Cudur kasta waxa uu leeyahay daawooyin ugaara mid kaalmaati iyo mid sugan oo lagu dabar gooyo xanuunka. Daawooyinka ayaa isugu jira kuwa ka samaysan kiimiko iyo kuwa aan ka samaysnayn oo ah kuwo Herbal ah. Xilliga aynu hadda joogno Soomaalidu waxay 95% isticmaashaa daawada kiimikada ah iyagoo u adeegsanaya qaabab kala duwan iyo xanuuno ay la daala dhacayeen in ay ku dhakhtaraan.

Waxaa jira daawooyin Herbal ah oo loo isticmaalo qaabab kala duwan walow 80% aysan aqoon fiican u lahayn Soomaalida adeegsigeeda waayo cilmi qoto-dheer u malahan habka ugu sahlan ee loo isticmaali karo daawooyinka Herbalka ah.

Waxaa dhacda in dad badan ay qaateen oo ku dhintaan iyo kuwo iska badshay iyo kuwo iska isticmaalay iyagoon waxba qabin ayna sababtay in daawadii ay qaateen wayday cudurkii loogu talo galay si ay udaawayso. Waxaana ka dhashay dhimasho iyo cudur kolkaas ku abuurma ileen mudaawaadka haddii ay waayaan meeshii loogu talogalay iyo in ay disho cudurkii loo asteeyay waxaas oo isbiirsada ugu dambayn waxay ku urudhaa in qofkii isticmaalay labo mid noqdo.

1. In uu qofku dhinto maadaama uu qaatay dawo khaldan oo xanuunkeedii waxaan ahayn loogu isticmaalay.

2. Iyo in daawadii qudheedii ay abuurto xanuuno kale  ileen daawadu waxaa loogu talogalay in ay la dagaalanto Bakteeriyada, haddii aysan jirin wax jeermis ah waxay isku dayaysaa in ay abuurto xanuuno cusub iyo in qofkii qudhiisa jirkiisa kala dhantaasho.

Waxaana sababa in daawooyinka Herbalka ah si khaldan loo isticmaalo waxyaabahaan soo socda.

1. Qofkii ka bacmushtaraayay oo aan aqoon ulahayn daawooyinka aan ka ahayn halkaas baa loo isticmaalaa.

2. Iyadoo aysan jirin qiyaas xadidan oo qofku isticmaalikaro taas oo iyana ah dhibta ugu weyn jirta dad badana ay halkaas ku idlaadaan.

3. Qofkii oo aan xanuun hayn oo labaarin in lasiiyo daawooyin taasna ay keento in uu ku dhinto ama ku jirado sida inta badan aragno.

Haddaba waxaa jira waxyaalo haddii siday tahay loo isticmaalo keena in qofka uu ka helo dawo dhammaystiran Allaa dawada baxshee, waxaana ka mid ah:-

1. Xabad-sowda: Xabad-sowdadu waa shay qaaliya oo aan la helin, waxayna dawo utahay xanuuno badan oo aafeeyay dadka Soomaalida. Xabad-sowdada waxay ubaahantahay oo keliya waa niyo. Waxayna dawo utahay cudur kasta oo jira balse waa in niyad ahaan iska dhaadhicisaa in aad ku caafimaadayso.

Soomaalidu hadda waxay aad u isticmaashaa xabad-sowdada xilliga uu ku dhaco Hargabka ama durayga. Hargabku waa qeyb kamida Fayraska balse dadkeenu kolka uu ku dhaco waxay ku darsadaan shaaha, cunada IWM. Sidoo kalena waxay mariyaan jirka hadba meesha ay ka tabanayaan xanuunka. Ma ahan cayaar xabatu-sowdada hana dhayalsan waa in aad isticmaasho had iyo jeer, gurigaagana ay kuu taalo, niyaysataana in aad ku caafimaadayso.

2. Toonta: Toontu waxay ka midtahay daawooyinka la hubo waa haddii sida ay tahay loo isticmaalo. Waa shay ubaahan in bulshadu dareensanaato faa’idooyinka ay leedahay toonta iyo waxyaalaha loo isticmaalo.

Waxaa xaqiiqo ah in toontu aad ugu fiicantahay oo Soomaaliduna u isticmaasho Gooryaanka. Si aad u isticmaasho waxaa la sameeyaa:

A}. Marka kowaad waxaa la soo qaataa caag nadiif ah oo wax jeermis ah lahayn, waxaana la fiiqaa oo galka laga diiraa toonta, kadibna waa la tumaa waxaana lagu shubaa caaga aad usoodiyaarsatay adoo biyo ku daraya.

B}. Markii aad biyaha ku darto waxaa la sameeyaa waa la ruxaa caaga kadibna waa la qamiirshaa { yacni meel baa la dhigaa waana loo daayaa muddo 24 saacadood ah} si ay umilanto.

C}. Kadibna waxaa la cabaa subax kasta kolka aad salaada tukato adoo gaajaysan oo afkaaga wax cunto ah iyo biyo ah saarin.

D}. Gooryaanku xilligaas aad buu ukacsanyahay waana gaajaysanyahay. Waxa keliya uu sugaayo waa wuxuu cuno afka ayuuna kala hayaa waxaana quraac looga dhigaa biyaha toonta.

E}. Biyaha toonta in aad cabto waxay kaaga baahantahay waa dulqaad iyo geesinimo, waxayna kaaga baahantahay in aad indhaha isku qabato oo ugu yaraan labo jeer cantuugto si bahalka loo dilo oo looga taqaluso.

F}. Haddii aad usticmaasho sida ay tahay xaqiiq waxaa hubaal ah in uu soo dhicidoono bahalku isagoo bakhtiya, waana xaqiiq la hubo oo dhab ah.

