynayo in uu ka faa’iido ceelashaa ciidamadiisu ilaalinayaan.

Saliid intee leeg ayay Suuriya soo saartaa?

Shidaalka iyo gaaska Suuriya wuxuu laf-dhabar u yahay dakhliga dawladda Suuirya in kasta oo shidaalka dalkaa ku jiraa yar yahay marka la barbar dhigo ka dalalka kale ee Bariga Dhexe. Sannadii 2018, Suuriya waxaa shidaalka dhulkeeda ku jira lagu qiyaasay 2.5 bilyan oo foosto halka Sucuudiga uu ka yahay 297 bilyan, Iran 155 bilyan iyo Ciraaq oo 147 bilyan oo foosto ku jiraan.

Ceelasha saliiddu waxay ku badan yihiin gobolka Deyr al-Zour ee bariga Suuriya ee ku dhaw xadka Ciraaq iyo gobolka Xassakah ee woqooyi bari.

Laakiin wax soo saarka saliidda ee dalku wuxu dunsanaa tan iyo bilowgii dagaalka ee 2011. Sannadkii 2008 waxay maalintii soo saari jirtay 406,000 oo foosto, sida ku cad warbixinta Ingiriiska ee tirakoobka wax soo saarka shidaalka dunida ee 2019.

Sannadkii 2011 wax soo saarku wuxu hoos ugu dhacay 353,000 oo foosto maalintii waxaanu dhulka galay oo gaadhay 24,000 sannadkii 2018 taas oo ah hoos u dhac ka badan 90%.

Dimishiq waxba gacan uguma jiraan

Xukuumadda Suuriya gacanteeda way ka baxeen ceelasha saliidda ee dalka badankoodu, oo waxaa qabsaday kooxaha mucaaradka markii dabanena waxaa gacanta ku dhigay kooxda la baxday Dawladda Islaamka markii dagaalka sokeeye sii huray.

Sannadii 2014 ayaa kooxdaasi waxay qabsatay ceelasha saliidda ee bariga Suuriya ku yaal badankooda oo uu ku jiro Al-Cumar oo ku yaal gobolka Deir al-Zour.

Shidaalka ay iibiyaan ayaa noqday meelaha ugu waaweyn ee dakhligu ka soo galo kooxdaa mitidka ah oo waxay bishiiba ka heli jirtay 40 milyan oo doolar 2015-kii, sidaana waxaa sheegtay wasaaradda gaashaan dhigga Maraykanka.

Daacish waxaa ceelasha saliidda ka qabsaday xoogagga Kurdiyiintu hogaameyaan ee Maraykanku taageero ee magacooda la yidhaa Xoogagga Dimuqraadiga Suuriya markii ay kooxdaa jihaad alooska ah ku jabiyeen halku ugu dambaysay ee ay gacanta kaga hayeen bariga dalkaas. Ceelasha saliidda Suuriya waxa khasaare weyn gaadhsiiyey duqaymaha cirka ee Maraykanku ku doonayey in uu ku curyaamiyo isha dakhliga kooxda.

Mididiinta Daacish ayaa sidoo kale iyaguna burburiyey agabkii wax soo saarka saliidda markii ay ogaadeen in ay ceelasha ka qabsanayaan xoogagga Kurdiyiintu.

Xoogagga Kurdiyiinta shidaalka weli dakhli baa ka soo gala

Xoogagga Dimuqraadiga Suuriya waxay gulufka ay ku qabsanayaan ceelasha waayeyn ee saliidda ee ku yaal woqooyi bari Suuriya ee ku teedsan weiba Furaat ku qaadeen ciidamada kooxda la baxday Dawladda Islaamka sannadkii 2017-kii. Waxaana u suurtogashay in ay dib u hagaajiyaan agabkii wax soo saarka.

Jonathan Hoffman oo ah wasiir ku xigeenka gaashaan dhigga Maraykanka ayaa dhawaan yidhi “Dakhliga ka soo xarooda saliiddu gacanta u geli maayo Maraykanka ee waxaa qaadanay Xoogagga Dimuqraadiga Suuriya”.

Charles Lister oo ah cilmi baadhe sare oo ka tirsan mac-hadka Midle East Inistitue ayaa yidhi: “Xoogagga Dimuqraadiga Suuriya iyo qabaa’ilka ay gacan saarka leeyihiin ee bariga Suuriya ayaa haatan gacanta ku haya qiyaastii 70% ceelasha saliidda dalkaas iyo kuwo kale oo muhiima oo gaaska ah”

“In kasta oo ceelashaa badankooda wax soo saarkoodu aad uga hooseeyo sidii uu dagaalka ka hor ahaan jiray” ayuu yidhi “hadana waa dakhli weyn oo soo gala Xoogagga Dimuqraadiga Suuriya”.

In kasta oo gulufka Turkigu ku qaaday woqooyiga Suuriya lagaga qabsaday dhul ballaadhan xoogagga Kurdiyiinta, haddana ceelasha saliidda badankooda ee bariga Furaat weli waxaa gacanta ku haya Xoogagga Dimuqraadiga Suuriya.

Xukuumadda Madaxweyne Assad qudheedu aad bay ugu baahi qabtaa in ay ceelasha saliidda hesho maadaama oo la’aantood ay ku khasbanaan doonto in ay shidaal badan la soo degto. Hase yeeshee, maadaama oo cunoqabataynta Maraykanka iyo Midowga Yurub ay durba wiiqday, Dimishiq way ku adagtahay arintaasi.

Dalka shidaalka ugu badan u soo dhoofiyaa waa Iran, hadana waxaa kale oo saaran cunoqabatayno adag oo dadban oo Maraykanku ku soo rogay dal kasta ama shirkad kasta oo wax xidhiidh ganacsi ah la yeelata Suuriya.

Fikirkaada Waa Muhiim