Dhaawac Madoobaadku ma’ahan cudur qofka ku dhaco, hase ahaatee waa sii xumaashaha dhaawac horay u gaaray qofka.

Waxaa lagu macneeyaa in meesha dhaawaca ahayd ey madoobaaddo nudayaashana ey ka dhintaan meeshaas. Waxa eyna ka dhalataa arrinkaan dhaawaca oo aanan intabadan daryeel aanan helin.

Maxaa Sababo Dhaawac Madoobaadka:-

Sababta ugu weyn ee keento in uu dhaawaca madoobaado waa in meesha dhaawaca ah uusan soogaarayn wax dhiig ah ama nafaqo ah, haba yaraatee dhaawaca waxaa ka go’aayo quudinta.

Haddii geed weyn oo baxaayay aan Misaar uga dhufanno hal-laan oo kamid ah geedka, Maxaa ku dhacaayo geedka haddii aanan lahelin baxnaano iyo in la’isku xiro, waxaa cad in ey laantu dhimaneyso waliba geedka oo nool.

Calaamadaha Lagu Garto Dhaawac Madoobaad:-

  1. Xanuun,qandho sare.
  2. Dhaawaca in uu “ur” yeesho.
  3. Qoyaan aan reysasho u ekeen.
  4. Meesha dhaawaca ah oo darenku ka dhumo.
  5. Dhaawaca oo gabi ahaanba madoobaado.

Maxaa Kadhalan Kara Dhaawaca Haddii uu Madoobaado??

Marki aad cusbitaalada aad joogto waxa aad arkeysaa bukaano badan oo la’il daran dhaawac madoobaad ama (Gangrene), waa wax laga xumaado aadna u damqasho leh sababta oo ah dhaawac madoobaadka xalka kaliya ee uu leeyahay waa in lajaro qeybtii madoobaadday (dead tissue). Waxa aadna ogataa in uu yahay wax laga hortagi karo haddii dadaal lasameyn lahaay.

Sidee Looga Hortagi Karaa Dhaawac Madoobaadka?

Marwaliba ee uu dhaawac ku gaaro waxaa muhiim ah in aad raacdo tallaaboyinkaan, si’aad uga fogaato in uu dhaawacaadu madoobaado, kaddibna aad halkaas ku weyso xubin muhiim ah:[Allaha Nooma Qadar}-

  1. Ilaali dhaawacaada marwaliba in uu nadiif yahay.
  2. Kuna nadiifi jeermis dilayaasha aad Cusbitaalka kasooqaadatay.
  3. Dhaawacaada ka ilaali qoyaanka ama in ey biyo gaaraan.
  4. Isticmaal daawooyinka uu dhaqtarka kuugu qoray dhaawaca.
  5. Haddii aad aragto calaamado aan wanaagsanayn si dhaqso leh ku aad dhaqtarka.

 

Mahadsanidiin

Fikirkaada Waa Muhiim