Laga soo bilaabo burburkii kadib waxa jiray caqabado aad u weyn oo soo wajahay waxbarashada. Waxayna ka mid tahay waxyaalaha ilaa hadda laga soo kaban la’yahay in la helo waxbarasho tayaysan. Waxaana xilliba xilliga ka dambeeyay soo siyaadayay iskuulaad aad u badan balse kala ah mowqif iyo kala manhaj taas oo caqabad ku ahayd caruurta Soomaaliyeed waana midda aan rabo bal in aan yare dul istaago heerarka kala duwan ee waxbarashada dugsiyada heerarkeeda kala duwan Insha Allaah.

Markii la waayay dowlad isku xilqaanta maaraynta waxbarashada waxaa kordhay oo siyaaday dad iyagu iskood isku xilqaamay oo samaystay iskuulo aad ubadan iyagoo mid kasta uu ufurtay sida uu uga heli lahaa nolol maalmeedkiisa dhabta ah waana wax caadi ka ah kolka aad joogto waddamada dib udhaca ku yimid intooda badan.

Waxaa jira in iskuulaad badan oo loo furtay in laga ganacsado iyo in lagu tuugsado. Qeybo kamida iskuulaadka waxaa lacago looga cunaa waddamo carbeed iyadoo lagu dhigaayo iskuulkaas wixii dalkaas laga dhigi jiray iyo danahooda gaarka ah oo ay ka fushan jireen.

Waxaa iyana xilliyadii dhexe soo baxay dallado dhowr ah oo kala qeybsaday iskuulaadka iyagana ka sokow in iskuulaad badan isugu tageen waxaa jiray taas beddelkeeda in tayada waxbarashada ay hoos udhac weyn ku timid iyo tartan ay kala galeen dalladaha oo mid walbaa isleeyahay yaanan lagaa iskuul badsan IWM.

Walow dalladu ay buuxisay gaab weyn oo jiray haddana waxbadan baa iyaga qudhooda ka khaldanaa taas oo ugu weyn tahay in imtixaanaadka ay qaadayaan ay sixi jireen maamulada iskuulaadka oo iyaga lacag uga qaadan jireen ardada lagayaabo arday aan imtixaankaba galin in ay siin jireen darajo aad usaraysa taas oo ka dhigi jirtay in dad badan oo aan waxbaran ay helaan shahaadooyin bilaash ah.

Waxaa iyana jirtay in dalladaha qaarkood ay hay’ado ku xirnaayeen oo ka heli jireen dakhli badan si loo fuliyo manhajka hay’adahaas taas oo ka hirgashay geyiga Soomaaliya meel kasta oo aad ka tagtid.

Dhibta ugu badan waxay ka jirtay bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya taas oo sababtay maamul la’aan iyo in qolo kasta waxay doonto ku dhaqaaqdo. Mana jirin hay’ad waxbarasho oo arrintaas iska xilsaartay ama wasaarad waayo dowladuba waxay ku jirtay dib usoo kabasho.

Waxaa jiray maamul goboleedyo ka samaysmay Soomaaliya oo ugu horaysay deegaanka Somaliland iyo Puntland oo iyagana isku arkaayay in ay yihiin dowlado madaxbanaan waxayna udhaqmi jireen sidii ay doonaan. Waxayna samaysteen nidaam dowli oo iyaga ugaar ah iyo manhajyo walow qudhooda ay ka jiraan manaahij aad ukala duwan oo kala madax banaan iyo dallado iyana geestooda ka qaraabta.

Saas oo ay tahay waxay ku fiicnaayeen imtixaano midaysan bay ka qaadi jireen ardada taasna waxay sahashay in la yareeyo in qof kasta isaga oo aan iskuul dhigan in uu helo shahaado uusan shaqaysan.

Markaan ka imaado xilliyadii hore hadda la joogo waxaa weli jirta caqabado badan oo ay ka midyihiin
1. In qolo kasta ay samaysato iskuul si ay uhelaan dakhli badan oo ay noloshooda ku maareeyaan.

