Hooyada xilliga ay uurka leedahay waxaa ku dhici kara cudurka duumada,waxa uuna kamid yahay  dhibaatoyinka  caafimaad daro ee ugu badan oo soo wajaho Hooyada xilliga ay uurka leedahay.

Waxa ayna saameyn caafimaad daro ku keentaa Hooyada iyo cunnuggedaba. Siddoo kale waxa ay ku sababtaa in hooyada ay dhiciso,ama cunuggii oo dhasho waqtigiisa aan wali la gaarin, sidoo kale waxa ay sababi kartaa dhimashada cunugga marka uu dhasho ka dib.

Maxaa Sababo Duumada Ku Dhacdo Hooyada Uurka Leh?

Dumarka waxaa ku dhaco isbdalo badan xilliga uurka, waxaa hoos u dhac ku imaado difaaca jirkooda, sidoo kale hooyada xilliga uurka waxaa kusoo siyaado xubin cusub waxaana loo yaqaana xubintaas ibidda canugga.

Isbadaladaas dhammaan waxa ay sababi karaan in hooyada u fududahay in ay ku dhacdo cudurka duumada, kaasoo saameyn ba’an ku reebo caafimaadka  hooyada iyo canuggeedaba.

Hooyada Xilliga Uurka Ay Leedahay Ma Laga Daaweyn Karaa Cudurka Duumada?

Waa su’aal inta badan ku taagan dadkeenna Soomaaliyeed. Inkastoo hooyada xilliga ay uurka leedahay aysan qaadan Karin daawo kasta, haddana waa muhiin in aan ogaano in hooyada laga daaweyn karo cudurka duumada.

Haa cudurka duumada waa laga daaweyn karaa hooyada xilliga ay uurka leedahay, waliba waxaa qasab ah in aysan daawaadu laheyn wax saameyn caafimaad daro ah,waxaa muhiin ah mar waliba hooyada in ay latashato daqtar.

Sidee Hooyada Uurka Leh Uga Hortaggi Kartaa Cudurka Duumada.

  • Hooyada mar waliba in ay qaadato cunno dheelitaran, si uu kor ugu qaadmo difaaca jirkeeda.
  • Hooyada meesha ay ku nooshahay in laga illaaliyo in ay noqoto meelo biya fadhiyo, taasoo sababi karto in ay meesha ka dhalato kaneeco.
  • Hooyada in ay isticmaasho maro kaneeco mar waliba ama in ay hooyada buufiso guriga ka hor waqtiga seexashada.

 

Mahadsanidiin

Fikirkaada Waa Muhiim