Marka laga hadlaayo dugsiyada lagu barto qur’aanka waxaa ka jira dayac aad uweyn , waxaana u kuur galay dugsiyada ku yaal magaalada Muqdisho. Waxaa jira caqabado badan oo haysta dugsiyada midaas oo ugu weyntahay:-

1. Dhisme fiican oo wax lagu barto oo aan jirin.
2. Boos meel fiican kuyaal oo uu haysan.
3. Iyadoo bulshada aysan siinin ihtimaam
4. Meelaha ay ku yaalaan oo aan munaasib ahayn.

Kolka aan ka hadlayno dhismaha ma haystaan goob istiraatiiji ah oo ku haboon in wax lagu barto. Dhammaan dugsiyada quraanka ee ku yaal Muqdisho waxay ku yaalaan waddooyinka, meelaha aan sharciyaysnay iyo meelaha aan ku haboonayn dhisme. Dhibaatada ugu weyn ayaa ah xilliyadii dagaalka in caruur badan ku leedeen dugsiyada sababtoo ah waxay ku yaalaan waddooyinka waxayna sababtay in maleeshiyaadkii gabaad ka dhigtaan dugsiyada ama xabado iska socda ay qabsadaan. Halkaasna caruur badan ay ku dhintaan.

Mida kale oo jirta waxay tahay dhammaan dugsiyada quraanka ee ku yaal Magaalada Muqdisho 98% mahaystaan dhisme ku haboon waxbarashada waayo waa jiingado, roob hadduu yimaado, buugaagta, alwaaxda iyo kitaabtaba waa qoyayaan. Waxaa sifudud usoo gala biyaha xilliyada roobabka taas oo sababta in dugsiyada la aadin muddo.

Dhismaha dugsiyada ay haystaan waa Baacwayne waana shabaq saas oo ay tahay haddana waa kuleyl ardaygiina waa ku adagtahay in uu waxbarto, qeybtoodna waxaa ku xirma naqaska.

Caqabadaha haysta
1. Dhismo la’aan iyo dayactir la’aan.

  1. Dadka oo aan ihtimaam siin. Qoyskii meel degan sida magaalooyinka, tuulada IWM waxay xoogga saaraan oo qudha sida ay Masjid udhisan lahaayeen xataa bogcado waa ugadaan balse uma gadaan dhul dugsiyada ma dhisaan. Umana haystaan wax dadweyne oo waxay u arkaan wax shakhsileeyahay, waana dhibta ka jirta geyiga.
  2. Macaliin aan khibrad haysan. Ma haystaan khibrad ku filan macalimiinta waxbaraysa ardada, waayo waxay ubaahanyihiin in la kobciyo garashada ardayda, maankooda iyo fahamka guud.
  3. Manhaj aan midaysnayn. Waxaa dhibaato ka jiraan waxyaalaha ay dadka barayaan, qaabka ay wax ubarayaan iyo wixii laga rabay macallinka oo meesha ka maqan. Waxay keentay in macallinkasta meel iska furto, ardaydana uxariiqo wax un, haddii laga beddelo oo mid kale loo geeyana wuxuu rabaa in bartii uu ka soo bilaabo taas oo ahayd caqabadda ugu weyn ee haysata bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan ardada waxbaranaysa.

Waxaa ugu siidaran macallimiinta qeyba waxbay ardada udhigaan qeyb waxay udhigaan {Alif kasra} IWM. Iyo qolyo udhiga ardada {Alif wax maleh}.  Midaas oo ardaydu aad ugu wareerto, kuna silicdo ileen mahaystaan wax ay bartaan.

  1. Towjiid la’aan. Ardada waxay ubaahanyihiin in laga dhiso xagga towjiidka oo laysugu wado towjiidka iyo quraanka si ay ugu sahlanaato barashada qur’aanka. Waxaana aad ugu wareersan ardayda Soomaaliyeed ee barata quraanka in caqabad kala kulmaan taas.
  2. Kantarool la’aan. Ma jirto cid kormeerta dugsiyada quraanka waxay baraan caruurta taas oo mararka qaar keenta in  macallimiintu ay ardada wax aan quraanka ahayn baraan, dhib badana ay halkaas ka jirto.
  3. Ma jirto waqti cayiman oo ardayga lagu baro quraanka. Inta badan waxaa dhacda in ardayda barataa quraanka aysan helin wixii ay ubaahnaayeen oo dhan, waxayna ku qaadataa in ay wax bartaan muddo 6-10 sano ama ka badan. Taasna waa caqabad weyn oo ka jirta waddanka.
  4. Soomaalida waxay ku amaananyihiin waxaa kamida quraanka in ay baraan caruurta hadday joogaan baadiye ama magaalo, waxay baraan quraanka, waxaana loo baahanyahay sida ay quraanka ubarayaan in ay helaan macallimiin aqoon uleh waxay dhigayaan.
  5. Jirdil iyo cabsi. Macallimiinta dhigta quraanka waxay had iyo jeer dilaan caruurta iyagoo mararka qaar ulaaya si arxan daran oo aad udaran mararka qaar aad isleedahay tani bini’aadanimo ma ahan. Waxaa jirta in macallinka iyo waalidka aysan aqoon sida loola macaamilo ardayga iyo sida ugu fudud ee wax loo fahansiin karo.

Xalka iyo gabagabada

  1. In la helo manhaj midaysan oo laga dhigo dugsiyada quraanka oo dhan.
  2. Waqti cayiman oo ardayga quraanka ku dhammaynaayo in uu jiro.
  3. Goob ku wacan barashada quraanka in la helo iyo dhismayaal ku yaal meel degan oo qurax badan oo aan buuq lahayn kana fog isbitaal, warshad iyo suuq IWM.
  4. In tababar joogta ah lasiiyo macallimiinta si ay usoo saaraan arday carbisan.
  5. In ardayda aan la dilin taas beddelkeedana caruurta loola dhaqmo qaababka ugu sahlan ee wax ku baran karaan.
  6. Kormeer joogta ah. In kormeer joogta ah lagu sameeyo dhammaan dugsiyada quraanka oo dhan si loo hubiyo in waajibaadkooda ka soo bexeen macallimiinta.
  7. In sharci laga soo saaro dugsiyada quraanka oo dhan si loo helo nidaam iyo kala dambayn iyo isla xisaabtan dhab ah.
  8. Isku xirka waaridka iyo macallinka iyo isku xirka waaridka iyo ardayga, waana shay muhiim ah oo meesha ka maqan in la helo waarid uheelan in uu lasocdo awlaadda iyo xaalkooda.
  9. In dadwaynuhu ogaadaan dugsiyada quraanka in ay uga fekeraan sida hanti iyagu leeyihiin oo kale si loo helo madal ku haboon barashada iyo xifdinta quraanka.
  10. Abaal marinsiin. Macallinkii iyo ardaygii ka soo baxa waajibkiisa waa in uu helaa dhiirigelin joogto ah iyo abaalmarino si uu shaqadiisa ugu tago una sii laban laabo. Waxaana la helayaa dad tayo leh oo ka dhisan dhan walba.

Laguma soo koobi karo talooyinka aan usoojeedinaayo dadweynaha iyo qaybaha kala duwan ee bulshada. Waxaana rajaynayaa in waxbadan iska beddelaan xaaladda hadda lagu jiro si loo helo goobo lagu barto quraanka kariimka ah oo ku haboon.

 

Fikirkaada Waa Muhiim