  1. In uusan jirin isla xisaabtan iyo kala dambayn ardada dhexdooda ah iyo maamulka iskuulka.
  2. In dowladu aysan awood uyeelan in ay xakamayso iskuulaadkaan iska yaacaya midkastana furanaayo iskuul.
  3. Nidaam kala haga iskuulaadka oo aan weli la helin.
  4. Qiimayn la’aan iyo tayadii waxbarashada oo hoos udhac ku yimid.
  5. Macalimiin aan helin xuquuqdii ay lahaayeen iyo awoodsiinta ardayda si loo helo lacag un.
  6. In aan lala xisaabtamin ardayga sida uu rabona loola dhaqmo.
  7. In aysan jirin manhaj midaysan oo waxbarasho oo dalka siguud uga hirgalay.
  8. In ardayda lasiin muraajaco iyo aqoon korarsi si loo joogteeyo maankooda.
  9. Dhiirigelin la’aan ka jirta iskuulaadka dhexdooda iyo abaalmarinta ardayda kaalmaha gala.
  10. Iskuulaadka oo aad ubadan marka loo eego bulshada meesha degan maadaama qabiil iyo jifi kasta samaysatay iskuul iyadu leedahay.
  11. Awoodii wasaaradda oo meesha ka maqan iyo dib u eegistii iskuulaadka.
  12. In ardada la siiyo koorsooyin gaagaaban isagoo sanad iyo kayarba ku gala imtixaanka shahaadooyinka ah taas oo keentay dib udhac weyn.
  13. Qalab la’aan sida agabkii waxbarashada kuraas, miisaska, laababkii iyo adeegyadii kale.
  14. In la arko arday aan dhaqan wanaagsanayn oo qaab ardaynimo loo arkin, dhar kala jaad ah, kuwa uskuk ah iyo kuwa dhaqamo xunxun la soobaxa.
  15. Qiimayn la’aan xagga ardada baastay iyo kuwa dhaca oo jira.
  16. Manaahij aad ukala duwan oo ka jira iskuulaadka dhexdooda ah taas oo caqabad jirta ah.
  17. Iskuulaad iska xirma had iyo jeer sabab la’aan.

Ma ahan mid halkaan lagu soo koobi karo dhibaatooyinka ka jira dalka taas oo ubaahan in waxlaga qabto waana mid siguud ubaahan in loo wajaho.

Xalka iyo gabagabada

  1. In dowladu xil iska saarto in dib u eegis ku samayso iskuulaadka iyo heerarka waxbarashada.
  2. Dhaqan gelinta manhajka cusub ee hadda la bilaabay iyo dardargelinta kuwa dhiman ee dugsiyada sare.
  3. Qiimaynta iskuulaadka kan uqalma iyo kuwa aan uqalmin.
  4. Soo bandhigidda iskuulaadka ugu fiican ee jira.
  5. Kormeer joogta ah iyo tababar loo sameeyo maamulada iyo macalimiinta iskuulaadka si loo helo arday tayo leh oo dhisan.
  6. In la xoojiyo waxbarashada asaaska ah si looga baaqsado tayo xumada jirta.
  7. In la kordhiyo dakhliga ku baxa waxbarashada si loo helo agabkii waxbarashada iyo laababkii.
  8. In lakala yareeyo iskuulaadka wixii israaci karana laysugu daro wixii kalena meesha laga saaro aan buuxin shuruudaha uyaal wasaaradda waxbarashada.

Waxaana rajaynayaa in qof kasta oo Soomaali ah ama xil hahayo ama yuusan hayn in uu masuuliyad iska saaro in jiilka cusub ee soobaxaya iyo kuwa hadda jiraba in ay helaan waxbarasho nidaamsan oo tayoleh si looga baaqsado jaahil iyo dib udhac ku yimaada nidaamka waxbarashada.

Fikirkaada Waa Muhiim