Haddaba qiyaasta uu qofka ubaahanyahay in uu qasto waxay ku xirantahay hadba waxa uu haysto balse waxa ugu fiican ugu yaraan nuskiilo in uu qasto ilaa kiilo ileen waxa halmar lama isticmaalayo oo asbuuc baa lawadayaa.

Intaas waxaa dheer waxaad ku qasan kartaa caanaha lacabo, cunada oo lagu darsado haddii aad joogtayso waxaa dhab ah in uusan kuu soodhawaanayn wax gooryaan la dhaho haba yaraadee IWM. Waana in aad u isticmaasho sida ay tahay.

3. Malabka:- Malabka waxa uu ka midyahay daawooyinka ugu caasan ee la isticmaalo, waxaana loo isticmaalaa xanuun kasta oo loo qasdo waana shay muhiim ah. Waxaana inta badan lagu sheegaa diinta in uu malabku yahay daawo lahubo. Waxaana muhiim ah in uu guriga kuu yaalo mar walba weliba kan saafida ah ee asalka ah oo aan soo marin wax warshad ah.

4. Subag-madoobe:- Subag-madoobe intii aan aqoon waxaa la dhahaa Wan dhufaanan {Tuman} ama lax madhasho ah oo 6-8 sano jir ah  oo buuran subagiis. Waxaa la qalaa  Wan ama lax madhasho ah kadibna baruurta ayaa la siiyaa qofka bukaanka ah waana laga dharjiyaa, inta soo harta waa loo shiilaa waxaana loogu daraa cunada markasta iyo xilli kasta uu cunada cunaayo.

Haddaba maxay faa’ido leedahay in Subag-madoobe la isticmaalo?

1. Waxay la dagaalantaa waxkasta oo jirka qofka Bini’aadamka ah ku buro ah.

2. Haddii ay jirto waddo ay ka bixi karaan waxa siyaadada ku ah qofka waa ka baxayaan haddii aysan jirina waxay samaysanayaan irid ay kabaxaan.

3. Hilibka idaha waa dawo la hubo oo xaqiiq ah, anagu waxaan nahay Soomaali, waxaana aad udhaqanaa idaha haddii aan u isticmaalno sida ay tahay waxaa dhab ah in uusan jireen qof ka cowda xanuunada yaryar ee jirka ku siyaadada ah.

Waxaan aragnaa in dhakhaatiirtu ay dhahaan hilibka Idaha yaan loo dhawaan? Ma iswaydiisay sababta?

Sababta wax kale ma ahan waxay daawo utahay cudur kasta oo qofka ku dhaca inyar mooyaane, waxayna la dagaalantaa bakteeriyada iyo fayraska iyo walxaha kale ee jirka soogala, mana u ogolaato jirka qofka in uu deris la ahaado.

Hadda ka hor anoo Tuulo jooga ayaa habeen u ugaarsi tagay miyiga, waxaana doontay Sagaaro, waxaan arkay sagaaro waan cayrsaday anoo cayrsanaya waxaa igu soo fikatay laan, midaasoo ay kutaal geedka la dhaho Qaroonta, waxaana imuday kurtin weyn oo qaroon ah waxayna iga gashay oday ka boojista ama canqowga hadba sida aad utaqaano.

Waxayna dantu igu ka liftay in meesha layga soo qaado, waxaana lay keenay magaalada si qaliin loogu sameeyo. Balse kolkii aan magaalada imid ayaa maamo Ayeeyday ah tidhi wiilka wax qaliin ah lagu samayn maayo, waxayna igu qaaday gaari, xaafad adeer lahaa oo baadiye ah baa lay geeyay.

Waxaana habeenkii lay qalay wan weynaaday oo subag-madoobe ah baruurtiisii baa habeenkii laysiiyay, subixiina baruurtii, quraac, qado iyo casho baa laygu daray waxayna Alle qadar ay in 24 saac gudahood ay qodaxdii banaanka usoo baxdo iyadii iyo qashinkeediiba.

Idaha hilibkooda waa dawo, dawo kalena lama tuso yacni haddii aad qaadato dawo kiimiko ah oo aad isticmaasho hilib idaad waxaa dhacda in hilibkii idaha ay dagaal lagasho dawada qofka uu isticmaalayay ilaa qofka uu gaaro heer uu ku xanuunsado dawada.

Waxaan goob joog u ahaa nin ay ku dhacday TB ayaa loo soo qoray dawo, waxaana la dhahay isticmaal waxkasta aan ka ahayn saddex shay mooyaane:-

A}. Naag

B}. Balwad

C}. Iyo hilib idaad.

Balse ninka oo ahaa xoolalay labo waa iska joojiyay balwad iyo naag taas beddelkeedana waxa uu xoogga saaray cunida hilibka Idaha, waxa uuna ka dhigtay joogta in uu cuno saddexda waqti isagoo isku waday daawada, waxayna keentay in saddex bil gudaheed dhammaan bakateeriyadii jirka saa’idka ku ahayd dhammaato oo dhimato. Wiilkiina waqtigii loogu talogalayna isagoo aanba gaarin in uu noqday faay uu caafimaad badnaaday.

5. Biyaha:- Biyuhu waa dawada keliya oo xaqiiqa ah, qofba qofka uu ka isticmaal badanyahay biyaha waa ka caafimaad badanyahay. Haddii aad joogtayso biyaha waxaan hubaa in aad haysato caafimaad dhab ah oo xaqiiqo ah. Cab biyo badan laga bilaabo aroortii ilaa makhribkii, habeenkiina kolka aad seexanayso cab galaas biyo ah waxaana ka helaysaa caafimaad taam ah waa haddii aad niyaysato.

F.G. Biyuhu waa in ay ahaadaan kulayl aysan noqon baraf.

 

Fikirkaada Waa Muhiim